Muujintii 15 ~ ﻳﻮﺣﻨﺎ ﺭﺅﻳﺎ 15

picture

1 O o haddana waxaan samada ku arkay calaamo kale oo weyn oo cajaa'ib leh, waxayna ahayd toddoba malaa'igood oo haysta toddoba belaayo, oo ahaa kuwii ugu dambeeyey, waayo, waxaa iyaga ku dhex dhammaatay cadhadii Ilaah.

ثُمَّ رَأيتُ عَلامَةً عَظِيمَةً وَمُدهِشَةً أُخْرَى فِي السَّماءِ. رَأيتُ سَبعَةَ مِلائِكَةٍ وَمَعَهُمُ الكَوارِثُ السَّبعُ الأخِيرَةُ الَّتِي يَنتَهِي بِها غَضَبُ اللهِ.

2 M arkaasaan arkay wax u eg bad muraayad ah oo dab ku dhex qasan yahay iyo kuwii iyagoo guulaysan ka yimid xaggii bahalkii iyo xaggii sanamkiisii iyo xaggii nambarkii magiciisa, oo dul taagan baddii muraayadda ahayd iyagoo haysta kataaradihii Ilaah.

ثُمَّ رَأيتُ شَيئاً يُشبِهُ بَحراً مِنَ الزُّجاجِ المَخلُوطِ بِالنّارِ، وَرَأيتُ الَّذِينَ انتَصَرُوا عَلَى الوَحشِ وَتِمثالِهِ، وَعَلَى العَدَدِ الَّذِي يُوافِقُ اسْمَهُ. كانُوا يَقِفُونَ بِقَياثيرِهُمْ إلَى جانِبِ بَحرِ الزُّجاجِ

3 O o iyana waxay ku gabyeen addoonkii Ilaah oo Muuse ahaa gabaygiisii iyo gabaygii Wanka iyagoo leh, Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, shuqulladaadu way weyn yihiin, oo yaab bay leeyihiin. Boqorka quruumahow, jidadkaagu waa xaq oo waa run.

وَهُمْ يُنشِدُونَ تَرنِيمَةَ مُوسَى عَبْدِ اللهِ، وَأُنشُودَةَ الحَمَلِ: «عَظِيمَةٌ وَرائِعَةٌ هِيَ أفعالُكَ، أيُّها الرَّبُّ الإلَهُ القَدِيرُ. طُرُقُكَ عَدلٌ وَحَقٌّ، يا مَلِكَ الأُمَمِ.

4 R abbiyow, bal ayaan kaa cabsan doonin oo aan magacaaga ammaani doonin? Waayo, adiga keligaa ayaa quduus ah; maxaa yeelay, quruumaha oo dhammu way iman oo hortaada ayay ku sujuudi doonaan; waayo, falimahaagii xaqa ahaa waa la muujiyey.

كُلُّ الشُّعُوبِ سَتَهابُكَ يا رَبُّ، وَسَتُسَبِّحُ اسْمَكَ. لِأنَّكَ وَحدَكَ القُدُّوسُ. كُلُّ الأُمَمِ سَتَأتِي وَتَسجُدُ فِي حَضرَتِكَ، لِأنَّ أحكامَكَ العادِلَةَ صارَتْ مَعرُوفَةً.»

5 O o waxyaalahaas dabadood waxaan arkay macbudkii taambuugga markhaatifuridda oo samada ku jira oo la furay.

بَعدَ هَذا نَظَرتُ، فَإذا بِالهَيكَلِ السَّماوِيِّ، أيْ خَيمَةُ الشَّهادَةِ، قَدْ فُتِحَ،

6 M arkaasaa macbudkii waxaa ka soo baxay toddobadii malaa'igood oo haystay toddobada belaayo, oo waxay qabeen dhar daahir ah oo dhalaalaya, oo laabtana waxaa ugu xidhnaa suuman dahab ah.

وَخَرَجَ مِنهُ المَلائِكَةُ السَّبعَةُ الَّذِينَ يَحمِلُونَ الكَوارِثَ السَّبعَ الأخِيرَةَ. كانُوا يَلبِسُونَ أثواباً مِنَ الكِتّانِ النَّظِيفِ البَهِيِّ، وَحَولَ صُدُورِهِمْ أحزِمَةٌ ذَهَبِيَّةٌ.

7 O o afartii xayawaan midkood ayaa wuxuu toddobadii malaa'igood siiyey toddoba fijaan oo dahab ah oo ay ka buuxdo cadhadii Ilaaha weligiis iyo weligiisba nool.

ثُمَّ أعطَى أحَدُ المَخلُوقاتِ الأربَعَةِ لِلمَلائِكَةِ السَّبعَةِ سَبعَ آنِيَةٍ ذَهَبِيَّةٍ مَملُوءَةٍ بِغَضَبِ اللهِ الحَيِّ إلَى أبَدِ الآبِدِينَ.

8 M arkaasaa macbudkii waxaa ka buuxsamay qiiq ka yimid xagga ammaanta Ilaah iyo xagga xooggiisa; oo ninna ma uu geli karin macbudkii ilamaa la dhammeeyo toddobadii belaayo oo ay toddobadii malaa'igood haysteen.

وَامتَلأ الهَيكَلُ بِالدُّخانِ مِنْ مَجدِ اللهِ وَقُوَّتِهِ، فَلَمْ يَستَطِعْ أحَدٌ أنْ يَدخُلَ الهَيكَلَ حَتَّى تَنتَهِي الكَوارِثُ السَّبعُ الَّتِي حَمَلَها المَلائِكَةُ السَّبعَةُ.