1 O o haddaad aad u dhegaysataan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, oo intaad xajisaan aad yeeshaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idinka wada sare marin doonaa quruumaha dunida oo dhan.
«إن أطَعْتُم إلَهَكَمْ بِحِفظِ جَمِيعِ وَصاياهِ الَّتِي أُوصِيكُمْ بِها اليَومَ، فَإنَّ إلَهَكُمْ سَيَجعَلُكُمْ أعظَمَ مِنْ كُلِّ أُمَمِ الأرْضِ.
2 O o barakooyinkan oo dhammuna way idinku soo degi doonaan, wayna idin soo gaadhi doonaan, haddaad codka Rabbiga Ilaahiinna ah dhegaysataan.
وَسَتَأتِي كُلُّ هَذِهِ البَرَكاتِ عَلَيْكُمْ إنْ أطَعْتُمْ وَصايا إلَهِكُمْ:
3 W axaad ku barakaysnaan doontaan magaalada, oo waxaad ku barakaysnaan doontaan duurka.
«تَكُونُونَ مُبارَكِينَ فِي المَدِينَةِ، وَمُبارَكِينَ فِي الحَقلِ.
4 O o waxaa barakaysnaan doona midhaha jidhkiinna, iyo midhaha dhulkiinna, iyo midhaha xoolihiinna oo ah dhasha lo'diinna iyo tan idihiinna.
وَيَكُونُ أولادُكُمْ مُبارَكِينَ، وَمَحاصِيلُكُمْ مُبارَكَةً، وَأبْكارُ حَيواناتِكُمْ مُبارَكَةً، وَعُجُولُكُمْ وَحِملانُكُمْ مُبارَكَةً.
5 W axaa barakaysnaan doona dambiishiinna iyo weelkiinna aad wax ku cajiintaan.
وَسِلالُكُمْ وَمَعاجِنُكُمْ مُبارَكَةً.
6 O o waad barakaysnaan doontaan markaad gudaha soo gashaan, oo waad barakaysnaan doontaan markaad dibadda u baxdaan.
مُبارَكِينَ تَكُونُونَ حِينَ تَدخُلُونَ، وَمُبارَكِينَ حِينَ تَخرُجُونَ.
7 O o cadaawayaashiinna idinku kaca Rabbigu wuxuu ka dhigi doonaa in hortiinna lagu laayo. Jid qudha ayay idinkaga iman doonaan, oo hortiinna ayay toddoba jid ku kala carari doonaan.
«وَسَيُعينُكُمُ اللهُ فِي هَزِيمَةِ أعدائِكُمْ حِينَ يَهجُمُونَ عَلَيكُمْ. سَيَهْجُمُونَ عَلَيكُمْ مِنِ اتِّجاهٍ واحِدٍ، لِكَنْ سَيَهرُبُونَ فِي سَبعَةِ اتِّجاهاتٍ.
8 O o Rabbigu wuxuu ku amri doonaa inay barakadu idinku soo degto idinka, iyo maqsinnadiinna, iyo wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba, oo wuxuu idinku barakayn doonaa dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo.
«وَسَيُبارِكُكُمُ اللهُ بِمَخازِنَ مَملُوءَةٍ، وَسَيُبارِكُ كُلَّ شَيءٍ تَفعَلُونَهُ. سَيُبارِكُكُمُ اللهُ فِي الأرْضِ الَّتِي سَيُعطِيها لَكُمْ.
9 R abbigu wuxuu idinka dhigan doonaa dad isaga qudhiisa quduus u ah, siduu idiinku dhaartay, haddaad amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah xajisaan oo aad jidadkiisana ku socotaan.
وَسَيَجعَلُكُمْ اللهُ شَعباً مُقَدَّساً وَخاصّاً لَهُ، كَما أقسَمَ لَكُمْ، إنْ أطَعتُمْ وَصايا إلَهِكُمْ وَعِشتُمْ كَما يُرِيدُ لَكُمْ أنْ تَعِيشُوا.
10 O o dadka dunida oo dhammu waxay arki doonaan in laydiinku yeedhay magicii Rabbiga, wayna idinka cabsan doonaan.
حِينَئِذٍ، سَتَرَى كُلُّ شُعُوبِ الأرْضِ أنَّكُمْ شَعبٌ مَدعُوٌّ بِاسْمِ اللهِ ، وَأنَّهُ هُوَ حامِيكُمْ، فَيَخافُونَ مَنكُمْ.
11 O o Rabbigu wanaag buu idiinku badin doonaa midhaha jidhkiinna, iyo midhaha xoolihiinna, iyo midhaha dhulkiinna idinkoo jooga dalka Rabbigu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo.
«وَسَيُنجِحُكُمُ اللهُ بِشَكلٍ عَظِيمٍ، فَيُعطِيكُمْ أولاداً كَثِيرِينَ، وَنَسلاً كَثِيراً لِحَيواناتِكُمْ وَمَحصُولاً عَظِيماً فِي أرْضِكُمُ الَّتِي أقسَمَ اللهُ لآبائِكُمْ أنْ يُعطِيَها لَكُمْ.
12 O o Rabbigu wuxuu idiin furi doonaa khasnaddiisa wanaagsan ee samada inuu dalkiinna roob siiyo xilligiisa, iyo inuu wada barakeeyo shuqulka aad gacanta ku qabataan oo dhan, oo idinku quruumo badan baad wax deymin doontaan, waxbase ma amaahan doontaan.
وَسَيَفتَحُ اللهُ لَكُمْ مَخازِنَ بَرَكاتِهِ السَّماوِيَّةِ، فَيُعطِي مَطَراً لِأرضِكُمْ فِي الوَقتِ المُناسِبِ، وَيُبارِكُكُمْ فِي كُلِّ ما تَعمَلُونَ. وَسَيَكُونُ لَدَيكُمْ مالٌ لِتُقرِضُوا الأُمَمَ الأُخرَى، وَأنتُمْ لَنْ تَقتَرِضُوا.
13 O o Rabbigu wuxuu idinka dhigayaa madaxa, idinkana dhigi maayo dabada, oo weligiin waxaad ahaanaysaan kuwa sarreeya, oo noqon maysaan kuwa hooseeya, haddaad dhegaysataan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah oo aan maanta idinku amrayo, oo intaad xajisaan aad yeeshaan,
وَيَجعَلُكُمْ اللهُ رَأساً لا ذَنَباً. وَتَكُونُونَ فِي القِمَّةِ لا فِي القاعِ. هَذا إنْ أطَعْتُمْ وَصايا إلَهِكُمْ الَّتِي أُوصِيكُمْ بِها اليَومَ، وَحَفِظتُمُوها بِحِرصٍ،
14 o o aydaan erayada aan maanta idinku amrayo gees uga leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona, inaad ilaahyo kale daba gashaan oo aad u adeegtaan. Inkaaraha Ku Dhaca Kuwa Aan Ilaah Addeecin
وَلَمْ تَنحَرِفُوا يَمِيناً أوْ يَساراً عَنْ كَلِماتِي الَّتِي أُوصِيكُمْ بِها اليَومَ، فَلَمْ تَتبَعُوا آلِهَةً أُخْرَى لِتَعبُدُوها. لَعْناتُ عِصيانِ الشَّرِيعَة
15 L aakiinse haddaydnan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan oo aad wada yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo, markaas inkaarahan oo dhammu way idinku soo degi doonaan oo idin soo gaadhi doonaan.
«وَلَكِنْ إنْ لَمْ تُطِيعُوا إلَهَكَمْ ، وَلَمْ تَحرِصُوا عَلَى حِفظِ كُلِّ وَصاياهُ وَشَرائِعَهُ الَّتِي أُوصِيكُمْ بِها اليَومَ، سَتَأتِي عَلَيكُمْ كُلُّ هَذِهِ الَّلَعْناتِ:
16 W axaad ku inkaarnaan doontaan magaalada oo waxaad ku inkaarnaan doontaan duurka.
«مَلعُونِينَ تَكُونُونَ فِي المَدِينَةِ، وَمَلعُونِينَ فِي الحَقلِ.
17 W axaa inkaarnaan doona dambiishiinna iyo weelkiinna aad wax ku cajiintaan.
تَكُونُ سِلالُكُمْ وَمَعاجِنُكُمْ مَلعُونَةً.
18 O o waxaa inkaarnaan doona midhaha jidhkiinna iyo midhaha dhulkiinna, iyo dhasha lo'diinna iyo tan idihiinna.
وَأولادُكُمْ وَمَحاصِيلُكُمْ وَعُجُولُ بَقَرِكُمْ وَحِملانُ غَنَمِكُمْ مَلعُونَةً.
19 O o waad inkaarnaan doontaan markaad gudaha soo gashaan, oo waad inkaarnaan doontaan markaad dibadda u baxdaan.
مَلعُونِينَ تَكُونُونَ حِينَ تَدخُلُونَ، وَمَلعُونِينَ حِينَ تَخرُجُونَ.
20 R abbigu wuxuu idinku soo dejin doonaa inkaar iyo dhibaato, oo wuu idinku canaanan doonaa wax alla wixii aad gacanta ku qabataan oo dhan jeeraad baabba'daan oo aad haddiiba halligantaan, waana sharka falimihiinna, oo aad iiga tagteen aawadiis.
«وَيُرسِلُ اللهُ عَلَيكُمْ لَعنَةً وَاضْطِراباً وَإحْباطاً فِي كُلِّ شَيءٍ تُحاوِلُونَ عَمَلَهُ، حَتَّى تَهلِكُوا وَتَفنُوا سَرِيعاً بِسَبَبِ أعْمالِكُمُ الشِّرِّيرَةِ، إذْ تَرَكْتُمْ اللهَ.
21 O o Rabbigu wuxuu idinku dhejin doonaa balaayada, jeeruu idinka baabbi'iyo dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan.
وَيُصِيبُكُمُ اللهُ بِمَرَضٍ مُرعِبٍ، فَيُبِيدُكُمْ مِنَ الأرْضِ الَّتِي تَدخُلُونَ إلَيها لِتَمتَلِكُوها.
22 R abbiguna wuxuu idinku dhufan doonaa taagdarro, iyo qandho, iyo gubasho, iyo kulayl daran, iyo seef, iyo beera-engeeg, iyo caariyaysi, oo iyana way idin eryan doonaan ilaa aad halligantaan.
وَيُعاقِبُكُمُ اللهُ بِالحُمَّى وَالانتِفاخِ وَالحَرارَةِ وَالجَفافِ وَالرِّياحِ الحارِقَةِ وَاليَرَقانِ، إلَى أنْ تَهلِكُوا.
23 O o samada idinka korraysaa waxay noqon doontaa naxaas, oo dhulka idinka hooseeyaana wuxuu noqon doonaa bir.
وَسَتَكُونُ السَّماءُ كَالبُرونْزِ فَوقَ رُؤُوسِكُمْ، وَتَكُونُ الأرْضُ مِنْ تَحتِكُمْ كَالحَدِيدِ.
24 O o Rabbigu roobka dalkiinna wuxuu ka dhigi doonaa budo iyo boodh, oo waxaasu samaday idinkaga soo degi doonaan ilaa aad baabba'daan.
وَيُحَوِّلُ اللهُ مَطَرَ أرْضِكُمْ إلَى غُبارٍ يَنزِلُ مِنَ السَّماءِ إلَى أنْ تَبِيدُوا.
25 O o Rabbigu wuxuu ka dhigi doonaa in laydinku laayo cadaawayaashiinna hortooda, oo iyaga jid qudha baad kaga iman doontaan, oo hortooda ayaad toddoba jid ku kala carari doontaan, oo boqortooyooyinka dunida oo dhammu waad ku dhex rogrogmi doontaan hore iyo dib.
«وَسَيَجعَلُكُمُ اللهُ تُهزَمُونَ أمامَ أعدائِكُمْ. تَخرُجُونَ ضِدَّهُمْ مِنَ اتِّجاهٍ واحِدٍ، لَكِنَّكُمْ سَتَهرُبُونَ مِنهُمْ فِي سَبعَةِ اتِّجاهاتٍ. وَيَخافُ كُلُّ سُكّانِ الأرْضِ حِينَ يَرَونَ الشُّرُورَ الَّتِي حَدَثَتْ لَكُمْ.
26 O o meydkiinnu wuxuu cunto u noqon doonaa haadka hawada oo dhan iyo dugaagga dhulka, oo mid iyaga ka eryana lama arki doono.
وَتَكُونُ جُثَثُكُمْ طَعاماً لِكُلِّ طُيُورِ السَّماءِ وَحَيواناتِ الأرْضِ، وَلَنْ يَكُونَ هُناكَ مَنْ يُخيفُها.
27 O o Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa boogtii Masar, iyo kasoobaxyo, iyo cadho, iyo xajiin aydaan ka bogsan karin.
«وَيُعاقِبُكُمُ اللهُ بِالقُرُوحِ وَالدَّمامِلِ، كَما ضَرَبَ المِصْرِيِّينَ بِالقُرُوحِ وَالبَواسِيرِ وَالجَرَبِ وَالحَكَّةِ الَّتِي لا شِفاءَ مِنها.
28 O o weliba Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa waalli iyo indhabbeel iyo naxdin.
وَيُصِيبُكُمُ اللهُ بِالجُنُونِ وَالعَمَى وَالتَّشوِيشِ،
29 O o hadhkii baad u haabhaaban doontaan sida indhooluhu gudcurka u haabhaabto, oo jidadkiinna kuma liibaani doontaan, laakiinse had iyo goorba waa laydin dulmi doonaa oo waa laydin dhici doonaa, oo mid idin badbaadiyana lama arki doono.
فَتَتَلَمَّسُونَ طَرِيقَكُمْ فِي ضَوْءِ النَّهارِ كَالأعمَى الَّذِي يَتَلَمَّسُ طَرِيقَهُ فِي الظَّلامِ، وَتَفشَلُونَ فِي كُلِّ ما تَفعَلُونَهُ، وَلَيسَ مَنْ يُنقِذُكُمْ أوْ يُساعِدُكُمْ.
30 N aag baad guursan doontaa, laakiinse nin kalaa la seexan doona, guri baad dhisan doontaa, laakiinse degi maysid, beercanab baad beeran doontaa, laakiinse midhihiisa ku isticmaali maysid.
«يَخطِبُ أحَدُكُمُ امْرأةً، وَرَجُلٌ آخَرَ يَغتَصِبُها. تَبنِي بَيتاً وَلا تَسكُنُ فِيهِ، وَتَزرَعُ كَرماً وَلا تَتَمَتَّعُ بِثَمَرِهِ.
31 D ibigaaga ayaa hortaada lagu gowrici doono, idahaagana waxaa la siin doonaa cadaawayaashaada, oo mid ku badbaadiyana lama arki doono.
يُذْبَحُ ثَورُكَ أمامَكَ، وَلا تَأكُلُ مِنْهُ. وَيُسْرَقُ حِمارُكَ أمامَكَ، وَلا يُعادُ لَكَ. سَتُعطِي غَنَمَكَ لِأعدائِكَ، وَلَنْ تَجِدَ مَنْ يُنقِذُكَ وَيُساعِدُكُ.
32 W iilashiinna iyo gabdhihiinna waxaa la siin doonaa dad kale, oo indhihiinnuna way eegi doonaan, oo maalinta oo dhan waxaad la taag darnaan doontaan xiiso aad iyaga u qabtaan, oo gacantiinnuna xoog ma yeelan doonto innaba.
«سَيُعطَى أولادُكَ وَبَناتُكَ لِشَعبٍ آخَرَ، فَتَكِلُّ عَيناكَ وَهُما تَنتَظِرانِ عَودَتَهُمْ. لَكِنَّكَ لَنْ تَستَطِيعَ فِعلَ شَيءٍ.
33 O o midhaha dhulkiinna iyo hawshiinna oo dhan waxaa cuni doona quruun aydaan aqoon, oo weligiin waxaad ahaan doontaan dad la dulmo oo la burburiyo,
«شَعبٌ لا تَعرِفُهُ سَيَأْكُلُ مَحاصِيلَكَ وَكُلَّ ما تَعِبتَ فِي عَمَلِهِ. وَلَنْ تَجِدَ سِوَى سُوءِ المُعامَلَةِ وَالاستِغلالِ دائِماً.
34 o o taas daraaddeed waxaad la waalan doontaan waxa indhihiinnu arki doonaan.
وَسَتُصابُ بِالجُنُونِ بِسَبَبِ ما تَراهُ.
35 O o Rabbigu lowyaha iyo lugaha tan iyo tin iyo cedhib wuxuu idinka gelin doonaa boogo aydaan ka bogsan karin.
وَسَيَضرِبُكُ اللهُ بِقُرُوحٍ مُؤلِمَةٍ عَلَى رُكبَتَيكَ وَساقَيكَ. وَلا تَجِدُ لَها شِفاءً مِنْ أسْفَلِ قَدَمِكَ إلَى أعلَى رَأسِكَ.
36 O o Rabbigu wuxuu idinka iyo boqorkiinna aad boqran doontaanba u geeyn doonaa quruun idinka iyo awowayaashiinba aydaan aqoon, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah.
«سَيُرسِلُكُمُ اللهُ ، أنتُمْ وَمَلِكَكُمُ الَّذِي اختَرتُمُوهُ، إلَى أُمَّةٍ لَمْ تَعرِفُوها، وَلَمْ يَعرِفْها آباؤكُمْ مِنْ قَبلِكُمْ. وَهُناكَ سَتَعبُدُونَ وَتَخدِمُونَ آلِهَةً أُخْرَى مَصنُوعَةً مِنَ الخَشَبِ وَالحَجَرِ.
37 O o dadyowga Rabbigu idiin geeyn doono oo dhan dhexdooda waxaad ku ahaan doontaan yaab iyo maahmaah iyo halqabsi.
فَيَرتَعِبُ النّاسُ مِنَ الشُّرُورِ الَّتِي سَتَحدُثُ لَكُمْ، وَيَضحَكُونَ عَلَيكُمْ، وَيَستَهزِئُونَ بِكُمْ بَينَ الأُمَمِ حَيثُ سَيَأخُذُكُمْ اللهُ. لَعْنَةُ الفَشَل
38 W axaad beerta u qaadan doontaan abuur badan, wax yar baadse ka soo urursan doontaan, maxaa yeelay, waxaa cuni doona ayax.
«تَزرَعُونَ كَثِيراً فِي حُقُولِكُمْ، لَكِنَّكُمْ سَتَحصُدُونَ القَلِيلَ، لِأنَّ الجَرادَ سَيَأكُلُهُ.
39 W axaad beeran doontaan beero canab ah, waanad fali doontaan, laakiinse khamrina ma cabbi doontaan, canabna kama guran doontaan, waayo, waxaa cuni doona dixiri.
تَزرَعُونَ كُرُوماً وَتَتْعَبُونَ فِيها، وَلَنْ تَشرَبُوا نَبيذَها، وَلَنْ تَجمَعُوا عِنَبَها، لِأنَّ الدُّودَ سَيَأكُلُها.
40 O o soohdimihiinna oo dhan dhexdooda waxaa idiinku oolli doona geedo saytuun ah, laakiinse saliid kuma subkan doontaan, waayo, saytuunkiinna midhuhu way ka daadan doonaan.
وَيَكُونُ لَدَيكُمْ أشجارُ زَيتُونٍ فِي كُلِّ أرْضِكُمْ، لَكِنَّكُمْ لَنْ تَتَدَهَّنُوا بِزَيتٍ لِأنَّ الزَّيتُونَ سَيَسقُطُ وَيَتَناثَرُ وَيَتَعَفَّنُ.
41 W axaad dhali doontaan wiilal iyo gabdho, laakiinse iyagu kuwiinna ma ahaan doonaan, maxaa yeelay, maxaabiis ahaan bay idiinka tegi doonaan.
تُنْجِبُونَ أبناءً وَبَناتٍ وَلا تَحْتَفِظُونَ بِهِمْ لِأنَّهُمْ سَيُؤْخَذُونَ إلَى السَّبْيِ.
42 D hirtiinna oo dhan iyo midhaha dhulkiinnaba waxaa lahaan doona ayax.
يَلتَهِمُ الجَرادُ وَالحَشَراتُ أشجارَكُمْ وَمَحاصِيلَكُمْ.
43 O o qariibka dhexdiinna ku jira ayaa idinka sare mari doona, oo idinkuna hoos baad u sii degi doontaan.
«تَزدادُ سُلطَةُ الغَرِيبِ السّاكِنِ فِي وَسَطِكُمْ، بَينَما تَتَناقَصُ سُلطَتُكُمْ.
44 O o isagu wax buu idin deymin doonaa, idinkuse wax ma deymin doontaan, madaxa buu noqon doonaa, idinkuse dabada baad noqon doontaan.
تَقْتَرِضُونَ مِنَ الغَرِيبِ، وَلا تُقْرِضُونَهُ. يُصبِحُ هُوَ الرَّأسُ وَأنتُمُ الذَّنَبُ.
45 I nkaarahan oo dhammu idinkay idinku soo degi doonaan, wayna idin eryan doonaan oo idin soo gaadhi doonaan ilaa aad baabba'daan, maxaa yeelay, ma aydaan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa uu idinku amray.
«فَإذا لَمْ تُطِيعُوا إلَهَكُمْ ، بِحِفْظِ وَصاياهُ وَشَرائِعِهِ الَّتِي أوصاكُمْ بِها، سَتَحِلُّ كُلُّ هَذِهِ الَّلَعْناتِ عَلَيكُمْ، وَتُلاحِقُكُمْ باستِمرارٍ، وَتُمسِكَ بِكُمْ حَتَّى تُهلِكَكُمْ.
46 O o waxay calaamad iyo yaab ku dul ahaan doonaan idinka iyo farcankiinnaba weligiin,
وَتَكُونُ فِي وَسَطِكُمْ وَوَسَطِ نَسلِكُمْ عَلامَةً وَنَذِيراً إلَى الأبَدِ.
47 m axaa yeelay, idinku Rabbiga Ilaahiinna ah wax kasta oo uu idinku badiyey aawadood uguguma aydaan adeegin faraxsanaan iyo qalbi reyreeya.
«وَلِأنَّكُمْ لَمْ تَعبُدُوا إلَهَكُمْ وَلَمْ تَخدِمُوهُ بَفَرَحٍ وَسُرُورٍ عِندَما تَوَفَّرَ لَكُمْ كُلُّ شَيءٍ،
48 H addaba sidaas daraaddeed cadaawayaashiinna Rabbigu idiin soo diri doono ayaad ugu adeegi doontaan gaajo iyo harraad iyo qaawanaan, idinkoo wax kasta u baahan, oo wuxuu qoorta idinka saari doonaa harqood bir ah, ilaa uu idin baabbi'iyo.
فَإنَّكُمْ سَتَخدِمُونَ أعداءَكُمُ الَّذِينَ سَيُرسِلُهُمْ اللهُ ضِدَّكُمْ، وَأنتُمْ فِي جُوعٍ وَعَطَشٍ وَعُرْيٍ وَنَقصٍ فِي كُلِّ شَيءٍ. وَسَيَضَعُ عَلَى رِقَابِكُمْ نِيْراً مِنْ حَدِيدٍ حَتَّى يُحَطِّمَكُمْ. لَعنَةُ جَلبِ أُمَّةٍ غَرِيبَة
49 R abbigu wuxuu meel fog oo dhulka darafkiisa ah idinkaga keeni doonaa quruun sida gorgorka u duulaysa oo aydaan afkeeda garanayn,
«وَسَيَجلِبُ اللهُ ضِدَّكُمْ أُمَّةً مِنْ بَعِيدٍ، مِنْ أقْصَى الأرْضِ. أُمَّةً لا تَعْرِفُونَ لُغَتَها، فَتَهْجُمُ عَلَيكُمْ كَالنَّسرِ.
50 o o ah quruun weji cabsi badan, oo aan dadka waayeelka ah maamuusin, aan dhallaankana u nixin.
وَتَكُونُ أُمَّةً قاسِيَةً لا تَحْتَرِمُ الكِبارَ، وَلا تَرْحَمُ الصِّغارَ.
51 O o dadkaasu wuxuu cuni doonaa midhaha xoolihiinna iyo midhaha dhulkiinna, ilaa aad baabba'daan, oo weliba idiinkama tegi doono hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo dhasha lo'diinna, iyo tan idihiinna, ilaa uu idin halligo.
وَسَتَأكُلُ صِغارَ حَيواناتِكُمْ وَمَحاصِيلَ أرْضِكُمْ إلَى أنْ تَهلِكُوا. وَلَنْ يَترُكُوا لَكُمْ قَمْحاً وَلا نَبيذاً وَلا زَيتاً وَلا عُجُولاً وَلا حِملاناً حَتَّى تُهلِكَكُمْ.
52 O o meel kasta oo dhulkiinna ah ayuu dhammaan irdihiinna idinku hareerayn doonaa ilaa derbiyadiinna deyrka dheer ee aad isku hallayseen ay soo wada dhacaan, oo wuxuu idinku hareerayn doonaa irdihiinna oo dhan ee dhulka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey oo dhan.
وَسَتُحاصِرُكُمْ وَتُهاجِمُكُمْ فِي كُلِّ مُدُنِكُمْ إلَى أنْ تَسقُطَ أسوارُ المُدُنِ الحَصِينَةُ فِي كُلِّ أرْضِكُمْ وَمُدُنِكُمُ الَّتِي يُعطِيها إلَهُكُمْ لَكُمْ.
53 O o waxaad cuni doontaan midhaha jidhkiinna, kaasoo ah hilibka wiilashiinna iyo gabdhihiinna Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey, waana markaad gashaan hareeraynta iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu idinku cidhiidhin doonaan.
«سَتَأكُلُونَ أطفالَكُمْ، وَلَحْمَ أبْنائِكُمْ وَبَناتِكُمُ الَّذِينَ أعطاهُمْ إلَهُكُمْ لَكُمْ، حِينَ يُحاصِرُونَكُمْ، وَيُسَبِّبُونَ لَكُمُ الضِّيقَ.
54 N inka idinku dhex jira oo idiinku jilicsan, oo qabow ku noolaan jiray, wuxuu il shar ah ku dayi doonaa walaalkiis, iyo naagtiisa laabta kaga jiifta, iyo kuwa carruurtiisa ka hadhay,
وَأكثَرُ الرِّجالِ رِقَّةً وَرَفاهِيَّةً بَينَكُمْ سَيُصبِحُ بَخِيلاً نَحوَ أخِيهِ وَزَوجَتِهِ الَّتِي يُحِبُّها، وَما تَبَقَّى مِنْ أطْفالِهِ.
55 s i uusan midkoodna wax uga siin hilibka carruurtiisa oo uu cuni doono, maxaa yeelay, isaga waxba uma hadhi doonaan intii uu ku jiro hareeraynta iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu irdihiinna oo dhan idinkaga cidhiidhin doonaan.
فَلا يُعْطِي أحَداً مَنْ لَحْمِ أبْنائِهِ الَّذِي يَأكُلُهُ، لِأنَّهُ لَمْ يَتَبَقَّ الكَثِيرُ لَهُ! هَذا حَينَ يُحاصِرُكُمُ الأعْداءُ وَيُسَبِّبُونَ لَكُمُ الضِّيقَ فِي كُلِّ مُدُنِكُمْ.
56 O o naagta jilicsan, oo idinku dhex jirta oo qabow ku noolaan jirtay oo aan u quudhin inay cagteeda cad dhulka dhigto nolosheedii qaboobayd oo jilicsanayd aawadeed, waxay il shar ah ku dayi doontaa ninkeeda laabta kaga jiifa, iyo wiilkeeda iyo gabadheeda.
وَأكثَرُ النِّساءِ رِقَّةً وَرَفاهِيَّةً بَينَكُمْ، وَالَّتِي لِشِدَّةِ تَنَعُّمِها وَرَفاهِيَّتِها لا تَدُوسُ الأرْضَ بِرِجلِها، سَتُصبِحُ بَخِيلَةً نَحوَ زَوجِها الَّذِي يُحِبُّها، وَنَحْوَ ابْنِها وَابْنَتِها.
57 W ayna ka qarsan doontaa mandheerta ka soo dhex baxdo labadeeda lugood, iyo carruurteeda ay dhasho, waayo, qarsoodi bay iyaga u cuni doontaa iyadoo wax kasta u baahan, intay ku jirto hareeraynta iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu irdihiinna oo dhan idinkaga cidhiidhin doonaan.
سَتَبْخَلُ بِالمَشِيمَةِ الّتِي تَخْرُجُ مِنْها، وَبِالأطْفالِ الّذينَ تَلِدْهُمْ، لأنَّها تأكُلُهُمْ فِي الخَفاءِ! إذْ لا يَكُونُ لَدَيها شَيءٌ آخَرٌ حَينَ يُحاصِرُكُمُ الأعداءُ، وَيُسَبِّبُونَ لَكُمُ الضِّيقَ فِي كُلَّ مُدُنِكُمْ.
58 H addeydnan dhawrin oo wada yeelin erayada sharcigan ee kitaabkan ku qoran oo dhan inaad ka cabsataan magacan ammaanta badan oo cabsida badan oo ah RABBIGA ILAAHIINNA AH,
«إنْ لَمْ تَكُونُوا حَرِيصِينَ عَلَى إطاعَةِ كُلِّ كَلامِ هَذِهِ الشَّرِيعَةِ المَكتُوبَةِ فِي هَذا الكِتابِ، وَلَمْ تَخافُوا وَتَحتَرِمُوا هَذِا الاسْمَ المَجِيدَ الرَّهِيبَ الرّائِعَ، اسْمَ يهوه إلَهِكُمْ،
59 m arkaas Rabbigu wuxuu idinka iyo farcankiinnaba ku ridi doonaa belaayooyin yaab leh oo waaweyn oo wakhti dheer idinku raaga, iyo cudurro xunxun oo wakhti dheer idinku raaga, iyo cudurro xunxun oo wakhti dheer idinku raaga.
فَإنَّ اللهَ سَيَجلِبُ عُقُوباتٍ فَظِيعَةً وَغَيرَ عادِيَّةٍ، عُقُوباتٍ شَدِيدَةً وَمُزمِنَةً، وَأمراضاً مَؤلِمَةً وَمُزمِنَةً عَلَيكُمْ وَعَلَى نَسلِكُمْ.
60 O o haddana wuxuu idinku soo dejin doonaa cudurradii Masar oo dhan oo aad ka cabsan jirteen, oo way idinku dhegi doonaan.
وَسَيَجلِبُ عَلَيكُمْ كُلَّ أمراضِ مِصْرَ الَّتِي كُنتُمْ تَخافُونَ مِنها، فَتَلتَصِقَ بِكُمْ.
61 O o weliba Rabbigu wuxuu kaloo idinku soo dejin doonaa ilaa aad wada baabba'daan cudur kasta iyo belaayo kasta oo aan ku qornayn kitaabka sharcigan.
كَما سَيَجلِبُ عَلَيكُمْ أمراضاً وَضِيقاتٍ، وَإنْ لَمْ يَكُنْ مَنصُوصاً عَلَيها فِي كِتابِ هَذِهِ الشَّرِيعَةِ. سَيَضرِبُكُمُ اللهُ حَتَّى يُهلِكَكُمْ.
62 O o in kastoo aad u faro badnaydeen sida xiddigaha samada oo kale waxaa uun idinka hadhi doona in yar oo dhawr ah, maxaa yeelay, codkii Rabbiga Ilaahiinna ah ayaad dhegaysan weydeen.
وَسَيَبقَى القَلِيلُونَ مِنكُمْ فَقَطْ مَعَ أنَّكُمْ كُنتُمْ كَثِيرِينَ بِعَدَدِ نُجُومِ السَّماءِ، لِأنَّكُمْ لَمْ تُطِيعُوا إلَهَكُمْ.
63 O o sidii Rabbigu idiinku farxay inuu wanaag idiin sameeyo oo uu idin badiyo, ayuu sidaas oo kale ugu farxi doonaa inuu idin halligo oo idin baabbi'iyo, oo idinka waa laydinka rujin doonaa dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan.
«وَكَما قَرَّرَ اللهُ أنْ يُنجِحَكُمْ وَيَجعَلَكُمْ أكثَرَ عَدَداً، سَيُقَرِّرُ أنْ يُبيدَكُمْ وَيُهلِكَكُمْ. وَسَتُنزَعُونَ مِنَ الأرْضِ الَّتِي سَتَدْخُلُونَ لِتَمتَلِكُوها.
64 O o Rabbigu wuxuu idinku kala dhex firdhin doonaa dadyowga oo dhan, iyo tan iyo dunida geesteed iyo ilaa geesteeda kale, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah oo aydaan aqoon idinka iyo awowayaashiin toona.
وَسَيُشَتِّتُكُمُ اللهُ بَينَ الأُمَمِ مِنْ طَرَفِ الأرْضِ إلَى طَرَفِها الآخَرِ حَيثُ سَتَعبُدُونَ وَتَخدِمُونَ آلِهَةً أُخْرَى لَمْ تَعرِفُوها أنتُمْ وَلا آباؤكُمْ، آلِهَةً مَصنُوعَةً مِنْ خَشَبٍ وَحَجَرٍ.
65 O o quruumahaas dhexdooda istareex kama heli doontaan, oo cagtiinnuna ma nasan doonto, laakiinse Rabbigu wuxuu halkaas idinku siin doonaa qalbigariir, iyo indhabbeel, iyo naf dulloobid.
«وَفِي وَسَطِ تِلكَ الأُمَمِ لَنْ يَكُونَ لَكُمْ سَلامٌ، وَلَنْ تَجِدُوا مَكاناً لِراحَةِ أرجُلِكُمْ، وَسَيُعطِيكُمْ اللهُ هُناكَ ذِهناً قَلِقاً وَعُيُوناً ضَعِيفَةً وَحَلْقاً جافّاً.
66 O o naftiinnana waad u shakiyi doontaan, oo habeen iyo maalinba waad cabsan doontaan, oo noloshiinnana ma aad hubi doontaan innaba.
وَتَكُونُ حَياتُكُمْ فِي خَطَرٍ دائِمٍ، وَتَكُونُونَ خائِفِينَ فِي الَّليلِ وَالنَّهارِ، وَلَنْ تَأمَنُوا عَلَى حَياتِكُمْ.
67 O o waaberigii waxaad odhan doontaan, Bal may fiid noqoto! Sababtuna waa cabsida aad qalbiga ka cabsan doontaan iyo xumaanta aad indhaha ku arki doontaan.
فِي الصَّباحِ سَتَقُولُونَ: ‹يا لَيتَهُ كانَ المَساءُ!› وَفِي المَساءِ سَتَقُولُونَ: ‹يا لَيتَهُ كانَ الصَّباحُ!› وَذَلِكَ بِسَبَبِ الخَوفِ الَّذِي سَيَكُونُ فِي قُلُوبِكُمْ، وَبِسَبَبِ ما تَراهُ أعيُنُكُمْ.
68 O o Rabbigu mar dambe wuxuu Masar idinku celin doonaa idinkoo doonniyo ku jira, oo waxaad mari doontaan jidkii aan idinku idhi, Mar dambe ma aad arki doontaan, oo halkaasaad cadaawayaashiinna isugu iibin doontaan, inaad rag iyo dumarba addoommo u ahaataan, oo weliba ninna idinma iibsan doono.
وَسَيُعِيدُكُمْ اللهُ إلَى مِصْرَ فِي سُفُنٍ إلَى المَكانِ الَّذِي وَعَدَكُمْ بِأنَّكُمْ لَنْ تَرَوْهُ ثانِيَةً. وَهُناكَ سَتُحاوِلُونَ بَيعَ أنفُسِكُمْ لِأعدائِكُمْ كَعَبِيدٍ وَإماءٍ، وَلَكِنْ لَنْ يَكُونَ هُناكَ مَنْ سَيَشتَرِيكُمْ.»