1 O o dadkuna waxay ahaayeen sidii kuwo gunuunac badan, oo wax shar ah ayay Rabbiga dhegihiisa maqashiiyeen. Oo markii Rabbigu maqlay ayaa cadhadiisii kululaatay, oo dabkii Rabbiguna dhexdooduu ka qaxmay, oo xerada meesheedii ugu dambaysay ayuu baabbi'iyey.
وَحِينَ بَدَأ الشَّعبُ يَتَذَمَّرُونَ بِشِدَّةٍ أمامَ اللهِ ، سَمِعَ اللهُ تَذَمُّرَهُمْ وَغَضِبَ جِدّاً. فَخَرَجَتْ نارٌ مِنَ اللهِ عَلَيهِمْ وَالتَهَمَتْ بَعضَ الخِيَمِ فِي أطرافِ المُخَيَّمِ.
2 M arkaasaa dadkii waxay u qayliyeen Muuse, kolkaasaa Muuse Rabbiga baryay, oo dabkiina wuu damay.
فَصَرَخَ الشَّعبُ إلَى مُوسَى طالِبِينَ العَونَ، فَصَلَّى مُوسَى إلَى اللهِ ، فَخَمَدَتِ النّارُ.
3 O o meeshaas magaceediina waxaa loo baxshay Tabceeraah, maxaa yeelay, dabkii Rabbiga ayaa dhexdooda ka qaxmay. Digaagduurka Rabbiga Ka Yimid
وَلِذا دَعُوا ذَلِكَ المَكانَ تَبْعِيرَةَ، لأنَّ ناراً مَنْ عِندِ اللهِ خَرَجَتْ عَلَيهِمْ هُناكَ. اختِيارُ السَّبعِينَ شَيخا
4 O o dadkii badnaa oo isku darsanaa oo iyaga ku dhex jirayna aad bay wax ugu jeeleen. Oo reer binu Israa'iilna mar kalay ooyeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal yaa hilib aannu cunno na siinaya?
وَاشتَهَى الغُرَباءُ الَّذِينَ خَرَجوا مِنْ مِصْرَ مَعَ بَني إسْرائِيلَ طَعاماً أفضَلَ. وَبَكَى بَنو إسْرائِيلَ ثانِيَةً وَقالُوا: «مَنْ يُعطِينا لَحماً لِنَأكُلَ؟
5 A nnagu waxaannu xusuusan nahay kalluunkii aannu Masar lacagla'aan uga cuni jirnay, iyo khajaarkii, iyo batiikhii, iyo basashii cagaarka ahayd, iyo basashii guduudnayd, iyo toontii.
نَحْنُ نَتَحَسَّرُ عَلَى السَّمَكِ الَّذِي كُنّا نَأكُلُهُ فِي مِصرَ مَجّاناً. وَكَذَلِكَ عَلَى الخِيارِ وَالبَطِّيخِ وَالكُرّاثِ وَالبَصَلِ وَالثَّومِ.
6 L aakiinse haatan naftayadii way cunta nacday, oo waxba ma jiraan, oo maannadan ma ahaane wax kaloo aan fiirsanno ma haysanno.
أمّا الآنَ فَقَدْ فَقَدْنا شَهِيَّتَنا، فَلَيسَ هُناكَ سِوَى هَذا المَنِّ لِنَنظُرَ إلَيهِ.»
7 O o maannaduna waxay u ekayd midhaha koryander la yidhaahdo, oo midabkeeduna wuxuu u ekaa midabka xabagta beduliyum la yidhaahdo.
كانَ المَنُّ كَبُذُورِ الكُزبَرَةِ، وَلَونُهُ كَالصَّمغِ.
8 D adku way warwareegi jireen oo soo urursan jireen, markaasay mixdin ku daqiijin jireen, amase mooye ku tumi jireen, oo dheryay ku karsan jireen, oo moofo bay ka samaysan jireen; oo dhadhankeeduna wuxuu ahaa sida dhadhanka wax saliid lagu sameeyey.
فَانتَشَرَ النّاسُ وَجَمَعُوا المَنَّ. فَكانُوا يَطحَنُونَهُ بَحَجَرَيِّ الرَّحَى أوْ يَدُقُّونَهُ فِي الهاوِنِ. ثُمَّ يَسلُقُونَهُ فِي قِدرٍ وَيَصنَعُونَ مِنهُ كَعْكاً، طَعمُهُ كَطَعمِ الكَعْكِ المَقلِيِّ بِالزَّيتِ.
9 O o habeennimada markii sayaxu xerada ku soo dego ayaa maannaduna la soo dhici jirtay.
فَحِينَ كانَ النَّدَى يَأتِي عَلَى أرْضِ المُخَيَّمِ فِي اللَّيلِ، كانَ المَنُّ يَنزِلُ مَعَهُ.
10 H addana Muuse wuxuu maqlay dadkii oo ka dhex ooyaya qabiilooyinkoodii oo dhan, oo nin waluba teendhadiisa iriddeeduu taagnaa, markaasaa cadhadii Rabbigu aad u kululaatay, oo Muusena wuu ka xumaaday.
فَسَمِعَ مُوسَى الشَّعبَ يَبكُونَ فِي عَشائِرِهِمْ، كُلُّ واحِدٍ عَلَى مَدْخَلِ خَيمَتِهِ. فَغَضِبَ اللهُ جِدّاً، وَتَضايَقَ مُوسَى مِنْ كُلِّ هَذا.
11 O o Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, Maxaad anoo addoonkaaga ah sida xun iigu gashay? Oo maxaan raallinimadaada u heli waayay, oo maxaad ii kor saaraysaa dadkan oo dhan culaabtiisa?
وَقالَ مُوسَى للهِ: «لِماذا سَبَّبْتَ لِيَ الضِّيقَ وَأنا خادِمُكَ؟ لِماذا لَمْ أحظَ بِرِضاكَ؟ لِماذا جَعَلْتَ مَسؤُولِيَّةَ هَذا الشَّعبِ وَحِملَهُ عَلَى أكتافِي؟
12 D adkan oo dhan ma anigaa uuraystay? Oo ma anigaa dhalay markaad igu leedahay, Iyaga laabtaada ku qaad sida aabbe u qaado ilmo caanonuug ah, tan iyo dalkii aad awowayaashood ugu dhaaratay?
هَلْ حَبِلْتُ بِكُلِّ هَذا الشَّعبِ؟ هَلْ وَلَدْتُهُمْ حَتَّى تَقُولُ لِي: ‹احْمِلْهُمْ فِي حِضْنِكَ كَالمُرَبِّيَةِ الَّتِي تَحمِلُ طِفلاً، إلَى الأرْضِ الَّتِي وَعَدْتُ بِأنْ أُعطِيَها لآبائِهِمْ؟›
13 B al xaggee baan ka helayaa hilib aan siiyo dadkan oo dhan? Waayo, iyagu way igu ooyaan oo waxay igu yidhaahdaan, Hilib aannu cunno na si.
مِنْ أيْنَ لِي لَحْمٌ لأُعْطِيَ كُلَّ هَذا الشَّعبِ حِينَ يَبكُونَ أمامِي وَيَقُولُونَ: ‹أعطِنا لَحْماً لِنَأكُلَ؟›
14 A nigu ma aan qaadi karo dadkan oo dhan, maxaa yeelay, rarkan aad buu iigu culus yahay.
لا أستَطِيعُ أنْ أهتَمَّ بِكُلِّ هَذا الشَّعبِ وَحدِي، لأنَّهُ أكثَرُ مِمّا أستَطِيعُ قِيادَتَهُ.
15 H addaad sidaas ii gashid, waan ku baryayaaye, i dil, haddaad raalli iga tahay, oo yaanan dandarradayda arkin.
فَإنْ كُنتَ سَتُعامِلُنِي هَكَذا، فَأسألُكَ أنْ تَقتُلَنِي، إنْ حَظِيتُ بِرِضاكَ، وَلا تَدَعْنِي أرَى بَلِيَّتِي وَبُؤْسِي أكثَرَ.»
16 M arkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Waxaad ii soo ururisaa toddobaatan nin oo ah waayeelladii reer binu Israa'iil oo aad garanaysid inay dadka waayeello u yihiin iyo saraakiil u talisa, oo waxaad iyaga keentaa teendhada shirka inay halkaas kula istaagaan.
فَقَالَ اللهُ لِمُوسَى: «اجْمَعْ لِي سَبعِينَ مِنْ شُيُوخِ إسْرائِيلَ تَعرِفُ أنَّهُمْ شُيُوخٌ وَقادةٌ لِلشَّعبِ. أحضِرْهُمْ إلَى خَيمَةِ الاجْتِماعِ وَأوقِفْهُمْ هُناكَ مَعَكَ.
17 O o anna waan soo degan doonaa, oo halkaasaan kugula hadli doonaa, oo waxaan qaadi doonaa ruuxa ku kor jooga, markaasaan iyaga saari doonaa, oo waxay kula qaadi doonaan culaabta dadka, si aanad keligaa u qaadin.
فَسَأنزِلُ وَأتَكَلَّمُ مَعَكَ هُناكَ. سَآخُذُ مِنَ الرُّوحِ الَّذِي عَلَيكَ وَأضَعُ عَلَيهِمْ، فَيُساعِدُونَكَ فِي الاهتِمامِ بِالشَّعْبِ حَتَّى لا تَهتَمَّ بِهِمْ وَتَحْمِلَ مَسْؤُولِيَّتِهِم وَحدَكَ.
18 O o dadkana waxaad ku tidhaahdaa, Hilib baad cunaysaane berri quduus isaga dhiga, waayo, waxaad ku ooydeen Rabbiga dhegihiisii, oo waxaad tidhaahdeen, Bal yaa hilib aannu cunno na siinaya? Waayo, markaannu Masar joogi jirnay baa noo dhaantay. Haddaba Rabbigu hilib buu idin siin doonaa oo idinna waad cuni doontaan.
«وَقُلْ لِلشَّعبِ: قَدِّسُوا أنفُسَكُمْ لأجلِ الغَدِ، وَسَتَأكُلُونَ لَحماً، لأنَّكُمْ بَكَيتُمْ أمامَ اللهِ وَقُلْتُمْ: ‹مَنْ يُعطِينا لَحماً لِنَأكُلَ؟ كانَ الوَضعُ فِي مِصرَ أفضَلَ.› سَيُعطِيكُمُ اللهُ لَحماً فَتَأكُلُونَهُ.
19 O o idinku ma cuni doontaan maalin keliya, ama laba maalmood, amase shan maalmood, amase toban maalmood, amase labaatan maalmood,
وَلَنْ تَأكُلُوا مِنهُ لِيَومٍ أوِ يَومينِ أوْ خَمسَةِ أيّامٍ أوْ عَشْرَةٍ أوْ عِشرِينَ يَوماً،
20 l aakiinse waxaad cuni doontaan bil dhan, jeer aad sanka dulalkiisa ka keentaan, oo aad ka diiqootaan, maxaa yeelay, Rabbiga idin dhex jooga ayaad diiddeen oo aad ku hor ooydeen, oo waxaad tidhaahdeen, Bal maxaannu Masar uga soo baxnay?
لَكِنَّكُمْ سَتَأكُلُونَ لَحماً لِشَهرٍ كامِلٍ إلَى أنْ يَخْرُجَ مِنْ مَناخِرِكُمْ فَتَقْرَفونَهُ! لأنَّكُمْ رَفَضْتُمْ اللهَ السّاكِنَ فِي وَسَطِكُمْ، وَبَكَيتُمْ أمامَهُ وَقُلْتُمْ: ‹لِماذا خَرَجْنا مِنْ مِصرَ؟›»
21 M arkaasaa Muuse yidhi, Dadka aan dhex joogaa waa lix boqol oo kun oo nin oo lug ah, oo adna waxaad tidhi, Waxaan iyaga siinayaa hilib ay bil dhan cunaan.
ثُمَّ قالَ مُوسَى للهِ: «مَعِي سِتُّ مِئَةِ ألفِ رَجُلٍ، وَمَعَ هَذا فَأنتَ تَقُولُ: ‹سَأُعطِيهِمْ لَحماً، وَسَيَأكُلُونَ مِنهُ لِمُدَّةِ شَهرٍ كامِلٍ.›
22 M a waxaa loo qalaa ido iyo lo' si ay uga dhergaan? Mase kalluunka badda ku jira oo dhan baa loo soo ururiyaa si ay uga dhergaan?
إنْ ذُبِحَتِ الأغنامُ وَالأبقارُ، فَهَلْ سَيَكُونُ ذَلِكَ كافِياً لَهُمْ؟ وَحَتَّى لَوْ اصْطَدْنا كُلَّ سَمَكِ البَحْرِ فَلَنْ يَكْفِيهُمْ.»
23 M arkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, War ma gacantii Rabbigaa gaabatay? Haddaba waad arki doontaa bal in eraygaygu rumoobayo iyo in kale.
فَقالَ اللهُ لِمُوسَى: «هَلْ قُدرَةُ اللهِ مَحْدُودَةٌ؟ سَتَرَى الآنَ إنْ كانَ ما قُلْتُهُ سَيَتِمُّ أمْ لا.»
24 M arkaasaa Muuse baxay oo dadkii u soo sheegay ereygii Rabbiga, oo wuxuu soo ururiyey toddobaatan nin oo reer binu Israa'iil waayeello u ah, oo Teendhada hareeraheedii ayuu isugu keenay.
فَخَرَجَ مُوسَى وَأخبَرَ الشَّعبَ بِما قالَهُ اللهُ ، وَجَمَعَ السَّبعِينَ رَجُلاً مِنْ شُيُوخِ إسْرائِيلَ وَجَعَلَهُمْ يَقِفُونَ حَولَ الخَيمَةِ.
25 M arkaasaa Rabbigu ku soo degtay daruurtii oo isagii la hadlay, wuxuuna qaaday ruuxii isaga saarnaa, markaasuu toddobaatankii waayeel saaray, oo markii ruxuu korkooda ku degay ayay wax sii sheegeen, laakiinse sidaas mar dambe ma ay yeelin.
ثُمَّ نَزَلَ اللهُ فِي السَّحابَةِ وَتَكَلَّمَ إلَى مُوسَى. وَأخَذَ اللهُ مِنَ الرُّوحِ الَّذِي كانَ عَلَى مُوسَى وَوَضَعَهُ عَلَى السَّبعِينَ شَيخاً. وَحِينَ حَلَّ الرُّوحُ عَلَيهِمْ بَدَأُوا يِتَنَبَّأُونَ، لَكِنَّهُمْ لَمْ يَتَنَبَّأُوا مَرَّةً ثانِيَةً.
26 L aakiinse laba nin baa xeradii ku dhex hadhay. Mid magiciisa waxaa la odhan jiray Eldaad, kan kalena magiciisa waxaa la odhan jiray Meedaad, oo iyagana ruuxii baa ku soo degay, oo waxay ka mid ahaayeen kuwii la qoray, laakiinse uma ay bixin Teendhadii; oo iyagu xerada dhexdeedii ayay wax ku sii sheegeen.
وَكانَ اثْنانِ مِنَ الرِّجالِ قَدْ بَقِيا فِي المُخَيَّمِ، وَكانَ اسْمُ أحَدِهِما ألْدادَ وَاسْمُ الثّانِي مِيدادَ. وَحَلَّ الرُّوحُ عَلَيهِما. وَكانا مِنْ ضِمنِ المُسَجَّلِينَ، وَلَكِنَّهُما لَمْ يَخرُجا إلَى خَيمَةِ الاجْتِماعِ، وَلِذا كانا يَتَنَبَّآنِ فِي المُخَيَّمِ.
27 M arkaasaa nin dhallinyaro ah soo orday oo Muuse u soo sheegay oo yidhi, Eldaad iyo Meedaad xeradii bay wax ku sii sheegayaan.
فَرَكَضَ شابٌّ وَقالَ لِمُوسَى: «ألْدادُ وَمِيدادُ يَتَنَبَّآنِ فِي المُخَيَّمِ.»
28 M arkaasaa Yashuuca ina Nuun oo Muuse midiidinkiisa ahaa oo raggiisii uu doortay ka mid ahaa ayaa ku yidhi, Sayidkaygii Muusow, u diid iyaga.
فَقالَ يَشُوعُ بْنُ نُونَ مُساعِدُ مُوسَى مُنذُ شَبابِهِ: «يا سَيِّدِي مُوسَى، أوقِفْهُما.»
29 M arkaasaa Muuse wuxuu isagii ku yidhi, War ma aniga baad ii xinaasaysaa? Bal may dadka Rabbiga oo dhammu nebiyo ahaadaan, oo Rabbigu muu iyaga ruuxiisa ku soo dejiyo!
فَقالَ مُوسَى لَهُ: «أتَغارُ عَلَيَّ؟ إنَّنِي أتَمَنَّى لَو أنَّ كُلَّ شَعبِ اللهِ كانُوا أنبِياءَ، إذْ يَضَعُ اللهُ رُوحَهُ عَلَيهِمْ.»
30 M arkaasaa Muuse iyo waayeelladii reer binu Israa'iilba xerada ku noqdeen.
ثُمَّ رَجِعَ مُوسَى وَالشُّيُوخُ إلَى المُخَيَّمِ. طُيُورُ السَّلوَى
31 M arkaasaa dabayl Rabbiga ka timid, oo waxay badda ka keentay digaagduur, oo xerada hareeraheedii ayay ku soo daadisay intii maalin socodkeed ah oo dhankan ah iyo intii maalin socodkeed ah oo dhanka kale ah oo xerada ku wareegsan, oo dalka korkiisana waxay u jireen intii laba dhudhun ah.
وَهَبَّتْ رِيحٌ مِنْ عِنْدِ اللهِ ، فَساقَتْ طُيُورَ السَّلوَى مِنَ البَحرِ، وَنَشَرَتْها حَولَ المُخَيَّمِ. كانَتِ الطُّيُورُ عَلَى بُعْدِ مَسِيرِ يَومٍ مِنْ جَمِيعِ جِهاتِ المُخَيَّمِ، وَعَلَى ارْتِفاعِ ذِرَاعَينِ!
32 M arkaasaa dadkii kacay oo maalintaas oo dhan, iyo habeenkii oo dhan, iyo maalintii dambe oo dhan waxay soo urursadeen digaagduurkii; oo kii ugu wax yaraa wuxuu soo urursaday toban xomeer, oo waxay ku kala bixiyeen xerada hareeraheedii.
فَقامَ النَّاسُ وَجَمَعُوا مِنَ السَّلوَى طِيلَةَ ذَلِكَ اليَومِ وَتِلكَ اللَّيلَةِ وَاليَومِ التّالِي. وَأقَلُّ كَمِّيَّةٍ جَمَعَها فَرْدٌ واحِدٌ، كَانَتْ نَحْوَ عَشْرَةِ أكياسٍ كَبِيرَةٍ! وَنَشَرُوا السَّلوَى حَولَ المُخَيَّم.
33 O o intii hilibkii ilkahoodii ku dhex jiray, oo aanay weli calalin, ayaa cadhadii Rabbigu dadkii aad ugu kululaatay, markaasaa Rabbigu wuxuu dadkii ku dhuftay belaayo weyn.
وَبَينَما كانَ اللَّحمُ ما يَزالُ بَينَ أسنانِهِمْ، وَقَبلَ أنْ يُلتَهَمَ، اشْتَدَّ غَضَبُ اللهِ عَلَى الشَّعبِ، وَأرسَلَ اللهُ مَرَضاً فَظِيعاً عَلَى الشَّعبِ.
34 O o meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Qibrood Xatawaah, maxaa yeelay, halkaasaa lagu aasay dadkii hunguri xumaaday.
وَلِذا دَعَوا ذَلِكَ المَكانَ قَبَرُوتَ هَتَّأوَةَ، لأنَّهُمْ هُناكَ دَفَنُوا ذَوِي الشَّهوَةِ.
35 M arkaasay dadkii Qibrood Xatawaah ka guureen, oo waxay u sodcaaleen Xaseerood, Xaseeroodna way degeen.
وَمِنْ قَبَرُوتَ هَتَّأوَةَ ارْتَحَلَ الشَّعبُ إلَى حَضَيرُوتَ وَمَكَثُوا فِيها.