Ishacyaah 66 ~ ﺃﺷﻌﻴﺎء 66

picture

1 R abbigu wuxuu leeyahay, Samadu waa carshigayga, dhulkuna waa meeshaan cagaha saarto. Guri caynmaad ii dhisi doontaan? Oo maxay tahay meeshaan ku nastaa?

هَذا هُوَ ما يَقُولُهُ اللهُ: «السَّماءُ عَرشٌ لِي، وَالأرْضُ مَداسٌ لِقَدَمَيَّ. فَأيُّ بَيتٍ تُرِيدُونَ أنْ تَبنُوهُ لِي؟ هَلْ أحتاجُ إلَى مَكانٍ لِلرّاحَةِ؟

2 W aayo, waxyaalahan oo dhan gacantaydaa samaysay, oo waxyaalahan oo dhammuna way wada ahaadeen, ayaa Rabbigu leeyahay, laakiinse ninkan waan fiirinayaa kaasoo ah miskiin, ruuxiisuna jaban yahay, eraygaygana ka gariira.

يَدِي صَنَعَتْ هَذِهِ الأشياءَ كُلَّها، وَلِذَلِكَ هِيَ وُجِدْتْ، يَقُولُ اللهُ. «لَكِنِّي أنظُرُ إلَى المِسكِينِ وَمَكسُورِ الرُّوحِ، الَّذِي يَرتَعِدُ عِندَ سَماعِ كَلامِي.

3 K ii dibi gowracaa wuxuu la mid yahay mid nin dilay oo kale, kii wan yar allabari ahaan u bixiyaana wuxuu la mid yahay mid eey qoorta ka jebiya oo kale, oo kii qurbaan bixiyaana wuxuu la mid yahay sida isagoo doofaar dhiiggiis bixiya oo kale, oo kii foox shidaana wuxuu la mid yahay sida isagoo sanam ammaana. Hubaal waxay doorteen jidadkooda, oo naftooduna waxay ku faraxdaa karaahiyadooda.

لَيسَ كَمَنْ يَذبَحُ لِي ثَوراً ثُمَّ يَقتُلُ إنساناً! أوْ يُضَحِّي لِي بِحَمَلٍ ثُمَّ يَكسِرُ عُنُقَ كَلبٍ! أوْ يُقَدِّمُ تَقدِمَةَ قَمحٍ وَيُرفِقُها بِدَمِ خِنزِيرٍ! أوْ يُحرِقُ بَخُوراً تَقدِمَةً لِي ثُمَّ يُبارِكُ وَثَناً! هُمُ اختارُوا طُرُقَهُمْ، وَيُسَرُّونَ بأوثانِهِمُ الكَرِيهَةِ.

4 A nna waxaan dooran doonaa dhibaatooyinkooda, oo waxay ka cabsadaanna waan ku soo kor dayn doonaa, maxaa yeelay, markaan u yeedhay, innaba cidina iima jawaabin, oo markaan la hadlayna, ima ay maqlin, laakiinse wax indhahayga hortooda shar ku ahaa bay sameeyeen, oo waxay doorteen wax aanan ku farxin.

وَأنا أيضاً سَأُعامِلُهُمْ بِقَسوَةٍ، وَسَأجلِبُ عَلَيهِمْ ما يَخافُونَهُ. لأنِّي دَعَوتُ، وَلَمْ يُجِبْ أحَدٌ، تَكَلَّمْتُ، وَلَمْ يَستَمِعُوا، بَلْ صَنَعُوا الشَّرَّ أمامِي، وَاختارُوا ما لا يَسُرُّنِي.»

5 K uwiinna eraygiisa ka gariirow, bal erayga Rabbiga maqla. Walaalihiinna idin neceb, oo magacayga aawadiis idiin xoora, waxay yidhaahdeen, Rabbiga ha la ammaano, si aan farxaddiinna u aragno, laakiinse iyagu way ceeboobi doonaan.

اسْتَمِعُوا إلَى كَلِمَةِ اللهِ ، يا مَنْ تُدرِكُونَ هَيبَتَها عِندَ سَماعِها: «أقرِباؤُكُمُ الَّذِينَ يَكرَهُونَكُمْ وَيَرفُضُونَكُمْ مِنْ أجلِ اسْمِي يَقُولُونَ: ‹فَلْيُظهِرِ اللهُ مَجدَهُ وَيُخَلِّصْهُمْ، حَتَّى نَرَى فَرَحَكُمْ.› لَكِنَّهُمْ سَيُخزَوْنَ.» عِقابٌ وَأُمَّةٌ جَدِيدَة

6 B uuq baa magaalada laga maqlayaa, cod baana macbudka ka yeedhaya, waana codka Rabbiga oo cadaawayaashiisii abaalmarinaya.

ها ضَجَّةٌ آتِيَةٌ مِنَ المُدُنِ، وَمِنَ الهَيكَلِ. إنَّهُ صَوتُ اللهِ يُعاقِبُ أعداءَهُ بِحَسَبِ ما يَستَحِقُّونَ.

7 I ntii ayan foolan ayay dhashay, oo intii ayan xanuunsan ayay wiil umushay.

وَلَدَتْ صِهْيَوْنُ قَبلَ أنْ تَأتِيَ آلامُ المَخاضِ. قَبلَ أنْ تَشعَرَ بِألَمِ الوِلادَةِ، أنجَبَتْ ذَكَراً.

8 B al yaa waxaas oo kale maqlay? Yaase waxaas oo kale arkay? Dal miyuu maalin qudha dhashaa? Quruunse miyey haddiiba dhalataa? Waayo, Siyoon mar alla markay foolatay ayay haddiiba carruurteedii dhashay.

مَنْ سَمِعَ بِشَيءٍ مِثلِ هَذا؟ وَمَنْ رَأى مِثلَهُ؟ هَلْ تُولَدُ بَلَدٌ فِي يَومٍ؟ هَلْ تُولَدُ أُمَّةٌ فِي لَحظَةٍ؟ نَعَمْ، وَلَدَتْ صِهْيَوْنُ بَنِيها فِي أوَّلِ المَخاضِ.

9 R abbigu wuxuu leeyahay, Anigoo foosha keena miyaanan dhalin doonin? Ilaahaagu wuxuu leeyahay, Anigoo wax dhaliya, miyaan maxalka awdi doonaa?

يَقُولُ اللهُ: «فَهَلْ أُرسِلُ مَخاضاً وَأمنَعُ الوِلادَةَ؟ أنا سَأُعِينُها عَلَى الوِلادَةِ، فَلِماذا أمنَعُ الإنجابَ؟» يَقُولُ إلَهُكِ.

10 K uwiinna iyada jecel oo dhammow, Yeruusaalem la reyreeya, oo aawadeed u faraxsanaada, kuwiinna u baroorta oo dhammow, farxad aawadeed ula reyreeya,

افرَحُوا مَعَ القُدْسِ وَابتَهِجُوا لأجلِها، يا جَميعَ مُحِبِّيها. افرَحُوا مَعَها فَرَحاً، يا جَميعَ النّائِحِينَ عَلَيها.

11 s i aad naaseheeda gargaarka ah u nuugtaan oo aad uga dheregtaan, iyo si aad sharafteeda badan uga maashaan oo aad ugu faraxdaan.

لِكَي تَرْضَعُوا وَتَشبَعُوا عَلَى صَدرِها المُرِيحِ، وَتَشرَبُوا بِسُرورٍ فِي حِضنِها المَجِيدِ.

12 W aayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, nabad sida webi oo kale ayaan ugu soo fidin doonaa, oo sharafta quruumahana sida durdur soo buuxdhaafay oo kale ayaan ugu soo dayn doonaa, oo markaasaad nuugi doontaan, oo sintaa laydinku xambaari doonaa, dhabtaana laydinku dul cayaarsiin doonaa.

لأنَّ هَذا هُوَ ما يَقُولُهُ اللهُ: «سَأُرسِلُ لَها سَلاماً كَنَهرٍ، وَثَروَةَ الأُمَمِ كَجَدوَلٍ مُتَدَفِّقٍ. سَتُرضَعُونَ، وَعَلَى الأيدِي تُحمَلُونَ، وَعَلَى الرُّكَبِ تُدَلَّلُونَ.

13 S ida mid hooyadiis u qalbi qaboojiso oo kale ayaan aniguna idiin qalbi qaboojin doonaa, oo waxaa laydinku qalbi qaboojin doonaa Yeruusaalem.

وَكَما تُعَزِّي الأُمُّ طِفلَها، هَكَذا سَأُعَزِّيكُمْ. وَسَتَتَعَزَّونَ فِي مَدينَةِ القُدْسِ.

14 O o markaad waxaas aragtaan ayaa qalbigiinnu farxi doonaa, oo lafihiinnuna sida caws qoyan oo kale ayay u soo barwaaqaysnaan doonaan, oo waxaa la ogaan doonaa inay gacanta Rabbigu addoommadiisa la jirto, cadhadiisuse waxay ku dhici doontaa cadaawayaashiisa.

سَتَرَونَ، وَقُلُوبُكُمْ سَتَفرَحُ، وَأجسادُكُمْ كَالعُشبِ سَتَزهُو. وَسَتَكُونُ قُوَّةُ اللهِ مَعرُوفَةً بَينَ خُدّامِهِ، وَغَضَبُهُ وَسَطَ أعدائِهِ.»

15 W aayo, bal eega, Rabbigu wuxuu la iman doonaa dab, iyo gaadhifardoodyadiisa cirwareenta la moodo, inuu xanaaqiisa cadho ku keeno canaantiisana dab ololkiis.

ها إنَّ اللهَ قادِمٌ بِالنّارِ، وَمَركَباتُهُ مِثلَ العاصِفَةِ، لِيُعاقِبَ تِلكَ الشُّعُوبَ فِي غَضَبِهِ، وَيُوَبِّخَهُمْ بِلُهُبِ النّارِ.

16 W aayo, Rabbigu wuxuu binu-aadmiga oo dhan ku xukumi doonaa dab iyo seeftiisa, oo kuwa Rabbigu laayana way badan doonaan.

سَيُحاكِمُ اللهُ جَمِيعَ البَشَرِ، وَسَيُنَفِّذُ حُكمَهُ بِالنّارِ وَبِسَيفِهِ. كَثِيرُونَ هُمُ الَّذِينَ سَيَقتُلُهُمُ اللهُ.

17 R abbigu wuxuu leeyahay, Kuwa isdaahiriya, oo beeraha isku dhex nadiifiya, oo midba midka kale daba socdo, oo hilibka doofaarka, iyo karaahiyada, iyo jiirka cunaa dhammaantood way wada baabbi'i doonaan.

«سَيَهِلِكُ مَعاً أولَئِكَ الَّذِينَ يَغتَسِلُونَ وَيَتَطَهَّرُونَ لِلذَّهابِ إلَى مَزاراتِ الأوثانِ، واحِداً بَعدَ الآخَرِ، وَيَتَوَسَّطُهُمْ قائِدُهُمْ. سَيَهِلِكُ مَعاً أولَئِكَ الَّذِينَ يَأكُلُونَ لَحمَ خَنازِيرَ وَجِرذانَ وَقَذاراتٍ أُخرَى،» يَقُولُ اللهُ.

18 W aayo, shuqulladooda iyo fikirradooda waan ogahay, oo waxay noqon doontaa inaan soo wada ururiyo quruumaha iyo afafka oo dhanba, oo iyana way iman doonaan, ammaantaydana way arki doonaan.

«أعرِفُ أعمالَهُمْ وَأفكارَهُمْ. أنا آتٍ لأجمَعَ كُلَّ الشُّعُوبِ وَالألسِنَةِ، وَسَيَأتُونَ وَيَرَونَ مَجدِي.

19 O o waxaan dhexdooda ka taagi doonaa calaamad, oo kuwooda baxsan doonana waxaan u diri doonaa quruumaha, kuwaasoo ah Tarshiish, iyo Fuul iyo Luudka qaansada xooda, iyo Tubal iyo Yaawaan, iyo gasiiradaha fog, oo aan weligood warkayga maqal oo aan ammaantaydana arag, oo iyana ammaantayday quruumaha ka dhex sheegi doonaan.

سَأضَعُ فِيهِمْ عَلامَةً، وَسَأُرسِلُ النّاجِينَ مِنهُمْ إلَى تَرشِيشَ وَفُولَ وَلُودَ – المشهُورَةِ بِرُماةِ السِّهامِ – وَماشِكَ وَتُوبالَ وَياوانَ، وَإلَى الجُزُرِ البَعِيدَةِ الَّتِي لَمْ تَسمَعْ بِي وَلَمْ تَرَ مَجدِي، فَيُخبِرُونَ بِمَجدِي وَسَطَ تِلكَ الأُمَمِ.

20 R abbigu wuxuu leeyahay, Waxay Rabbiga qurbaan ahaan ugu keeni doonaan walaalihiin oo dhan, oo waxay ka soo kaxayn doonaan quruumaha oo dhan, iyagoo fuushan fardo, iyo gaadhifardoodyo, iyo sariiro gacmeed, iyo baqlo, iyo rakuubbo dheereeya, oo waxay keeni doonaan buurtayda quduuska ah ee Yeruusaalem, sida reer binu Israa'iil ay weel nadiifsan qurbaankooda ugu keenaan oo ay guriga Rabbiga u soo geliyaan.

وَسَيَأتُونَ بِكُلِّ إخْوَتِكُمْ مِنْ كُلِّ الأُمَمِ كَتَقدِمَةٍ للهِ. سَيَأتُونَ إلَى جَبَلِي المُقَدَّسِ – مَدينَةِ القُدْسِ – عَلَى الخَيلِ وَفِي المَركَباتٍ وَالعَرَباتِ المُغَطّاةٍ وَعَلَى البِغالِ وَالجِمالِ، كَما يَأتِي بَنُو إسْرائِيلَ بِتَقدِمَةِ قَمحٍ فِي إناءٍ نَظِيفٍ إلَى بَيتِ اللهِ.

21 O o Rabbigu wuxuu leeyahay, Weliba waxaan iyaga kala dhex bixi doonaa wadaaddo iyo kuwa reer Laawi ah.

وَسَأُعَيِّنُ مِنهُمْ كَهَنَةً وَلاوِيِّينَ.» يَقُولُ اللهُ. السَّماواتُ الجَدِيدَةُ وَالأرْضُ الجَدِيدَة

22 O o Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida samooyinka cuscusub iyo dhulka cusub oo aan samayn doono ay hortayda ugu raagi doonaan, ayaa farcankiinna iyo magiciinnuba hortayda ugu raagi doonaan.

«لأنَّهُ كَما أنَّ السَّماواتِ الجَدِيدَةَ وَالأرْضَ الجَدِيدَةَ الَّتِي سَأصنَعُ سَتَدُومُ فِي مَحضَرِي، هَكَذا أيضاً سَيَدُومُ اسْمُهُمْ وَنَسلُهُمْ.

23 O o Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in bil ka bil iyo sabti ka sabti binu-aadmiga oo dhammuba ay u iman doonaan inay hortayda igu caabudaan.

وَمِنْ شَهرٍ إلَى شَهرٍ، وَمِنْ سَبتٍ إلَى سَبتٍ، سَيَأتِي كُلُّ البَشَرِ لِيَسجُدُوا أمامِي،» يَقُولُ اللهُ.

24 O o iyana way bixi doonaan, oo waxay fiirfiirin doonaan dadkii igu xadgudbay meydadkooda, waayo, dixirigoodu ma dhiman doono, oo dabkuna kama demi doono, oo waxay binu-aadmiga oo dhan u noqon doonaan karaahiyo.

«وَسَيَخرُجُونَ وَيَرَوْنَ جُثَثَ الَّذِينَ عَصَوْا عَلَيَّ. فَإنَّ دُودَهُمْ لَنْ يَمُوتَ، وَنارَهُمْ لَنْ تُطفَأ، بَلْ سَيَمقُتُهُمْ جَميعُ البَشَرِ.»