Samuu'eel Kowaad 28 ~ ﺻﻤﻮﺋﻴﻞ ﺍﻷﻭﻝ 28

picture

1 O o wakhtigaas reer Falastiin ciidammadoodii oo dhan dagaal bay u soo urursadeen inay reer binu Israa'iil la diriraan. Aakiishna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ogow inaad adiga iyo raggaaguba dagaalka ii raacaysaan.

وَفِيما بَعْدُ جَمَعَ الفِلِسْطِيُّونَ جُيُوشَهُمْ لِمُحارَبَةِ إسْرائِيلَ. فَقالَ أخِيشُ لِداوُدَ: «هَلْ تَفهَمُ أنَّ عَلَيكَ وَعَلَى رِجالِكَ أنْ تَنضَمُّوا إلَيَّ فِي الحَربِ ضِدَّ إسْرائِيلَ؟»

2 O o Daa'uudna wuxuu Aakiish ku yidhi, Hubaal waad ogaan doontaa waxa anoo addoonkaaga ah aan samayn doono. Oo Aakiishna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Taas aawadeed mid madaxayga weligii ilaaliya ayaan kaa dhigayaa.

فَأجابَ داوُدُ: «هَذا أمرٌ مُؤَكَّدٌ. حِينَئِذٍ، سَتَرَى بِنَفسِكَ ما أنا قادِرٌ عَلَى فِعلِهِ.» فَقالَ أخِيشُ: «وَأنا سَأجعَلُكَ حارِساً شَخصِيّاً دائِماً لِي.» شاوُلُ وَالمَرأةُ فِي عَينِ دُور

3 O o Samuu'eelna mar hore wuu dhintay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way u baroorteen, waxayna ku aaseen Raamaah taasoo ahayd magaaladiisii. Saa'uulna wuu wada eryay kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii oo dhan, oo dalka wuu ka wada saaray.

بَعدَ أنْ ماتَ صَمُوئِيلُ، ناحَ عَلَيهِ كُلُّ إسْرائِيلَ وَدَفَنُوهُ فِي الرّامَةِ، مَسقَطِ رَأْسِهِ. وَكانَ شاوُلُ قَدْ أزالَ الوُسَطاءَ وَالعَرّافِينَ مِنْ إسْرائِيلَ.

4 O o reer Falastiinna way isa soo wada urursadeen, oo Shuuneem soo degeen; Saa'uulna wuxuu soo wada urursaday reer binu Israa'iil oo dhan, oo iyana waxay soo degeen Gilboca.

وَاستَعَدَّ الفِلِسْطِيُّونَ لِلحَربِ. فَجاءُوا إلَى شُونَمَ وَعَسكَرُوا فِيها. وَحَشَدَ شاوُلُ كُلَّ بَنِي إسْرائِيلَ وَعَسكَرَ فِي جِلْبُوعَ.

5 S aa'uulna markuu ciidankii reer Falastiin arkay ayuu baqay, aad buuna u gariiray.

فَرَأى شاوُلُ الجَيشَ الفِلِسْطِيَّ، وَخافَ. وَارْتَعَبَ قَلبُهُ جِدّاً.

6 O o Saa'uulna markuu Rabbiga wax weyddiiyey, Rabbigu uma uu jawaabin, oo riyooyin iyo Uuriim iyo nebiyo midnaba uguma uu jawaabin.

فَصَلَّى شاوُلُ إلَى اللهِ ، لَكِنَّ اللهَ لَمْ يُجِبْهُ. لَمْ يُكَلِّمِ اللهُ شاوُلَ فِي الأحلامِ، وَلا بِالأُورِيمِ، وَلا بِالأنْبِياءَ.

7 M arkaasaa Saa'uul wuxuu addoommadiisii ku yidhi, War ii doona naag ruuxaan leh, aan u tago oo wax weyddiiyee. Markaasaa addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Naag ruuxaan leh baa Ceyn Door joogta.

وَأخِيراً قالَ شاوُلُ لِضُبّاطِهِ: «جِدُوا لِي عَرَّافَةً!سأذْهَبُ إلَيها وَأسألُها.» فَأجابَ ضُبّاطُهُ: «هُناكَ عَرَّافَةٌ فِي عَينِ دُورٍ.»

8 K olkaasaa Saa'uul si kale iska dhigay, dhar kalena wuu qaatay, wuuna tegey, isagoo laba nin la socda, oo waxay naagtii u yimaadeen goor habeennimo ah. Markaasuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ruuxaanta iila hadal, oo ii soo kici ku alla kii aan kuu magacaabo.

وَفِي تِلكَ اللَّيلَةِ تَنَكَّرَ شاوُلُ وَلَبِسَ مَلابِسَ أُخْرَى لِئَلّا يَعْرِفَهُ أحَدٌ. وَذَهَبَ شاوُلُ يَرافِقُهُ اثنانِ مِنْ رِجالِهِ لِرُؤيَةِ المَرأةِ. فَقالَ شاوُلُ لَها: «أُريدُكِ أنْ تُصْعِدِي لِي مَنْ يُخْبِرُنِي بِما سَيَحدُثُ مُسْتَقبَلاً. أصْعدِي الشَّخْصَ الَّذِي أُعْطِيكِ اسْمَهُ.»

9 N aagtiina waxay ku tidhi, Bal eeg, waad og tahay Saa'uul wuxuu sameeyey, iyo siduu dalka uga saaray kuwii ruuxaanta lahaa, iyo saaxiriintii oo dhanba. Haddaba bal maxaad dabin iigu dhigaysaa si aan u dhinto?

فَقالَتِ المَرأةُ لِشاوُلَ: «أنتَ تَعلَمُ أنَّ شاوُلَ نَفَى وَقَتَلَ كُلَّ السَّحَرَةِ وَالعَرّافِينَ مِنْ أرْضِ إسْرائِيلَ. فَأنتَ تُحاوِلُ أنْ تُوقِعَ بِي لِكَي أُقتَلَ.»

10 M arkaasaa Saa'uul Rabbiga ugu dhaartay, oo ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye inaan waxan innaba lagugu ciqaabayn.

فَحَلَفَ شاوُلُ لِلمَرأةِ بِاسْمِ اللهِ وَقالَ: «أُقسِمُ بِاللهِ الحَيِّ، لَنْ تُعاقَبِي عَلَى ما أطلُبُهُ مِنكَ.»

11 D abadeedna naagtii waxay tidhi, Haddaba yaan kuu soo kiciyaa? Wuxuu isna ku yidhi, Samuu'eel ii soo kici.

فَسَألَتْهُ المَرأةُ: «مَنْ تُرِيدُنِي أنْ أُصْعِدَ لَكَ؟» فَأجابَ شاوُلُ: «أصْعِدِي لِي صَموئِيلَ.»

12 O o naagtii markay Samuu'eel aragtay ayay cod weyn ku qaylisay, oo Saa'uul la hadashay oo tidhi, War maxaad ii khiyaanaysay? Waayo, Saa'uul baad tahay.

فَلَمّا رَأتِ المَرأةُ صَمُوئِيلَ صَرَخَتْ، وَقالَتْ لِشاوُلَ: «قَدْ خَدَعتَنِي. فَأنْتَ شاوُلُ.»

13 M arkaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Ha cabsan ee maxaad aragtaa? Naagtiina waxay Saa'uul ku tidhi, Waxaan arkaa ilaahyo dhulka ka soo baxaya.

فَقالَ المَلِكُ لِلمَرأةِ: «لا تَخافِي، وَقُولِي لِي ما تَرَيْنَهُ.» فَقالَتِ المَرأةُ: «أرَى رُوحاً صاعِدَةً مِنْ مَكانِ المَوتَى.»

14 I sna wuxuu ku yidhi, Muxuu u eg yahay? Markaasay tidhi, Waxaa soo baxaya nin oday ah oo huwis huwan. Kolkaasaa Saa'uul wuxuu ogaaday inuu kaasu Samuu'eel yahay, wejiguuna dhulka saaray, wuuna u sujuuday.

فَسَألَها شاوُلُ: «ما شَكلُها؟» فَأجابَتِ المَرأةُ: «تُشبِهُ هَذِهِ الرُّوحُ رَجُلاً عَجُوزاً لابِساً ثَوباً.» حِينَئِذٍ، عَرَفَ شاوُلُ أنَّها رُوحُ صَمُوئِيلَ. فانحَنَى شاوُلُ إلَى أنْ مَسَّ جَبِينُهُ الأرْضَ.

15 M arkaasaa Samuu'eel Saa'uul ku yidhi, War maxaad ii soo dhibtay oo ii soo kicisay? Markaasaa Saa'uul wuxuu ugu jawaabay, Anigu aad baan u dhibbanahay; waayo, reer Falastiin baa ila dagaallama, oo Ilaahna waa iga tegey, oo marna iima jawaabo, oo nebiyo iyo riyooyin midna igulama hadlo, sidaas daraaddeed ayaan kuugu yeedhay, inaad i ogeysiisid waxaan sameeyo.

فَقالَ صَمُوئِيلُ لِشاوُلَ: «لِماذا أزعَجتَنِي؟ لِماذا أصعَدْتَنِي؟» فَأجابَ شاوُلُ: «أنا في ضِيقٍ شَدِيدٍ! فَقَدْ جاءَ الفِلِسْطِيُّونَ لِمُحارَبَتِي، وَاللهُ تَرَكَنِي. وَهُوَ يَرفُضُ أنْ يُجِيبَنِي بَعدُ لا بِالأنبِياءَ وَلا فِي الأحلام. وَلِهَذا دَعَوتُكَ، فَأخبِرْنِي ما يَنْبَغِيُ عَلَيَّ عَمَلُهُ.»

16 M arkaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, War adoo og in Rabbigu kaa tegey oo uu col kuu noqday, maxaad wax ii weyddiinaysaa?

فَقالَ صَمُوئِيلُ: « اللهُ تَرَكَكَ. وَهُوَ الآنَ مَعَ قَرِيبِكَ. فَلِماذا تُزعِجُنِي أنا؟

17 O o Rabbiguna wuxuu samaystay wixii uu iga hadlay, oo Rabbiguna boqortooyadii gacantaada wuu ka dillaaciyey, oo wuxuu siiyey deriskaaga kaaso ah Daa'uud.

أخبَرَكَ اللهُ فِيما مَضَى عَلَى لِسانِي عَمّا سَيَفعَلُهُ، وَها هُوَ يَفعَلُ ذَلِكَ الآنَ. إنَّهُ يَنْزِعُ مَملَكَتَكَ مِنْ يَدَيكَ وَيُعطِيها لِصاحِبِكَ داوُدَ.

18 M axaa yeelay, waad addeeci weyday Rabbiga codkiisii, cadhadiisii weynaydna Camaaleq waad ku dili weyday, oo sidaas daraaddeed baa Rabbigu maanta waxan kuugu sameeyey.

قَدْ فَعَلَ اللهُ ذَلِكَ لِأنَّكَ لَمْ تُطِعِ صَوتَ اللهِ ، فَلَمْ تَقضِ عَلَى العَمالِيقِيِّينَ الَّذِينَ اشتَعَلَ غَضَبُ اللهِ عَلَيهِمْ.

19 O o weliba Rabbigu wuxuu adiga iyo reer binu Israa'iilba u gacangelin doonaa reer Falastiin. Berrito adiga iyo wiilashaaduba anigaad ila joogi doontaan. Oo Rabbiguna wuxuu ciidanka reer binu Israa'iil ku ridi doonaa gacanta reer Falastiin.

وَسَيَنصُرُ اللهُ الفِلِسْطِيِّينَ اليَومَ عَلَيكَ وَعَلَى جَيشِ إسْرائِيلَ. وَغَداً سَتَكُونُ أنتَ وَبَنُوكَ هُنا مَعِي، بَينَما يُسَلَّمُ جَيشُ إسرائِيلَ لأيدِي الفِلِسْطِيِّينَ!»

20 M arkaasaa Saa'uul haddiiba kulligiis dhulka ku dhacay, oo aad buu u cabsaday erayadii Samuu'eel aawadood, oo itaalna kuma jirin, waayo, waxba ma uu cunin maalintii oo dhan iyo habeenkii oo dhanba.

فَسَقَطَ شاوُلُ فَوراً عَلَى الأرْضِ. وَخافَ بِسَبَبِ ما قالَهُ صَمُوئِيلُ. وَكانَ أيضاً مُنهَكاً لِأنَّهُ لَمْ يَذُقْ طَعاماً طَوالَ ذَلِكَ اليَومِ وَتِلكَ اللَّيلَةِ.

21 M arkaasaa naagtii u timid Saa'uul oo aragtay inuu aad u naxsanaa, oo waxay ku tidhi, Bal eeg, anoo addoontaada ah codkaagii baan maqlay, oo anna naftaydii baan biimeeyey, erayadii aad igula hadashayna waan maqlay.

فَجاءَتِ المَرأةُ إلَى شاوُلَ وَرَأتْ مَدَى فَزَعِهِ. وَقالَتْ: «اسْمَعْ. ما أنا إلّا خادِمَتُكَ. وَما فَعَلْتُ إلّا ما أمَرتَنِي بِهِ مُخاطِرَةً بِحَياتِي.

22 H addaba waan ku baryayaaye, bal adna codkayga maqal anoo addoontaada ah, oo in yar oo kibis ah aan hortaada dhigo, oo adna cun si markaad tagtid aad xoog u yeelatid.

وَالآنَ اسْتَمِعْ لِي. أنْتَ مُحتاجٌ إلى أنْ تَأْكُلَ. فَسَأُعِدُّ لَكَ طَعاماً، فَتَقْوَى عَلَى المِضِيِّ فِي طَرِيقِكَ.»

23 L aakiinse wuu diiday, oo wuxuu yidhi, Anigu waxba cuni maayo. Laakiinse addoommadiisii ayaa naagtii kula qasbay; markaasuu codkoodii yeelay. Oo intuu dhulkii ka kacay ayuu sariirtii ku fadhiistay.

لَكِنَّ شاوُلَ رَفَضَ وَقالَ: «لَنْ آكُلَ.» فانضَمَّ ضُبّاطُهُ إلَى المَرأةِ وَألَحُّوا عَلَيهِ أنْ يَأْكُلَ. وَأخِيراً سَمِعَ كَلامَهُمْ. وَنَهَضَ عَنِ الأرْضِ وَجَلَسَ عَلَى السَّرِير.

24 O o naagtuna waxay guriga ku haysatay weyl shilis, kolkaasay haddiiba degdegtay, oo soo qashay, oo haddana bur soo qaadatay oo cajiintay, oo waxay ka dubtay kibis aan khamiir lahayn.

وَكانَ لَدَى المَرأةِ عِجلٌ مُسَمَّنٌ، فَذَبَحَتْهُ بِسُرعَةٍ. ثُمَّ أخَذَتْ بَعضَ الطَّحِينِ وَعَجَنَتْهُ وَخَبَزَتْ بَعضَ الفَطائِرِ.

25 D abadeedna waxay soo hor dhigtay Saa'uul iyo addoommadiisii, wayna cuneen. Kolkaasay kaceen, oo isla habeenkii bay tageen.

وَوَضَعَتِ المَرأةُ الطَّعامَ أمامَ شاوُلَ وَضُبّاطِهِ، فَأكَلُوا ثُمَّ قامُوا وَمَضَوْا أثْناءَ اللَّيلِ.