1 S abtidii dabadeed goortii waagii beryayay maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale waxay u yimaadeen inay xabaashii arkaan.
وَبَعْدَ انتِهاءِ يَومِ السَّبْتِ، فِي أوَّلِ يَومٍ فِي الأُسبُوعِ، جاءَتْ مَريَمُ المَجدَلِيَّةُ، وَمَريَمُ الأُخرَى إلَى القَبْرِ.
2 O o bal eeg, waxaa jiray dhulgariir weyn, waayo, malaa'igta Rabbiga ayaa intay samada ka soo degtay timid oo dhagixii ka giringirisay oo ku dul fadhiisatay.
فَحَدَثَتْ فِي تِلْكَ اللَّحظَةِ هِزَّةٌ أرْضِيَّةٌ قَوِيَّةٌ، لِأنَّ مَلاكَ الرَّبِّ نَزَلَ مِنَ السَّماءِ، وَذَهَبَ إلَى القَبْرِ وَدَحرَجَ الحَجَرَ عَنِ البابِ، ثُمَّ جَلَسَ عَلَيهِ.
3 M idabkeedu wuxuu u ekaa hillaac, dharkeeduna wuxuu u caddaa sida baraf cad.
وَكانَ مَنظَرُهُ لامِعاً كَالبَرقِ، وَثِيابُهُ بَيضاءَ كَالثَّلْجِ.
4 O o cabsi aawadeed kuwii ilaalinayay waa gariireen, oo waxay noqdeen sida meydad.
فَخافَ الحُرّاسُ مِنْهُ جِدّاً وَصارُوا كَأمواتٍ.
5 M alaa'igtii ayaa u jawaabtay oo naagihii ku tidhi, Ha baqina, waayo, waxaan ogahay inaad doonaysaan Ciise, kan iskutallaabta lagu qodbay.
وَقالَ المَلاكُ لِلمَرأتَينِ: «لا تَخافا، أعرِفُ أنَّكُما تَبحَثانِ عَنْ يَسُوعَ الَّذِي صُلِبَ.
6 H alkan ma joogo, waayo, wuu sara kacay siduu yidhi. Bal kaalaya oo arka meeshii Rabbigu jiifay.
إنَّهُ لَيسَ مَوجُوداً هُنا، فَقَدْ قامَ مِنَ المَوتِ كَما سَبَقَ وَقالَ. تَعالَيا وَانظُرا المَكانَ الَّذِي كانَ فِيهِ،
7 D haqso u taga, oo waxaad xertiisii ku tidhaahdaan, Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, oo wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan. Bal eega, waan idiin sheegaye.
ثُمَّ اذهَبا سَرِيعاً إلَى تَلامِيذِهِ وَقُولا لَهُمْ: قَدْ قامَ مِنَ المَوتِ، وَسَيَسبِقُكُمْ إلَى الجَلِيلِ، وَسَتَرَوْنَهُ هُناكَ. ها أنا قَدْ أخبَرْتُكُما.»
8 D haqsoba waxay xabaashii kala tageen baqdin iyo farxad weyn, oo waxay u ordeen inay xertiisa u warramaan.
حِينَئِذٍ غادَرَتِ المَرأتانِ القَبْرَ سَرِيعاً وَقَدِ اخْتَلَطَ خَوفُهُما بِفَرَحٍ كَبيرٍ، وَرَكَضَتا لِتُخبِرا تَلامِيذَ يَسُوعَ بِما حَدَثَ.
9 K olkaasaa Ciise ka hor yimid oo ku yidhi, Nabad. Markaasay u dhowaadeen oo intay cagihiisa qabteen ayay caabudeen.
وَفَجأةً التَقاهُما يَسُوعُ، وَقالَ: «سَلامٌ.» فَاقتَرَبَتا إلَيهِ، وَأمسَكَتا بِقَدَميهِ، وَسَجَدَتا لَهُ.
10 M arkaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ha baqina. Taga oo walaalahay u sheega inay Galili tagaan, oo halkaasay igu arki doonaan.
فَقالَ لَهُما يَسُوعُ: «لا تَخافا، اذهَبا وَأخبِرا إخْوَتِي بِأنْ يَذْهَبُوا إلَى الجَلِيلِ، فَسَيَرونَنِي هُناكَ.» التَّقريرُ الكاذِب
11 I ntay sii socdeen ayaa waardiyayaashii qaarkood magaaladii yimid, oo waxay wadaaddadii sare uga warrameen wixii dhacay oo dhan.
وَبَينَما كانَتِ المَرأتانِ فِي طَرِيقِهِما، ذَهَبَ بَعضُ الحُرّاسِ إلَى المَدِينَةِ، وَأخبَرُوا كِبارَ الكَهَنَةِ بِكُلِّ ماَ حَدَثَ.
12 I yaguna goortay waayeelladii la shireen oo ay wada hadleen, ayay askartii lacag badan siiyeen,
فَاجتَمَعَ كِبارُ الكَهَنَةِ بِالشُّيُوخِ، وَتَشاوَرُوا فِيما بَينَهُمْ، ثُمَّ أعطُوا الجُندَ مالاً كَثِيراً،
13 o o waxay ku yidhaahdeen, Waxaad tidhaahdaan, Xertiisii ayaa habeennimo timid oo xadday isaga intii aannu hurudnay.
وَقالُوا لَهُمْ: «أشيعوا بَينَ النّاسِ أنَّ تَلامِيذَ يَسُوعَ جاءُوا فِي اللَّيلِ وَسَرَقُوا جَسَدَهُ بَينَما أنتُمْ نِيامٌ.
14 O o haddii taliyihii waxan maqlo, waannu rumaysiinaynaa oo waannu idiin welwel tiraynaa.
وَإنْ وَصَلَ هَذا الخَبَرُ إلَى الوالِي، فَإنَّنا سَنُقنِعُهُ، وَنُبقِيكُمْ آمِنينَ.»
15 M arkaasay lacagtii qaateen oo yeeleen sidii lagu yidhi. Hadalkanu maalintaas ilaa maanta waa ku dhex firdhisanaa Yuhuudda. Ciise Wuxuu Galili Ugu Muuqday Koob Iyo Tobankii Xertiisa Ahaa
فَأخَذَ الجُنُودُ المالَ، وَعَمِلُوا كَما قِيلَ لَهُمْ. وَهَكَذا انتَشَرَتْ هَذِهِ القِصَّةُ بَينَ اليَهُودِ إلَى هَذا اليَومِ. يَسُوعُ يَتَكَلَّمُ إلَى تَلامِيذِه
16 M arkaasaa koob-iyo-tobankii xerta ahaa Galili tageen ilaa buurtii Ciise kula ballamay.
وَذَهَبَ الأحَدَ عَشَرَ تِلمِيذاً إلَى الجَلِيلِ، إلَى الجَبَلِ الَّذِي أخبَرَهُمْ يَسُوعُ أنْ يَذهَبُوا إلَيهِ.
17 O o goortay arkeen isagii, way caabudeen, laakiin qaar baa shakiyey.
وَعِندَما رَأوهُ سَجَدُوا لَهُ، مَعَ أنَّهُ كانَتْ لَدَى بَعضِهِمْ شُكُوكٌ.
18 O o Ciise ayaa u yimid oo la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Amar oo dhan ayaa samada iyo dhulka laygu siiyey.
فَتَقَدَّمَ يَسُوعُ إلَيْهِمْ وَقالَ: «أُعطِيَ لِي كُلُّ سُلطانٍ فِي السَّماءِ وَعَلَى الأرْضِ.
19 H addaba taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuskaa,
فَاذهَبُوا، وَتَلمِذُوا جَمِيعَ أُمَمِ الأرْضِ، وَعَمِّدوهُمْ بِاسْمِ الآبِ وَالابْنِ وَالرُّوحِ القُدُسِ،
20 o o bara inay dhawraan wax walba oo aan idinku amray, oo bal eega had iyo goor ayaan idinla joogaa xataa ilaa wakhtigu dhammaado.
وَعَلِّمُوهُمْ أنْ يُطِيعُوا كُلَّ ما أوصَيتُكُمْ بِهِ. وَتَذَكَّرُوا أنِّي سَأكُونُ مَعَكُمْ دائِماً، وَإلَى نِهايَةِ الدَّهْرِ.»