Luukos 1 ~ ﻟﻮﻗﺎ 1

picture

1 D ad badan waxay ku dadaaleen inay soo hagaajiyaan sheeko ku saabsan wixii dhexdayada lagu sameeyey oo la hubsaday,

إذْ حاوَلَ كَثِيرُونَ أنْ يُؤَرِّخُوا لِلأحداثِ الَّتِي حَصَلَتْ فيما بَيْنَنا.

2 s iday noo ogeysiiyeen kuwii tan iyo bilowgii arkay oo Ereygii u shaqeeyey.

وَهِيَ الأحداثُ الَّتِي نَقَلَها إلَيْنا الأشْخاصُ الَّذِينَ كانُوا شُهُودَ عَيانٍ لَها مُنذُ البِدايَةِ، وَخُدّاماً يُعلِنونَ رِسالَةَ اللهِ لِلنّاسِ.

3 S idaa darteed anigana waxaa ila wanaagsanayd inaan, anigoo tan iyo bilowgii wax walba oo dhacay aad u gartay, si hagaagsan kuugu qoro, Te'ofilosow sharaf weyn lahow,

وَحَيثُ إنِّي قَدْ تَحَقَّقتُ مِنْ كُلِّ شَيءٍ بِدِقَّةٍ، رَأيتُ أنا أيضاً أنْ أكتُبَ إلَيكَ، يا صاحِبَ السَّعادَةِ ثاوْفِيلُسَ، وَصْفاً مُتَسَلسِلاً لِتِلكَ الأحداثِ مُنذُ البِدايَةِ،

4 i naad garatid hubniintii hadalkii lagu baray. Dhalashada Yooxanaa Baabtiisaha Waa La Sii Sheegay

لِكَي تَتَيَقَّنَ مِنْ أنَّ ما تَعَلَّمتَهُ صَحِيحٌ. زَكَرِيّا وَألِيصابات

5 W akhtigii Herodos ahaa boqorkii Yahuudiya, waxaa jiray wadaad la odhan jiray Sakariyas, oo ka mid ahaa safkii Abiya; haweenaydiisuna waxay ka mid ahayd hablihii reer Haaruun, magaceedana waxaa la odhan jiray Elisabed.

كانَ فِي أيّامِ هِيْرُودُسَ مَلِكِ إقليمِ اليَهُودِيَّةِ، كاهِنٌ اسْمُهُ زَكَرِيّا، وَهُوَ مِنْ مَجمُوعَةِ أبِيّا الكَهنُوتِيَّةِ، وَزَوجَتُهُ ألِيصاباتُ مِنْ نَسلِ هارُونَ.

6 L abadooduba xaq bay ku ahaayeen Ilaah hortiisa, oo qaynuunnadii iyo xukummadii Rabbiga ayay eedla'aan ku socon jireen.

وَكانا كِلاهُما بارَّيْنِ وَبِلا عَيبٍ فِي حِفظِهِما لِوَصايا الرَّبِّ وَفَرائِضِهِ.

7 I lmo ma ay lahayn, waayo, Elisabed madhalays bay ahayd, oo labadooduba way da'weynaayeen.

لَكِنَّهُما كانا بِلا أبناءٍ، فَقَدْ كانَتْ ألِيْصاباتُ عاقِراً، وَكانَ الاثْنانِ كَبِيْرَينِ فِي السِّنِّ.

8 W axaa dhacay, intuu shuqulkii wadaadnimadii safkiisa dartiis samaynayay Ilaah hortiisa,

وَكانَ زَكَرِيّا يَخدِمُ كَكاهِنٍ للهِ فِي الهَيْكَلِ في نَوبَةِ مَجمَوعَتِهِ الكَهنُوتِيَّةِ،

9 s ida caadadii wadaadnimadu u ahayd, in shuqulkiisu ahaa inuu foox shido goortuu macbudka Rabbiga galay.

فَتَمَّ اختِيارُهُ بِالقُرعَةِ، حَسَبَ العادَةِ المُتَّبَعَةِ لَدَى الكَهَنَةِ، لِلدُّخُولِ إلَى هَيكَلِ الرَّبِّ وَتَقدِيمِ البَخُورِ.

10 S aacaddii fooxa ayaa dadkii badnaa oo dhammu dibadda ku tukanayeen.

وَحِينَ جاءَ وَقتُ تَقدِيمِ البَخُورِ، كانَ كُلُّ الشَّعبِ مُجتَمِعِينَ خارِجاً يُصَلُّونَ.

11 M arkaasaa waxaa isaga u soo muuqatay malaa'igtii Rabbiga oo taagnayd meeshii fooxa lagu shido midigteeda.

فَظَهَرَ لَهُ مَلاكٌ مِنْ عِندِ الرَّبِّ واقِفاً عَنْ يَمِينِ مَذْبَحِ البَخُورِ.

12 G oortuu Sakariyas arkay ayuu naxay, wuuna cabsaday.

فَلَمّا رَأى زَكَرِيّا المَلاكَ، اضطَرَبَ وَخافَ خَوفاً شَدِيداً.

13 L aakiin malaa'igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Sakariyasow, waayo, baryadaadii waa la maqlay; afadaada Elisabedna wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Yooxanaa.

فَقالَ لَهُ المَلاكُ: «لا تَخَفْ يا زَكَرِيّا. لَقَدْ سَمِعَ اللهُ صَلاتَكَ. وَسَتَلِدُ لَكَ زَوجَتُكَ ألِيصاباتُ ابناً، فَسَمِّهِ يُوحَنّا.

14 W axaad heli doontaa farxad iyo rayrayn; dad badanna dhalashadiisa ayay ku farxi doonaan,

سَيَكُونُ لَكَ فَرَحٌ وَابتِهاجٌ، وَسَيَفرَحُ كَثِيرُونَ أيْضاً بِمَولِدِهِ.

15 w aayo, Rabbiga hortiisa nin weyn buu ku ahaan doonaa, mana cabbi doono khamri ama wax lagu sakhraamo. Waxaana xataa uurka hooyadiis kaga buuxsami doona Ruuxa Quduuskaa.

سَيَكُونُ عَظِيْماً فِي نَظَرِ الرَّبِّ. لَنْ يَشرَبَ نَبِيذاً وَلا شَراباً مُسكِراً، وَسَيَمتَلِئُ مِنَ الرُّوحِ القُدُسِ حَتَّىْ قَبلَ وِلادَتِهِ!

16 R eer binu Israa'iil badidoodana ayuu Rabbiga Ilaahooda ah ku soo jeedin doonaa.

سَيَجعَلُ كَثِيرِيْنَ مِنْ بَنِي إسرائِيلَ يَرجِعُونَ إلَى الرَّبِّ إلَهِهِمْ.

17 I saguna wuxuu ku hor mari doonaa ruuxii iyo xooggii Eliyaas inuu aabbayaasha qalbiyadooda ku soo jeediyo carruurta, iyo inuu caasiyiinta ku soo celiyo xigmadda kuwa xaqa ah, inuu Rabbiga u diyaargareeyo dad hagaagsan.

وَسَيَأتِي قَبلَ الرَّبِّ بِرُوحِ إيلِيّا وَقُوَّتِهِ، لِكَي يَرُدَّ قُلُوبَ الآباءِ لِأبنائِهِمْ، وَيَرُدَّ أفْكارَ العُصاةِ إلَى الطَّريقِ الصَّحيحِ، فَيُهَيئَ شَعباً مُستَعِداً لِلرَّبِّ.»

18 S akariyas wuxuu malaa'igtii ku yidhi, Sidee baan waxan u garan doonaa? Waayo, anigu oday baan ahay, afadayduna waa da'weynaatay.

فَقالَ زَكَرِيّا لِلمَلاكِ: «كَيفَ لِي أنْ أتَيَقَّنَ مِنْ هَذا الكَلامِ؟ فَأنا عَجُوزٌ، وَزَوجَتِي فِي شَيخُوخَتِها!»

19 M alaa'igtii baa u jawaabtay oo ku tidhi, Anigu waxaan ahay Jibriil oo Ilaah hortiisa istaaga. Waxaa la ii soo diray inaan kula hadlo oo aan warkan wanaagsan kuu keeno.

فَأجابَهُ المَلاكُ: «أنا جِبْرائِيلُ الَّذِي أقِفُ فِي حَضْرَةِ اللهِ. لَقَدْ أُرسِلتُ لِأُكَلِّمَكَ، وَأنقُلَ إلَيكَ هَذِهِ البُشرَى.

20 B al eeg, waad aamusnaan doontaa, mana hadli kari doonto, ilaa maalinta waxyaalahan dhici doonaan, waayo, waad rumaysan weyday hadalladayda wakhtigooda la oofin doono.

لَكِنِ انتَبِه لِهَذا: سَتَكُونُ صامِتاً، وَلَنْ تَقدِرَ عَلَى الكَلامِ إلَى أنْ يَتَحَقَّقَ كُلُّ هَذا، لِأنَّكَ لَمْ تُصَدِّقْ كَلامِي الَّذِي سَيَتَحَقَّقُ فِي وَقتِهِ.»

21 D adkuna waxay sugayeen Sakariyas, oo waxay la yaabeen siduu macbudka ugu raagay.

وَكانَ النّاسُ خارِجاً فِي انتِظارِ زَكَرِيّا وَهَمْ يَتَساءَلُونَ عَنْ سَبَبِ تَأخُّرِهِ فِي الهَيكَلِ.

22 M arkuu soo baxay ayuu la hadli kari waayay, markaasay garteen inuu macbudka wax ku arkay. Kolkaasuu gacanta ugu sii tilmaamayay iyaga, isagoo sii carrab la'.

وَحِينَ خَرَجَ لَمْ يَكُنْ قادِراً عَلَى التَّحَدُّثِ إلَيْهِمْ، فَأدرَكُوا أنَّهُ رَأى رُؤْيا فِي الهَيكَلِ. وَكانَ يُكَلِّمُهُمْ بِالإشاراتِ، وَبَقِيَ أخرَسَ.

23 K olkii maalmihii shuqulkiisii wadaadnimadu dhammaadeen ayuu wuxuu tegey gurigiisii.

وَحِينَ انتَهَتْ فَترَةُ خِدمَتِهِ عادَ إلَى بَيتِهِ.

24 M aalmahaas dabadeed afadiisa Elisabed ayaa uuraysatay, oo shan bilood ayay isqarisay iyadoo leh.

وَبَعدَ زَمَنٍ حَبِلَتْ زَوجَتُهُ ألِيصاباتُ، فَعَزَلَتْ نَفسَها عَنِ النّاسِ خَمسَةَ أشهُرٍ، وَقالَتْ:

25 S idaasaa Rabbigu iigu sameeyey maalmihii uu i eegay inuu ceebtayda dadka dhexdooda iiga qaado. Dhalashada Ciise Masiix Waa La Sii Sheegay

«ها قَدْ أعانَنِي الرَّبُّ أخِيراً. اهتَمَّ بِي، وَأزالَ عارَ عُقمِي مِنْ بَينِ النّاسِ.» العَذراءُ مَريَم

26 B ishii lixaad Ilaah baa malaa'ig Jibriil u soo diray magaalada Galili oo Naasared la odhan jiray

وَحِينَ كانَتْ ألِيصاباتُ فِي شَهرِها السّادِسِ، أرسَلَ اللهُ المَلاكَ جِبْرائِيلَ إلَى بَلدَةٍ فِي إقليمِ الجَلِيلِ تُدعَى النّاصِرَةُ،

27 i laa gabadh bikrad ah oo u doonanayd nin la odhan jiray Yuusuf oo dhashii Daa'uud ahaa; gabadhana waxaa la odhan jiray Maryan.

إلَى فَتاةٍ عَذراءَ اسْمُها مَريَمُ، مَخطُوبَةٍ لِرَجُلٍ مِنْ نَسلِ داوُدَ اسْمُهُ يُوسُفُ.

28 M alaa'igtii baa u soo gashay, oo waxay ku tidhi, Nabad, adigoo nimcaysan, Rabbiga ayaa kula jira.

فَجاءَ إلَيها جِبْرائِيلُ وَقالَ لَها: «السَّلامُ عَلَيكِ أيَّتُها المُمتَلِئَةُ نِعمَةً، الرَّبُّ مَعكِ.»

29 M arkaasay hadalkii ka naxday, oo waxay isku tidhi, Maxay tahay salaantan?

فَاضطَرَبَتْ مِنْ رِسالَتِهِ هَذِهِ، وَتَعَجَّبَتْ ما عَسَى أنْ يَكُونَ مَعنَى هَذِهِ التَّحِيَّةِ!

30 M alaa'igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Maryamay, waayo, nimco ayaad Ilaah ka heshay.

فَقالَ المَلاكُ لَها: «لا تَخافِي يا مَريَمُ، فَقَدْ نِلتِ نِعمَةً مِنَ اللهِ.

31 B al eeg, waad uuraysan doontaa, oo wiil baad umuli doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise.

وَها أنتِ سَتَحبَلِينَ وَتَلِدِينَ ابناً، وَتُسَمينَهُ يَسُوعَ.

32 N in weyn buu ahaan doonaa, waxaana loogu yeedhi doonaa Wiilka Kan ugu sarreeya, Rabbiga Ilaaha ahuna wuxuu siin doonaa carshigii awowgiis Daa'uud.

سَيَكُونَ عَظِيماً، وَسَيُدعَى ابنَ اللهِ العَلِيِّ. وَسَيُعطِيهِ الرَّبُّ الإلَهُ عَرشَ أبِيْهِ داوُدَ.

33 W eligiiba wuxuu boqor u ahaan doonaa dadkii Yacquub, boqornimadiisuna ma idlaan doonto.

وَسَيَحكُمُ بَيتَ يَعقُوبَ إلَى الأبَدِ، وَلَنْ يَنتَهِيَ مُلكُهُ أبَداً.»

34 K olkaasaa Maryan waxay malaa'igtii ku tidhi, Sidee baa waxanu ku noqon doonaan? Anigu ninna garan maayo.

فَقالَتْ مَريَمُ لِلمَلاكِ: «كَيفَ سَيَحدُثُ هَذا؟ فَأنا لَمْ يَلمِسْنِي رَجُلٌ قَطُّ!»

35 M alaa'igtii waa u jawaabtay oo ku tidhi, Ruuxa Quduuska ah ayaa kugu soo degi doona, oo xooggii Kan ugu sarreeya ayaa hoosiis kuu noqon doona, sidaa darteed kan quduuska ah oo kaa dhalan doona waxaa loogu yeedhi doonaa Wiilka Ilaah.

فَأجابَها المَلاكُ: «الرُّوحُ القُدُسُ سَيَحِلُّ عَلَيكِ، وَقُوَّةُ العَلِيِّ سَتُغَطِّيكِ. لِهَذا فَإنَّ القُدُّوسَ الَّذِي سَيُولَدُ مِنكِ سَيُدعَى ابنَ اللهِ.

36 B al eeg, ina-adeertaa Elisabedna wiil bay uuraysatay iyadoo da'weyn; oo tanuna waxay tii madhalays loogu yeedhi jiray u tahay bisheedii lixaad.

وَاعلَمِي هَذا: ها هِيَ قَرِيبَتُكِ ألِيصاباتُ حُبلَى بابنٍ رُغمَ شَيخُوخَتِها. فَالمَرأةُ الَّتِي يَدْعونَها عاقِراً هِيَ فِي شَهرِها السّادِسِ!

37 W aayo, wax aan Ilaah kari doonin ma jiro.

إذْ لَيسَ هُناكَ مُستَحِيلٌ عِندَ اللهِ.»

38 M aryan ayaa tidhi, Waa i kan, waxaan ahay addoontii Rabbiga. Sidaad u hadashay ha ii noqoto. Markaasaa malaa'igtii ka tagtay. Maryan Waxay Booqatay Elisabed; Gabaygii Maryan Ee Ammaanta Ahaa

فَقالَتْ مَريَمُ: «أنا خادِمَةُ الرَّبِّ، فَليَحدُثْ لِي كَما قُلْتَ.» فَتَرَكَها المَلاكُ. مَريَمُ تَزُورُ زَكَرِيّا وَألِيصابات

39 M aalmahaas Maryan baa kacday, oo waxay dhaqso u tagtay dhulkii buuraha lahaa ilaa magaalo ka mid ah reer Yahuudah,

وَفِي أثناءِ تِلكَ الفَترَةِ، استَعَدَّتْ مَريَمُ وَأسرَعَتْ إلَى بَلدَةٍ فِي إقليمِ يَهُوذا الجَبَلِيِّ.

40 o o waxay gashay gurigii Sakariyas, oo salaantay Elisabed.

وَتَوَجَّهَتْ إلَى بَيتِ زَكَرِيّا، وَحَيَّتْ ألِيصاباتَ.

41 O o waxaa dhacay goortii Elisabed salaantii Maryan maqashay in ilmihii uurkeeda ku boodbooday; Elisabedna waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah.

فَما إنْ سَمِعَتْ ألِيصاباتُ تَحِيَّتَها حَتَّى تَحَرَّكَ الطِّفلُ فِي بَطنِها. فَامتَلأتْ ألِيصاباتُ مِنَ الرُّوحِ القُدُسِ.

42 M arkaasay cod dheer ku qaylisay oo tidhi, Dumarka dhexdooda waad ku barakaysan tahay, oo midhaha uurkaaga waa barakaysan yahay.

وَرَفَعَتْ صَوتَها وَقالَتْ: «لَقَدْ بارَكَكِ اللهُ أكثَرَ مِنْ كُلِّ النِّساءِ، وَمُبارَكٌ أيضاً الطِّفلُ الَّذِي سَتَلِدِينَهُ.

43 X aggee waxanu iiga yimaadeen in Sayidkayga hooyadiis iigu timaado?

لَكِنْ ما هَذا الشَّرَفُ العَظِيمُ الَّذِي حَظِيتُ بِهِ حَتَّى تَأْتِيَ أُمُّ سَيِّدِي إلَيَّ؟

44 B al eeg, markii codkii salaantaadu dhegahayga ku dhacay, ilmaha uurkayga ku jira ayaa farxad la boodbooday.

لِأنَّهُ ما إنْ وَصَلَ صَوتُ تَحِيَّتِكِ إلَى أُذُنَيَّ، حَتَّى وَثَبَ الطِّفلُ بِفَرَحٍ فِي بَطنِي.

45 W axaa barakaysan tii rumaysatay; waayo, waxyaalihii xagga Rabbiga looga sheegay ayay dhici doonaan.

فَمُبارَكَةٌ أنتِ لِأنَّكِ صَدَّقْتِ أنَّ ما وَعَدَكِ بِهِ الرَّبُّ سَيَتَحَقَّقُ.» مَريَمُ تُسَبِّحُ الله

46 M aryanna waxay tidhi, Naftaydu Rabbigay weynaynaysaa,

فَقالَتْ مَريَمُ: «تُمَجِّدُ نَفسِي الرَّبَّ.

47 R uuxayguna wuxuu ku reyreeyey Ilaaha Badbaadiyahayga ah.

وَتَبتَهِجُ رُوحِي بِاللهِ مُخَلِّصِي،

48 W aayo, wuxuu eegay hoosaysnimada addoontiisa, Bal eeg, tan iyo hadhow qarniyada oo dhammu waxay iigu yeedhi doonaan tan barakaysan.

لِأنَّهُ نَظَرَ إلَى خادِمَتِهِ المُتَواضِعَةِ. فَمُنذُ الآنَ، يَدعُونِي جَمِيعُ النّاسِ ‹مُبارَكَةً›

49 W aayo, kan xoogga leh ayaa waxyaalo waaweyn ii sameeyey; Magiciisuna waa Quduus,

لِأنَّ اللهَ القَوِيَّ صَنَعَ لِي أشياءَ مَجِيدَةً. وَاسْمُهُ قُدُّوسٌ.

50 T an iyo ab ka ab naxariistiisu waxay gaadhaa Kuwa isaga ka cabsada.

هُوَ يُعطِي رَحمَةً مِنْ جِيلٍ إلَى جِيلٍ لِلَّذِيْنَ يَعبُدُونَهُ.

51 W uxuu xoog ku sameeyey gacantiisa, Oo kuwii fikirradii qalbigoodii ku kibray ayuu kala firdhiyey.

أظهَرَ قُوَّةَ ذِراعِهِ، وَشَتَّتَ المُتَكَبِّرِيْنَ بِأفكارِهِمُ المُتَبَجِّحَةِ.

52 K uwii xoogga lahaa ayuu carshiyadoodii ka soo dejiyey Oo kuwii hooseeyey ayuu sarraysiiyey.

أنزَلَ الحُكّامَ عَنْ عُرُوشِهِمْ، وَرَفَعَ مَنزِلَةَ المُتَواضِعِينَ.

53 K uwii gaajaysnaa ayuu wax wanaagsan ka dhergiyey, Kuwii hodanka ahaana iyagoo madhan ayuu diray.

أشبَعَ الجِياعَ بِعَطاياهُ الصّالِحَةَ، وَصَرَفَ الأغنِياءَ فارِغِي الأيدِي.

54 M idiidinkiisii Israa'iil ayuu caawiyey Inuu xusuusto inuu u naxariisto

جاءَ لِيُعِينَ خادِمَهُ يَعقُوبَ. تَذَكَّرَ فَأظهَرَ رَحمَتَهُ

55 I braahim iyo farcankiisii weligoodba (Siduu awowayaasheennii ula hadlay).

كَما وَعَدَ آباءَنا، لإبراهِيمَ وَأبنائِهِ إلَى الأبَدِ.»

56 M aryan waxay iyada la joogtay abbaaraha saddex bilood, markaasay gurigeeda ku noqotay. Dhalashadii Yooxanaa Baabtiisaha; Aabbihiis Gabaygiisii Ammaanta Ahaa

وَأقامَتْ مَريَمُ عِندَ ألِيصاباتَ نَحْوَ ثَلاثَةِ شُهورٍ، ثُمَّ رَجِعَتْ إلَى بَيتِها. مَولِدُ يُوحَنّا

57 H adda Elisabed wakhtigii ay umuli lahayd ayaa la joogay, oo wiil bay dhashay.

وَحانَ الوَقتُ لِتَضَعَ ألِيصاباتُ طِفلَها، فَأنجَبَتْ صَبِيّاً.

58 D erisyadeedii iyo xigaalkeedii ayay maqleen siduu Rabbigu naxariistiisii ugu weyneeyey iyada, wayna la farxeen.

فَسَمِعَ جِيرانُها وَأقارِبُها أنَّ اللهَ قَدْ أظهَرَ لَها رَحمَةً عَظِيمَةً، فَابتَهَجُوا مَعَها.

59 W axaa dhacay inay maalintii siddeedaad u yimaadeen inay wiilkii gudaan, oo waxayna u bixiyeen magicii aabbihiis Sakariyas.

وَفِي اليَومِ الثّامِنِ جاءُوا لِيَختِنُوا الطِّفلَ، وَأرادُوا أنْ يُسَمُّوهُ زَكَرِيّا عَلَى اسْمِ أبيهِ.

60 K olkaasaa hooyadiis u jawaabtay oo ku tidhi, Sidaas ma aha; waxaase loogu yeedhi doonaa Yooxanaa.

لَكِنَّ أُمَّهُ قالَتْ: «لا، بَلْ سَيُدعَى يُوحَنّا.»

61 W axay ku yidhaahdeen, Xigaalkaaga kuma jiro qof magacaas loo bixiyey.

فَقالُوا لَها: «لَيسَ بَينَ أقارِبِكِ مَنْ يَحمِلُ هَذا الاسمَ.»

62 W axay aabbihiis gacan ugu tilmaameen oo weyddiiyeen wuxuu doonayay in loogu yeedho.

فَأشارُوا بِأيدِيهِمْ إلَى أبِيْهِ يَسألُونَهُ أيَّ اسْمٍ يُرِيدُ أنْ يُسَمِّيَهُ!

63 M arkaasuu wuxuu weyddiistay loox oo ku qoray, isagoo leh, Magiciisu waa Yooxanaa. Wayna wada yaabeen.

فَطَلَبَ لَوحاً وَكَتَبَ عَلَيهِ: «اسْمُهُ يُوحَنّا،»

64 K olkiiba afkiisii ayaa furmay, oo carrabkiisiina waa debcay, markaasuu hadlay oo Ilaah ammaanay.

فَدُهِشُوا جَمِيعاً! وَفي الْحالِ انفَتَحَ فَمُ زَكَرِيّا وَانحَلَّ لِسانُهُ، وَبَدَأ يَتَكَلَّمُ وَيُسَبِّحُ اللهَ.

65 D adkii agtooda joogay oo dhammu way wada cabsadeen, oo hadalladan oo dhan waa lagaga hadlayay dalkii buuraha lahaa oo Yahuudiya oo dhan.

فَتَمَلَّكَ الخَوفُ الجِيرانَ كُلَّهُمْ. وَراحَ النّاسُ فِي كُلِّ أنحاءِ المِنطَقَةِ الجَبَلِيَّةِ مِنَ الجَلِيلِ يَتَحَدَّثُونَ عَنْ هَذِهِ الأُمُورِ.

66 K uwa waxyaalahaas maqlay oo dhan ayaa qalbigooda geliyey oo waxay yidhaahdeen, Haddaba ilmahanu muxuu noqon doonaa? Waayo, gacantii Rabbiga ayaa la jirtay isaga.

فَتَعَجَّبَ كُلُّ مَنْ سَمِعَ عَنْ ذَلِكَ وَقالَ: «تُرَى ماذا سَيُصبِحُ هَذا الطِّفلُ؟» لِأنَّ قُوَّةَ الرَّبِّ كانَتْ مَعَهُ. زَكَرِيّا يُسَبِّحُ الله

67 M arkaasaa aabbihiis Sakariyas waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, waxna wuu sii sheegay isagoo leh,

ثُمَّ امتَلأ أبُوهُ زَكَرِيّا بِالرُّوحِ القُدُسِ وَتَنَبَّأ فَقالَ:

68 H a ammaanmo Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil, Waayo, dadkiisii ayuu soo booqday oo furtay.

«مُبارَكٌ هُوَ الرَّبُّ إلَهُ إسْرائِيلَ، لِأنَّهُ جاءَ لِيُعِينَ شَعبَهُ وَيُحَرِّرَهُمْ.

69 B adbaadiye xoog leh ayuu inoogu kiciyey Gurigii midiidinkiisa Daa'uud,

قَدَّمَ لَنا مُخَلِّصاً قَوِيّاً مِنْ نَسلِ داوُدَ خادِمِهِ.

70 ( Siduu afkii nebiyadiisii quduuska ahaa tan iyo bilowgii uga hadli jiray),

هَذا ما وَعَدَنا اللهُ بِهِ مُنذُ القَدِيمِ.

71 I nuu inaga badbaadiyo cadaawayaasheenna iyo gacanta kuwa ina neceb oo dhan,

وَعَدَنا بِالخَلاصِ مِنْ أعدائِنا وَمِنْ أيدِي جَمِيعِ مُبغِضِيْنا.

72 I yo inuu u naxariisto awowayaasheen, Iyo inuu axdigiisii quduuska ahaa xusuusto,

وَعَدَ بِأنْ يُظهِرَ رَحمَةً لآبائِنا وَيَتَذَكَّرَ عَهدَهُ المُقَدَّسَ مَعَهُمْ.

73 O o ahaa dhaartii uu awoweheennii Ibraahim ugu dhaartay,

وَحَفِظَ الوَعدَ الَّذِي أقسَمَ بِهِ لِأبِينا إبْراهِيمَ.

74 I nuu ina siiyo innagoo cadaawayaasheenna gacmahooda laynaga bixiyey Inaynu baqdinla'aan isaga ugu hawshoonno

وَعَدَ بِأنْ يُنقِذَنا مِنْ أيدِي أعدائِنا، لِكَي نَخدِمَهُ دُونَ خَوفٍ،

75 Q uduusnimada iyo xaqnimada isaga hortiisa cimrigeenna oo dhan.

وَنَحيا بِالقَداسَةِ وَالبِرِّ جَمِيعَ أيّامِ حَياتِنا.

76 A diguna, ilma yahow, waxaa laguugu yeedhi doonaa nebigii Kan ugu sarreeya, Waayo, waxaad hor mari doontaa Rabbiga hortiisa inaad jidadkiisa diyaargaraysid;

أمّا أنتَ، يا ابنِي، فَسَتُدعَى نَبِيّاً لِلعَلِيِّ. فَأنتَ سَتَتَقَدَّمُ الرَّبَّ لِتُعِدَّ لَهُ الطَّرِيقَ.

77 O o aad dadkiisa ogeysiisid badbaadada Ee dembidhaafkooda ah,

سَتَتَقَدَّمُهُ لِتُخْبِرَ شَعبَهُ بِأنَّهُم سَيُخَلَّصُونَ، وَسَتُغْفَرُ خَطاياهُمْ.

78 E e laga hela naxariista weyn ee Ilaaheenna, Tan qorraxda soo baxda xagga sare inaga soo booqan doonta,

هَذا بِفَضلِ رَحمَةِ إلَهِنا المُحِبَّةِ، فَسَيُشْرِقُ نُورٌ عَلَينا مِنَ السَّماءِ.

79 I nay iftiimiso kuwa fadhiya gudcurka iyo hooskii dhimashada, Iyo inay cagaheenna jidkii nabadda ku kaxayso,

وَسَيُضِيءُ عَلَى الَّذِيْنَ يَعِيشُونَ فِي ظِلِّ المَوتِ المُظلِمِ. وَسَيَهدِي خَطَواتِنا فِي طَرِيقِ السَّلامِ.»

80 W iilkuna waa koray oo ruuxuu ka xoogoobay, wuxuuna joogay cidlada ilaa maalintii uu Israa'iil istusi lahaa.

فَنَما الصَّبِيُّ، وَكانَ يَتَقَوَّى دائِماً فِي الرُّوحِ. وَعاشَ فِي البَرِّيَّةِ إلَى حِينِ ظُهُورِهِ عَلَناً لِبَنِي إسْرائِيلَ.