1 M uuse wuxuu ilaalinayay adhigii soddoggiis Yetroo oo ahaa wadaadkii Midyaan, oo wuxuu adhigii u soo kexeeyey meeshii cidlada ahayd shishadeeda, markaasuu wuxuu yimid buurtii Ilaah oo ahayd Xoreeb.
وَذاتَ مَرَّةٍ، كانَ مُوسَى يَرعَى غَنَمَ يَثْرُونَ حَميهِ وَكاهِنِ مِدْيانَ. فَقادَ الغَنَمَ إلَى الجِهَةِ الأُخرَى مِنَ البَرِّيَّةِ، وَجاءَ إلَى جَبَلِ حُورِيبَ، الجَبَلِ الَّذِي ظَهَرَ فِيهِ اللهُ!
2 M arkaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay uga muuqatay dab ololaya oo ka baxaya geed dhexdiis, kolkaasuu fiiriyey oo wuxuu arkay geedkii oo ololaya oo dabku gubayo, geedkuna ma basayn.
وَهُناكَ ظَهَرَ لَهُ مَلاكُ اللهِ فِي لَهيبِ نارٍ يأتِي مِنْ شُجَيْرَةٍ. وَنَظَرَ مُوسَى إلَيها فَرَأى الشُّجَيْرَةَ مُشتَعِلَةً، لَكِنَّها لَمْ تَكُنْ تَحتَرِقُ!
3 M arkaasaa Muuse wuxuu yidhi, Anigu waan ku leexan doonaa, waanan arki doonaa muuqashadan weyn, iyo waxa geedku u guban waayay.
فَقالَ مُوسَى: «لأذْهَبْ إلَى هُناكَ وَأرَ هَذا المَشهَدَ العَجِيبَ، وَأعْرِفْ لِماذا لا تَحتَرِقُ الشُّجَيْرَةُ.»
4 O o markuu Rabbigu arkay inuu ku soo leexday inuu arko ayaa Ilaah uga yeedhay geedka dhexdiisii, oo wuxuu ku yidhi, Muusow, Muusow. Markaasuu yidhi, Waa i kan.
فَلَمّا رَأى اللهُ مُوسَى يَقتَرِبُ لِيُلقِيَ نَظرَةً عَنْ قُرْبٍ، ناداهُ اللهُ مِنْ وَسَطِ الشُّجَيْرَةِ وَقالَ لَهُ: «مُوسَى! مُوسَى!» فَأجابَ مُوسَى: «ها أنا!»
5 M arkaasuu wuxuu ku yidhi, Halkan ha u soo dhowaan, kabahana iska siib, waayo, meesha aad taagan tahay waa dhul quduus ah.
فَقالَ لَهُ: «لا تَقتَرِبْ أكثَرَ! اخلَعْ حِذاءَكَ مِنْ قَدَمَيكَ، فَالمَكانُ الَّذِي تَقِفُ عَلَيهِ أرْضٌ مُقَدَّسَةٌ.»
6 O o weliba wuxuu kaloo ku yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaahii aabbahaa oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub. Markaasaa Muuse wejigiisii qariyey, waayo, wuxuu ka cabsaday inuu Ilaah eego.
ثُمَّ قالَ: «أنا إلَهُ أبِيكَ، إلَهُ إبْراهِيمَ وَإلَهُ إسْحاقَ وَإلَهُ يَعقُوبَ.» فَغَطَّى مُوسَى وَجهَهُ لِأنَّهُ خافَ أنْ يَنْظُرَ إلَى اللهِ.
7 R abbiguna wuxuu ku yidhi, Hubaal waxaan arkay dhibaatada dadkayga ku haysata Masar, oo waan maqlay oohintii ay ooyeen kuwa hawsha ku qaxraya aawadood, waayo, anigu waan ogahay caloolxumadooda;
ثُمَّ قالَ اللهُ: «قَدْ رَأيتُ ضِيقَ شَعبِيَ الَّذِينَ فِي مِصرَ، وَسَمِعْتُ صُراخَهُمْ بِسَبَبِ مُضُايِقِيهِمْ. فأنا أعلَمُ آلامَهُمْ.
8 o o waxaan u imid inaan ka samatabbixiyo gacanta Masriyiinta, iyo inaan ka soo bixiyo dhulkaas, oo keeno dhul wanaagsan oo ballaadhan, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan; waana meesha ay deggan yihiin reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus.
وَنَزَلْتُ لِكَي أُحَرِّرَهُمْ مِنَ المِصْريّينِ، وَلِأُخرِجَهُمْ مِنْ تِلكَ الأرْضِ إلَى أرْضٍ خَصْبَةٍ وَواسِعَةٍ، أرْضٍ تَفِيضُ لَبَناً وَعَسَلاً. هِيَ أرْضُ الكَنعانِيِّينَ وَالحِثِّيِّينَ وَالأمُورِيِّينَ وَالفَرِزِّيِّينَ وَالحِوِّيِّينَ وَاليَبُوسِيِّينَ.
9 O o haatan bal eeg, waxaa i hor timid oohintii reer binu Israa'iil, oo weliba waxaan arkay cadaadinta ay Masriyiintu ku cadaadinayaan iyaga.
«وَالآنَ قَدْ وَصَلَ صُراخُ بَني إسْرائِيلَ إلَيَّ، وَقَدْ رَأيتُ الضِّيقَ الَّذِي يُسَبِّبُهُ المِصرِيُّونَ لَهُمْ.
10 H addaba kaalay, oo waxaan kuu dirayaa Fircoon, inaad dalka Masar ka soo kaxaysid dadkayga reer binu Israa'iil ah.
فَاذْهَبْ إلَى هُناكَ. ها أنا أُرسِلُكَ إلَى فِرعَوْنَ لِتُخرِجَ شَعبِيَ، بَنِي إسْرائِيلَ، مِنْ مِصرَ.»
11 M arkaasaa Muuse wuxuu Ilaah ku yidhi, Bal yaan ahay anigu, markaan Fircoon u tegayo, oo aan reer binu Israa'iil ka soo bixinayo dalka Masar?
فَقالَ مُوسَى: «مَنْ أنا حَتَّى أذهَبَ إلَى فِرعَوْنَ وَأُخرِجَ بَنِي إسْرائِيلَ مِنْ مِصرَ؟»
12 M arkaasuu wuxuu ku yidhi, Xaqiiqa anigaa kula jiraya, oo taasaa calaamo kuu noqonaysa, inaan anigu ku soo diray; markii aad dadka ka soo bixiso Masar, Ilaah baad buurtan ugu adeegi doontaan.
فَقالَ: «اذْهَبْ وَأنا سَأكُونُ مَعَكَ. أمّا العَلامَةُ عَلَى أنَّني أرْسَلْتُكَ، فَهِيَ أنَّكَ حِينَ تُخرِجُ شَعبِي مِنْ مِصرَ، سَتَعبُدُونَني عَلَى هَذا الجَبَلِ.»
13 M arkaasaa Muuse wuxuu Ilaah ku yidhi, Bal eeg, markii aan u tago reer binu Israa'iil, oo aan ku idhaahdo iyaga, Ilaahii awowayaashiin baa ii soo kiin diray, oo iyaga waxay igu odhan doonaan, De magiciisa maxaa la yidhaahdaa? Haddaba maxaan ku odhan doonaa?
وَقالَ مُوسَى: «حِينَ أذهَبُ إلَى بَني إسْرائِيلَ وَأقُولُ لَهُمْ: ‹إلَهُ آبائِكُمْ أرسَلَنِي إلَيكُمْ.› سَيَقُولُونَ لِي: ‹ما اسْمُهُ؟› فَماذا أقُولُ؟»
14 M arkaasaa Ilaah wuxuu Muuse ku yidhi, ANIGU WAXAAN AHAY KAAN AHAY; oo weliba wuxuu ku yidhi, Waxaad ku odhan doontaa reer binu Israa'iil, WAAN AHAY baa ii soo kiin diray.
فَقالَ اللهُ لِمُوسَى: «إهْيِهْ أشِرْ إهْيِهْ. قُلْ لِبَني إسْرائِيلَ: ‹إهْيِهْ أرسَلَنِي إلَيكُمْ.›»
15 O o Ilaah weliba wuxuu kaloo Muuse ku yidhi, Waxaad ku tidhaahdaa reer binu Israa'iil, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii soo kiin diray; kanu waa magacayga weligay, oo laygu xusuusto ka ab ka ab.
وَقالَ أيضاً لِمُوسَى: «قُلْ لِبَنِي إسْرائِيلَ: ‹يهوه إلَهُ آبائِكُمْ، إلَهُ إبراهِيمَ وَإلَهُ إسحَاقَ وَإلَهُ يَعقُوبَ أرسَلَنِي إلَيكُمْ. هَذا اسْمِي إلَى الأبَدِ، وَلَقَبِي فِي كُلِّ جِيلٍ.›»
16 B al tag, oo isu soo ururi waayeellada reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo ah Ilaahii Ibraahim, iyo Ilaahii Isxaaq, iyo Ilaahii Yacquub ayaa ii muuqday, isagoo leh, Hubaal waan idin soo booqday, oo waan arkay waxa laydinku sameeyey Masar dhexdeeda,
«اذْهَبْ وَاجمَعْ شُيُوخَ إسْرائِيلَ، وَقُلْ لَهُمْ: يهوه إلَهُ آبائِكُمْ، إلَهُ إبراهِيمَ وَإلَهُ إسحَاقَ وَإلَهُ يَعقُوبَ ظَهَرَ لِي وَقالَ: ‹راقَبْتُكُمْ وَرَأيتُ ما عَمِلَهُ المِصرِيُّونَ مَعَكُمْ.
17 o o waxaan idhi, Anigu waan idinka soo wadi doonaa dhibaatada Masar, oo waxaan idin keeni doonaa dalka reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.
وَقَرَّرْتُ أنْ أُخرِجَكُمْ مِنْ ضِيقِكُمْ مِنْ مِصرَ إلَى أرْضِ الكَنعانِيِّينَ وَالحِثِّيِّينَ وَالأمُورِيِّينَ وَالفِرِزِّيِّينَ وَالحِوِّيِّينَ وَاليَبُوسِيِّينَ، إلَى أرْضٍ تَفيضُ لَبناً وَعَسَلاً.›
18 O o codkaaga way maqli doonaan, markaas adiga iyo waayeellada reer binu Israa'iil waa inaad u tagtaan boqorka Masar, oo waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha Cibraaniyada ayaa nala kulmay. Haddaba waan ku baryaynaaye, Iska kaaya daa aannu meel saddex maalmood loo socdo oo cidla ah tagnee, inaannu allabari u bixinno Rabbiga ah Ilaahayo.
«سَيَسْتَمِعُ الشُّيُوخُ إلَيكَ. حِينَئِذٍ، تَذْهَبُ أنتَ وَشُيُوخُ إسْرائِيلَ إلَى مَلِكِ مِصرَ وَتَقُولُونَ لَهُ: ‹يهوه إلَهُ العِبرانِيِّينَ تَجَلَّى لَنا، فَدَعْنا الآنَ نَذهَبْ فِي رِحلَةٍ ثَلاثَةَ أيّامٍ فِي البَرِّيَّةِ كَي نُقَدِّمَ ذَبائِحَ لِيهوه إلَهِنا.›
19 O o anna waxaan ogahay inaanu boqorka Masar idiin sii daynayn inaad tagtaan, maya, ee wuxuuna idiinku diidayaa gacan xoog leh.
«لَكِنَّ مَلِكَ مِصرَ لَنْ يَسمَحَ لَكُمْ بِالذَّهابِ إلّا مُجْبَراً بِالقُوَّةِ.
20 M arkaasaan gacantayda soo kala bixin doonaa, oo waxaan Masar ku layn doonaa cajaa'ibyadayda oo dhan oo aan ku dhex samayn doono iyada, oo markaas dabadeed wuu idin sii dayn doonaa inaad iska tagtaan.
حِينَئِذٍ، سَأمُدُّ يَدِي لِأضْرِبَ مِصرَ بِكُلِّ العَجائِبِ الَّتِي سَأعمَلُها. بَعْدَ ذَلِكَ، سَيُطلِقُكُمْ فِرعَوْنُ.
21 O o anigu dadkan raalli baan uga yeeli doonaa Masriyiinta; oo waxay noqon doontaa in markii aad tagtaan aydnaan faromadhnaan ku tegin,
سَأجعَلُ المِصرِيِّينَ كُرَماءَ مَعَكُمْ، فَلا تَخرُجُونَ فارِغِي الأيدِي.
22 l aakiinse naag waluba ha weyddiisato deriskeeda iyo tan guriga la joogta alaab lacag ah iyo alaab dahab ah, iyo dhar; waxaadna saari doontaan wiilashiinna iyo gabdhihiinna, oo waxaad dhici doontaan Masriyiinta.
وَسَتَطلُبُ كُلُّ امْرأةٍ مِنْ جارَتِها أوْ مِمَّنْ تُقِيمُ فِي بَيتِها فِضَّةً وَذَهَباً وَثِياباً، وَسَتَضَعُونَها عَلَى أولادِكُمْ وَبَناتِكُمْ. وَهَكَذا سَتَأْخُذُونَ ثَروَةً مِنْ مِصرَ.»