1 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Weli belaayo kale ayaan Fircoon iyo Masar ku soo dejin doonaa; oo dabadeedna wuu idin sii dayn doonaa inaad halkan ka tagtaan, oo markuu idin sii daayo, giddigiin ayuu halkan idinka sii wada eryi doonaa.
وَقالَ اللهُ لِمُوسَى: «سَآتِي بِضَرْبَةٍ واحِدَةٍ أُخْرَى عَلَى فِرعَوْنَ وَعَلَى مِصرَ. وَبَعدَ ذَلِكَ سَيُطلِقُكُمْ مِنْ هُنا. وَحِينَ يُطلِقُكُمْ، فَإنَّهُ سَيَطرُدُكُمْ طَرْداً.
2 H addaba dadka dhegihiisa maqashii, oo nin waluba ha weyddiisto deriskiisa, naag walubana ha weyddiisato deriskeeda alaab lacag ah iyo alaab dahab ah.
«قُلْ لِلشَّعبِ أنْ يَطلُبَ كُلُّ رَجُلٍ مِنْ جارِهِ، وَكُلُّ امْرأةٍ مِنْ جارَتِها، أدَواتٍ مِنْ ذَهَبٍ وَفِضَّةٍ.»
3 R abbiguna Masriyiintii ayuu dadkii raalli uga dhigay. Oo weliba ninkii Muuse ahaa wuxuu dalka Masar ku ahaa mid aad u weyn xagga Fircoon addoommadiisa iyo xagga dadkaba.
وَجَعَلَ اللهُ المِصرِيِّينَ كُرَماءَ مَعَ بَنِي إسْرائِيلَ. وَكانَ الرَّجُلُ مُوسَى عَظِيماً جِدّاً فِي أرْضِ مِصْرَ، فِي عُيُونِ خُدّامِ فِرعَوْنَ وَالشَّعْبِ.
4 M uusena wuxuu yidhi, Waxaa Rabbigu leeyahay, Habeenbadhka baan dalka Masar ku dhex soconayaa,
وَقالَ مُوسَى: «هَذا هُوَ ما يَقُولُهُ اللهُ: ‹قُرْبَ مُنتَصَفِ اللَّيلِ، سَأخرُجُ إلَى وَسَطِ مِصرَ،
5 o o curadyada dalka Masar jooga oo dhammu way wada dhiman doonaan, curadka Fircoon oo ku fadhiya carshigiisa, ilaa la gaadho curadka gabadha addoonta ah oo ka dambaysa dhagaxshiidka, iyo curadyada xoolaha oo dhan.
فَيَمُوتُ كُلُّ بِكْرٍ فِي أرْضِ مِصرَ، ابْتِداءً بِابْنِ فِرعَوْنَ الجالِسِ عَلَى عَرشِهِ، حَتَّى بِكْرِ الجارِيَةِ الجالِسَةِ خَلفَ حَجَرِ الرَّحَى، وَكُلِّ بِكرٍ مِنَ الحَيواناتِ.
6 O o waxaa dalka Masar oo dhan jiri doonta oohin weyn, taas oo kale aan hore loo arag, hadda kaddibna aan la arki doonin marnaba.
سَيَكُونُ هُناكَ نُواحٌ عَظِيمٌ فِي كُلِّ أرْضِ مِصرَ لَمْ يَأْتِ مِثلُهُ مِنْ قَبلُ، وَلَنْ يَأْتِيَ.
7 L aakiinse reer binu Israa'iil dad iyo duunyo toona xataa eeyna afka u kala qaadi maayo, si aad u ogaataan in Rabbigu kala duway Masriyiinta iyo reer binu Israa'iil.
أمّا وَسَطَ بَنِي إسْرائِيلَ، فَلَنْ يَكُونَ هُناكَ وَلا حَتَّى كَلبٌ لِيَنبَحَ وَسَطَ النّاسِ أوِ الحَيواناتِ، لِيَعرِفُوا أنَّ اللهَ يُمَيِّزُ بَينَ المِصرِيِّينَ وَالإسْرائِيلييّن.
8 O o addoommadaadan oo dhammu anigay ii iman doonaan, oo anigay ii sujuudi doonaan, iyagoo leh, Iska bax, adiga iyo dadka kula socda oo dhammuba; oo markaas dabadeed ayaan bixi doonaa. Oo wuxuu Fircoon kaga tegey cadho aad u kulul.
كُلُّ خُدّامِكَ هَؤُلاءِ سَيَأتُونَ إلَيَّ وَسَيَرْكَعُونَ لِي وَيَقُولُونَ: اخْرُجْ أنْتَ وَكُلُّ الشَّعبِ الَّذِي يَتبَعُكَ. حِينَئِذٍ، سَأخرُجُ.›»
9 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon hadalkaaga dhegaysan maayo, inay cajaa'ibyadaydu dalka Masar ku sii bataan aawadeed.
وَقالَ اللهُ لِمُوسَى: «لَنْ يَستَمِعَ فِرعَوْنُ لَكَ كَي أزِيدَ مُعجِزاتِي فِي أرْضِ مِصرَ.»
10 M uuse iyo Haaruunna cajaa'ibyadan oo dhan waxay ku sameeyeen Fircoon hortiisa; Rabbiguna waa sii qallafiyey qalbigii Fircoon oo isna ma uusan sii dayn reer binu Israa'iil inay dalkiisa ka baxaan.
فَعَمِلَ مُوسَى وَهارُونُ كُلَّ هَذِهِ المُعجِزاتِ أمامَ فِرعَوْنَ. لَكِنَّ اللهَ قَسَّى قَلْبَهُ كَي لا يُطلِقَ بَني إسْرائِيلَ مِنْ أرْضِهِ.