1 M arkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
وَقالَ اللهُ لِمُوسَى:
2 K anu waa inuu ahaadaa sharciga ku saabsan qofkii baras qaba maalinta la daahirinayo: Waa in isaga wadaadka loo keenaa.
«هَذِهِ شَرِيعَةُ الأبرَصِ حِينَ يُطَهَّرُ. «يَنبَغِي أنْ يُحضَرَ الشَّخصُ إلَى الكاهِنِ.
3 O o wadaadku waa inuu xerada dibadda uga baxaa, oo waa inuu qofkaa fiiriyaa, oo bal eeg, cudurkii barasku hadduu ka bogsaday qofkii baraska qabay,
فَيَخْرُجُ الكاهِنُ خارِجَ المُخَيَّمِ إلَى الشَّخصِ المُصابِ، فَإنْ عايَنَهُ الكاهِنُ وَرَآهُ قَدْ شُفِيَ مِنْ بَرَصِهِ،
4 m arkaas wadaadku waa inuu amraa in kan la daahirinayo aawadiis loo keeno laba shimbirrood oo noolnool oo daahir ah, iyo qori kedar ah, iyo wax casaan ah, iyo geed husob la yidhaahdo.
يَأمُرُ بِإحضارِ عُصفُورَينِ حَيَّينِ طاهرَينِ وَقِطعَةَ خَشَبِ أرزٍ وَخَيطاً أحمَرَ وَغُصْناً مِنْ نَباتِ الزُّوفا لِأجلِ الَّذِي تَطَهَّرَ.
5 O o wadaadku waa inuu amraa in shimbirraha middood lagu dhex gowraco weel dhoobo ah oo biyo socda korkooda ah.
وَيَأمُرُ الكاهِنُ بِذَبحِ أحَدِ العُصْفُورَينِ وَوَضعِ دَمِهِ فِي طَبَقٍ مِنْ فُخّارٍ فَوقَ ماءٍ جارٍ.
6 O o shimbirta nool iyo qoriga kedarka ah, iyo waxa casaanta ah iyo geedka husobka ahba waa inuu soo qaadaa oo iyaga iyo shimbirta noolba waa inuu dhex geliyaa dhiigga shimbirtii biyaha socda lagu kor gowracay.
ثُمَّ يَأخُذُ العُصفُورَ الحَيَّ وَقِطعَةَ خَشَبِ الأرْزِ وَالخَيطَ الأحمَرَ وَالزُّوفا، وَيَغمِسُها جَمِيعاً مَعَ العُصفُورِ الحَيِّ فِي دَمِ العُصفُورِ الَّذِي ذُبِحَ فَوقَ ماءٍ جارٍ.
7 O o wadaadkuna kan baraska laga daahirinayo toddoba jeer waa inuu dhiigga ku saydhaa oo waa inuu yidhaahdaa, Kanu waa daahir. Oo shimbirta noolna berrin bannaan ha ku sii daayo.
ثُمَّ يَرُشُّ الدَّمَ سَبعَ مَرّاتٍ عَلَى الشَّخصِ الَّذِي تَطَهَّرَ مِنَ البَرَصِ. بَعدَ ذَلِكَ، يُعلِنُ الشَّخصَ طاهِراً. وَيُطلِقُ الكاهِنُ العُصفُورَ الحَيَّ فِي سَهلٍ مَفتُوحٍ.
8 O o kan la daahirinayaana waa inuu dharkiisa maydhaa oo timihiisa oo dhanna iska xiiraa, oo isna biyo ku maydhaa, kolkaasuu daahir noqon doonaaye, oo markaas dabadeedna waa inuu xerada soo galaa, laakiinse intii toddoba maalmood ah waa inuu teendhadiisa dibaddeeda ku hoydaa.
«وَعَلَى مَنْ تَطَهَّرَ أنْ يَغسِلَ ثِيابَهُ وَيَحلِقَ شَعرَهُ وَيَستَحِمَّ فِي ماءٍ، فَيَصِيرَ طاهِراً. ثُمَّ يَدخُلُ المُخَيَّمَ، لَكِنَّهُ يَبقَى خارِجَ خَيمَتِهِ لِسَبعَةِ أيّامٍ.
9 O o maalinta toddobaad waa inuu timaha ka wada xiiraa madaxa iyo gadhka iyo suunniyadaba. Xataa timihiisa oo dhan waa inuu iska wada xiiraa, oo waa inuu dharkiisana maydhaa, jidhkiisana biyo ku maydhaa, kolkaasuu daahir noqon doonaaye.
وَفِي اليَومِ السّابِعِ، يَحلِقُ كُلَّ شَعرِ رَأسِهِ وَذَقنِهِ وَحَواجِبِهِ. يَنبَغِي أنْ يَحلِقَ كُلَّ شَعرِهِ، وَأنْ يَغسِلَ ثِيابَهُ وَجَسَدَهُ فِي الماءِ، حِينَئِذٍ، يَكُونُ طاهِراً تَماماً.
10 O o maalinta siddeedaadna isagu waa inuu keenaa laba wan oo yaryar oo aan innaba iin lahayn, iyo nayl gu jira oo aan iin lahayn, iyo eefaah toban meelood loo dhigay saddexdiis meelood oo bur ah oo saliid lagu daray, kaasoo ah qurbaan hadhuudh, iyo qiyaas log la yidhaahdo oo saliid ah.
«وَفِي اليَومِ الثّامِنِ، يَأخُذُ حَمَلَينِ ذَكَرَينِ لا عَيبَ فِيهِما، وَنَعْجَةً واحِدَةً عُمْرُها سَنَةٌ لا عَيبَ فِيها، وَثَلاثَةَ أعْشارِ القُفَّةِ مِنَ الطَّحِينِ الجَيِّدِ مَمزُوجاً بِزَيتٍ، وَكُوباً وَاحِداً مِنْ زَيتِ الزَّيتُونِ.
11 O o wadaadka isaga daahirinayaa waa inuu kan la daahirinayo iyo alaabtiiba keenaa Rabbiga hortiisa, meel iridda teendhada shirka agteeda ah.
وَعَلَى الكاهِنِ الَّذِي يَقُوُمُ بالتَّطهِيرِ أنْ يُعِدَّ ذَلِكَ الإنسانَ لِيَتَطَهَّرَ، وَأنْ يُحْضِرَ هَذِهِ التَّقدِماتِ إلَى مَحْضَرِ اللهِ عِندَ مَدخَلِ خَيمَةِ الاجْتِماعِ.
12 O o wadaadku waa inuu soo qaadaa wananka midkood oo waa inuu u bixiyaa qurbaan xadgudub aawadiis, oo weliba waa inuu logga saliidda ah qaadaa oo uu iyaga Rabbiga hortiisa ugu ruxruxaa qurbaan la ruxruxo.
ثُمَّ يَأخُذُ الكاهِنُ حَمَلاً ذَكَراً وَيُقَدِّمُهُ ذَبِيحَةَ ذَنبٍ مَعَ كُوبٍ مِنَ الزَّيتِ، وَيرفَعُهُا تَقدِمَةً فِي حَضْرَةِ اللهِ.
13 O o wanka waa inuu ku gowracaa meesha lagu gowraco qurbaanka dembiga iyo qurbaanka la gubo oo ku dhex taal meesha quduuska ah, waayo, sida qurbaanka dembigu uu kii wadaadka u yahay ayaa qurbaanka xadgudubkuna kiisii u yahay. Waa kan ugu quduusan.
وَيَذبَحُ الحَمَلَ فِي مِنْطَقَةٍ مُقَدَّسَةٍ حَيثُ تُذبَحُ تَقدِمَةُ الذَّبيحَةِ الصّاعِدَةِ. وَلِأنَّ ذَبِيحَةَ الذَّنبِ هِيَ مِثلُ ذَبِيحَةِ الخَطِيَّةِ، فَإنَّها تَكُونُ مِنْ نَصِيبِ الكاهِنِ. إنَّها نَصِيبٌ مُخَصَّصٌ لِلكَهَنَةِ بِالكامِلِ.
14 O o wadaadku waa inuu qaadaa dhiigga qurbaanka xadgudubka qaarkiis, oo waa inuu dhiigga taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midigba.
«وَيَأخُذُ الكاهِنُ بَعضَ دَمِ ذَبِيحَةِ الذَّنبِ، وَيَضَعَهُ عَلَى شَحمَةِ الأُذُنِ اليُمنَى لِلمُتَطَهِّرِ، وَعَلَى إبهامِ يَدِهِ اليُمنَى، وَعَلَى إبهامِ رِجلِهِ اليُمنَى.
15 O o wadaadku waa inuu qaadaa loggii saliidda ahaa qaarkiis oo waa inuu calaacasha gacantiisa bidix ku shubaa.
ثُمَّ يَأخُذُ الكاهِنُ مِنْ كُوبِ الزَّيتِ، وَيَسكُبُ مِنهُ فِي كَفِّهِ الأيْسَرِ.
16 O o wadaadku waa inuu fartiisa midig daraa saliidda ku jirta calaacashiisa bidix, oo waa inuu toddoba jeer saliidda fartiisa kula saydhaa Rabbiga hortiisa.
ثُمَّ يَغمِسُ إصبَعاً مِنْ يَدِهِ اليُمنَى فِي الزَّيتِ الَّذِي فِي كَفِّهِ الأيْسَرِ، وَيَرُشَّ بَعضَ الزَّيتِ بِإصبَعِهِ سَبعَ مَرّاتٍ فِي حَضْرَةِ اللهِ.
17 O o saliidda inteeda kale oo gacantiisa ku hadhayna waa in wadaadku taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midig, oo ha ka kor mariyo dhiiggii qurbaanka xadgudubka.
أمّا ما تَبَقَّى مِنَ الزَّيتِ فِي كَفِّهِ، فَيَضَعُهُ الكاهِنُ مِنْهُ عَلَى شَحمَةِ الأُذُنِ اليُمنَى لِلشَّخصِ المُتَطَهِّرِ، وَعَلَى إبهامِ يَدِهِ اليُمنَى وَإبهامِ رِجلِهِ اليُمنَى. فَوقَ دَمِ ذَبِيحَةِ الذَّنبِ.
18 O o saliidda inteeda kale oo ku jirta wadaadka calaacashiisana waa inuu taabsiiyaa kan la daahirinayo madaxiisa, oo wadaadku waa inuu isaga Rabbiga hortiisa kafaaraggud ugu sameeyaa.
وَما تَبّقَّى فِي كَفِّ الكاهِنِ يَضَعُهُ علَى رَأسِ المُتَطَهِّرِ. وَهَكَذا، يَعمَلُ لَهُ الكاهِنُ كَفّارَةً فِي حَضْرَةِ اللهِ.
19 O o wadaadku waa inuu bixiyaa qurbaanka dembiga, oo waa inuu nejisnimadiisii daraaddeed kan la daahirinayo aawadiis kafaaraggud u sameeyaa, oo dabadeedna waa inuu gowracaa neefkii ahaa qurbaanka la gubo,
«ثُمَّ يَذْبَحُ الكاهِنُ ذَبِيحَةَ الخَطِيَّةِ وَيُطَهِّرَ المُتَطَهِّرَ مِنْ نَجاسَتِهِ. ثُمَّ يَذبَحُ ذَبيحَةً صاعِدَةً.
20 o o wadaadku waa inuu meesha allabariga ku dul bixiyaa qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka, oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud u sameeyaa, oo isna daahir buu ahaan doonaa.
يُقَدِّمُ الكاهِنُ الذَّبيحَةَ الصّاعِدَةَ وَتَقدِمَةَ الطَّحِينِ عَلَى المَذبَحِ. وَهَكَذا يَعِدُّ الكاهِنُ كَفّارَةً عَنْ خَطِيَّتِهِ، فَتُغفَرَ لَهُ.
21 L aakiinse isagu hadduu miskiin yahay oo uusan intaas oo dhan wada heli karin, markaas waa inuu keenaa wan yar oo qurbaankii xadgudubka aawadiis loo ruxruxo si uu kafaaraggud ugu sameeyo, iyo eefaah toban meelood loo dhigay meeshiis oo bur ah oo saliid lagu daray oo qurbaan hadhuudh ah loo bixiyo, iyo log saliid ah,
«فَإنْ كانَ المُتَطَهِّرُ فَقِيراً، لا يَستَطِيعُ تَقدِيمَ تِلكَ الذَّبائِحِ، فَلْيَجلِبْ حَمَلاً ذَبِيحَةَ ذَنبٍ تُرفَعُ فِي حَضرَةِ اللهِ كَفّارَةً لِخَطاياهُ. كَما يُقَدِّمُ عُشَرَ قُفَّةٍ مِنَ الطَّحِينِ الجَيِّدِ مَمزُوجاً بِزَيتٍ، وَكُوباً وَاحِداً مِنْ زَيتِ الزَّيتُونِ،
22 i yo laba qoolley ama laba xamaam oo yaryar, kuwaas oo ah wax uu heli karo, oo middood waa inay ahaato qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo.
وَيَمامَتَينِ أوْ حَمامَتَينِ صَغِيرَتَينِ بِحَسَبِ قُدْرَتِهِ. فَتَكُونُ إحداهُما لِذَبِيحَةِ الخَطِيَّةِ، وَالثّانِيَةُ لِتَقدِمَةِ الذَّبيحَةِ الصّاعِدَةِ.
23 O o waa inuu maalinta siddeedaad daahirintiisa aawadeed wadaadka ugu keenaa iridda teendhada shirka agteeda oo Rabbiga hortiisa ah.
«يُحضِرُ المُتَطَهِّرُ هَذِهِ التَّقدِماتِ فِي اليَومِ الثّامِنِ مِنْ يَومِ تَطهِيرِهِ، إلَى الكاهِنِ عِندَ مَدخَلِ خَيمَةِ الاجْتِماعِ فِي حَضْرَةِ اللهِ.
24 O o wadaadku markaas waa inuu soo qaadaa wanka qurbaanka xadgudubka ah, iyo logga saliidda ah, oo wadaadku waa inuu iyaga Rabbiga hortiisa ugu ruxruxaa qurbaan la ruxruxo.
فَيَأخُذُ الكاهِنُ الحَمَلَ لِذَبِيحَةِ الذَّنبِ وَكُوباً واحِداً مِنْ زَيتِ الزَّيتُونِ، وَيَرفَعُهما تَقدِمَةً فِي حَضرَةِ اللهِ.
25 O o waa inuu gowracaa wanka qurbaanka xadgudubka ah, oo wadaadku waa inuu dhiigga qurbaanka xadgudubka qaarkiis soo qaadaa, oo taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midigba.
ثُمَّ يُذبَحُ حَمَلُ ذَبِيحَةِ الذَّنبِ، وَيَأخُذُ الكاهِنُ بَعضَ دَمِ ذَبِيحَةِ الذَّنبِ وَيَضَعُهُ عَلَى شَحْمَةِ الأُذُنِ اليُمنَى لِلشَّخصِ المُتَطَهِّرِ، وَعَلَى إبهامِ يَدِهِ اليُمنَى وَعَلَى إبهامِ رِجلِهِ اليُمنَى.
26 O o waa in wadaadku saliidda ku shubaa calaacasha gacantiisa bidix.
وَيَسكُبُ الكاهِنُ بَعضَ الزَّيتِ فِي كَفِّهِ الأيَسَرِ.
27 O o waa inuu saliidda calaacashiisa bidix ku jirta qaarkeed toddoba jeer fartiisa midig kula saydhaa Rabbiga hortiisa.
ثُمَّ يَرُشُّ الكاهِنُ بِإصبَعٍ مِنْ يَدِهِ اليُمنَى بَعضَ الزَّيتِ الَّذِي فِي كَفِّهِ الأيسَرِ سَبعَ مَرّاتٍ فِي حَضْرَةِ اللهِ.
28 O o waa in wadaadku saliidda calaacashiisa ku jirta qaarkeed taabsiiyaa kan la daahirinayo caaradda dhegtiisa midig, iyo suulka gacantiisa midig, iyo suulka cagtiisa midig, oo ha ka kor mariyo meeshii uu ku yiil dhiiggii qurbaanka xadgudubku.
ثُمَّ يَضَعُ الكاهِنُ بَعضَ الزَّيتِ الَّذِي فِي كَفِّهِ عَلَى شَحمَةِ الأُذُنِ اليُمنَى لِلمُتَطَهِّرِ، وَعَلَى إبهامِ يَدِهِ اليُمنَى وَعَلَى إبهامِ رِجلِهِ اليُمنَى، عَلَى الأماكِنِ الَّتِي وُضِعَ عَلَيها مِنْ دَمِ ذَبِيحَةِ الذَّنبِ.
29 O o saliidda wadaadka gacantiisa ku jirta inteeda kalena waa inuu mariyaa kan la daahirinayo madaxiisa, si uu isaga kafaaraggud ugu sameeyo Rabbiga hortiisa.
وَبَقِيَّةُ الزَّيتِ الَّذِي فِي كَفَّةِ الكاهِنِ، يَسْكُبُها عَلَى رَأسِ المُتَطَهِّرِ لِعَمَلِ كَفّارَةٍ لَهُ فِي حَضْرَةِ اللهِ.
30 O o markaas waa inuu bixiyaa mid ka mid ah qoolleyaha ama xamaamka yaryar, kuwaas oo ah wax uu heli karo.
«ثُمَّ يُقَدِّمُ الكاهِنُ إحْدَى اليَمامَتَينِ أوْ إحْدَى الحَمامَتَينِ الصَّغِيرَتَينِ، بِحَسَبِ قُدْرَةِ المُتَطَهِّرِ.
31 O o xataa waxaas uu heli karo middood ha u bixiyo qurbaan dembi, midda kalena qurbaan la gubo, oo qurbaankii hadhuudhka la socda, oo wadaadku waa inuu kan la daahirinayo kafaaraggud ugu sameeyaa Rabbiga hortiisa.
فَتَكُونُ إحداهُما لِذَبِيحَةِ الخَطِيَّةِ وَالأُخرَى لِلذَّبيحَةِ الصّاعِدَةِ، مَعَ تَقدِمَةِ الطَّحِينِ. وَهَكَذا يَعمَلُ الكاهِنُ لِلشَّخصِ المُتَطَهِّرِ كَفّارَةً فِي حَضْرَةِ اللهِ ، فَيَصيرُ طاهِراً.»
32 K aasu waa sharciga ku saabsan qofkii cudurka baraska ah qaba, oo aan awoodin inuu keeno wixii daahirintiisa waajibka ku ahaa. Nadiifintii Caaryada
هَذِهِ هِيَ شَرِيعَةُ المُصابِ بِالبَرَصِ. وَلا يَستَطِيعُ تَقدِيمَ الذَّبائِحِ وَالتَّقدِماتِ المُعْتادَةِ لِتَطهِيرِهِ. عَفَنُ البُيُوت
33 M arkaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,
وَقالَ اللهُ لِمُوسَى وَهارُونَ:
34 I dinku markaad gashaan dalka reer Kancaan oo aan hantida idiin siinayo, haddaan cudurka baraska ah ku rido guri ku yaal dalka hantidiinna ah,
«حِينَ تَدخُلُونَ أرْضَ كَنعانَ الَّتِي سَأُعطِيها لَكُمْ مُلكاً، وَأرسَلْتُ عَفَناً عَلَى بَيتٍ فِي أرْضِكُمْ،
35 m arkaas qofka guriga lahu waa inuu wadaadka u yimaadaa oo u sheegaa isagoo leh, Waxay ila tahay in cuduru guriga ku jiro.
فَعَلَى صاحِبِ البَيتِ أنْ يَأتِيَ وَيُخبِرَ الكاهِنَ فَيَقُولُ: ‹رَأيتُ شَيئاً يُشبِهُ العَفَنَ فِي بَيتِي.›
36 O o wadaadku waa inuu amraa in guriga mid madhan laga dhigo, intaan wadaadku soo gelin markuu cudurka fiirinayo, si aan waxa guriga ku jira oo dhan nijaas looga dhigin, oo dabadeedna wadaadku waa inuu galaa si uu guriga u fiiriyo.
فَيَأمُرُ الكاهِنُ بِإخراجِ كُلِّ شَيءٍ مِنَ البَيتِ قَبلَ أنْ يَأتِيَ الكاهِنُ لِيَفحَصَ العَفَنَ. فَإنْ عَمِلُوا هَذا فَإنَّ الأشياءَ الَّتِي فِي البَيتِ لَنْ تُصبِحَ نَجِسَةً. ثُمَّ يَأتِي الكاهِنُ لِيَرَى البَيتَ.
37 O o waa inuu cudurka fiiriyaa, oo bal eeg, cudurku hadduu ku yaal guriga derbiyadiisa oo ay leeyihiin meelo godgodan oo ah cagaar iyo guduud, iyo haddii muuqashadiisu ay derbiga sare hoos u sii dhaafsiisan tahay,
ثُمَّ يُعايِنُ الكاهِنُ البَيتَ. وَيَفحَصُ الكاهِنُ العَفَنَ، فَإنْ كانَ العَفَنُ الَّذِي عَلَى جُدرانِ البَيتِ يَتَكَوَّنُ مِنْ بُقَعٍ حَمراءَ أوْ خَضراءَ غائِرَةٍ فِي سَطحِ الجِدارِ.
38 m arkaas waa in wadaadku gurigaas ka baxo oo albaabka istaagaa, oo waa inuu gurigaas intii toddoba maalmood ah xidhaa.
فَيَخْرُجُ الكاهِنُ مِنَ البَيتِ إلَى مَدخَلِهِ، وَيُغلِقُ البَيتَ لِسَبعَةِ أيّامٍ.
39 O o haddana maalinta toddobaad waa in wadaadku soo noqdaa oo fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurku ku sii faafay guriga derbiyadiisa,
«وَيَعُودُ الكاهِنُ فِي اليَومِ السّابِعِ وَيُعايِنُ البَيتَ، فَإنِ انتَشَرَ العَفَنُ الَّذِي عَلَى جُدرانِ البَيتِ،
40 m arkaas wadaadku waa inuu amraa in guriga laga bixiyo dhagaxyada cudurka qaba, oo lagu xooraa meel nijaas ah oo magaalada dibaddeeda ah.
يَأمُرُ بِنَزعِ الحِجارَةِ الَّتِي عَلَيْها العَفَنُ وَإلقائِها خارِجَ المَدِينَةِ فِي مَكانٍ نَجِسٍ.
41 O o markaas waa inuu ka dhigaa in guriga gudihiisa oo dhan la wada xoqo, oo malaasta guriga laga xoqayna waa in lagu soo daadiyaa meel nijaas ah oo magaalada dibaddeeda ah.
ثُمَّ يَأمُرُ الكاهِنُ بِقَشرِ كُلِّ الطِّينَةِ الدّاخِلِيَّةِ لِلبَيتِ، وَيُلْقَى التَّرابُ الَّذِي قَشَّرُوهُ إلَى خارِجِ المَدِينَةِ فِي مَكانٍ نَجِسٍ.
42 O o waa in dhagaxyo kale la soo qaadaa, oo la geliyaa meeshii ay dhagaxyadaas laga bixiyey, oo malaas kale waa inuu keenaa oo guriga ku malaasaa.
ثُمَّ تُوضَعُ حِجارَةٌ أُخْرَى مَكانَ الحِجارَةِ الَّتِي أُزِيلَتْ، وَيُطَيَّنُ البَيتُ بِطِينَةٍ جَدِيدَةٍ.
43 O o haddii cudurku mar kale guriga ku soo noqdo oo uu ka soo dhex baxo, markii dhagaxyada laga bixiyey oo guriga oo dhan la xoqay oo la malaasay dabadeed,
«فَإنْ عادَ العَفَنُ وَانتَشَرَ فِي البَيتِ بَعدَ أنْ أُزِيلَتِ الحِجارَةُ وَتَمَّ تَقشِيرُ البَيتِ وَتَطيِينُهُ مِنْ جَدِيدٍ،
44 m arkaas wadaadku waa inuu soo galaa, oo fiiriyaa, oo bal eeg, cudurku hadduu guriga ku faafay, waa baras wax xagta oo guriga ku jira, oo markaas gurigu waa nijaasaysan yahay.
فَحِينَئِذٍ، يَأتي الكاهِنُ وَيُعايِنُهُ. فِإنْ كانَ العَفَنُ قَدِ انتَشَرَ فِي البَيتِ، فَهُوَ عَفَنٌ مُفسِدٌ وَمُتلِفٌ لِلبَيتِ وَما فِيهِ. إنَّهُ بَيتٌ نَجِسٌ.
45 O o isagu waa inuu guriga dumiyaa kulli dhagxantiisa, iyo alwaaxdiisa, iyo malaastiisa oo dhanba, oo waa inuu magaalada dibaddeeda u bixiyaa, oo meel nijaas ah ku daadiyaa.
يَنبَغِي هَدمُ البَيتِ، حِجارَتِهِ وَخَشَبِهِ وَكُلِّ طِينَتِهِ، وَإحضارِها إلَى خارِجِ المَدِينَةِ، إلَى مَكانٍ نَجِسٍ.
46 O o weliba gurigu intuu xidhan yahay oo dhan ku alla kii galaaba, nijaas buu ahaan doonaa tan iyo fiidkii.
كُلُّ شَخصٍ يَدخُلُ البَيتَ خِلالَ فَترَةِ إغلاقِهِ يَكُونُ نَجِساً إلَى المَساءِ،
47 O o qofkii guriga seexdaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo kii guriga wax ku cunaana waa inuu dharkiisa maydhaa.
وَكُلُّ شَخصٍ يَنامُ فِي البَيتِ يَنبَغِي أنْ يَغسِلَ ثِيابَهُ. وَكُلُّ شَخصٍ يَأكُلُ فِي البَيتِ يَنبَغِي أنْ يَغسِلَ ثِيابَهُ.
48 O o haddii wadaadku guriga soo galo, oo uu fiiriyo, oo uu arko inaan cudurkii guriga ku dhex faafin markii guriga la malaasay dabadeed, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Gurigu waa daahir, maxaa yeelay, cudurkii wuu ka bogsaday.
«لَكِنْ إنْ أتَى الكاهِنُ وَرَأى البَيتَ، وَلَمْ يَكُنِ العَفَنُ قَدِ انتَشَرَ فِي البَيتِ بَعدَ أنْ تَمَّ تَطيِينُ البَيتِ ثانِيَةً، فَإنَّ الكاهِنَ يُعلِنُ البَيتَ طاهِراً لِأنَّ العَفَنَ قَدْ زالَ.
49 O o isna si uu guriga u daahiriyo aawadeed waa inuu qaadaa laba shimbirrood, iyo qori kedar ah, iyo wax casaan ah, iyo geed husob la yidhaahdo.
وَلِتَطهِيرِ البَيتِ، يَأخُذُ الكاهِنُ عُصفُورَينِ وَقِطعَةَ خَشَبِ أرزٍ وَخَيطاً أحمَرَ وَغُصْناً مِنْ نَباتِ الزُّوفا.
50 O o shimbirraha middood waa inuu ku dhex gowracaa weel dhoobo ah oo biyo socda korkooda ah.
ثُمَّ يَذبَحُ أحَدَ العُصفُورَينِ فِي طَبَقٍ مِنْ خَزَفٍ فَوقَ ماءٍ جارٍ.
51 O o isagu markaas waa inuu soo qaadaa qoriga kedarka ah, iyo geedka husobka ah, iyo waxa casaanta ah iyo shimbirta nool, oo iyaga waa inuu dhex geliyaa dhiigga shimbirtii la gowracay iyo biyaha socdaba, oo markaas waa inuu toddoba jeer guriga ku saydhsaydhaa.
وَيَأخُذُ قِطعَةَ خَشَبِ الأرْزِ وَغُصْنَ الزُّوفا وَالخَيطَ الأحمَرَ وَالطَّيرَ الحَيَّ، وَيَغمِسُها جَمِيعَها فِي دَمِ العُصفُورِ الَّذِي ذُبِحَ فِي الماءِ الجارِي، ثُمَّ يَرُشُّ البَيتَ سَبعَ مَرّاتٍ.
52 O o waa inuu guriga ku daahiriyaa dhiigga shimbirta, iyo biyaha socda, iyo shimbirta nool, iyo qoriga kedarka ah, iyo geedka husobka ah, iyo waxa casaanta ah.
وَهَكَذا يَطهُرُ البَيتُ بِدَمِ العُصفُورِ وَبِالماءِ الجارِي وَبِالعُصفُورِ الحَيِّ وَقِطْعَةِ خَشَبِ الأرْزِ وَغُصْنِ الزُّوفا وَالخَيطِ الأحمَرِ.
53 L aakiinse waa inuu shimbirta nool ku sii daayaa berrin bannaan oo magaalada dibaddeeda ah, oo sidaas waa inuu guriga kafaaraggud ugu sameeyaa, oo markaasuu daahir ahaan doonaa.
ثُمَّ يُطلِقُ الكاهِنُ العُصفُورَ الحَيَّ خارِجَ المَدِينَةِ فِي سَهلٍ مَفتُوحٍ، وَيُكَفِّرُ عَنِ البَيتِ فَيَصِيرُ طاهِراً.»
54 K anu waa sharciga ku saabsan cayn kasta oo ah cudurka baraska ah, waana cambaarta,
هَذِهِ هِيَ شَرِيعَةُ كُلِّ بَرَصٍ وَالتِهابٍ جِلدِيٍّ،
55 i yo weliba baraska dharka gala iyo kan guriga galaba,
وَعَفَنِ القُماشِ أوِ البَيتِ،
56 i yo bararka iyo qolofta, iyo barta dhalaalaysa.
وَتَغَيُّرِ لَونِ الجِلدِ وَالجَرَبِ وَالبُقَعِ اللّامِعَةِ.
57 K anu waa sharciga baraska ku saabsan, oo idinkala baraya markay wax nijaas yihiin iyo markay daahir yihiin.
هَذِهِ الشَّرِيعَةُ لِلتَّفرِيقِ بَينَ ما هُوَ نَجِسٌ وَما هُوَ طاهِرٌ. إنَّها شَرِيعَةُ البَرَصِ وَالعَفَنِ.