Yashuuca 9 ~ ﻳﺸﻮﻉ 9

picture

1 O o Webi Urdun shishadiisa, iyo dhulka buuraha, iyo dhulka dooxada ah, iyo badda weyn xeebteeda oo ka horraysa Lubnaan boqorradii degganaa oo dhammu markay maqleen, waxaa dhacday inay reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuusba

وَحِينَ سَمِعَ جَمِيعُ المُلُوكِ الَّذِينَ فِي غَرْبِ نَهرِ الأُردُنِّ فِي المَناطِقِ الجَبَلِيَّةِ وَالتِّلالِ الغَربِيَّةِ وَعَلَى شاطِئِ البَحْرِ إلَى لُبنانَ عَنْ هَذِهِ الأُمُورِ – وَهُمْ مُلُوكُ الحِثِّيِّينَ وَالأمُورِيِّينَ وَالكَنعانِيِّينَ وَالفِرِزِّيِّينَ وَالحِوِّيِّينَ وَاليَبُوسِيِّينَ –

2 i swada urursadeen inay isku si ula diriraan Yashuuca iyo reer binu Israa'iil.

اتَّفَقُوا مَعاً عَلَى الاجْتِماعِ لِمُحارَبَةِ يَشُوعَ وَإسْرائِيلَ.

3 L aakiinse dadkii Gibecoon degganaa markay maqleen wixii Yashuuca ku sameeyey Yerixoo iyo Aacii,

لَكِنْ حِينَ سَمِعَ سُكّانُ جِبعُونَ عَنْ ما عَمِلَهُ يَشُوعُ فِي أرِيحا وَعايَ،

4 i yana markaasay khiyaano sameeyeen, oo intay tageen bay iska dhigeen sidii iyagoo ah wakiillo dalal kale, oo waxay dameerradoodii ku qaateen joonyado gaboobay, iyo sibraarro khamri oo khamri oo gaboobay oo dildillaacay oo la xidhxidhay.

تَصَرَّفُوا بِخِداعٍ، إذْ ذَهَبُوا وَأعَدُّوا بَعْضَ الحاجِياتِ. فَأخَذُوا أكياساً مُهتَرِئَةً لِحَمِيرِهِمْ، وَزِقاقاً مُهتَرِئَةً وَمُمَزَّقَةً وَمُصلَحَةً،

5 O o waxay gashadeen kabo duugoobay oo la karkaray, oo waxay xidheen dhar gaboobay, oo kibistii ay soo sahaydeen oo dhammuna waxay ahayd mid engegan oo caaryaysatay.

وَارتَدُوا أحذِيَةً مُهتَرِئَةً مُرَقَّعَةً وَثِياباً مُهتَرِئَةً. وَكانَ كُلُّ خُبْزِهِمْ يابِساً أوْ مُتَعَفِّناً أوْ مُتَكَسِّراً.

6 O o waxay u tageen Yashuuca oo jooga xeradii ku tiil Gilgaal, oo waxay ku yidhaahdeen isagii iyo raggii reer binu Israa'iilba, Annagu waxaannu ka nimid dal fog; haddaba sidaas daraaddeed axdi nala dhigta.

وَذَهَبُوا إلَى يَشُوعَ فِي المُخَيَّمِ فِي الجِلْجالِ، وَقالُوا لَهُ وَلِبَنِي إسْرائِيلَ: «أتَينا مِنْ أرْضٍ بَعِيدَةٍ. لِذا اعمَلُوا مَعَنا مُعاهَدَةً.»

7 O o raggii reer binu Israa'iil waxay ku yidhaahdeen kuwii reer Xiwi, War mindhaa annagaad na dhex deggan tihiin, oo haddaba sidee baannu axdi idiinla dhiganaynaa?

وَلَكِنَّ بَنِي إسْرائِيلَ قالُوا لِلحِوِّيِّينَ: «لَكِنْ رُبَّما تَكُونُونَ ساكِنِينَ فِي وَسَطِنا. فَكَيفَ إذاً نَعمَلُ مَعَكُمْ مُعاهَدَةً؟»

8 O o waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu nahay addoommadaada. Markaasaa Yashuuca wuxuu ku yidhi, Yaad tihiin? Oo xaggee baad ka timaadeen?

فَقالَ الحِوِّيِّونَ لِيَشُوعَ: «نَحنُ خُدّامُكَ.» فَقالَ يَشُوعُ لَهُمْ: «مَنْ أنتُمْ وَمِنْ أينَ أتَيتُمْ؟»

9 K olkaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Magaca Rabbiga Ilaahaaga ah aawadiis ayaannu annagoo addoommadaada ah waddan aad u fog uga nimid, waayo, waxaannu maqalnay warkiisii, iyo kulli wixii uu Masar ku dhex sameeyey oo dhan,

فَقالُوا لَهُ: «أتَى خُدّامُكَ مِنْ أرْضٍ بَعِيدَةٍ جِدّاً لِأجلِ اسْمِ إلَهِكَ. لِأنَّنا سَمِعْنا خَبَرَهُ وَما عَمِلَهُ فِي مِصْرَ،

10 i yo kulli wixii uu ku sameeyey labadii boqor oo reer Amor oo ka shisheeyey Webi Urdun, kuwaas oo ahaa Siixon oo boqor ka ahaa Xeshboon, iyo Coog oo boqor ka ahaa Baashaan, oo degganaa Cashtarod.

وَكُلَّ ما عَمِلَهُ بِمَلِكَي الأمُورِيِّينَ فِي شَرقِ نَهرِ الأُردُنِّ، سِيحُونَ مَلِكِ حِشْبُونَ وَعُوجَ مَلِكِ باشانَ الَّذِي سَكَنَ عَشتارُوثَ.

11 O o odayaashayadii iyo dadkii waddankayaga degganaa oo dhammu waxay nagu soo yidhaahdeen, Sodcaalka aawadiis sahay u qaata, oo taga si aad ula kulantaan iyaga, oo waxaad ku tidhaahdaan, Annagu waxaannu nahay addoommadiinna, ee haddaba axdi nala dhigta.

فَقالَ لَنا شُيُوخُنا وَكُلُّ شَعبِ أرْضِنا: ‹خُذُوا طَعاماً فِي أيدِيكُمْ لِلطَّرِيقِ وَاذْهَبُوا لِلِقائِهِمْ، وَقُولُوا لَهُمْ: نَحنُ خُدّامُكُمْ. فَاقطَعُوا مَعَنا عَهداً.›

12 O o kibistan iyadoo kulul baan guryahayagii sahay uga soo qaadannay maalintii aan idiin soo kacnay; laakiinse bal hadda eega, way engegtay, wayna caaryaysatay:

«هَذا خُبزُنا! أخَذْناهُ ساخِناً حِينَ غادَرْنا بُيُوتَنا وَجِئْنا إلَيكُمْ. وَالآنَ قَدْ يَبِسَ وَتَعَفَّنْ.

13 o o sibraarradan khamriga oo aannu soo buuxsannay way cusbaayeen, oo bal eega haatan waa dildillaacsan yihiin, oo dharkayaga iyo kabahayagu waxay ku duugoobeen sodcaalkii aad u dheeraa aawadiis.

وَهَذِهِ أوعِيتُنا الجَلديَّةُ الَّتِي مَلأْناها بِالنَّبِيذِ، قَدْ تَمَزَّقَتْ. وَهَذِهِ ثِيابُنا وَأحذِيَتُنا قَدْ تَهَرَّأتْ مِنَ الرِّحلَةِ الطَّوِيلَةِ.»

14 O o markaasay nimankii wax ka qaateen sahaydoodii, oo Rabbigana talo ma ay weyddiisan.

فَأخَذَ رِجالُ إسْرائِيلَ مِنْ خُبزِهِمْ لِيَفْحصُوهُ، لَكِنَّهُمْ لَمْ يَطلُبُوا إرشاداً مِنَ اللهِ.

15 O o Yashuucana wuu la nabday iyagii, oo axdina wuu la dhigtay inuu naftooda u daayo; oo amiirradii shirkuna way u dhaarteen iyagii.

وَعَمِلَ يَشُوعُ مُعاهَدَةَ سَلامٍ مَعَهُمُ اسْتَبْقاهُمْ بِمُوجِبِها أحْياءَ. وَقَدْ أقسَمَ قادَةُ بَنِي إسْرائِيلَ لَهُمْ.

16 O o markay axdigii la dhigteen saddex maalmood dabadeed waxay maqleen inay yihiin deriskooda, oo ay dhexdooda deggan yihiin.

وَبَعْدَ ثَلاثَةِ أيّامٍ مِنْ عَمَلِ المُعاهَدَةِ مَعَهُمْ، عَلِمَ بَنُو إسْرائِيلَ أنَّ الجِبعُونِيِّينَ يَسكُنُونَ قَرِيباً مِنْهُمْ وَبِأنَّهُمْ يَسكُنُونَ فِي وَسَطِهِمْ.

17 O o reer binu Israa'iil way sodcaaleen, oo maalintii saddexaad waxay yimaadeen magaalooyinkoodii. Oo magaalooyinkooduna waxay ahaayeen Gibecoon, iyo Kefiiraah, iyo Bi'irod, iyo Qiryad Yecaariim.

فانطَلَقَ بَنُو إسْرائِيلَ وَوَصَلُوا إلَى مُدُنِ الجِبعُونِيِّينَ فِي اليَومِ الثّالِثِ، وَكانَتْ مُدُنُهُمْ هِيَ جِبعُونَ وَالكَفِيرَةَ وَبَئِيرُوتَ وَقَريَةَ يَعارِيمَ.

18 O o reer binu Israa'iilna ma ay layn, waayo, amiirradii shirku waxay iyagii ugu dhaarteen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. Oo markaasaa shirkii oo dhammu waxay ka gunuunaceen amiirradii.

وَلَكِنَّ بَنِي إسْرائِيلَ لَمْ يُهاجِمُوهُمْ لِأنَّ قادَةَ الشَّعبِ أقسَمُوا لَهُمْ بِاللهِ ، إلَهِ إسْرائِيلَ. وَلَكِنَّ كُلَّ الشَّعبِ تَذَمَّرُوا عَلَى القادَةِ.

19 L aakiinse amiirradii oo dhammu waxay shirkii oo dhan ku yidhaahdeen, Waxaannu iyaga ugu dhaarannay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil; oo haddaba sidaas daraaddeed waa inaynaan taaban iyaga.

فَقالَ القادَةُ لِكُلِّ الشَّعبِ: «لَقَدْ أقسَمْنا لَهُمْ بِاللهِ ، إلَهِ إسْرائِيلَ، فَلا نَستَطِيعُ أنْ نُؤْذِيَهُمُ الآنَ.

20 O o sidan baan u yeelaynaa, oo naftooda ayaan u daynaynaa waaba intaas oo dhaartii aannu ugu dhaarannay daraaddeed cadho inoogu dhacdaaye.

فهَذا ما سَنَفعَلُهُ، سَنُبقِيهِمْ أحْياءَ كَي لا يَأْتِيَ غَضَبُ اللهِ عَلَينا بِسَبَبِ كَسْرِنا لِلقَسَمِ الَّذِي أقسَمْناهُ لَهُمْ.

21 O o amiirradii waxay ku yidhaahdeen, Naftooda u daaya, ha noolaadeene. Sidaas daraaddeed waxay shirkii oo dhan u noqdeen kuwo xaabada gura oo biyaha dhaansha, sidii amiirradii kula hadleen iyagii.

فَليَعِيشُوا بَينَنا، لَكِنْ سَيَكُونُونَ حَطّابِينَ وَسُقاةً لِكُلِّ بَنِي إسْرائِيلَ.» وَهَكَذا لَمْ يَكسِرِ القادَةُ وَعدَهُمْ بِسَلامَتِهِمْ.

22 M arkaasaa Yashuuca u yeedhay iyagii, oo intuu la hadlay buu ku yidhi, War maxaad noo khiyaanayseen oo noogu tidhaahdeen, Waannu idinka fog nahay, idinkoo na dhex deggan?

وَدَعا يَشُوعُ الجِبعُونِيِّينَ وَقالَ لَهُمْ: «لَماذا خَدَعتُمُونا بِقَولِكُمْ: ‹نَحنُ مِنْ أرْضٍ بَعِيدَةٍ.› فِي حِينِ أنَّكُمْ تَسكُنُونَ فِي وَسَطِنا؟

23 S idaas daraaddeed waad habaaran tihiin, oo weligiin laydinka waayi maayo addoommo ah kuwa xaabada u gura, biyahana u dhaamiya guriga Ilaahayga.

لِذَلِكَ أنتُمْ مَلعُونُونَ، فَسَيَكُونُ دائِماً مِنْكُم عَبِيدٌ وَحَطّابِونَ وَسُقاةٌ لِبَيتِ إلَهِي إلَى الأبَدِ.»

24 O o waxay Yashuuca ugu jawaabeen, Maxaa yeelay, hubaal waxaa annagoo addoommadaada ah lanoo sheegay sida Rabbiga Ilaahaaga ahu addoonkiisii Muuse ahaa ugu amray inuu idin siiyo dalka oo dhan, iyo in dadka dalka deggan oo dhan hortiinna laga baabbi'iyo; oo sidaas aawadeed naftayada aad baannu ugu cabsannay idinka daraaddiin, oo waxanna sidaas baannu u yeelnay.

فَأجابُوا يَشُوعَ: «قَدْ عَلِمَ خُدّامُكَ بِما أمَرَ إلَهُكَ بِهِ خادِمَهُ مُوسَى بِأنْ يُعطِيَكُمُ الأرْضَ، وَبِأنْ يُهلِكَ كُلَّ سُكّانِ الأرْضِ مِنْ أمامِكُمْ. وَقَدْ خِفنا كَثِيراً عَلَى حَياتِنا مِنكُمْ، وَلِذا عَمِلْنا هَذا الأمرَ.

25 O o haddaba bal eeg gacantaadaannu ku jirnaa. Sidii kula wanaagsan oo kula qumman inaad nagu samaysid yeel.

وَالآنَ نَحنُ تَحْتَ سُلطَتِكَ، فافعَلْ بِنا ما تَراهُ مُناسِباً.»

26 O o sidaas buu u yeelay, oo ka samatabbixiyey gacantii reer binu Israa'iil inaanay dilin.

وَهَذا ما عَمِلَهُ يَشُوعُ لَهُمْ: أنقَذَهُمْ مِنْ يَدِ بَنِي إسْرائِيلَ فَلَمْ يَقتُلُوهُمْ.

27 O o maalintaasuu Yashuuca iyagii ka dhigay kuwo xaabada u gura, biyahana u dhaamiya shirka iyo meesha allabariga Rabbiga, taas oo ku taal meel alla meeshuu doortoba, ilaa maantadan la joogo.

لَكِنْ فِي ذَلِكَ اليَومِ، جَعَلَهُمْ يَشُوعُ حَطّابِينَ وَسُقاةً لِبَنِي إسْرائِيلَ وَلِمَذْبَحِ اللهِ فِي المَكانِ الَّذَي يَختارُهُ اللهُ. وَهَذا هوَ حالُهُم إلَى اليَومِ.