1 M arkaad dagaal ugu baxdaan cadaawayaashiinna, oo aad aragtaan fardo iyo gaadhifardood iyo dad idinka sii badan, waa inaydaan ka cabsan, waayo, waxaa idinla jira Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar.
«حِينَ تَخرُجُونَ لِلحَربِ ضِدَّ أعدائِكُمْ، وَتَرَونَ خُيُولاً وَمَركَباتٍ وَجَيشاً أعظَمَ مِمّا لَدَيكُمْ، لا تَخافُوا مِنهُمْ، لِأنَّ إلَهَكُمُ الَّذِي أخرَجَكُمْ مَنْ أرْضِ مِصْرَ مَعَكُمْ.
2 O o markaad dagaalka ku soo dhowaataan, wadaadku waa inuu dadka u soo dhowaadaa oo la hadlaa,
«وَقَبلَ أنْ تَتَقَدَّمُوا لِلمَعرَكَةِ، يَتَقَدَّمُ الكاهِنُ وَيُخَاطِبُ الجَيْشَ
3 o o ha ku yidhaahdo, Reer binu Israa'iilow, maqla, maanta waxaad ku soo dhowaanaysaan dagaal aad cadaawayaashiinna kula diriraysaan, haddaba qalbigiinnu yuusan itaal darnaan, oo ha cabsanina, hana gariirina, iyagana ha ka baqina,
وَيَقُولُ: ‹استَمِعْ يا إسْرائِيلُ! سَتَذْهَبُونَ اليَومَ لِمُحارَبَةِ أعدائِكُمْ. فَلا تَخُرْ شَجاعَتُكُمْ، وَلا تَخافُوا وَلا تَرهَبُوا وَلا تَرتَعِبُوا مِنْهُمْ،
4 m axaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa ah kan idinla socda inuu idiin dagaallamo oo cadaawayaashiinna idiinka hiiliyo si uu idiin badbaadiyo.
لِأنَّ إلَهَكُمْ يَذْهَبُ مَعَكُمْ لِيُحارِبَ أعداءَكُمْ عَنكُمْ، وَلِيُساعِدَكُمْ عَلَى تَحقِيقِ النَّصرِ.›
5 O o saraakiishu dadka ha la hadleen oo ha ku yidhaahdeen, Ninkee baa guri cusub dhistay oo aan weli u ducaysan? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo intuu dagaalka ku dhinto uu nin kale u ducaystaaye.
«ثُمَّ يَقُولُ القادَةُ لِلجَيشِ: ‹هَلْ هُناكَ مَنْ بَنَى بَيتاً جَدِيداً وَلَمْ يُكَرِّسْهُ بَعْدُ؟ فَلْيَرجِعْ إلَى بَيتِهِ. فَإنَّهُ قَدْ يَمُوتُ فِي المَعرَكَةِ، وَيُكَرِّسُ بَيتَهُ رَجُلٌ آخَرُ.
6 O o ninkee baa beer canab ah beertay oo aan weli midhihiisii ku isticmaalin? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo intuu dagaalka ku dhinto uu nin kale midhihiisa ku isticmaalaaye.
أوْ هَلْ مِنْكُمْ مَنْ زَرَعَ كَرماً لَكِنَّهُ لَمْ يَأكُلْ مِنْ ثَمَرِهِ بَعدُ؟ فَليَرجِعْ إلَى بَيتِهِ. فَإنَّهُ قَدْ يَمُوتُ فِي المَعرَكَةِ، وَيَأكُلُ شَخصٌ آخَرُ ثَمَرَهُ.
7 O o ninkee bay naagu u doonan tahay, oo aan weli guursan? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo intuu dagaalka ku dhinto uu nin kale guursadaaye.
أوْ هَلْ مِنْكُمْ مَنْ خَطَبَ امْرأةً لَكِنَّهُ لَمْ يَتَزَوَّجها بَعدُ؟ فَليَرجِعْ إلَى بَيتِهِ. فَإنَّهُ قَدْ يَمُوتُ فِي المَعرَكَةِ، وَيَتَزَوَّجُها شَخصٌ آخَرٌ.›
8 O o saraakiishu weliba dadka ha la sii hadleen oo ha ku yidhaahdeen, Ninkee baa cabsanaya oo qalbigiisu itaal daranyahay? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo qalbiga walaalihiis uu u baqaa sida qalbigiisoo kale.
«ثُمَّ عَلَى الرُّؤَساءِ أنْ يَقُولُوا لِلجَيشِ: ‹هَلْ هُناكَ مَنْ هُوَ خائِفٌ أوْ فاقِدٌ لِلشَّجاعَةِ؟ فَليَرجِعْ مَثلُ هَذا إلَى بَيتِهِ كَي لا يَجعَلَ الآخَرِينَ يَفقِدُونَ شَجاعَتَهُمْ.›
9 O o markay saraakiishu dadka lahadliddiisa dhammeeyaan waa inay doortaan saraakiil ciidameed inay dadka madax u noqdaan.
وَحِينَ يَنتَهِي الرُّؤَساءُ مِنْ مُخَاطَبَةِ الجَيشِ، يُعَيِّنُونَ قادَةً لِفِرَقِه.
10 M arkaad magaalo ugu soo dhowaataan inaad la dirirtaan, waxaad u naadisaan war nabdeed.
«وَحِينَ تَقتَرِبُونَ مِنْ مَدِينَةٍ لِتُحارِبُوها، فاعرِضُوا السَّلامَ أوَّلاً.
11 O o hadday jawaab nabdeed idin siiyaan oo ay albaabka idinka furaan, waa inay dadka magaaladaas dhexdeeda laga helo oo dhammu addoommo idiin noqdaan oo ay idiin wada adeegaan.
فَإنْ قَبِلُوا عَرضَكُمْ لِلسَّلامِ وَفَتَحُوا بَوّاباتِهِمْ، يَصِيرُ جَميعُ سُكّانِ تِلكَ المَدِينَةِ خُدّاماً وَعُمّالاً لَدَيْكُم.
12 O o hadday idinla nabdi waayaan, laakiinse ay doonayaan inay idinla diriraan, markaas waa inaad hareeraysaan,
وَلَكِنْ إنْ لَمْ تُسالِمكُمْ وَحارَبَتكُمْ، فَحِينَئِذٍ يَنبَغِي أنْ تُحاصِرُوها.
13 o o markii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu magaalada idiin soo gacangeliyo, dadkeeda labka ah oo dhan waa inaad seef ku wada laysaan,
وَعِنْدَما يُعْطِيكُمُ إلَهُكُمْ المَدِينَةَ، اقْتُلُوا كُلَّ ذُكُورِهِمِ الكِبارِ.
14 l aakiinse dumarka iyo dhallaanka iyo xoolaha iyo waxa magaalada ku jira oo dhan, xataa wax kasta oo laga dhacaba waa inaad booli ahaan u qaadataan, oo waa inaad cuntaan xoolihii aad cadaawayaashiinna ka dhacdeen oo Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey.
أمّا النِّساءُ وَالأطفالُ وَالحَيواناتُ وَكُلُّ ما هُوَ ثَمينٌ فِي المَدِينَةِ، فَخُذُوهُ لِأنفُسِكُمْ، وَاستَخدِمُوا غَنِيمَةَ أعدائِكُمُ الَّتِي يُعطِيها إلَهُكُمْ لَكُمْ.
15 O o sidaas waa inaad u wada gashaan magaalooyinka idinka fog oo aan ahayn magaalooyinka quruumahan.
هَكَذا تَفعَلُونَ لِكُلِّ المُدُنِ البَعِيدَةِ عَنكُمْ، الَّتِي هِيَ لَيسَتْ مُدُناً لِلأُمَمِ الَّتِي هُنا.
16 L aakiinse magaalooyinka dadyowga Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka idiin siiyey waa inaydaan wax nool oo neefsada dhexdooda ku reebin,
«لا تُبقُوا شَيئاً حَيّاً فِي كُلِّ مُدُنِ الشُّعُوبِ الَّتِي يُعطِيها إلَهُكُمْ لَكُمْ مَلكاً.
17 i llowse waa inaad dhammaantood u wada baabbi'isaan, kuwaasoo ah reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuusba, siduu Rabbiga Ilaahiinna ahu idiinku amray,
اقْضُوا عَلَيهِمْ تَماماً – الحِثِّيِّينَ وَالأمُورِيِّينَ وَالكَنعانِيِّينَ وَالفِرِزِّيِّينَ وَالحُوِّيِّينَ وَاليَبُوسِيِّينَ – كَما أوصاكُمْ إلَهُكُمْ.
18 s i ayan idiin barin inaad samaysaan waxyaalahooda karaahiyada ah oo ay ilaahyadooda ku sameeyeen oo dhan, oo aydaan idinku saas ugu dembaabin Rabbiga Ilaahiinna ah.
لِكَي لا يُعَلِّمُوكُمُ الأشياءَ الكَرِيهَةَ الَّتِي يَعمَلُونَها لِألِهَتِهِمْ، فَتَخطِئُونَ إلَى إلَهِكُمْ.
19 O o markaad wakhti dheer magaalo dagaal ku hareeraynaysaan si aad u qabsataan, waa inaydaan dhirteeda faas ku baabbi'in, waayo, wax baad ka cuni karaysaan, saas aawadeed waa inaydaan jarin. Waayo, bal geedka duurka ma nin baa oo aad saas darteed u weerartaan?
«وَإنْ حاصَرْتُمْ مَدِينَةً لِأيّامٍ كَثِيرَةً، وَحارَبْتُمُوها لِكَي تَمْتَلِكُوها، فَلا تُفسِدُوا أشْجارَها بِالفُؤوسِ. كُلُوا مِنْ ثَمَرِها، وَلا تَقْطَعُوها. فَهَلْ أشْجارُ الحَقلِ بَشَرٌ حَتَّى تُهاجِمُوها؟
20 W axaad keliyahoo baabbi'isaan oo jartaan dhirta aad garanaysaan inayan ahayn dhir la cuno, oo magaalada idinla dirirayso waa inaad hareeraheeda ka dhisataan dhufaysyo ilaa ay dhacdo.
لَكِنْ يُمكِنُكُمْ أنْ تَقطَعُوا الأشْجارَ الَّتِي تَعرِفُونَ أنَّها غَيرُ مَثمِرَةٍ، وَتَستَخْدِمُوها فِي حِصارِ المَدِينَةِ الَّتِي تُحارِبُكُمْ إلَى أنْ تَسقُطَ.