Wacdiyahii 8 ~ ﺍﻟﺠﺎﻣﻌﺔ 8

picture

1 Y aa ninka xigmadda leh la mid ah? Yaase wax micnihiisa yaqaan? Nin xigmaddiisu wejigiisay dhalaalisaa, oo adaygga wejigiisuna wuu beddelmaa. Dhawr Amarka Boqorka

مَنْ يَقدِرُ أنْ يَفهَمَ وَيُفَسِّرَ الأشْياءَ كَالحَكِيمِ. حِكمَةُ الإنْسانِ تُفَرِّحُهُ، وَتُفَرِّحُ الآخَرِينَ.

2 W axaan kugula talinayaa inaad boqorka amarkiisa dhawrtid, dhaartii Ilaah ee aad ku dhaaratay aawadeed.

أنصَحُكَ بِأنْ تُطِيعَ أمْرَ المَلِكِ، لِأنَّكَ نَذَرْتَ هَذا النِّذْرَ للهِ.

3 H a ku degdegin inaad hortiisa ka tagtid, wax shar ahna ha ku sii adkaan, waayo, isagu wuxuu sameeyaa wax alla wuxuu ku farxo.

لا تَتَرَدَّدْ فِي تَقدِيمِ اقتِراحاتٍ لِلمَلِكِ. وَلا تَدعَمْ شَيئاً خاطِئاً، لَكِنْ تَذَكَّرْ أنَّ المَلِكَ يُقَرِّرُ ما يَشاءُ.

4 W aayo, boqorka hadalkiisu xoog buu leeyahay, oo yaase isaga ku odhan kara, War maxaad samaynaysaa?

أوامِرُ المَلِكِ مُلْزِمَةٌ، وَلَيسَ مَنْ يَعتَرِضُ عَلَى ما يَفعَلُهُ.

5 K u alla kii amarka dhawra innaba waxyeello ma gaadhi doonto, oo ninka xigmadda leh qalbigiisuna wakhtiga iyo garsooriddaba wuu gartaa.

مَنْ يُطِيعُ أوامِرَ المَلِكِ يَأْمَنُ، وَالرَّجُلُ الحَكِيمُ يَعرِفُ مَتَى وَكَيفَ يَفعَلُ ذَلِكَ.

6 M axaa yeelay, xaal kastaaba wuxuu leeyahay wakhti iyo garsoorid, in kastoo nin dhibaatadiisu iyadoo weyn ay saaran tahay.

لِكُلِّ شَيءٍ وَقتٌ مُلائِمٌ، وَهُناكَ طَرِيقَةٌ مُلائِمَةٌ لِعَمَلِ كُلِّ شَيءٍ. وَإنْ لَمْ يَفعَلِ المَرءُ ذَلِكَ، سَتَأْتِي عَلَيهِ المَتاعِبُ.

7 M axaa yeelay, isagu garan maayo waxa ahaan doona, waayo, bal yaa isaga u sheegi kara siday u ahaan doonaan?

لا سَبِيلَ لِلإنْسانِ إلَى مَعرِفَةِ المُسْتَقبَلِ، لِأنَّهُ ما مِنْ أحَدٍ يَقدِرُ أنْ يُخبِرَهُ بِما سَيَحْدُثُ.

8 N inna amar uma leh inuu nafta ceshado, oo maalinta dhimashadana amar uma leh. Oo wakhtiga dagaalkaasna fasax ma leh, oo sharnimaduna ma samatabbixin doonto kuwa iyada leh.

ما مِنْ أحَدٍ يَقدِرُ أنْ يَمنَعَ الرَّوْحَ مِنْ مُغادَرَةِ الجَسَدِ. وَما مِنْ أحَدٍ يَقدِرُ أنْ يَمْنَعَ مَوْتَهُ. لا يُسْمَحُ لِلمُحارِبِ بِإخلاءِ مَوْقِعِهِ، كَذَلِكَ الشَّرُّ لا يُخلِي سَبيلَ الأشرارِ.

9 W axaas oo dhan ayaan arkay, oo qalbigaygana waan u soo jeediyey shuqul kasta oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Waxaa jira wakhti nin mid kale u taliyo oo uu wax yeelo.

رأيتُ هَذا كُلَّهُ. وَتَأمَّلْتُ جَيِّداً جَميعَ ما عَمِلَهُ النّاسُ فِي هَذِهِ الدُّنْيا. فَرَأيتُ أنَّ الإنسانَ يَتَسَلَّطُ عَلَى الإنسانِ، فَيُسَبِّبَ الأذَى لِنَفْسِهِ.

10 O o haddana waxaan arkay sharrowyadii oo la aasay, kuwaas oo iman jiray oo ka bixi jiray meeshii quduuska ahayd, oo magaaladii ay waxaas ku dhex sameeyeenna waa laga illoobay. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

وَرَأيتُ أيضاً أشْراراً يُدفَنُونَ فِي جَنازاتٍ مَهِيبَةٍ. وَسَمِعْتُ النّاسَ يَمدَحُونَهُمْ فِي المَدِينَةِ نَفسِها الَّتِي فَعَلُوا الشَّرَّ فِيها! هَذا أيضاً بِلا مَعنَى. العَدلُ وَالعِقابُ وَالثَّواب

11 S huqulka sharka ah xukunkiisa dhaqso looma oofiyo, oo sidaas daraaddeed binu-aadmiga qalbigiisu inuu shar sameeyo aad buu u damcaa.

لا يُعاقَبُ النّاسُ فَوْراً عَلَى شَرِّهِمْ، فِلِماذا لا يَفعَلُ الآخَرُونَ الشَّرِّ أيْضاً؟

12 I n kastoo dembile boqol jeer shar sameeyo, oo cimrigiisuna aad u sii raago, haddana hubaal waxaan ogahay in kuwa Ilaah ka cabsada oo hortiisa ka baqaa ay nabdoonaan doonaan.

قَدْ يَرتَكِبُ خاطِئٌ مِئَةَ جَرِيمَةٍ، وَيَطُولُ بِهِ العُمْرُ. لَكِنِّي أعلَمُ أنَّهُ خَيرٌ لِلنّاسِ أنْ يَخافُوا اللهَ.

13 L aakiinse sharrowgu ma nabdoonaan doono, oo cimrigiisuna sii ma raagi doono sida hooska baabba'u uusan u raagin, maxaa yeelay, isagu Ilaah hortiisa kama cabsado.

أمّا الأشْرارُ فَلَنْ يَرَوْا خَيراً. وَلَنْ يَطُولَ العُمْرُ بِهِمْ. لَنْ تَكُونَ حَياتُهُمْ كَالظِّلالِ الَّتِي تَطُولُ مَعَ غُرُوبِ الشَّمْسِ.

14 W axaa jira wax aan waxba tarayn oo dhulka lagu sameeyo, waana inay jiraan kuwa xaqa ah oo ay wax ku dhacaan sida shuqulka kuwa sharka ah, oo haddana ay jiraan kuwa sharka ah oo ay wax ku dhacaan sida shuqulka kuwa xaqa ah. Oo waxaan idhi, Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

شَيءٌ آخَرُ زائِلٌ فِي هَذِهِ الحَياةِ: يُفتَرَضُ أنْ يُصِيبَ الشَّرُّ الأشْرارَ وَالخَيرُ الأخيارَ. لَكِنِّي أرَى أنَّ الشَّرَّ يُصِيبُ الأخيارَ أحياناً، وَالخَيرَ يُصِيبُ الأشْرارَ. هَذا أيضاً بِلا مَعَنَى.

15 M arkaasaan farax u bogay, maxaa yeelay binu-aadmigu inta qorraxda ka hoosaysa kuma haysto wax uga wanaagsan inuu wax cuno, oo wax cabbo, oo uu iska farxo, waayo, taasaa isaga raacaysa intuu hawshoodo cimrigiisa Ilaah qorraxda hoosteeda ku siiyo.

فَاسْتَنتَجْتُ أنَّ التَّمَتُّعَ بِالحَياةِ هُوَ أفضَلُ ما يُمْكِنُ أنْ يَفعَلَهُ إنسانٌ فِي هَذِهِ الدُّنْيا. فَيَأْكُلُ وَيَشْرَبُ وَيُمَتِّعُ نَفسَهُ، إذْ سَيَكُونُ هَذا ثَمَرَ تَعَبِ البَشَرِ فِي العَمَلِ الَّذِي أعطاهُمْ إيّاهُ اللهُ فِي هَذِهِ الدُّنْيا. لا نَستَطِيعُ فَهمَ كلِّ ما يفعله الله

16 M arkaan qalbigayga u soo jeedshay inaan xigmad garto, iyo inaan arko hawsha dhulka lagu sameeyo (waayo, waxaa jira mid aan habeen iyo maalin toona indhihiisa hurdo saarin),

تَأمَّلتُ لأكتَشِفَ الحِكمَةَ، لأفهَمَ ما يَفعَلُهُ النّاسُ عَلَى الأرْضِ. رَأيتُهُمْ مُنشَغِلِينَ نَهاراً وَلَيلاً دُونَ نَوْمٍ.

17 m arkaasaan shuqulka Ilaah oo dhan fiiriyey, oo gartay inaan binu-aadmigu karin inuu soo wada ogaado shuqulka qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, maxaa yeelay, in kastoo laysku dhibo in la soo ogaado, haddana taas innaba lama soo heli karo, oo weliba xataa haddii nin xigmad lahu uu u maleeyo inuu soo ogaado, haddana soo ma uu ogaan kari doono.

ثُمَّ رَأيتُ كُلَّ ما يَفعَلُهُ اللهُ. لا يُمكِنُ لأحَدٍ أنْ يَفهَمَ ما يَفْعَلُهُ اللهُ فِي هَذِهِ الدُّنيا. لا يُمكِنُ لأحَدٍ مَهما تَعِبَ فِي البَحْثِ أنْ يَفهَمَ أعمالَهُ. حَتَّى الَّذِينَ يَدَّعُونَ الحِكْمَةَ، لا يُمكِنُهُمْ ذَلِكَ.