1 M aalmo badan dabadood, markii Rabbigu reer binu Israa'iil ka nasiyey cadaawayaashoodii ku wareegsanaa, Yashuucana da' weynaa, gabowna la dhacay,
وَبَعدَ أيّامٍ كَثِيرَةٍ مِنْ إعطاءِ اللهِ راحَةً وَأماناً لإسْرائِيلَ مِنْ كُلِّ أعدائِهِمِ المَحِيطِينَ بِهِمْ، وَحِينَ كانَ يَشُوعُ قَدْ شاخَ وَتَقَدَّمَ فِي السِّنِّ،
2 a yaa Yashuuca u yeedhay reer binu Israa'iil oo dhan, iyo waayeelladoodii, iyo madaxdoodii, iyo xaakinnadoodii, iyo saraakiishoodii, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waan da' weynahay oo gabow baan la dhacay;
استَدعَى يَشُوعُ جَميعَ شُيُوخِ إسْرائِيلَ وَقادَتِهِمْ وَقُضاتِهِمْ وَالمَسؤُولِينَ بَينَهُمْ، وَقالَ لَهُمْ: «قَدْ تَقَدَّمْتُ جَدّاً فِي السِّنِّ،
3 o o idinkuna waad aragteen kulli wixii Rabbigu quruumahan oo dhan ku sameeyey idinka aawadiin; waayo, kan idiin diriray waa Rabbiga Ilaahiinna ah.
وَقَدْ رَأيتُمْ بِأنفُسَكُمْ كُلَّ ما عَمِلَهُ إلَهُكُمْ بِكُلِّ هَذِهِ الأُمَمِ مِنْ أجلِكُمْ. لِأنَّ إلَهَكُمْ هُوَ مَنْ حارَبَ عَنكُمْ.
4 B al eega waan idiin qaybiyey quruumahan hadhay inay qabiilooyinkiinna dhaxal u ahaadaan, tan iyo Webi Urdun iyo kulli quruumihii aan gooyay, iyo xataa tan iyo xagga gabbalku u dhaco ee badda weyn.
قَدْ أعْطَيتُكُمْ مِيراثاً لِقَبائِلِكُمْ، أرْضَ هَؤُلاءِ الأُمَمِ الباقِيَةِ مَعَ كُلِّ أرْضِ الأُمَمِ الَّتِي هَزَمْتُمُوها مِنْ نَهْرِ الأردُنِّ إلَى البَحْرِ فِي الغَرْبِ.
5 O o Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga hortiinnuu ka tuuri doonaa, oo idinka hor eryi doonaa, oo markaasaad dalkooda hantiyi doontaan, sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkula hadlay.
إلَهُكُمْ بِنَفسِهِ سَيُبعِدُهُمْ عَنْ طَرِيقِكُمْ وَسَيَطرُدُهُمْ مِنْ أمامِكُمْ. وَسَتَأخُذُونَ أرْضَهُمْ كَما وَعَدَكُمْ إلَهُكُمْ.
6 S idaas daraaddeed aad u dhiirranaada inaad xajisaan oo yeeshaan kulli waxa ku qoran kitaabkii sharcigii Muuse, iyo inaydnaan sharcigaas uga leexan xagga midigta iyo xagga bidixda toona.
«فَكُونُوا ثابِتِينَ عَلَى العَمَلِ بِكُلَّ ما هُوَ مُدَوَّنٌ فِي كِتابِ شَرِيعَةِ مُوسَى. لا تَحِيدُوا عَنْها يَمِيناً أوْ يَساراً.
7 O o iska jira inaydnaan quruumahaas dhex iman, kuwaasoo ah kuwa idinku dhex hadhay, oo magacyada ilaahyadoodana marnaba ha soo hadalqaadina, ninnana ha ku dhaaranina, hana u adeegina, hana u sujuudina kolnaba,
لا تَخْتَلِطُوا مَعَ هَؤُلاءِ الأُمَمِ الباقِيَةِ مَعكُمْ، أوْ تَذْكُرُوا أسماءَ آلِهَتِهِمْ أوْ تَحلِفُوا بِها أوْ تَخدِمُوها أوْ تَركَعُوا لَها.
8 l aakiin Rabbiga Ilaahiinna ah aad u sii xajista sidaad ilaa maantadan la joogo yeesheen.
بَلِ اثْبُتُوا فِي طاعَةِ إلَهِكُمْ كَما عَمِلْتُمْ إلَى هَذا اليَومِ.
9 W aayo, Rabbigu wuxuu hortiinna ka eryay quruumo waaweyn oo xoog badan; oo weliba idinka ninna idinma hor istaagin ilaa maantadan la joogo.
«قَدْ طَرَدَ اللهُ مِنْ أمامِكُمْ أُمَماً عَظِيمَةً وَقَوِيَّةً، وَلَمْ يَستَطِعْ أحَدٌ الصُّمُودَ أمامَكُمْ إلَى هَذا اليَومِ.
10 N in keliya oo idinka mid ahu kun buu eryi doonaa; waayo, kan idiin diriraa waa Rabbiga Ilaahiinna ah siduu idinkula hadlay.
يَهزِمُ الواحِدُ مِنكُمْ ألفاً، لِأنَّ إلَهَكُمْ هُوَ المُحارِبُ لِأجلِكُمْ وَعَنْكُم كَما وَعَدَ.
11 H addaba isjira oo jeclaada Rabbiga Ilaahiinna ah.
فَكُونُوا حَرِيصِينَ عَلَى أنْ تُحِبُّوا إلَهَكُمْ.
12 H addaadse dib ugu noqotaan oo aad u xajisataan kuwa ka hadhay quruumahan, kuwaas oo ah kuwa idinku dhex hadhay, haddaad guursataan oo aad isdhex gashaan, oo iyana ay idin dhex galaan,
«لَكِنْ إنِ ابْتَعَدْتُمْ وَالتَصَقْتُمْ بِالنّاجِينَ مِنْ هَذِهِ الأُمَمِ الباقِيَةِ مَعَكُمْ، وَتَزَوَّجتُمْ مِنهُمْ وَتَزَوَّجُوا مِنْكُمْ، وَتَعامَلْتُمْ مَعَهُمْ وَاختَلَطْتُمْ بِهِمْ،
13 m arkaas xaqiiq ahaan u ogaada inuusan Rabbiga Ilaahiinna ahu mar dambe quruumahaas hortiinna ka eryayn, laakiinse waxay idinku noqon doonaan siriq iyo dabin, oo markaasay dhinacyada idinka karbaashi doonaan, oo indhahana qodxan idinkaga mudi doonaan, ilaa aad ka baabba'daan dalkan wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey.
فَحِينَئِذٍ يَنبَغِي أنْ تَعلَمُوا أنَّ إلَهَكُمْ لَنْ يَستَمِرَّ بِطَردِ هَذِهِ الأُمَمِ مِنْ أمامِكُمْ. سَيَصِيرُونَ فَخّاً وَشَرَكاً لَكُمْ، وَسَوطاً يَضْرِبُ جَوانِبَكُمْ، وَأشواكاً فِي عُيُونِكُمْ حَتَّى لا يَبقَى أحَدٌ مِنكُمْ عَلَى هَذِهِ الأرْضِ الَّتِي أعطاها إلَهُكُمْ لَكُمْ.
14 B al eega, maanta waxaan mari doonaa jidka dadka dhulka jooga oo dhan; idinkuna waad ku og tihiin qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan, inaan wax keliyuhu ka baaqan kulli wixii wanaagsanaa oo Rabbiga Ilaahiinna ahu xaggiinna kaga hadlay; laakiinse kulligood way idiin wada ahaadeen oo mid keliyuhu kama baaqan.
«وَالآنَ أنا قَرِيبٌ مِنَ المَوتِ. وَأنتُمْ تَعرِفُونَ بِكُلِّ قُلُوبِكُمْ وَبِكُلِّ نُفُوسِكُمْ أنَّهُ لَمْ يَسقُطْ وَعْدٌ واحِدٌ مِنَ الوُعُودِ الصَّالِحَةِ الَّتِي أعطاها إلَهُكُمْ لَكُمْ. جَميعُها تَحَقَّقَت، وَلَمْ يَسقُطْ وَعْدٌ مِنْ وَعُودِهِ.
15 O o siday waxyaalihii wanaagsanaa idiinku soo wada degeen, kuwaasoo ahaa kuwii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkula hadlay, ayaa Rabbigu idiinku soo dejin doonaa waxyaalaha sharka ah oo dhan, ilaa uu idinka baabbi'iyo dalkan wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey.
وَكَما أنَّ كُلَّ أمرٍ صالِحٍ وَعَدَكُمْ إلَهُكُمْ بِهِ قَدْ تَحَقَّقَ، هَكَذا أيضاً سَيَجلِبُ اللهُ عَلَيكُمْ كُلَّ الأُمُورِ السَّيِّئَةِ الَّتِي هَدَّدَ بَجَلْبِها إلَى أنْ يُهلِكَكُمْ وَيُفنِيَكُمْ مِنْ هَذِهِ الأرْضِ الجَيِّدَةِ الِّتِي أعطاها إلَهُكُمْ لَكُمْ.
16 M arkaad ku xadgudubtaan axdigii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray, oo aad ka tagtaan, ee aad u adeegtaan ilaahyo kale, oo aad iyaga u sujuuddaan, de markaasaa cadhada Rabbigu idinku kululaan doontaa, oo aad haddiiba ka baabbi'i doontaan dalka wanaagsan oo uu idin siiyey.
فَإنْ تَعَدَّيتُمْ عَهْدَ إلَهِكُمُ الَّذِي أمَرَكُمْ بِهِ، وَذَهَبْتُمْ وَخَدَمْتُمْ آلِهَةً أُخْرَى وَسَجّدْتُمْ لَها، فَإنَّ اللهَ سَيَغضَبُ عَلَيكُمْ غَضَباً شَدِيْداً. وَلَنْ يَبقَى أحَدٌ مِنكُمْ فِي الأرْضِ الجَيِّدَةِ الَّتِي أعطاها لَكُمْ.»