1 S awlosna raalli buu ka ahaa diliddiisa. Oo maalintaas kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil aad baa loo silciyey; oo dhammaantoodna rasuulladii mooyaane waxay ku kala firdheen dalalka Yahuudiya iyo Samaariya.
وَكانَ شاوُلُ مُوافِقاً عَلَى قَتلِهِ. وَفِي ذَلِكَ اليَومِ بَدَأ اضطِهادٌ شَدِيدٌ عَلَى الكَنِيسَةِ فِي مَدينَةِ القُدسِ. فَتَفَرَّقَ الجَمِيعُ فِي جَمِيعِ أنحاءِ اليَهُودِيَّةِ وَالسّامِرَةِ باسْتِثناءِ الرُّسُلِ. ضِيقٌ لِلمُؤمِنِين
2 M arkaasaa niman cibaado leh Istefanos aaseen oo aad ugu baroorteen.
وَدَفَنَ بَعضُ الرِّجالِ الأتقِياءِ إستِفانُوسَ، وَناحُوا عَلَيهِ نَوحاً شَدِيداً.
3 L aakiin Sawlos aad buu kiniisadda u rafaadiyey, oo intuu guri walba galay, ayuu rag iyo dumarba ka soo jiiday, oo xabsi ku riday. Filibos Oo Samaariya Jooga
وَكانَ شاوُلُ يُحاوِلُ تَدمِيرَ الكَنِيسَةِ، فَكانَ يَدخُلُ مِنْ بَيتٍ إلَى آخَرَ، وَيَجُرُّ الرِّجالَ وَالنِّساءَ عَلَى حَدٍّ سَواءٍ، وَيَزُجُّ بِهِمْ فِي السِّجنِ.
4 H addaba kuwii kala firidhsanaa, meel walba oo ay mareenba ereygii bay ku wacdiyeen.
أمّا الَّذِينَ تَشَتَّتُوا مِنَ الكَنِيسَةِ فِي كُلِّ مَكانٍ، فَأخَذُوا يَنشُرُونَ البِشارَةَ فِي كُلِّ مَكانٍ. فِيلِبُّسُ يُعلِنُ البِشارَةَ فِي السّامِرَة
5 M arkaasaa Filibos wuxuu tegey magaalada Samaariya, oo wuxuu dadka ku wacdiyey Masiixa.
وَذَهَبَ فِيلِبُّسُ إلَى مَدِينَةِ السّامِرَةِ مُبَشِّراً بِالمَسِيحِ.
6 O o dadkii badnaa, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay dhegaysteen wuxuu Filibos ku hadlay markay waxyaalahaas maqleen oo ay arkeen calaamooyinkuu sameeyey.
فَلَمّا سَمِعَهُ النّاسُ وَرَأَوْا المُعْجِزاتِ الَّتِي كانَ يُجرِيها، انتَبَهُوا انتِباهاً خاصّاً إلَى ما كانَ يَقُولُهُ.
7 W aayo, kuwo badan oo jinniyo wasakh leh qabay, jinniyadii oo cod weyn ku qaylinaya ayaa ka soo baxay, oo kuwo badan oo curyaan ahaa iyo laangadhayaashiiba waa la bogsiiyey.
فَقَدْ كانَتِ الأرواحُ النَّجِسَةُ تَخرُجُ بِصَرْخاتٍ عالِيَةٍ مِنْ أشخاصٍ كَثِيرِينَ مَسكُونِينَ بِها، كَما شُفِيَ مَشلُولُونَ وَعُرجٌ كَثِيرُونَ.
8 M agaaladaasna aad baa looga farxay. Simoon Oo Ahaa Sixiroole
فَكانَ هُناكَ فَرَحٌ عَظِيمٌ فِي تِلكَ المَدِينَةِ.
9 W axaa jiray nin Simoon la odhan jiray oo markii hore magaalada wax ku sixri jiray oo dadka reer Samaariya ka yaabin jiray, isagoo isugu sheegaya inuu yahay nin weyn.
وَكانَ هُناكَ رَجُلٌ اسْمُهُ سِيمُونُ، مارَسَ السِّحرَ فِي تِلكَ المَدِينَةِ مُنذُ زَمَنٍ. وَكانَ يُثِيرُ دَهشَةَ أهلِ السّامِرَةِ بِسِحرِهِ مُدَّعِياً أنَّهُ شَخصٌ عَظِيمٌ.
10 I sagay dhammaantood, yar iyo weynba, wada dhegaysan jireen oo odhan jireen, Ninkanu waa xooggii Ilaah oo la odhan jiray Weyne.
وَكانَ كُلُّ النّاسِ، مِنْ صَغِيرِهِمْ إلَى كَبِيرِهِمْ، يَهْتَمُّونَ بِهِ اهتِماماً كَبِيراً، فَكانُوا يَقُولُونَ: «هَذا الرَّجُلُ هُوَ قُوَّةُ اللهِ الَّتِي تُدعَى ‹القُوَّةَ العَظِيمَةَ.›»
11 S ababtii ay u dhegaysteenna waxay ahayd inuu wakhti dheer iyaga sixirkiisa kaga yaabiyey.
كانُوا مُهتَمِّيْنَ بِهِ لِأنَّهُ كانَ قَدْ أدهَشَهُمْ بِسِحرِهِ مُنذُ مُدَّةٍ طَوِيلَةٍ.
12 L aakiin markay rumaysteen injiilka boqortooyada Ilaah iyo magaca Ciise Masiix oo Filibos ku wacdiyey ayaa iyaga rag iyo dumarba la baabtiisay.
لَكِنَّهُمْ صَدَّقُوا فِيلِبُّسَ عِندَما أعلَنَ لَهُمْ بِشارَةَ مَلَكُوتِ اللهِ وَاسْمَ يَسُوعَ المَسِيحِ، وَتَعَمَّدُوا رِجالاً وَنِساءً.
13 S imoon qudhiisuna waa rumaystay, oo markii la baabtiisay dabadeed, had iyo goorba wuxuu la socon jiray Filibos, wuuna la yaabay markuu arkay calaamooyinkii iyo yaababkii waaweynaa oo uu sameeyey. Butros Iyo Yooxanaa Oo Samaariya Jooga
وَآمَنَ سِيمُونُ نَفسُهُ. وَبَعدَ أنْ تَعَمَّدَ بَقِيَ قَرِيباً مِنْ فِيلِبُّسَ. وَذُهِلَ لَمّا رَأى الْعَجائِبَ وَالمُعجِزاتِ العَظِيمَةَ الَّتِي كانَتْ تُجرَى.
14 H addaba markii rasuulladii Yeruusaalem joogay maqleen in Samaariya ereygii Ilaah aqbashay, ayay waxay u soo direen Butros iyo Yooxanaa,
فَلَمّا سَمِعَ الرُّسُلُ المَوجُودُونَ فِي القُدسِ بِأنَّ أهلَ السّامِرَةِ قَبِلُوا رِسالَةَ اللهِ، أرسَلُوا بُطرُسَ وَيُوحَنّا إلَيْهِمْ.
15 k uwaasoo markay yimaadeen, u duceeyey iyaga inay Ruuxa Quduuska ah helaan;
وَعِندَ وُصُولِهِما، صَلَّيا مِنْ أجلِ المُؤمِنِينَ السّامِرِيِّيْنَ لِكَي يَقْبَلُوا الرُّوحَ القُدُسَ.
16 m axaa yeelay, midkoodna weli kuma uu soo degin; laakiinse magaca Rabbi Ciise oo keliya ayaa lagu baabtiisay.
ذَلِكَ لِأنَّ الرُّوحَ لَمْ يَكُنْ بَعدُ قَدْ حَلَّ عَلَى أيٍّ مِنهُمْ، إلّا أنَّهُمْ كانوا قَدْ تَعَمَّدُوا بِاسْمِ الرَّبِّ يَسُوعَ المَسِيحِ.
17 M arkaasay gacmahooda saareen, oo waxay heleen Ruuxa Quduuska ah.
ثُمَّ وَضَعا أيدِيَهُما عَلَيهِمْ، فَقَبِلُوا الرُّوحَ القُدُسَ.
18 H addaba Simoon markuu arkay in markii rasuulladu gacmahooda saareen, waxaa la siiyey Ruuxa Quduuska ah, ayuu lacag u taagay,
فَلَمّا رَأى سِيمُونُ أنَّ الرُّوحَ القُدُسَ يُعطَى بِوَضْعِ أيدِي الرَّسُولَينِ، عَرَضَ عَلَيهِما مالاً.
19 i sagoo leh, Anigana i siiya xooggan in nin kastoo aan gacmahayga saaroba, uu helo Ruuxa Quduuska ah.
وَقالَ: «أعطِيانِي أيضاً هَذِهِ المَقدِرَةَ، حَتَّى يَقْبَلَ الرُّوحَ القُدُسَ كُلُّ مَنْ أضَعُ يَدَيَّ عَلَيهِ.»
20 L aakiin Butros baa wuxuu ku yidhi, Lacagtaadu ha kula baabba'do, maxaa yeelay, waxaad u malaysay in hadiyadda Ilaah lacag lagu helo.
فَقالَ بُطرُسُ: «لِتَهلِكْ أنتَ وَمالُكَ إلَى الأبَدِ، لِأنَّكَ اعتَقَدتَ أنَّكَ تَستَطِيعُ شِراءَ عَطِيَّةِ اللهِ بِمالٍ.
21 X aalkan kuma lihid ama qayb ama badh; maxaa yeelay, qalbigaagu Ilaah hortiisa kuma qummana.
وَلَيسَ لَكَ حِصَّةٌ أوْ نَصِيبٌ فِي هَذا الأمرِ، لِأنَّ قَلبَكَ لَيسَ سَلِيماً أمامَ اللهِ.
22 S idaas aawadeed xumaantaadan ka toobadkeen, Rabbigana ka bari in fikirka qalbigaaga lagaa cafiyo.
فَتُبْ عَنْ شَرِّكَ هَذا وَصَلِّ إلَى الرَّبِّ، لَعَلَّهُ يُسامِحُكَ عَلَى الفِكرَةِ الآثِمَةِ الَّتِي فِي قَلبِكَ.
23 W aayo, waxaan arkaa adigoo ku jira xammeetida qadhaadhnimada, kuna xidhan xaqdarrada.
فَأنا أراكَ مُمتَلِئاً مَرارَةً وَعَبداً لِلخَطِيَّةِ.»
24 M arkaasaa Simoon u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ii barya inaan waxyaalahaas aad ku hadasheen midkoodna igu dhicin.
فَأجابَ سِيمُونُ: «صَلِّيا أنتُما إلَى الرَّبِّ مِنْ أجلِي حَتَّى لا يُصِيبَنِي شَيءٌ مِمّا ذَكَرتُما.»
25 H addaba iyagu markay marag fureen oo Rabbiga ereygiisa ku hadleen, waxay ku noqdeen Yeruusaalem, waxayna tuulooyin badan oo reer Samaariya ah ku wacdiyeen injiilka. Filibos Iyo Bohonkii Xabashiga Ahaa
وَبَعدَ أنْ قَدَّمَ الرَّسُولانِ شَهادَتَهُما وَتَكَلَّما بِكَلِمَةِ الرَّبِّ، عادا إلَى القُدسِ. وَكانا فِي طَرِيقِ عَودَتِهِما يُبَشِّرانِ قُرَىً سامِرِيَّةً كَثِيرَةً. فِيلِبُّسُ وَالَّرَجُلُ الحَبَشيّ
26 L aakiin Rabbiga malaa'igtiisa ayaa waxay la hadashay Filibos, iyadoo ku leh, Kac oo aad xagga koonfureed, oo waxaad raacdaa jidka Yeruusaalem ka taga ilaa Gaasa taasoo cidla ah.
وَكَلَّمَ مَلاكٌ مِنْ عِندِ الرَّبِّ فِيلِبُّسَ فَقالَ: «قُمْ وَاذْهَبْ جَنُوباً إلَى الطَّرِيقِ الصَّحراوِيَّةِ النّازِلَةِ مِنَ القُدسِ إلَى غَزَّةَ.»
27 W uuna u kacay oo aaday; oo waxaana ku soo baxay nin bohon oo Xabashi ah oo amar weyn ka hoos hayay Kandake boqoraddii Xabashida, wuuna u talin jiray maalkeeda oo dhan, wuxuuna Yeruusaalem u yimid inuu Ilaah caabudo.
فَاسْتَعَدَّ وَذَهَبَ. وَكانَ هُناكَ رَجُلٌ حَبَشِيٌّ هُوَ أحَدُ الخِصْيانِ المَسؤُولِينَ لَدَى المَلِكَةِ كَنداكَةَ مَلِكَةِ الحَبَشَةِ. كانَ مَسؤُولاً عَنْ خَزنَتِها كُلِّها، وَقَدْ ذَهَبَ إلَى القُدسِ لِيَعبُدَ اللهَ.
28 K olkuu ka soo noqonayay, ayuu ku fadhiyey gaadhifaraskiisa, oo wuxuu akhriyeyey kitaabka nebi Isayos.
وَكانَ فِي طَرِيقِ عَودَتِهِ جالِساً فِي عَرَبَتِهِ يَقرَأُ كِتابَ النَّبِيِّ إشَعْياءَ.
29 R uuxuna wuxuu Filibos ku yidhi, Ku dhowow, oo gaadhigan raac.
فَقالَ الرُّوحُ لِفِيلِبُّسَ: «اذْهَبْ إلَى تِلكَ العَرَبَةِ وَلازِمها.»
30 O o Filibos markuu ku orday, wuxuu maqlay isagoo akhriyaya kitaabka nebi Isayos, wuxuuna ku yidhi, Ma garanaysaa waxaad akhriyaysid?
وَعِندَما رَكَضَ فِيلِبُّسُ إلَى العَرَبَةِ، سَمِعَ الرَّجُلَ يَقرَأُ كِتابَ النَّبِيِّ إشَعْياءَ. فَقالَ لَهُ فِيلِبُّسُ: «أتَفهَمُ ما تَقرَأُهُ؟»
31 K olkaasuu yidhi, Sidee baan ku garan karaa in lay toosiyo mooyaane? Markaasuu Filibos ka baryay inuu soo fuulo oo la fadhiisto.
فَقالَ: «وَكَيفَ يُمكِنُنِي أنْ أفهَمَ إنْ لَمْ يُفَسِّرْهُ لِي أحَدٌ؟» وَدَعا فِيلِبُّسَ أنْ يَصْعَدَ وَيَجلِسَ مَعَهُ.
32 H addaba meeshuu Qorniinka ka akhriyeyey waa tan, Isaga sidii wan la qalayo baa loo kaxeeyey; Oo sidii lax ku aamusan ninka dhogorta ka xiira hortiisa, Isagu afkiisa ma uu furo;
وَأمّا الفَقَرَةُ الَّتِي كانَ يَقرَأُها فَكانَتْ: «كَخَرُوفٍ يُساقُ إلَى الذَّبْحِ، وَكَحَمَلٍ صامِتٍ أمامَ الَّذِين يَجُزُّونَ صُوفَهُ، فَلا يَفتَحُ فَمَهُ.
33 I ntuu is-hoosaysiiyey baa gartiisii laga qaaday; Farcankiisii yaa sheegi doona? Maxaa yeelay, noloshiisa dhulkaa laga qaaday.
تَذَلَّلَ وَسُلِبَتْ حُقُوقُهُ. وَلَنْ يَذْكُرَ لَهُ أحَدٌ نَسلاً، لأنَّ حَياتَهُ انتُزِعَتْ مِنَ الأرْضِ.»
34 B ohonku wuxuu Filibos u jawaabay oo ku yidhi, Waxaan kaa baryayaa, Nebigu yuu ka hadlayaa? Ma isaga qudhiisaa mise waa mid kale?
فَقالَ الرَّجُلُ لِفِيلِبُّسَ: «قُلْ لِي، أرجُوكَ، عَمَّنْ يَتَحَدَّثُ النَّبِيُّ هُنا؟ هَلْ يَتَحَدَّثُ عَنْ نَفسِهِ أمْ عَنْ شَخصٍ آخَرَ؟»
35 F ilibos baa afkiisa furay, oo intuu Qorniinkan ka bilaabay ayuu isaga ku wacdiyey Ciise.
فَبَدَأ فِيلِبُّسُ يَتَحَدَّثُ، وَبَشَّرَهُ بِيَسُوعَ، مُبتَدِئاً مِنْ تِلكَ الفِقْرَةِ.
36 K olkay waddada marayeen waxay yimaadeen meel biyah, bohonkuna wuxuu yidhi, Bal eeg, waa biyo. Maxaa iga celinaya in lay baabtiiso?
وَبَينَما كانا نازِلَينِ فِي الطَّرِيقِ، وَصَلا إلَى بُقعَةٍ فِيها ماءٌ. فَقالَ الرَّجُلُ: «انظُرْ! يُوجَدُ ماءٌ هُنا! فَهَلْ هُناكَ مانِعٌ مِنْ أنْ أتَعَمَّدَ؟»
37 O o Filibos wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigaaga oo dhan ka rumaysatid, waa suurtowdaa. Wuuna u jawaabay oo yidhi, Waxaan rumaysanahay in Ciise Masiix yahay Wiilka Ilaah.
فَأجابَ فِيلِبُّسُ: «إنْ كُنتَ قَدْ آمَنْتَ مِنْ كُلِّ قَلبِكَ، يُمكِنُ أنْ تَتَعَمَّدَ.» فَقالَ الرَّجُلُ: «أنا أؤمِنُ بِأنَّ يَسوعَ هُوَ ابْنُ اللهِ.»
38 M arkaasuu amray in gaadhigu joogsado; labadooduna biyahay galeen, Filibos iyo bohonkuba, oo wuu baabtiisay isaga.
وَأمَرَ أنْ تَقِفَ العَرَبَةُ. فَنَزَلَ فِيلِبُّسُ وَالرَّجُلُ مَعاً إلَى الماءِ، وَعَمَّدَهُ فِيلِبُّسُ.
39 O o markay biyihii ka soo baxeen, ayuu Ruuxii Rabbigu dhuftay Filibos, bohonkuna mar dambe ma uu arkin isagii, maxaa yeelay, jidkiisii ayuu iska qaaday isagoo faraxsan.
وَعِندَما خَرَجا مِنَ الماءِ، نَقَلَ رُوحُ الرَّبِّ فِيلِبُّسُ بَعِيداً، فَلَمْ يَعُدِ الرَّجُلُ يَراهُ، لَكِنَّهُ تابَعَ طَرِيقَهُ مُبتَهِجاً.
40 L aakiin Filibos waxaa laga helay Asootos, oo magaalooyinkuu dhex marayay oo dhan wuxuu ku wacdiyey injiilka ilaa intuu gaadhay Kaysariya.
وَأمّا فِيلِبُّسُ، فَوَجَدَ نَفسَهُ فِي مَدِينَةِ أشدُودَ. وَارتَحَلَ عَبرَ كُلِّ البَلداتِ مُبَشِّراً، حَتَّى وَصَلَ إلَى مَدِينَةِ قَيصَرِيَّةَ.