Yeremyaah 9 ~ ﺃﺭﻣﻴﺎء 9

picture

1 B al muu madaxaygu biyo noqdo, oo bal may indhahayguna il biyood oo ilmo daadisa noqdaan, si aan habeen iyo maalinba ugu ooyo kuwa laga laayay dadkayga!

لَيتَ رَأسِي مَلِيئاً بِالماءِ، وَعَينَيَّ نَبعُ دُمُوعٍ. حِينَئِذٍ، كُنتُ سَأبكِي عَلَى جَرحَى شَعبِيَ العَزِيزِ لَيلاً وَنَهاراً.

2 B al maan cidlada ku lahaado hoy ay socotooyinku ku dhaxaan, si aan dadkayga uga tago, oo aan iyaga uga fogaado! Waayo, iyagu dhammaantood waxay noqdeen dhillayo, iyo urur khaa'inno ah.

لَيتَ لِي نُزلاً لِلمُتَغَرِّبينَ فِي الصَّحْراءِ، لَتَرَكْتُ شَعبِيَ وَرَحَلْتُ بَعِيداً عَنهُمْ، لأنَّهُمْ جَمِيعاً زُناةٌ، وَجَماعَةٌ مِنَ المُخادِعِينَ.

3 C arrabkooda ayay been ugu xoodaan sida qaanso oo kale, oo dhulkay ku xoogaysteen, runtase uma aha, waayo, sharba shar bay uga sii gudbaan, oo ima ay yaqaaniin, ayaa Rabbigu leeyahay.

يَقُولُ اللهُ: «يَحنُونَ ألسِنَتَهُمْ كَأقواسٍ لإطلاقِ سِهامِ الكَذِبِ، وَأصبَحُوا أقوِياءَ فِي الأرْضِ لَيسَ لأجلِ الحَقِّ، لأنَّهُمْ يَتَقَدَّمُونَ مِنْ شَرٍّ إلَى آخَرَ، وَهُمْ لا يَعرِفُونَنِي.»

4 M idkiin kastaaba deriskiisa ha iska jiro oo walaalna ha isku hallaynina, waayo, walaal kastaaba waa khaa'in, oo deris kastaaba xan buu la wareegaa.

«فَليَحذَرْ بَعْضُكُمْ مِنْ بَعضٍ، وَلا تَثِقُوا بِأقرِبائِكُمْ. لأنَّ كُلَّ أخٍ غَشّاشٌ، وَكُلَّ قَرِيبٍ يَجُولُ مُتَكَلِّماً بِالنَّمِيمَةِ.

5 M idkood kastaaba wuxuu khiyaaneeyaa deriskiisa, oo runtana kuma ay hadlaan. Waxay carrabkooda bareen inuu been ku hadlo, oo waxay isku daaliyaan inay xumaan sameeyaan.

يَخدَعُ النّاسُ أصحابَهُمْ، وَلا يَتَكَلَّمُ أحَدٌ بِالحَقِّ. يُعَلِّمُونَ لِسانَهُمْ عَلَى الكَذِبِ. أتعَبتْهُمْ آثامُهُمْ حَتَّى تَكاسَلُوا عِنِ التَّوبَةِ.

6 R abbigu wuxuu leeyahay, Rugtaadu waxay ku dhex jirtaa khiyaano, oo khiyaano aawadeed ayay u diidaan inay i aqoonsadaan.

«ظُلمٌ بَعدَ ظُلمٍ، وَخِداعٌ فُوقَ خِداعٍ! رَفَضُوا أنْ يَعرِفُونِي،» يَقُولُ اللهُ.

7 S idaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dhalaalin doonaa, waanan tijaabin doonaa, waayo, bal maxaa kaloo aan sameeyaa, dadkayga dartiis?

لِذَلِكَ هَذا هُوَ ما يَقُولُهُ اللهُ القَدِيرُ: «سَأُنَقِّيهِمْ وَسَأمتَحِنُهُمْ. لأنَّهُ ماذا أعمَلُ غَيرَ هَذا لأجلِ شَعبِيَ العَزِيزِ؟

8 C arrabkoodu waa sida fallaadh wax dilaysa oo kale. Khiyaanuu ku hadlaa. Mid waluba deriskiisa nabad buu afka uga sheegaa, laakiinse uurka wuu uga gabbadaa.

لِسانُهُمْ سَهمٌ مَبرِيٌّ، وَيَتَكَلَّمُونَ بِالخِيانَةِ بِألسِنَتِهِمْ. كُلُّ واحِدٍ يَتَكَلَّمُ بِالسَّلامِ مَعَ صاحِبِهِ، وَلَكِنْ فِي داخِلِهِ يُفَكِّرُ بِالانقِضاضِ عَلَيهِ.

9 R abbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruun tanoo kale ah?

ألا يَنْبَغِي أنْ أُعاقِبَهُمْ لأجلِ هَذِهِ الأُمُورِ؟ ألا يَنْبَغِي أنْ أنتَقِمَ مِنْ أُمَّةٍ مِثلِ هَذِهِ؟» يَقُولُ اللهُ:

10 W axaan oohin iyo baroor kor ugu qaadi doonaa buuraha aawadood, oo daaqsimaha cidladana waan u barooran doonaa, maxaa yeelay, way gubteen si aan ciduna u dhex marin. Oo ninna codkii lo'da kama maqli karo, haaddii samada iyo dugaaggiiba way carareen oo way tageen.

سَأبكِي وَأُوَلوِلُ عَلَى الجِبالِ، سَأُغَنِّي أُغنِيَةً حَزِينَةً عَلَى مَراعِي البَرِّيَّةِ، لأنَّها خَرِبَتْ، ولا يَمُرُّ فِيها أحَدٌ، وَلا يُسمَعُ صَوتُ الماشِيَةِ فِي الأرْضِ. مِنْ طَيرِ السَّماءِ إلَى وَحشِ الأرْضِ، كُلُّهُمْ تاهُوا وَذَهَبُوا.

11 O o waxaan Yeruusaalem ka dhigi doonaa tuulmooyin burbur ah, iyo meel ay dawacooyinku ku hoydaan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudahna waxaan ka dhigi doonaa cidla aan ciduna degganayn.

وَيَقُولُ اللهُ: «سَأجعَلُ مَدينَةَ القُدْسِ كَومَةَ خَرابٍ وَمَسكِناً لِبَناتِ آوَى. سَأُحَوِّلُ مُدُنَ يَهُوذا إلَى خَرائِبَ، بِلا ساكِنِينَ.»

12 W aa kuma ninka xigmadda leh oo waxan garan karaa? Oo kan Rabbiga afkiisu la hadlay inuu waxyaalahan sheegi karaa waa kuma? Bal maxaa dalku u halligmay, oo uu sidii cidlo oo kale ugu gubtay, si aan ciduna u dhex marin?

مَنْ هُوَ الحَكِيمُ الَّذِي يَفَهمُ هَذا؟ وَالَّذِي تَكَلَّمَ فَمُ اللهِ إلَيهِ، فَلِيَشرَحْ سَبَبَ خَرابِ الأرْضِ، وَسَبَبَ احتِراقِها كَالصَّحراءِ الَّتِي لا يَعبُرُها أحَدٌ.

13 R abbigu wuxuu leeyahay, Iyagu sharcigaygii aan hortooda dhigay way ka tageen, oo codkaygiina ma ay addeecin, kumana ay dhex socon,

وَقالَ اللهُ: «هَذا بِسَبَبِ تَركِهِمْ لِشَرِيعَتِي الَّتِي وَضَعتُها أمامَهُمْ. وَلَمْ يَستَمِعُوا لِي، وَلَمْ يَعمَلُوا ما تَقُولُهُ الشَّرِيعَةُ.

14 l aakiinse waxay iska daba galeen caasinimadii qalbigooda, iyo Bacaliim oo ay awowayaashood iyaga bareen,

بَلْ أصَرُّوا بِعِنادٍ عَلَى السَّيرِ فِي طَرِيقِهِمْ، وَأصَرُّوا عَلَى السَّيرِ وَراءَ البَعلِ، الَّذِي عَلَّمَهُمْ آباؤُهُمْ عَنهُ.»

15 o o sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Dadkan waxaan ku quudin doonaa dacar, oo waxaan cabsiin doonaa biyo xammeetiyeed.

لِذَلِكَ هَذا هُوَ ما يَقُولُهُ اللهُ القَدِيرُ، إلَهُ إسْرائِيلَ: «سَأجعَلُ هَذا الشَّعبَ يَأكُلُ المَرارَةَ، وَسَأسقِيهِمْ ماءَ العَلقَمِ.

16 O o iyaga waxaan ku kala dhex firdhin doonaa quruumaha iyaga iyo awowayaashood toona ayan aqoonin, oo waxaan iyaga ka daba diri doonaa seef jeeraan baabbi'iyo.

سَأُبَدِّدُهُمْ بَينَ الأُمَمِ الَّتِي لَمْ يَعرِفْها آباؤُهُمْ وَلا هُمْ عَرَفُوها. وَسَأُرسِلُ السَّيفَ وَراءَهُمْ حَتَّى أُبِيدَهُمْ تَماماً.»

17 R abbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Aad u fiirsada, oo u yeedha naagaha baroorta ha yimaadeene, waxaad u cid dirtaan naagaha aad baroorta u yaqaan ha yimaadeene.

هَذا هُوَ ما يَقُولُهُ اللهُ القَدِيرُ: «فَكِّرُوا بِما سَيَحدُثُ، وَاستَدْعُوا النَّواحاتِ، النِّساءِ الماهِراتِ فِي البُكاءِ.

18 O o iyagu ha soo dhaqsadeen, oo aad ha noogu baroorteen, si ay indhahayaga ilmo uga soo daadato oo ay biyona uga soo butaacaan.

لِيَأتِينَ سَرِيعاً، وَلْيَرفَعنَ عَلَينا وَلوَلَةً وَنُواحاً، حَتَّى تَفِيضَ الدُّمُوعُ مِنْ عُيُونِنا، وَتَتَدَفَّقُ أجفانُنا بِالماءِ.»

19 W aayo, waxaa Siyoon ka yeedhaya cod baroor ah oo leh, Sidee baannu u baabba'nay! Aad iyo aad baannu u ceebownay, maxaa yeelay, dalkii waannu ka tagnay, oo hoyaashayadiina waa nalaga dumiyey.

«صَوتُ النُّواحِ مَسمُوعٌ مِنْ صِهْيَوْنَ: ‹كَيفَ خَرِبنا! نَحنُ خَجِلُونَ جِدّاً تَرَكْنا الأرْضَ! هَدَمَ الأعداءُ مَسكَنَنا.›»

20 D umarow, bal erayga Rabbiga maqla, oo dhegihiinnuna erayga afkiisa ha aqbaleen, oo gabdhihiinnana baroorashada bara, oo middiin kastaaba teeda kale ha barto.

أيَّتُها النِّساءُ، اسْمَعْنَ كَلِمَةَ اللهِ ، وَأصغِيْنَ إلَى ما يَقُولُهُ. عَلِّمْنَ بَناتِكُنَّ النُّواحَ، وَلْتُعَلِّمِ المَرأةُ جارَتَها أغنِيَةَ الحُزنِ هَذِهِ:

21 W aayo, geeri baa daaqadahayaga nooga soo dustay, oo waxay soo gashay daarahayaga inay carruurta dibadda ka baabbi'iso, oo ay barbaarradana jidadka ka baabbi'iso.

«دَخَلَ المَوتُ مِنْ نَوافِذِنا، وَصَلَ إلَى حُصُونِنا، لِيَبتَعِدِ الأطفالَ عَنِ الشَّوارِعِ، وَالشَّبابَ عَنْ ساحاتِ المَدِينَةِ.»

22 W axaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka meydkiisu wuxuu u soo daadan doonaa sida digo berrin bannaan taal oo kale iyo sida gacan muggeed oo ka hadhay nin beer soo goostay, oo ciduna sooma ururin doonto.

«قُلْ: ‹هَذا هُوَ ما يَقُولُهُ اللهُ: سَتَسقُطُ الجُثَثُ فِي الحُقُولِ كَرَوْثِ الماشِيَةِ، وَكَحُزمَةٍ مِنَ القَمحِ تُرِكَتْ بَعدَ الحَصادِ، وَلا يُوجَدُ مَنْ يَأخُذُها.›»

23 R abbigu wuxuu leeyahay, Kii xigmad lahu yuusan xigmaddiisa ku faanin, oo kii xoog badanuna yuusan xooggiisa ku faanin, oo kii taajir ahuna yuusan maalkiisa ku faanin,

هَذَ ما يَقُولُهُ اللهُ: «لا يَفتَخِرِ الحَكِيمُ بِحِكمَتِهِ، وَلا القَوِيُّ بِقُوَّتِهِ، وَلا الغَنِيُّ بِثَروَتِهِ،

24 l aakiinse kii faanaa ha ku faano inuu i garanayo oo uu i yaqaan inaan anigu ahay Rabbiga dhulka ku sameeya raxmadda, iyo caddaaladda, iyo xaqnimada, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahaasaan ku farxaa.

لَكِنْ، إنْ أرادَ أحَدٌ أنْ يَفتَخِرَ، فَلْيَفتَخِرْ بِأنَّهُ يَفهَمُنِي وَيَعرِفُنِي أنا اللهَ الرَّحِيمَ العادِلَ البارَّ فِي الأرْضِ، وَمِثلُ هَؤُلاءِ يَحظَوْنَ بِرِضايَ.» يَقُولُ اللهُ.

25 R abbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhtigii aan ciqaabi doono kuwa gudan oo uurka ka buuryaqabka ah oo dhan,

يَقُولُ اللهُ: «ها الأيّامُ آتِيَةٌ، حِينَ أُعاقِبُ كُلَّ المَختُونِينَ فِي الظّاهِرِ فَقَطْ:

26 k uwaasoo ah reer Masar, iyo dadka Yahuudah, iyo reer Edom, iyo reer Cammoon, iyo reer Moo'aab, iyo kuwa timaha madaxa dhinac ka jara oo cidlada jooga oo dhan, waayo, quruumahaas oo dhammu waa wada buuryaqab, oo dadka Israa'iil oo dhammu xagga qalbigay buuryaqab ka yihiin.

مِصْرَ وَيَهُوذا وَأدُومَ وَالعَمُّونِيِّينَ وَمُوآبَ. وَسَأُعاقِبُ كُلَّ سُكّانِ البَرِّيَّةِ الَّذِينَ يَحلِقُونَ سَوالِفَهُمْ. وَكَذَلِكَ جَمِيعُ الأُمَمِ اللّامَختُونِينَ فِي أجسادِهِمْ، وَجَمِيعُ بَني إسْرائِيلَ الذِينَ قُلُوبُهُمْ غَيرُ مَختُونَةٍ.»