Samuu'eel Labaad 14 ~ ﺻﻤﻮﺋﻴﻞ ﺍﻟﺜﺎﻧﻲ 14

picture

1 M arkaasaa Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay ayaa ogaaday in boqorka qalbigiisii Absaaloom la jiro.

وَعَلِمَ يوآبُ بنُ صُرُوِيَّةَ باشتِياقِ الملِكِ داوُدَ الشَّديدِ إلَى ابْنِهِ أبْشالُومَ.

2 M arkaasaa Yoo'aab u cid diray Teqooca, oo wuxuu halkaas uga yeedhay naag caqli badan, oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye, waxaad iska dhigtaa sidii mid barooranaysa, oo waan ku baryayaaye, waxaad xidhataa dharkii baroorta, saliidna ha ku subkan, laakiinse waxaad noqotaa sidii naag wakhti dheer ku ka dhintay u barooranaysay;

فأرْسَلَ إلَى تَقُوعَ رسُلاً يُحضِرونَ امْرأةً حكيمَةً مِنْ هُناكَ. وَقالَ يوآب لِهَذِهِ المَرْأةِ الحَكِيمَةِ: «تظاهَري بالحُزْنِ الشَّدِيدَ. ارْتَدِي ثِيابَ الحِدادِ، وَلا تَهْتمِّي لِمظْهَرِكِ الخارِجِيِّ بلْ تَصرَّفي كامْرأةٍ تَبْكِي فَقِيدَها.

3 o o waxaad u gashaa boqorka, oo sidan ula hadal. Sidaasuu Yoo'aab erayadii afka ugu riday.

اذْهَبِي إلَى المَلِكِ وَقُولِي لَهُ ما سَأقُولُهُ لَكِ تَماماً.» فَخّبَّرَ يوآبُ المَرْأةَ ماذا تقولُ.

4 O o naagtii reer Teqooca markay boqorkii la hadashay ayay dhulka wejiga saartay oo u sujuudday, oo waxay ku tidhi, Boqorow, i caawi.

وتَكَلَّمَتِ المرأةُ الآتِيَةُ من تَقُوعَ إلَى الملِكِ، وقَدَ حَنَتْ وجْهَها نَحْوَ الأرْضِ وَقالَتْ: «أيُّها الملِكُ، هلّا ساعَدْتَنِي!»

5 M arkaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Naa maxaa kugu dhacay? Oo iyana waxay ugu jawaabtay, Sida runta ah waxaan ahay naag carmal ah, oo ninkaygiina waa dhintay.

فقالَ لها الملِكُ داوُدُ: «ما هِيَ مُشكِلَتُكِ؟» فقالَتِ المَرْأةُ: «أنا أرْمَلَةٌ. قَدْ ماتَ زَوْجِي.

6 O o anoo addoontaadii ahuna waxaan lahaa laba wiil, oo labadoodii ayaa ku diriray duurka, oo wax kala qabtaana lama jirin; markaasaa midkood kii kale wax ku dhuftay, wuuna dilay.

وكان لي ابْنانِ خَرَجا للحُقُول يَتَقاتَلانِ، وَلَمْ يُوقِفْهُما أوْ يَفْصِلْ بَيْنَهُما أحَدٌ. فقَتَل أحدُهُما الآخَرَ.

7 O o bal eeg, anoo addoontaada ah waxaa igu kacay reerkii oo dhan, oo waxay igu yidhaahdeen, Noo keen kii walaalkiis dilay, aannu walaalkiis oo uu nafta ka qaaday daraaddiis u dilnee, oo aannu kan dhaxalka lehna dilnee; oo saasna waxay u bakhtiin doonaan dhuxushii ii hadhay, oo ninkaygana dhulka uguma ay reebi doonaan magac iyo wax u hadha toona.

فَوَقَفَتِ العائِلَةُ كلُّها ضِدّي وَقالُوا: ‹أحْضِري لَنا الشّابَ الذي قَتَلَ أخاهُ، فَنَقْتُلَهُ لأنَّهُ قَتَلَ أخاهُ.› فَإذا فَعَلُوا هَذا، يُطفِئُونَ حَياتَهُ! وَهْوَ ابْنِي الوَحيدُ الآنَ. وَهَكَذا يَضيعُ اسْمُ زَوجِي مِنْ أرْضِ إسْرائيلَ، لأنَّهُ يَصيرُ بِلا وَريثٍ.»

8 M arkaasaa boqorkii naagtii ku yidhi, Orod oo gurigaagii tag, oo amar kugu saabsan baan bixin doonaa.

حِينَئِذٍ، قالَ المَلِكُ لِلْمَرْأةِ: «اذْهَبي إلَى بَيتِكِ، وسَأهْتَمُّ بالأُمُورِ لأجلِكِ.»

9 N aagtii reer Teqoocana waxay boqorkii ku tidhi, Boqorow, Sayidkaygiiyow, dembigu ha saarnaado aniga iyo reerka aabbahayba; oo adiga iyo carshigaaguna ka eed la'aada, boqorow.

فقالَتِ المرأةُ التقوعية للمَلِكِ: «فَلْتَقَعِ المَلامَةُ عَلَيَّ يا مَولايَ وَمَلِكِي! أنْتَ ومَملَكَتُكَ بَرِيئان.»

10 B oqorkiina wuxuu yidhi, Ku alla kii kula hadla, ii keen oo isna mar dambe ku taaban maayo.

فَقالَ المَلِكُ داوُدُ: «إنْ كانَ أحَدٌ يُكَلِّمُكِ بِسُوءٍ، أحْضِريهِ إلَيَّ، ولَنْ يُزْعِجَكِ ثانِيةً.»

11 M arkaasay tidhi, Waan ku baryayaaye, Boqorow, xusuuso Rabbiga Ilaahaaga ah, si kan dhiig u aaraa uusan mar dambe wax u dilin, waaba intaasoo ay wiilkayga dilaane. Oo isna wuxuu ku yidhi, Nolosha Rabbigaan ku dhaartaye inaan wiilkaaga tin keli ahi dhulka kaga dhacayn.

فقالَتِ المَرْأةُ: «أرْجوكَ أنْ تُقْسِمَ بِاسْمِ إلَهِكَ إنَّكَ سَتَمْنَعُ الَّذِي يَثأرُ لِلدَّمِ مِنْ قَتلِ ابْني لأنَّهُ قَتَلَ أخاهُ، فَيَهلِكَ ابِنِي الثّانِي.» فقالَ داوُدُ: «أقسِمُ باللهِ الحَيِّ، لَنْ يُؤْذِيَ أحَدٌ ابْنَكِ. لن تَسْقُطَ شَعْرَةٌ واحِدَةٌ مِنْ رَأْسِهِ.»

12 M arkaasaa naagtii tidhi, Waan ku baryayaaye, anoo addoontaada ah, aan eray kugula hadlo, boqorow sayidkaygiiyow. Isna wuxuu yidhi, Bal ku hadal.

فقالَتِ المَرْأةُ: «يا مَولايَ وملِكي، أرْجوكَ أنْ تَسْمَحَ لي بِأنْ أقولَ لكَ شيئًا آخَرَ.» فَقالَ المَلِكُ: «تَكَلَّمِي.»

13 N aagtiina waxay tidhi, Maxaad ugu fikirtay wax sidaas ah oo dadka Ilaah ka gees ah? Waayo, waxan aad ku hadlaysay daraaddii, boqorow, waxaad tahay sida mid gardaran, maxaa yeelay, mar dambe reerkii kuma aad soo celin kaagii aad eriday, boqorow.

فَقالَتِ المَرْأةُ: «لِمَ خَطَّطْتَ لِهَذِهِ الأُمورِ بِشأنِ شَعبِ اللهِ؟ أجَلْ عِنْدما تقولُ هَذِهِ الأمورَ تُظْهرُ أنَّكَ مُذْنِبٌ، لأنَّكَ لَمْ تُرْجِعْ الابْنَ الذي أجْبَرْتَهُ عَلَى مُغادَرَةِ دارِهِ.

14 W aayo, kolleyba dhammaanteen waan dhimanaynaa, oo waxaannu la mid nahay sidii biyo dhulka ku daatay, oo aan mar dambe la soo ururin karin; oo Ilaahna nafta ma qaado, laakiinse si fiican buu u talaggalaa, si uusan kii xaggiisa laga eryay u noqonin ku isaga ka go'ay.

يوماً ما، نَموتُ جَمِيعُنا. سنكونُ كما الماءُ الجاري عَلَى الأرْضِ. ما مِنْ أحَدٍ يستطيعُ أن يُلَملِمَهُ. تَعْرِفُ أنَّ اللهَ يُسامِحُ النّاسَ. لَقَدْ خَطَّطَ اللهُ للنّاسِ المُجْبرينَ عَلَى الهَرَبِ لِلْمُحافَظَةِ عَلَى سلامَتِهم، وهُوَ لا يُجْبِرُهُم عَلَى الهُروَبِ مِنْهُ!

15 S idaas daraaddeed ayaan kuugu imid, boqorow, sayidkaygiiyow, inaan eraygan kugula hadlo; maxaa yeelay, dadkaa i cabsiiyey, markaasaan anoo addoontaada ah is-idhi, Haatan waxaan la hadlayaa boqorka, waayo, waaba intaasoo uu boqorku ii yeelaa waxaan weyddiisto anoo addoontiisa ah.

فيا مَولايَ وملِكي، جئْتُ أقولُ لَكَ هذِهِ الكلماتِ. لأنَّ النّاسَ أخافُونِي. فقُلْتُ فِي نَفْسِي سَأُكَلِّمُ الملِكَ، وَلَعلُّهُ يُساعِدُني.

16 W aayo, boqorku wuu i maqli doonaa, inuu anoo addoontiisa ah iga samatabbixiyo gacantii ninkii doonayay inuu na baabbi'iyo oo dhaxalka Ilaahna naga saaro aniga iyo wiilkaygaba.

سَيُصْغْي اليَّ ويُنْقِذُني مِنَ الرَّجُلِ الّذي يُريدُ أنْ يَقْتُلَني وَيَقْتُلَ ابْني. ذَلِكَ الرَّجُلُ يُريدُ إزالتي أنا وَابْنِي مِنْ أرْضِ اللهِ.

17 H addaba anoo addoontaada ah waxaan idhi, Boqorka sayidkayga ah hadalkiisu ha ahaado mid i nasiya, waayo, boqorka sayidkayga ahu sida malaa'igta Ilaah ayuu u kala gartaa xumaanta iyo samaanta. Rabbiga Ilaahaaga ahuna ha kula jiro.

أعْرِفُ أنَّ كلماتِ مَولايَ المَلِكِ سَتَمْنَحُني الرّاحَةُ، لأنَّكَ كَمَلاكٍ من عِنْدِ اللهِ يا مَولايَ المَلِكِ. تُمّيِّزُ الخَيرَ وَالشَّرَّ. وَإلَهُكَ مَعَكَ.»

18 M arkaasaa boqorkii naagtii ugu jawaabay, Waan ku baryayaaye waxa aan ku weyddiin doono, waxba ha iga qarin. Oo naagtiina waxay tidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, bal iska hadal.

فأجابَ الملِكُ داود المرأةَ: «يَنْبَغِي أنْ تُجيبي عَلَى السُّؤالِ الذي سَأطْرَحُهُ عَلَيكِ.» فقالَتِ المرأةُ: «يا مَولايَ وَمَلِكِي، أرْجوكَ أنْ تَطْرَحَ سؤالَكَ.»

19 B oqorkiina wuxuu yidhi, Waxyaalahan oo dhan ma Yoo'aab baa kugu weheliya? Kolkaasaa naagtii ugu jawaabtay, Boqorow, sayidkaygiiyow, naftaada nool baan ku dhaartaye inaan ninna xagga midigta ama xagga bidixda uga leexan karin waxaad tidhi, boqorow, sayidkaygiiyow, waayo, addoonkaaga Yoo'aab ah ayaa igu amray waxan, oo erayadan oo dhanna isagaa afka iigu riday, anoo addoontaada ah.

فقالَ المَلِكُ: «هَلْ طَلَبَ مِنْكِ يُوآبُ أنْ تَقُولِي هذِهِ الأشْياءَ؟» فأجابَتِ المرأةُ: «أُقْسِمُ بِحَياتِكَ يا مَولايَ وَمَلِكِي إنَّكَ مُحِقٌّ تَماماً. فضابِطُكَ يُوآبُ طَلَبَ منّي قَولَ هذِهِ الأشْياءِ.

20 A ddoonkaaga Yoo'aab ahu wuxuu waxan u sameeyey inuu xaalka si kale u beddelo aawadeed. Sayidkaygiiyow, caqli baad leedahay, waxaanad leedahay xigmad sida tan malaa'igta Ilaah oo kale ah, oo waxaad garan kartaa waxyaalaha dhulka ku jira oo dhan.

فَعَلَ ذَلِكَ، لَعَلَّكَ تَرَى الأشياءَ بطريقَةٍ مُخْتَلِفَةٍ. يا مَولايَ، أنْتَ حَكِيمٌ حِكْمَةَ مَلاكٍ مِنْ عِنْدِ اللهِ، وتَعلَمُ بِكُلِّ ما يجْري عَلَى وَجْهِ الأرْضِ.» أبْشالُومُ يعودُ إلَى مَدينَةِ القُدْس

21 M arkaasaa boqorkii wuxuu Yoo'aab ku yidhi, Bal eeg, waxan baan sameeyey; haddaba tag, oo soo celi ninkii dhallinyarada ahaa ee ahaa Absaaloom.

قالَ الملِكُ ليوآبَ: «ها أنا سَأفْعَلُ ما وَعَدْتُ بِهِ. وَالآنَ، أرْجعِ الشّابَ أبشالُومَ.»

22 K olkaasaa Yoo'aab dhulka wejiga saaray, oo sujuuday, oo boqorkii u duceeyey; wuxuuna Yoo'aab yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, maanta anoo addoonkaaga ah waan ogahay inaan raallinimo kaa helay, waayo, boqorow, waad ii yeeshay wixii aan ku weyddiistay, anoo addoonkaaga ah.

فَحَنَى يُوآبُ بِرَأْسِهِ إلَى الأرْضِ بِإجلالٍ، وَبارَكَ المَلِكَ داوُدَ وَقالَ: «اليَوْمَ عَلِمْتُ أنا خادِمَكَ أنَّكَ راضٍ عنِّي، لأنَّك فَعَلْتَ بِحَسَبِ ما طَلَبْتُهُ مِنكَ يا مَولايَ المَلِكُ.»

23 S idaas daraaddeed Yoo'aab wuu kacay, oo Geshuur tegey, oo Absaaloomna Yeruusaalem buu keenay.

ثُمَّ نَهَضَ يوآبُ وَذَهَبَ إلَى جَشُورَ وَأحْضَرَ أبشالُومَ إلَى مَدينَةِ القُدْسِ.

24 M arkaasaa boqorkii yidhi, Gurigiisii ha ku noqdo, laakiinse yuusan wejigayga arkin. Saas aawadeed Absaaloom wuxuu ku noqday gurigiisii, mana uu arkin boqorka wejigiisii.

لَكِنَّ الملِكَ داوُدَ قالَ: «يَسْتَطِيعُ أبشالُومُ أنْ يَعُودَ إلَى منزِلِهِ هُوَ، إنَّما لا يُمكِنُهُ أنْ يَأْتِيَ لِرؤيَتي.» وَهَكَذا كانَ.

25 H addaba reer binu Israa'iil oo dhan laguma arag nin Absaaloom la mid ah oo quruxdiisa aad loogu ammaano, waayo, cagtiisa cad ilaa dhaladiisa innaba iin laguma arag.

وَلَمْ يَكُنْ فِي كلِّ إسْرائِيلَ رَجُلٌ يُمدَحُ لِوَسامَتِهِ كَأبْشالُومَ. لَمْ يكُنْ فِيهِ عَيبٌ مِنْ رَأسِهِ حَتَّى قَدَمِيهِ.

26 H addaba timihiisu way ku cuslaayeen, oo sannad kasta dhammaadkeeda ayuu iska jari jiray, oo markuu timaha madaxiisa jaro wuu miisaami jiray oo miisaankoodu wuxuu ahaa laba boqol oo sheqel ee ah miisaanka boqorka.

وَفي نِهايَةِ كُلِّ عامٍ، حِينَ يَثْقُلُ شَعْرُ رأسِهِ، كانَ يَقُصُّهُ ويزِنُهُ فيبلُغُ نَحوَ مِئِتِي مِثْقالٍ مَلَكِيٍّ.

27 O o Absaaloom waxaa u dhashay saddex wiil, iyo gabadh magaceeda la odhan jiray Taamaar, oo iyana waxay ahayd naag suurad qurxoon.

وَكانَ لأبْشالُومَ ثلاثَةُ أبْناءٍ وَابْنَةٌ واحِدَةٌ تُدْعى ثامارَ. وَهِيَ امْرأةٌ حَسْناءُ. أبشالوم يُجْبِرُ يوآب عَلَى المَجيءِ لِرُؤيَتِه

28 O o Absaaloomna Yeruusaalem laba sannadood oo dhan ayuu degganaa, mana uu arag wejigii boqorka.

عاشَ أبشالومُ في مَدينَةِ القُدْسِ عامَينِ كامِلَين لَمْ يُسْمَحْ لهُ خلالَهُما بزيارَةِ الملِكِ داوُدَ.

29 M arkaasaa Absaaloom u cid dirtay Yoo'aab inuu boqorka u diro; laakiinse wuu diiday inuu u yimaado; oo haddana mar labaad buu u cid dirtay, laakiinse wuu diiday inuu yimaado.

فَاستَدعَى أبشالومُ يوآبَ لِكَي يُرسِلَهُ إلَى الملِكِ، لَكِنَّ يوآبَ لَمْ يأتِ. فَاستَدعاهُ ثانِيَةً، فَلَمْ يأتِ.

30 S idaas daraaddeed Absaaloom wuxuu addoommadiisii ku yidhi, Bal eega, Yoo'aab beertiisu waxay u dhow dahay tayda, oo waxaa ugu taal shaciir; haddaba taga oo dab qabadsiiya. Markaasaa Absaaloom addoommadiisii beertii dab qabadsiiyeen.

فقالَ أبشالوم لِخُدّامِهِ: «ها حَقلُ يُوآبَ وَفِيهِ حَصادُ شَعِيرِهِ هُناكَ بالقُرْبِ مِنْ حَقلِي، فَاذهَبُوا وَأحْرِقوهُ.» فذهَبَ خُدّامُ أبشالومَ وَأحرَقُوا حَقلِ يوآبَ.

31 D abadeedna Yoo'aab baa soo kacay oo Absaaloom gurigiisii ugu yimid, oo ku yidhi, War addoommadaadu maxay beertayda dab u qabadsiiyeen?

فَنَهضَ يوآبُ وَجاءَ إلَى مَنْزِلِ أبشالومَ، وَقالَ لَهُ: «لِمَ حَرَقَ خُدّامُكَ حَقلِي؟»

32 A bsaaloomna wuxuu Yoo'aab ugu jawaabay, Bal eeg waan kuu soo cid dirtay inaad ii timaadid, waayo, waxaan doonayay inaan boqorka kuu dirto oo aan ku idhaahdo, Bal maxaan Geshuur uga imid? Waayo, waxaa ii roonayd inaan halkaas sii joogo, haddaba sidaas daraaddeed i daa aan boqorka wejigiisa soo arkee; oo haddaan dembi leeyahayna, isagu ha i dilo.

فَقالَ لَهُ أبشالومُ: «أرسَلْتُ لكَ رِسالَةً طلبْتُ فيها مِنْكَ المَجيءَ إلَى هُنا. أرَدْتُ أنْ تَذْهَبَ إلَى المَلِكِ وتسألَهُ لِمَ طَلَبَ منّي المَجيءَ مِنْ جَشُورَ. كانَ مِنَ الأفْضَلِ لَوْ بَقِيتُ هُناكَ. وَالآنَ، دَعْنِي أُقابِلِ المَلِكَ. وَإنْ كُنْتُ قَدْ أخْطأتُ، فَلِيقتُلْنِي!» أبشالومُ يزورُ الملِكَ داوُد

33 S idaas daraaddeed Yoo'aab baa boqorkii u yimid, wuuna u sheegay, oo markuu Absaaloom u yeedhay ayuu isna boqorkii u yimid, oo intuu u sujuuday ayuu wejigiisa dhulka saaray boqorka hortiisa; oo boqorkiina Absaaloom buu dhunkaday.

ثُمَّ جاءَ يوآبُ إلَى المَلِكِ وَأخبَرَهُ بِما قالَ أبشالومُ. فَدَعا المَلِكُ أبشالومَ، فَجاءَ إلَيهِ وَانْحَنَى أمامَهُ نَحْوَ الأرْضِ. فقبَّلَهُ الملِكُ.