Sabuurradii 78 ~ ﺍﻟﻤﺰﺍﻣﻴﺮ 78

picture

1 D adkaygiiyow, sharcigayga dhegaysta, Oo dhegahana u dhiga erayada afkayga.

استَمِعْ يا شَعبِي لِتَعلِيمِي. افتَحُوا آذانَكُمْ إلَى كَلامِي.

2 A fkayga waxaan ku furi doonaa masaal, Oo waxaan ku dhawaaqi doonaa xujooyin hore,

سَأفتَحُ فَمِي بِمَثَلٍ. وَسَأنطِقُ بِألغازٍ قَدِيمَةٍ.

3 K uwaasoo aynu maqalnay oo aynu niqiin, Oo ay awowayaasheen inoo sheegeen.

سَمِعْنا القِصَّةَ وَنَعْرِفُها جَيِّداً، وَقَدْ أخْبَرَنا آباؤُنا بِها.

4 K a qarin mayno carruurtooda, Laakiin waxaynu farcanka soo socda u sheegaynaa Rabbiga ammaantiisa, Iyo xooggiisa, iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey.

لَنْ نُخفِيها عَنِ أولادِنا، بَلْ سَنُخَبِّرُ الجِيلَ الآتِي بِأعمالِ اللهِ المَجِيدَةِ وَعَجائِبِهِ الَّتِي صَنَعَها!

5 W aayo, markhaati buu reer Yacquub ka dhex dhisay, Oo sharci buu reer binu Israa'iil u dejiyey, Kaasoo uu ku amray awowayaasheen, Inay carruurtooda dambe ogeysiiyaan aawadeed,

قَطَعَ عَهداً مَعَ يَعْقُوبَ. وَضَعَ شَرِيعَةً فِي إسْرائِيلَ. أمَرَ آباءَنا بِأنْ يُعَلِّمُوها لِأبنائِهِمْ.

6 I yo in farcanka soo socdaa ay iyaga ogaadaan, kuwaasoo ah carruurta hadda ka dib dhalanaysa, Kuwaasoo iyana kici doona oo carruurtooda u sheegi doona,

لِكَي تَعْرِفَ الأجْيالُ الآتِيَةُ بِهَذا العَهْدِ. فِي كُلِّ جِيلٍ يُولَدُ أبناءٌ، يَكْبَرُونَ وَيَنقُلُونَ القِصَصَ لِأبنائِهِمْ.

7 I nay rajadooda Ilaah ku xidhaan, Oo aanay illoobin Ilaah shuqulladiisii, Laakiinse ay xajiyaan amarradiisa,

يَضَعُونَ مَصِيرَهُمْ فِي يَدِ اللهِ. لا يَنْسَوْنَ أعمالَهُ العَجِيبَةَ، وَيَتَّبِعُونَ وَصاياهُ.

8 O o aanay sidii awowayaashood oo kale noqon Farcan madax adag oo caasi badan, Kaasoo ah farcan aan qalbigoodu qummanayn, Oo naftooduna aanay xagga Ilaah aamin ku ahayn.

لَنْ يَكُونُوا كَآبائِهِمْ جِيلاً مُتَمَرِّداً، جِيلاً لَمْ يُكَرِّسْ للهِ نَفسَهُ، وَلَمْ يَتَعَلَّمِ الإخلاصَ للهِ.

9 R eer Efrayim iyagoo hub iyo qaansooyin sita Ayay maalintii dagaalka dib u noqdeen.

ارتَدَّ بَنُو أفْرايِمَ فِي المَعرَكَةِ، ارتِدادَ السِّهامِ فِي يَوْمِ الحَرْبِ.

10 A xdigii Ilaah ma ay xajin, Oo waxay diideen inay sharcigiisii ku socdaan,

لَمْ يَحفَظُوا عَهدَهُمْ مَعَ اللهِ. وَرَفَضُوا أنْ يَتبَعُوا وَصَاياهُ.

11 O o waxay illoobeen falimihiisa Iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu iyaga tusay.

نَسُوا أعمالَهُ القَوِيَّةَ العَجِيبَةَ، وَمُعْجِزاتِهِ الَّتِي أراهُمْ إيّاها.

12 W axyaalo yaab badan ayuu awowayaashood ku hor sameeyey, Markay joogeen dalkii Masar iyo berrinkii Socan.

صَنَعَ هَذِهِ الأعمالَ العَجِيبَةَ أمامَ آبائِهِمْ فِي حُقُولِ صُوعَنَ فِي مِصْرَ.

13 I sagu badduu kala gooyay, oo iyagii dhex marsiiyey, Oo biyihiina wuxuu ka dhigay inay sidii taallo u taagnaadaan.

شَطَرَ البَحرَ الأحمَرَ وَقادَهُمْ عَبرَهُ، وَالماءُ مُكَوَّمٌ كَجَبَلٍ عَلَى جانِبَيْهِمْ.

14 O o weliba maalinnimadii wuxuu ku hoggaamiyey daruur, Oo habeennimadii oo dhanna wuxuu ku hoggaamiyey dab iftiinkiis.

ثُمَّ هَداهُمْ بِالسَّحابَةِ نَهاراً، وَبِنُورِ النّارِ لَيلاً.

15 W uxuu kala jebiyey dhagaxyadii cidlada, Oo wuxuu iyaga ka siiyey cabniin aad u badan oo ah sidii kan moolka laga helo.

شَطَرَ الصَّخرَةَ فِي الصَّحراءِ، فَاندَفَعَ الماءُ كَما مِنْ بِئرٍ عَظِيمَةٍ.

16 O o weliba wuxuu dhagaxa weyn ka soo faruuray durdurro, Oo wuxuu biyo u qulquliyey sidii webiyada oo kale.

فَتَدَفَّقَ جَدْوَلُ الماءُ مِنَ الصَّخرَةِ، وَجَرَى كَنَهرٍ.

17 L aakiinse iyagu weli way ku sii socdeen inay isaga ku dembaabaan, Inay ku caasiyoobaan Ilaaha ugu sarreeya intii ay cidladii joogeen.

لَكِنَّهُمْ ظَلُّوا يُخطِئُونَ وَيَتَمَرَّدُونَ عَلَى العَلِيِّ فِي تِلكَ الأرْضِ الجّافَةِ.

18 O o weliba Ilaah waxay ku tijaabiyeen qalbigooda Kolkii ay hilib u weyddiisteen damacooda aawadiis.

ثُمَّ عَزَمُوا عَلَى امتِحانِ اللهِ، فَطَلَبُوا طَعاماً لإشْباعِ شَهِيَّتِهِمْ.

19 O o Ilaah bay wax ka sheegeen, Oo waxay yidhaahdeen, Ilaah ma miis buu cidlada ku diyaarin karaa?

تَكَلَّمُوا عَلَى اللهِ وَقالُوا: «أيَستَطِيعُ اللهُ أنْ يُعِدَّ لَنا مائِدَةً فِي الصَّحراءِ؟

20 B al eeg, dhagaxii ayuu wax ku dhuftay, markaasaa biyo ka soo buqdeen Oo durdurraa ka soo buuxdhaafay, Haddaba miyuu kibisna bixin karaa? Miyuu dadkiisa hilib siin karaa?

ها إنَّهُ ضَرَبَ الصَّخرَةَ، فَتَدَفَّقَ الماءُ وَمَلأ الوِديانَ. لَكِنْ هَلْ يَستَطِيعُ أنْ يُوَّفِرَ لَحماً لِشَعبِهِ؟»

21 S idaas daraaddeed Rabbigu taas buu maqlay, wuuna cadhooday, Oo reer Yacquub dab baa ku shidmay, Reer binu Israa'iilna cadhaa ku dhacday,

لِذَلِكَ، حِينَ سَمِعَ اللهُ ، امتَلأَ غَضَباً. اشْتَعَلَتْ نارٌ عَلَى يَعقُوبَ. وَازدادَ غَضَبُهُ عَلَى إسْرائِيلَ.

22 M axaa yeelay, Ilaah ma ay rumaysan, Oo badbaadintiisana iskuma ay hallayn.

لِأنَّهُمْ لَمْ يُؤْمِنُوا بِاللهِ، وَلَمْ يَثِقُوا بِخَلاصِهِ.

23 L aakiin isagu wuxuu amray cirka sare Oo albaabbadii samadana wuu furay;

ثُمَّ أمَرَ اللهُ السُّحُبَ مِنْ فَوْقُ، وَانفَتَحَتِ السَّماواتُ.

24 O o wuxuu ku soo daayay maanna ay cunaan, Oo wuxuu iyagii wax ka siiyey hadhuudhkii samada.

فَأمطَرَ عَلَيهِمْ مَنّاً لِيَأكُلُوا. أعطاهُمْ خُبزَ السَّماءِ.

25 D adkii waxay cuneen kibistii malaa'igaha, Oo weliba wuxuu iyaga u soo diray hilib ay ka dhergaan.

أكَلَ أُولَئِكَ البَشَرُ خُبزَ المَلائِكَةِ. أرسَلَ إلَيْهِمْ طَعاماً لإشباعِهِمْ.

26 I sagu wuxuu samada ka kiciyey dabaysha bari, Oo dabaysha koonfureedna xooggiisuu ku hoggaamiyey.

أثارَ اللهُ رِياحاً شَرقِيَّةً مِنَ السَّماءِ، وَساقَ رِياحَ الجَنُوبِ حَيثُ يُرِيدُ.

27 O o korkoodana hilib buu ugu soo daadiyey sidii ciidda oo kale, Oo wuxuu ku soo daayay haad baalal leh oo ah sidii cammuudda badaha,

أمطَرَتْ عَلَيهِمْ أيّاماً أسراباً مِنَ الطُّيُورِ بِعَدَدِ الرَّملِ وَالغُبارِ.

28 O o wuxuu ku soo daadiyey xeradooda dhexdeeda, Iyo rugahooda hareerahooda.

سَقَطَتِ الطُّيُورُ فِي وَسَطِ مُعَسكَرِهِمْ حَولَ خِيامِهِمْ.

29 S idaas daraaddeed iyagii way cuneen, oo aad bay uga dhergeen, Oo isna wuxuu iyagii siiyey wixii ay u jeellanaayeen.

أكَلُوا كَثِيراً وَشَبِعُوا، أعْطاهُمْ ما اشْتَهُوهُ.

30 I yagu jeelkii damacooda kama ay xiisa dhicin, Oo cuntadoodii weli afkooday ku jirtay,

لَمْ يَضبُطُوا شَهِيَّتَهُمْ. أكَلُوها فَوراً دُونَ طَبْخٍ وَلَمْ يَشْكُرُوا اللهَ.

31 M arkii cadhada Ilaah ay iyaga ku dhacday, Oo ay dishay kuwii iyaga ugu buurbuurnaa, Oo ay laysay raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil.

فَنَزَلَ غَضَبُ اللهِ عَلَيهِمْ، وَقَتَلَ حَتَّى أوفَرَهُمْ صِحَّةً، وَأذَلَّ حَتَّى خِيرَةَ جُنُودِ إسْرائِيلَ.

32 I n kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen, Weli way sii dembaabeen, Oo mana ay rumaysan shuqulladiisii yaabka badnaa.

وَرُغْمَ هَذا كُلِّهِ، ظَلُّوا يُخطِئُونَ، وَلَمْ يُؤمِنُوا بِأعمالِهِ العَجِيبَةِ.

33 S idaas daraaddeed maalmahoodii wuxuu ku dhammeeyey wax aan waxtar lahayn, Cimrigoodiina cabsi.

بِالبُطلانِ انتَهَتْ أيّامُهُمْ، وَبِالخَوفِ وَالِارتِعادِ سَنَواتُهُمْ.

34 M arkii uu iyaga laayay ayay isaga dooneen, Oo haddiiba way soo noqdeen oo Ilaah goor hore doondooneen.

كُلَّما قَتَلَ اللهُ بَعضاً مِنهُمْ لَجَأتْ إلَيهِ بَقِيَّتُهُمْ. بِلَهفَةٍ كانُوا يَعُودُونَ إلَيهِ وَيَنتَظِرُونَهُ.

35 O o waxay xusuusteen in Ilaah ahaa dhagaxoodii weynaa, Iyo in Ilaaha ugu sarreeyaa uu ahaa Bixiyahooda.

وَكانُوا يَتَذَكَّرُونَ أنَّ اللهَ هُوَ صَخرَتُهُمْ، وَأنَّ اللهَ العَلِيَّ هُوَ الَّذِي يَفدِيهُمْ.

36 L aakiinse waxay isaga ku faansheen afkooda, Oo carrabkoodana been bay ugu sheegeen.

حاوَلُوا أنْ يَخْدَعُوهُ بِكَلامِهِمْ، كَذَبُوا عَلَيهِ بِألسِنَتِهِمْ.

37 W aayo, qalbigoodu xaggiisa kuma hagaagsanayn, Oo axdigiisiina daacad uma ay ahayn.

لَمْ تَكُنْ قُلُوبُهُمْ صادِقَةً نَحوَهُ، وَلَمْ يُخلِصُوا لِعَهدِهِ.

38 L aakiinse isagoo raxmad miidhan ah ayuu xumaantoodii cafiyey, oo mana uu baabbi'in iyagii, Haah, oo marar badan ayuu cadhadiisii ka leexiyey, Oo cadhadiisii oo dhanna ma uu wada kicin.

لَكِنَّ اللهَ غَفَرَ ذَنبَهُمْ لأجلِ مَحَبَّتِهِ وَلَمْ يُهلِكْهُمْ. هَكَذا هَدَّأَ غَضَبَهُ مَرَّةً بَعْدَ مَرَّةٍ وَرَفَضَ أنْ يُهَيِّجَ غَيظَهُ.

39 O o wuxuu xusuustay inay iyagu yihiin binu-aadmi, Iyo dabayl iska gudubta oo aan mar dambe soo noqon.

لَمْ يَنْسَ اللهُ أنَّهُمْ كَالرِّيحِ الَّتِي تَمُرُّ فَلا تَعُودُ.

40 I mmisa jeer bay isaga ku caasiyoobeen markay cidlada joogeen, Oo immisa jeer bay calool xumeeyeen markay lamadegaanka dhex joogeen!

كَثِيراً ما تَمَرَّدُوا عَلَيهِ فِي الصَّحراءِ. وَأحزَنُوهُ فِي تِلكَ الأراضِي القاحِلَةِ.

41 O o haddana way soo noqdeen oo waxay tijaabiyeen Ilaah, Oo waxay ka xanaajiyeen reer binu Israa'iil Kooda Quduuska ah.

وَمَرَّةً بَعْدَ مَرَّةٍ امتَحَنُوا وَأحزَنُوا قُدُّوسَ إسْرائِيلَ.

42 S ooma ay xusuusan gacantiisii, Iyo maalintii uu iyaga ka soo furtay cadowga toona,

لَمْ يَتَذَكَّرُوا قُوَّتَهُ حِينَ أنقَذَهُمْ مِنَ الضِّيقِ.

43 I yo xataa siduu calaamooyinkiisii Masar ugu dhex sameeyey, Yaababkiisiina berrinkii Socan.

لَمْ يَتَذَكَّرُوا أنَّهُ أراهُمْ آياتٍ وَعَجائِبَ فِي حُقُولِ صُوعَنَ.

44 I yo siduu webiyaashoodii dhiigga ugu beddelay, Durdurradoodiina, si aanay waxba uga cabbi karin.

حَوَّلَ الماءَ إلَى دَمٍ فِي الأنهارِ، فَلَمْ يَتَمَكَّنِ المِصرِيُّونَ مِنَ الشُّرْبِ مِنْ جَداوِلِهِمْ.

45 W uxuu ku soo dhex daayay duqsiyo badan, wayna cuneen, Iyo xataa rahyo, oo iyana way baabbi'iyeen.

أرسَلَ الذُّبابَ فَنَهَشَهُمْ، وَالضَفادِعَ فَدَمَّرَتْهُمْ.

46 O o weliba wixii u baxay wuxuu siiyey diir, Oo waxay ku hawshoodeenna wuxuu siiyey ayax.

أرسَلَ الجَنادِبَ وَالجَرادَ لِيَأكُلَ مَحاصِيلَهُمْ الَّتِي تَعِبُوا فِيها.

47 G eedcanabkoodii wuxuu ku baabbi'iyey roobdhagaxyaale, Oo dhirtoodii darayga ahaydna wuxuu ku baabbi'iyey sayax barafoobay.

قَضَى عَلَى كُرُومِهِمْ بِالبَرَدِ، وَعَلَى جُمَّيْزِهِمْ بِالصَّقِيعِ.

48 X oolahoodii wuxuu ku soo daayay roobdhagaxyaalaha, Adhyahoodiina danabyo kulul.

قَتَلَ حَيَواناتِهِمْ بِحَبّاتِ البَرَدِ، وَقُطعَانَهُمْ بِالصَّواعِقِ.

49 O o wuxuu ku soo daayay kulaylkii cadhadiisa, Iyo xanaaq, iyo dhirif, iyo dhib, Iyo guuto ah malaa'igo shar ah.

أظهَرَ غَضَبَهُ لِلمِصْرِيِّينَ، وَأرسَلَ مَلائِكَةَ الدَّمارِ عَلَيهِمْ.

50 I sagu cadhadiisii wadduu u sameeyey, Oo naftoodiina dhimasho ugama uu lexejeclaan, Laakiinse noloshoodii wuxuu u daayay belaayada,

أطلَقَ لِغَضَبِهِ العَنانَ، فَلَمْ يَمْنَعِ المَوتَ عَنْهُمْ، وَأسلَمَهُمْ لِلوَباءِ.

51 O o wuxuu dalkii Masar ku laayay curadyadii oo dhan, Kuwaas oo ahaa xooggoodii u horreeyey oo uu ku dhex laayay teendhooyinkii Xaam,

صَرَعَ كُلَّ بِكرٍ لِلمَصرِيِّينَ، أهلَكَ بَوادِرَ القُوَّةِ فِي مَساكِنِ نَسلِ حامَ.

52 L aakiinse isagu dadkiisii sidii ido oo kale ayuu u hor kacay, Oo cidladuu ku dhex hoggaamiyey iyaga sidii adhi oo kale.

وَساقَ شَعبَهُ كَما يَسُوقُ الرّاعِي غَنَمَهُ، قَادَهُمْ في الصَّحْراءِ كَقَطيعٍ.

53 O o ammaan buu ku hoggaamiyey, si aanay u baqin, Laakiinse cadaawayaashoodii baddaa qarqisay.

إلَى الأمانِ قادَهُمْ! لَمْ يَخشُوا أعْداءَهُمْ، لِأنَّ اللهَ أغرَقَهُمْ فِي البَحرِ الأحمَرِ.

54 O o wuxuu iyagii keenay xuduudkii meeshiisa quduuska ah, Iyo ilaa buurtan ay midigtiisu iibsatay.

ثُمَّ قادَهُمْ إلَى حَدِّ جَبَلِهِ المُقَدَّسِ، الجَبَلِ الَّذِي شَكَّلَهُ بِيَمِينِهِ.

55 O o weliba hortoodana wuxuu ka eryay quruumaha, Oo dhaxal ahaan buu ugu qaybiyey. Oo qabiilooyinkii reer binu Israa'iilna wuxuu dejiyey teendhooyinkoodii.

ثُمَّ طَرَدَ الشُّعُوبَ مِنَ الأرْضِ المُمتَدَّةِ أمامَهُمْ. وَخَصَّصّ لَهُمْ حِصَّتَهُمْ مِنَ الأرْضِ، مُسكِناً قَبائِلِ إسْرائِيلَ فِي مَساكِنِ أعدائِهِمْ.

56 L aakiin way jirrabeen oo ku caasiyoobeen Ilaaha ugu sarreeya, Oo markhaatifurkiisiina ma ay xajin,

لَكِنَّ بَنِي إسْرائِيلَ عَصُوهُ دائِماً وَامتَحَنُوا اللهَ العَلِيَّ، وَلَمْ يَحفَظُوا شَهاداتِهِ.

57 L aakiinse dib bay u noqdeen, oo sidii awowayaashood ayay si aan daacad ahayn ula dhaqmeen, Oo iyagu waxay u leexdeen sidii qaanso khiyaano badan.

كَسِهامٍ مُرتَدَّةٍ مُتَقَلِّبَةٍ فِي الطَّيَرانِ، ارتَدُّوا وَهَجَرُوهُ كَآبائِهِمْ.

58 W aayo, waxay isaga kaga xanaajiyeen meelahoodii sarsare, Oo waxay isaga uga hinaasiyeen sanamyadooda la qoray.

أغضَبُوهُ بِمَعابِدِهِمِ العالِيَةِ، وَأثارُوا سَخَطَهُ بِأصنامِهِمْ.

59 I laah markuu taas maqlay ayuu cadhooday, Oo aad buu reer binu Israa'iil u karhay,

سَمِعَ اللهُ هَذا فَغَضِبَ، وَرَفَضَ إسْرائِيلَ رَفضاً.

60 S idaas daraaddeed taambuuggii Shiiloh wuu dayriyey, Kaasoo ah teendhadii uu dadka dhex dhigay,

هَدَمَ الخَيمَةَ المُقَدَّسَةَ فِي شِيلُوهَ، حَيثُ كانَ يَسكُنُ بَينَ النّاسِ.

61 O o xooggiisii wuxuu u gacangeliyey maxaabiisnimo, Ammaantiisiina wuxuu ku riday cadowga gacantiisii.

سَلَّمَ صُندُوقَ عَهدِهِ لِلغُرَباءِ، رَمْزَ قُوَّتِهِ وَمَجدِهِ.

62 D adkiisiina wuxuu u gacangeliyey seef, Oo wuxuu u cadhooday dhaxalkiisii.

غَضِبَ عَلَى شَعبِهِ، وَعَيَّنَهُمْ لِلمَوتِ بِالسَّيفِ.

63 R aggoodii dhallinyarada ahaa dab baa laastay, Gabdhahoodiina buraanbur aroos looma tirin.

التَهَمَتِ النّارُ الجُنُودَ المُدَرَّبِينَ، وَما غَنَّتِ العَذارَى أغانِيَ الفَرَحِ!

64 W adaaddadoodii waxay ku dhinteen seef, Carmalladoodiina uma ay barooran.

سَقَطَ الكَهَنَةُ بِالسَّيفِ. وَلَمْ تَتَمَكَّنِ الأرامِلُ مِنَ البُكاءِ عَلَيْهِمْ.

65 M arkaasaa Sayidku wuxuu u kacay sidii mid hurdo ka toosay, Sidii nin xoog badan oo la qaylinaya khamri daraaddiis.

فَانتَفَضَ الرَّبُّ كَمُقاتِلٍ يَصحُو مِنَ الخَمرِ.

66 C adaawayaashiisiina wuu ku dhuftay oo dib buu u celiyey, Oo wuxuu saaray ceeb aan weligeed ka hadhayn.

ضَرَبَ العَدُّوُّ وَرَدَّهُمْ إلَى الوَراءِ، فَأذَلَّهُمْ إلَى الأبَدِ.

67 O o weliba wuu diiday teendhadii reer Yuusuf, Qabiilkii reer Efrayimna ma uu dooran,

ثُمَّ رَفَضَ اللهُ خَيمَةَ يُوسُفَ، وَلَمْ يَخْتَرْ قَبِيلَةَ أفْرايِمَ.

68 L aakiinse wuxuu doortay qabiilkii reer Yahuudah, Iyo Buur Siyoon oo uu jeclaaday.

اختارَ عَشِيرَةَ يَهُوذا لِلْمُلْكِ، وَجَبَلَ صِهْيَوْنَ الَّذِي اختارَهُ مَوقِعاً لِهَيكَلِهِ.

69 O o meeshiisii quduuska ahayd wuxuu u dhisay sidii meelaha sare, Iyo sidii dhulka uu weligiis adkeeyey.

بَنَى مَقْدِسَهُ كِالجِبالِ، وَرَسَّخَ أساسَهُ كَالأرْضِ لِيَدُومَ إلَى الأبَدِ.

70 W uxuuna doortay addoonkiisii Daa'uud, Oo wuxuu isaga ka soo waday xeryaha idaha,

اخْتارَ داوُدَ خادِمَهُ، وَأخَذَهُ مِنْ حَظائِرِ الغَنَمِ.

71 W uxuu ka soo waday laxihii ilmo nuujinayay oo uu raacayay, Inuu daajiyo reer Yacquub oo dadkiisa ah, iyo reer binu Israa'iil oo dhaxalkiisa ah.

وَبَعْدَ أنْ رَفَعَهُ أخَذَهُ لِيَرعَى يَعْقُوبَ شَعبَهُ وَإسْرائِيلَ مُقتَناهُ.

72 H addaba wuxuu u daajinayay si waafaqsan daacadnimada qalbigiisa, Oo wuxuu ku hoggaaminayay farsamada gacmihiisa.

فَقادَهُمْ داوُدُ بِقَلبٍ نَقِيٍّ وَحِكمَةٍ بارِعَةٍ.