1 R eer binu Israa'iilna waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, markaasaa Rabbigu gacanta u geliyey reer Falastiin intii afartan sannadood ah.
وَفَعَلَ بَنُو إسْرائِيلَ الشَّرَّ أمامَ اللهِ مَرَّةً أُخْرَى. فَأخضَعَهُمْ اللهُ لِسَيطَرَةِ الفِلِسْطِيِّينَ مُدَّةَ أربَعِينَ سَنَةً.
2 O o waxaa jiray nin reer Sorcaah ah, oo jilibkiisuna ahaa reer Daan, magiciisana waxaa la odhan jiray Maanoo'ax, oo naagtiisuna madhalays bay ahayd, oo ma ay dhali jirin.
وَكانَ هُناكَ رَجُلٌ مِنْ بَلْدَةِ صُرْعَةَ، مِنْ قَبِيلَةِ دانَ، اسْمُهُ مَنُوحُ. وَكانَتِ امْرأتُهُ عاقِراً.
3 M arkaasay malaa'igtii Rabbigu naagtii u muuqatay, oo ku tidhi, Bal eeg, haatan waxaad tahay madhalays, oo waxba ma aad dhashid; laakiinse waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil.
فَظَهَرَ مَلاكُ اللهِ لِلمَرأةِ وَقالَ لَها: «عَلَى الرُّغمِ مِنْ أنَّكِ عاقِرٌ، إلّا أنَّكِ سَتَحبَلِينَ وَتَلِدِينَ ابْناً.
4 H addaba sidaas daraaddeed iska jir, oo waan ku baryayaaye ha cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo, oo wax aan nadiif ahaynna ha cunin;
وَالآنَ احذَرِي مِنْ أنْ تَشْرَبِي نَبِيذاً أوْ شَراباً مُسْكِراً. وَلا تَأْكُلِي شَيئاً نَجِساً.
5 w aayo, bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil, oo madaxiisana waa inaan mandiil la marin; waayo ilmuhu markuu dhasho iyo inta ka dambaysaba wuxuu noqon doonaa Nadiir Ilaah loo soocay; oo isagu wuxuu bilaabi doonaa inuu reer binu Israa'iil ka badbaadiyo gacanta reer Falastiin.
وَها أنتِ حُبلَى فِعلا، وَسَتَلِدِينَ ابْناً. لَكِنْ لا يَنْبَغِي أنْ تَلمَسَ شَفْرَةَ حِلاقَةٍ رَأْسَهُ. إذْ سَيَكُونُ الصَّبِيُّ نَذِيراً للهِ، حَتَّى مِنْ قَبلِ أنْ يُولَدَ. وَهُوَ الَّذِي سَيَبْدَأُ يُخَلِّصُ بَنِي إسْرائِيلَ مِنْ سَيطَرَةِ الفِلِسْطِيِّينَ.»
6 M arkaasaa naagtii timid oo ninkeedii u sheegtay, oo ku tidhi, Nin Ilaah baa ii yimid, jaahiisuna wuxuu u ekaa jaahii malaa'igta Ilaah oo aad looga cabsado. Anna ma aan weyddiin meeshuu ka yimid, isna iima uu sheegin magiciisa;
فَذَهَبَتِ المَرأةُ وَأخبَرَتْ زَوجَها وَقالَتْ لَهُ: «جاءَ إلَيَّ رَجُلٌ مِنْ رِجالِ اللهِ! كانَ مَنظَرُهُ كَمَنْظَرِ مَلاكِ اللهِ، مُهِيباً جِدّاً! لَمْ أسألْهُ مِنْ أينَ هُوَ، وَهُوَ لَمْ يُخبِرنِي اسْمَهُ.
7 l aakiinse wuxuu igu yidhi, Bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil; oo haddaba ha cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo; wax aan nadiif ahaynna ha cunin; waayo, ilmuhu markuu dhasho iyo ilaa maalinta dhimashadiisa wuxuu noqon doonaa Nadiir Ilaah loo soocay.
لَكِنَّهُ قالَ لِي: ‹أنْتِ حُبلَى، وَسَتَلِدِينَ ابْناً، فَالآنَ لا تَشْرَبِي نَبِيذاً وَلا شَراباً مُسْكِراً، وَلا تَأكُلِي شَيئِاً نَجِساً، إذْ سَيَكُونُ الصَّبِيُّ نَذِيراً للهِ حَتَّى مِنْ قَبلِ أنْ يُولَدَ حَتَّى يَومِ مَوْتِهِ.›»
8 M arkaasuu Maanoo'ax Rabbiga baryay oo yidhi, Sayidow, waan ku baryayaaye, ninkii Ilaah oo aad soo dirtay, mar kale ha noo yimaado, oo ha na baro waxa aannu ku samayn lahayn wiilka dhalan doona.
فَصَلَّى مَنُوحُ إلَى اللهِ وَقالَ: «أُصَلّي يا اللهُ ، أنْ تُرْسِلَ رَجُلَ اللهِ إلَينا ثانِيَةً، فَيُخْبِرَنا ما يَنْبَغِي أنْ نَفعَلَهُ لِلصَّبِيِّ الَّذِي سَيُولَدُ.»
9 I laahna codkii Maanoo'ax wuu maqlay, oo malaa'igtii Ilaahna naagtii bay mar kale u timid iyadoo berrinka fadhida; laakiinse Maanoo'ax oo ahaa ninkeedii lama uu joogin iyada.
وَاسْتَجابَ اللهُ لِمَنُوحَ. وَجاءَ مَلاكُ اللهِ ثانِيَةً إلَى المَرأةِ وَهِيَ جالِسَةٌ فِي الحَقلِ، لَكِنَّ زَوجَها مَنُوحَ لَمْ يَكُنْ مَعَها.
10 M arkaasay naagtii dhaqsatay oo orodday, oo ninkeeday u sheegtay, oo waxay ku tidhi, Bal eeg, waxaa ii muuqday ninkii maalintii ii yimid.
فَرَكَضَتِ المَرأةُ بِسُرعَةٍ وَقالَتْ لِزَوجَها: «ها قَدْ ظَهَرَ لِي الرَّجُلُ الَّذِي جاءَ إلَيَّ فِي ذَلِكَ اليَوْمِ.»
11 M arkaasuu Maanoo'ax kacay, oo naagtiisii raacay, oo wuxuu u yimid ninkii, kolkaasuu ku yidhi, Ma waxaad tahay ninkii la hadlay naagta? Oo isna wuxuu yidhi, Waan ahay.
فَقامَ مَنُوحُ وَتَبِعَ امرَأتَهُ، فَجاءَ إلَى الرَّجُلِ وَقالَ لَهُ: «أأنْتَ هُوَ الرَّجُلُ الَّذِي تَكَلَّمَ مَعَ هَذِهِ المَرأةِ؟» فَقالَ: «أنا هُوَ.»
12 M arkaasuu Maanoo'ax yidhi, Haddaba markii sidaad tidhi ay rumowdo, wiilku caynkee buu noqon doonaa, shuqulkiisuna muxuu ahaan doonaa?
ثُمَّ قالَ مَنُوحٌ: «فَلْيَتَحَقَّقْ كَلامُكَ هَذا! لَكِنْ كَيفَ نَتَعامَلُ مَعَ الصَّبِيِّ؟ وَماذا سَتَكُونُ مَهَمَّتُهُ؟»
13 M arkaasay malaa'igtii Rabbigu Maanoo'ax ku tidhi, Kulli wixii aan u sheegay oo dhan naagtu ha iska jirto.
فَقالَ مَلاكُ اللهِ لِمَنُوحَ: «يَنْبَغِي أنْ تَحرِصَ زَوجَتُكَ عَلَى عَمَلِ كُلِّ ما قُلْتُهُ لَها.
14 I yadu waa inaanay cunin wax ka soo baxa geedcanab, oo yaanay cabbin khamri ama wax kale oo lagu sakhraamo, oo wax aan nadiif ahaynna yaanay cunin; oo kulli wixii aan ku amray oo dhan ha dhawrto.
فَلتَمْتَنِعْ عَنْ جَمِيعِ مُنْتَجاتِ العِنَبِ. عَنِ النَّبِيذِ وَالمُسْكِراتِ. وَلا تَأكُلْ طَعاماً نَجِساً، بَلْ تَفْعَلْ جَمِيعَ ما أمَرتُها بِهِ.»
15 M aanoo'axna wuxuu malaa'igtii Rabbiga ku yidhi, Waan ku baryayaaye, aan ku raajinno intii aannu orgi yar kuu diyaarinayno.
فَقالَ مَنُوحُ لِمَلاكِ اللهِ: «اسْمَحْ لَنا أنْ نَستَضِيفَكَ بَعْضَ الوَقتِ، وَنُحضِرَ لَكَ جِدْياً لِتَأْكُلَهُ.»
16 O o malaa'igtii Rabbiguna waxay Maanoo'ax ku tidhi, In kastoo aad i raajiso, anigu cuni maayo cuntadaada; oo haddaad diyaarisid allabari la gubo, waa inaad Rabbiga u bixisid. Waayo, Maanoo'ax ma uu ogayn inay malaa'igtii Rabbiga tahay.
فَقالَ مَلاكُ اللهِ لِمَنُوحَ: «إنْ بَقِيتُ، فَلَنْ آكُلَ طَعامَكَ. لَكِنْ إنْ أرَدْتَ أنْ تُقَدِّمَ تَقدِمَةً، فَقَدِّمْها للهِ.» إذْ لَمْ يَكُنْ مَنُوحُ يُدرِكُ أنَّهُ كانَ يُكَلِّمُ مَلاكَ اللهِ.
17 M arkaasuu Maanoo'ax malaa'igtii Rabbiga ku yidhi, Magacaa, si markay erayadaadu ahaadaan, aannu kuu murwayno?
فَقالَ مَنُوحُ لِمَلاكِ اللهِ: «ما اسْمُكَ؟ لِكَي نُكرِمَكَ حِينَ يَتَحَقَّقُ كَلامُكَ.»
18 M alaa'igtii Rabbiguna waxay ku tidhi, Maxaad magacayga u haybsanaysaa, waaba yaabe?
فَقالَ مَلاكُ اللهِ لَهُ: «لِماذا تُرِيدُ أنْ تَعرِفَ اسْمِي؟ إنَّهُ عَجيبٌ!»
19 S idaas daraaddeed Maanoo'ax wuxuu qaaday orgigii yaraa iyo qurbaankii hadhuudhka ahaa, oo dhagax dushiis buu Rabbiga ugu bixiyey; oo malaa'igtiina yaab bay samaysay, Maanoo'ax iyo afadiisiina way fiiriyeen.
فَأخَذَ مَنُوحُ الجِدْيَ مَعَ تَقدِمَةِ الحُبُوبِ، وَقَدَّمَها ذَبيحَةً صاعِدَةً عَلَى الصَّخرَةِ للهِ ، صانِعِ العَجائِبِ. وَكانَ مَنُوحُ وَزَوجَتُهُ يُراقِبانِ.
20 W aayo, markii ololkii meesha allabariga ka kacay xagga samada, ayay malaa'igtii Rabbigu kor u raacday ololkii meesha allabariga; Maanoo'ax iyo afadiisiina way fiiriyeen; oo intay dhaceen ayay wejigoodii dhulka saareen.
فَصَعِدَ اللَّهَبُ إلَى السَّماءِ مِنَ المَذْبَحِ، وَصَعِدَ مَلاكُ اللهِ فِي لَهَبِ المَذْبَحِ، وَمَنُوحُ وَامرَأتُهُ يُراقِبانِ. فَسَجَدا عَلَى الأرْضِ عَلَى وَجهَيهِما.
21 L aakiinse malaa'igtii Rabbigu mar dambe uma ay muuqan Maanoo'ax iyo afadiisii. Markaasaa Maanoo'ax ogaaday inay ahayd malaa'igtii Rabbiga.
فَعَرَفَ مَنُوحُ أنَّهُ مَلاكُ اللهِ. وَلَمْ يَظهَرْ مَلاكُ اللهِ ثانِيَةً لِمَنُوحَ وَزَوجَتِهِ.
22 O o Maanoo'axna wuxuu afadiisii ku yidhi, Hubaal waynu dhimanaynaa, maxaa yeelay, waxaynu aragnay Ilaah.
فَقالَ لِزَوجَتِهِ: «لاشَكَّ أنَّنا سَنَمُوتُ، لِأنَّنا قَدْ رَأينا اللهَ.»
23 L aakiinse afadiisii waxay ku tidhi, Hadduu Rabbigu doonayo inuu ina dilo, inagama uu aqbaleen qurbaan la gubo iyo qurbaan hadhuudh ah, oo waxyaalahan oo dhanna inama uu tuseen, oo haatanna inooma uu sheegeen waxyaalo caynkan ah.
فَقالَتْ زَوجَتُهُ: «لَو أرادَ اللهُ أنْ يَقتُلَنا، لَما قَبِلَ الذَّبِيحَةَ وَتَقدِمَةَ الحُبُوبِ مِنّا. وَلَما أعلَنَ لَنا كُلَّ هَذِهِ الأشياءِ، أوْ سَمَحَ لَنا حَتَّى بِسَماعِها.»
24 O o naagtiina wiil bay dhashay, oo magiciisiina waxay u bixisay Samsoon; wiilkiina wuu koray, Ilaahna wuu barakeeyey isagii.
وَوَلَدَتِ المَرأةُ ابْناً، وَسَمَّتْهُ شَمْشُونَ. وَكَبِرَ الصَّبِيُّ، وَبارَكَهُ اللهُ.
25 O o Ruuxii Rabbiguna wuxuu bilaabay inuu ku dhaqaajiyo Maxaneh Daan, oo u dhexaysa Sorcaah iyo Eshtaa'ool.
وَبَدَأ رُوحُ اللهِ يَعمَلُ فِيهِ فِي مَحَلَّةِ دانَ، بَينَ بَلدَتَي صُرْعَةَ وَأشْتَأُولَ.