1 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Haddaba waad arki doontaa waxaan ku samayn doono Fircoon, waayo, gacan xoog leh buu ku sii dayn doonaa iyaga, oo gacan xoog leh buu dhulkiisa kaga eryi doonaa.
فَقالَ اللهُ لِمُوسَى: «سَتَرَى ما سَأفعَلُهُ بِفِرْعَونَ، فَيُرسِلَهُمْ بِقُوَّتِهِ وَيُخْرِجَهُمْ مِنْ مِصرَ، مِنْ أرْضِهِ.»
2 M arkaasaa Ilaah wuxuu la hadlay Muuse oo ku yidhi, Anigu waxaan ahay Rabbiga,
وَكَلَّمَ اللهُ مُوسَى وَقالَ لَهُ: «أنا يهوه
3 o o waxaan ugu muuqday Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, sidii Ilaaha Qaadirka ah, laakiinse magacayga ah RABBI iguma ay aqoonin.
ظَهَرْتُ لإبراهِيمَ وَإسْحاقَ وَيَعقُوبَ بِصِفَتِي اللهَ الجَبّارُ، لَكِنَّهُم لَمْ يَعْرِفُونِي بِاسْمِي يهوه.
4 O o weliba axdigaygii waan la dhigtay iyaga inaan siiyo dalka reer Kancaan oo ah dalkii geeddinimadooda oo ay qariibka ku ahaayeen.
وَقَدْ قَطَعْتُ عَهدِي مَعَهُمْ وَوَعَدْتُ بِأنْ أُعطِيَهُمْ أرْضَ كَنعانَ الَّتِي كانُوا يَعِيشُونَ بِها كَغُرَباءَ.
5 O o weliba waxaan maqlay cabaadka reer binu Israa'iil oo Masriyiintu addoonsiga ku sii hayaan, oo axdigaygii baan xusuustay.
«كَما سَمِعْتُ أنِينَ بَنِي إسْرائِيلَ الَّذِينَ يُجبِرُهُمُ المِصرِيُّونَ عَلَى العَمَلِ، وَتَذَكَّرْتُ عَهدِي.
6 H addaba waxaad reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay Rabbiga, oo waan idinka soo bixin doonaa culaabta Masriyiintu idinku hoos hayaan, waanan idinka xorayn doonaa addoonsigooda, waanan idinku furan doonaa gacan fidsan iyo xukummo waaweyn,
لِذَلِكَ قُلْ لِبَني إسْرائِيلَ: ‹أنا يهوه، وَسَأُخْرِجُكُمْ مِنْ تَحتِ أحمالِ مِصرَ. سَأُنقِذُكُمْ مِنَ اسْتِعبادِهِمْ لَكُمْ، وَسَأفدِيكُمْ بِذِراعٍ مَمدُودَةٍ وَبِأحكامٍ عَظِيمَةٍ.
7 o o waxaan idiin qaadan doonaa dad ahaan, oo aan idiin noqon doonaa Ilaah, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka bixinaya culaabtii Masriyiinta.
سَأتَّخِذُكُمْ شَعباً لِي، وَسَأكُونُ إلَهَكُمْ. وَسَتَعرِفُونَ أنِّي أنا يهوه إلَهُكُمْ، وَسَتَرَونَ إنِّي سَأُحَرِّرَكُمْ مِنْ تَحْتِ أحْمالِ المِصْرِيِّينِ.
8 O o waxaan idin geeyn doonaa dalkii aan ku dhaartay inaan siiyo Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo idinkaan dhaxal ahaan idiin siin doonaa. Anigu waxaan ahay Rabbiga.
سَآتِي بِكُمْ إلَى الأرْضِ الَّتِي أقسَمْتُ بِأنْ أُعطِيَها لإبراهِيمَ وَإسْحاقَ وَيَعقُوبَ. أنا يهوه، وَسَأُعطِيها مُلكاً لَكُمْ.›»
9 M uusena sidaasuu reer binu Israa'iil ula hadlay, laakiinse ma ayan maqlin Muuse, caloolxumadooda iyo addoonsiga aan looga tudhayn aawadood.
فَتَكَلَّمَ مُوسَى بِهَذا الكَلامِ لِبَنِي إسْرائِيلَ، لَكِنَّهُمْ لَمْ يَسْتَمِعُوا لِمُوسَى بِسَبَبِ نَفادِ صَبرِهِمْ، وَبِسَبَبِ الإحْباطِ وَالعُبُودِيَّةِ القاسِيَةِ الَّتِي كانُوا فِيها.
10 M arkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, isagoo leh,
وَتَكَلَّمَ اللهُ إلَى مُوسَى، فَقالَ:
11 F ircoon oo ah boqorka Masar u tag, oo la hadal, si uu u sii daayo reer binu Israa'iil si ay dalkiisa uga baxaan.
«اذْهَبْ وَقُلْ لِفِرعَونَ مَلِكِ مِصرَ بِأنْ يُطلِقَ بَني إسْرائِيلَ مِنْ أرْضِهِ.»
12 M arkaasaa Muuse Rabbiga la hadlay oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, reer binu Israa'iil ima maqline, de haddaba sidee buu Fircoon ii maqli doonaa, anigoo aan bushimaha ka xalaalaysnayn? Abtirsiinadii Muuse Iyo Haaruun
لَكِنَّ مُوسَى قالَ للهِ: «ها إنَّ بَنِي إسْرائِيلَ لا يَستَمِعُونَ إلَيَّ، فَكَيفَ سَيَستَمِعُ فِرعَوْنُ؟ كَما أنِّي لا أُحسِنُ الكَلامَ.»
13 M arkaasaa Rabbigu wuxuu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo amar buu u soo faray reer binu Israa'iil, iyo boqorkii Masar oo ahaa Fircoon, inay reer binu Israa'iil ka soo wadaan dalka Masar.
وَتَكَلَّمَ اللهُ لِمُوسَى وَهارُونَ وَأمَرَهُما بِأنْ يَذهَبا إلَى بَنِي إسْرائِيلَ وَفِرعَونَ، لِيُخرِجا بَنِي إسْرائِيلَ مِنْ أرْضِ مِصْرَ. بَعضُ قَبائِلِ إسرائيل
14 K uwanu waa madaxdii reerihii awowayaashood, kuwanu waa reer Ruubeen oo ahaa curadkii Israa'iil, Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii; kuwanu waa qolooyinkii reer Ruubeen.
هَؤُلاءِ هُمْ رُؤَساءُ بُيُوتِ الآباءِ. أبناءُ رَأُوبَيْنَ، بِكرِ إسْرائِيلَ، هُمْ حَنُوكُ وَفَلُّو وَحَصرُونُ وَكَرمِي. هَذِهِ هِيَ عَشائِرُ رَأُوبَيْنَ.
15 R eer Simecoonna waa kuwan, Yemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Ohad, iyo Yaakiin, iyo Sohar, iyo Shaa'uul oo ahaa wiilkii ay naag reer Kancaan ah dhashay. Kuwanu waa qolooyinkii reer Simecoon.
وَأبناءُ شِمعُونَ هُمْ يَمُوئِيلُ وَيامِينُ وَأُوهَدُ وَياكِينُ وَصُوحَرُ وَشَاوُلُ ابْنُ المَرأةِ الكَنعانِيَّةِ. هَذِهِ هِيَ عَشائِرُ شِمعُونَ.
16 K uwanuna waa reer Laawi magacyadoodii, iyo sidii farcankoodii kala ahaayeen; Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii. Oo Laawi cimrigiisii wuxuu ahaa boqol iyo toddoba iyo soddon sannadood.
وَهَذِهِ هِيَ أسْماءُ أبناءِ لاوِي بِحَسَبِ أجيالِهِمْ: جَرْشُونُ وَقَهاتُ وَمَرارِي. وَعاشَ لاوِي مِئَةً وَسَبْعاً وَثَلاثِينَ سَنَةً.
17 R eer Gershoon, iyo sidii qolooyinkoodu kala ahaayeenna waa Libnii iyo Shimcii.
وَابْنا جَرْشُونَ هُما لِبْنِي وَشِمْعِي مَعَ عَشائِرِهِما.
18 R eer Qohaadna waa Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon, iyo Cusii'eel. Oo Qohaad cimrigiisiina wuxuu ahaa boqol iyo saddex iyo soddon sannadood.
وَأبناءُ قَهاتَ هُمْ عَمْرامُ وَيِصْهارُ وَحَبْرُونُ وَعُزِّيئِيلَ. وَعاشَ قَهاتُ مِئَةً وَثَلاثاً وَثَلاثِينَ سَنَةً.
19 R eer Meraariina waa Maxlii iyo Mushii. Kuwanu waa qolooyinkii reer Laawi iyo sidii ay farcankoodii kala ahaayeen.
وَابْنا مَرارِي هُما مَحلِي وَمُوشِي. هَذِهِ هِيَ عَشائِرُ الَّلاوِيِّينَ حَسَبَ أجيالِهِمْ.
20 O o Camraam wuxuu guursaday Yookebed oo eeddadiis ahayd, oo waxay u dhashay Haaruun iyo Muuse. Oo Camraam cimrigiisiina wuxuu ahaa boqol iyo toddoba iyo soddon sannadood.
وَاتَّخَذَ عَمْرامُ عَمَّتَهُ يُوكابَدَ زَوجَةً لَهُ، فَوَلَدَتْ لَهُ هارُونَ وَمُوسَى. وَعاشَ عَمْرامُ مِئَةً وَسَبْعاً وَثَلاثِينَ سَنَةً.
21 R eer Isehaarna waa Qorax, iyo Nefeg, iyo Sikrii.
وَأبناءُ يِصْهارَ هُمْ قُورَحُ وَنافَجُ وَزِكْرِي.
22 R eer Cusii'eelna waa Miishaa'eel, iyo Elsaafaan, iyo Sitrii.
وَأبْناءُ عُزِّيئِيلَ هُمْ مِيشائِيلُ وَألْصافانُ وَسِتْرِي.
23 H aaruunna wuxuu guursaday Eliishebac ina Cammiinaadaab oo ahayd Naxshoon walaashiis; oo waxay u dhashay Naadaab iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.
وَتَزَوَّجَ هارُونُ مِنْ ألِيشابَعَ ابْنَةِ عَمِّينادابَ أختِ نَحشُونَ، وَوَلَدَتْ لَهُ نادابَ وَأبِيهُو وَألِعازارَ وَإيثامارَ.
24 R eer Qoraxna waa Asiir, iyo Elqaanaah, iyo Abii'aasaaf. Kuwanu waa qolooyinkii reer Qorax.
وَأبناءُ قُورَحَ هُمْ أسِّيرُ وَألْقانَةُ وَأبِيأسافُ. وَهَذِهِ هِيَ عَشائِرُ القُورَحِيِّينَ.
25 M arkaasaa Elecaasaar oo ahaa ina Haaruun wuxuu guursaday gabdhihii Fuutii'eel middood, oo waxay u dhashay Fiinexaas. Kuwanu waa madaxdii reer Laawi, iyo qolooyinkoodii siday kala ahaayeen.
وَاتَّخَذَ ألِيعازارُ بْنُ هارُونَ إحدَى بَناتِ فُوطِيئِيلَ زَوجَةً لَهُ، فَوَلَدَتْ لَهُ فِينْحاسَ. هَؤُلاءِ هُمْ رُؤَساءُ بُيُوتِ آباءِ الَّلاوِيِّينَ بِحَسَبِ عَشائِرِهِمْ.
26 K uwanu waa Haaruun iyo Muuse kuwii Rabbigu ku yidhi, Reer binu Israa'iil ka soo wada dalka Masar sida ay dadkooda guutooyinkoodu yihiin.
هَذانِ هُما هارُونُ وَمُوسَى اللَّذانِ قالَ اللهُ لَهُما: «أخرِجا بَني إسْرائِيلَ مِنْ أرْضِ مِصرَ بِحَسَبِ صُفُوفِهِمْ.»
27 K uwanuna waa kuwii la hadlay boqorkii Masar oo Fircoon ahaa, inuu dalka Masar ka bixiyo reer binu Israa'iil. Iyagu waa Muusahaas iyo Haaruunkaas. Haaruun Oo U Hadlaya Muuse
وَهُما اللَّذانِ تَكَلَّما إلَى فِرعَوْنَ مَلِكِ مِصرَ لإخراجِ بَني إسْرائِيلَ مِنْ مِصرَ. هَذانِ هُما مُوسَى وَهارُونُ. تَكرارُ دَعوَةِ اللهِ لِمُوسَى
28 M aalintii Rabbigu la hadlay Muuse oo dalka Masar jooga,
حِينَ كَلَّمَ اللهُ مُوسَى فِي أرْضِ مِصرَ،
29 w uxuu Rabbigu ku yidhi Muuse, Anigu waxaan ahay Rabbiga. Boqorka Masar oo Fircoon ah la hadal oo waxaad u sheegtaa wixii aan kugula hadlo oo dhan.
قالَ لَهُ: «أنا اللهُ. قُلْ لِفِرعَونَ مَلِكِ مِصرَ كُلَّ ما أقُولُهُ لَكَ.»
30 M arkaasaa Muuse wuxuu ku yidhi Rabbiga, Bal eeg, anigu bushimaha kama xalaalaysni, de haddaba sidee buu Fircoon ii maqlayaa?
فَقالَ مُوسَى فِي حَضرَةِ اللهِ: «أنا لا أُجِيدُ الكَلامَ، فَكَيفَ سَيَستَمِعُ فِرعَوْنُ لِي؟»