1 A noo Boqor Nebukadnesar ah waxaan ku leeyahay dadyowga, iyo quruumaha, iyo kuwa kala afka ah oo dhulka oo dhan deggan, Nabadu ha idinku badato.
«مِنَ المَلِكِ نَبُوخَذْناصَّرَ إلَى كُلِّ الشُّعُوبِ وَالأُمَمِ وَاللُّغاتِ، السّاكِنِينَ فِي كُلِّ البُلدانِ، فَليَكُنْ لَكُمُ الخَيرُ وَالسَّلامُ دائِماً.
2 W ay ila wanaagsanaatay inaan muujiyo calaamadihii iyo yaababkii uu Ilaaha ugu sarreeyaa igu sameeyey.
«أجِدُ سُرُوراً عَظِيماً فِي أنْ أُخبِرَكُمْ بِالآياتِ وَالعَجائِبِ الَّتِي عَمِلَها اللهُ العَلِيِّ لِي.
3 C alaamadihiisu waaweynaa! Yaababkiisuna xoog badanaa! Boqortooyadiisu waa boqortooyo weligeed jiraysa, dowladnimadiisuna waa mid jiraysa fac ilaa fac.
«آياتُهُ عَظِيمَةٌ! عَجائِبُهُ قَوِيَّةٌ! مُلْكُهُ مُلْكٌ أبَدِيٌّ، وَسُلطانُهُ سَيَدُومُ عَبرَ كُلِّ الأجيالِ.
4 A noo Nebukadnesar ah gurigaygaan ku nasanayay, oo waxaan ku raaxaysanayay daartayda weyn.
«أنا، نَبُوخَذْناصَّرَ، كُنتُ أستَرِيحُ مُطمَئِناً فِي قَصرِي،
5 W axaan arkay riyo iga cabsiisay, markaasaa fikirradaydii aan sariirtayda la jiifay, iyo waxyaalihii lay tusay iga argaggixiyeen.
فَرَأيتُ حُلماً أفزَعَنِي. وَأزعَجَتنِي أفكارِي وَتَخَيُّلاتِي وَأنا عَلَى فِراشِي.
6 S idaas daraaddeed waxaan amar ku bixiyey in hortayda la soo taago nimankii xigmadda lahaa oo reer Baabuloon oo dhan, inay ii caddeeyaan fasirkii riyada.
حِينَئِذٍ، أصدَرتُ أمراً بِإحْضارِ كُلِّ حُكَماءِ بابِلَ كَي يُفَسِّرُوا لِيَ الحُلمَ.
7 D abadeedna waxaa ii yimid saaxiriintii, iyo xiddigiyayaashii, iyo kuwii reer Kaldayiin, iyo kuwii wax sheegi jiray; markaasaan riyadii ku hor sheegay; laakiinse fasirkii iima ay caddayn.
وَحِينَ جاءَ المُنَجِّمُونَ وَالسَّحَرَةُ وَالكَلْدانِيُّونَ وَالوُسَطاءُ، أخْبَرْتُهُمْ عَنْ حُلمِي، لَكِنَّهُمْ لَمْ يَستَطِيعُوا تَفسِيرَهُ.
8 L aakiinse ugu dambaystii waxaa i hor yimid Daanyeel, oo la odhan jiray Beelteshaasar, sida magaca ilaahay, oo ilaahyada quduuskaa ruuxoodu ku jiro; markaasaan riyadii ku hor sheegay isagii, oo ku idhi,
وَأخِيراً، دَخَلَ دانِيالُ أمامِي، وَهُوَ الَّذِي أُعْطِيَ اسْمَ ‹بَلْطْشاصَّرُ› إكراماً لإلَهِي. وَكانَ رُوحُ الآلِهَةِ القِدِّيسِينَ فِيهِ، فَأخبَرتُهُ عَن حُلمِي فَقُلْتُ لَهُ:
9 B eelteshaasarow, saaxiriinta madaxdoodiiyow, waan ogahay in ilaahyada quduuskaa ruuxoodii kugu jiro, oo aan qarsoodiina ku dhibin, ee haddaba ii sheeg waxyaalihii aan ku arkay riyadaydii, iyo fasirkoodiiba.
«يا بَلْطْشاصَّرُ، يا رَئِيسَ المُنَّجِمِينَ، أعرِفُ أنَّ رُوحَ الآلِهَةِ القِدِّيسِينَ فِيكَ، وَلا يُوجَدُ سِرٌّ يَصعُبُ عَلَيكَ مَعرِفَتُهُ، فَفَسِّرْ لِيَ الحُلمَ الَّذِي رَأيتُهُ.
10 S idan bay ahaayeen waxyaalihii aan arkay anigoo sariirtayda ku jiifa: waxaan arkay geed dhulka ku dhex yaal, dhererkiisuna waa weynaa.
كُنتُ مُستَلقِياً عَلَى فِراشِي حِينَ بَدَأتُ أرَى رُؤَىً فِي ذِهنِي. وَفَجأةً كانَتْ هُناكَ شَجَرَةٌ طَوِيلَةٌ جِدّاً تَنمُو فِي الأرْضِ،
11 G eedkii waa koray, wuuna xoog badnaa, dhererkiisiina wuxuu gaadhay cirka, waxaana laga arkay meesha dhulka ugu shishaysa.
كانَت هَذِهِ الشَّجَرَةُ كَبِيرَةً وَقَوِيَّةً جِدّاً، وَبَلَغَ ارتِفاعُها إلَى السَّماءِ، وَكانَ الجَمِيعُ يَراها.
12 C aleemihiisuna way qurxoonaayeen, midhihiisuna way badnaayeen, waxaana ku tiil cunto ku wada filan wax walba. Xayawaankii duurkuna hoostiisay hadhsanayeen, haadka cirkuna waxay ku hoyan jireen laamihiisa, oo wax jidh leh oo dhammuna isagay wax ka cuni jireen.
كانَت أوراقُها جَمِيلَةً، وَثَمَرُها وَفِيراً، وَكانَت تُعطِي طَعاماً لِلجَمِيعِ، وَكانَتِ حَيواناتُ البَرِّيَةِ تَستَظِلُّ تَحتَها، وَالطُّيُورُ تَسكُنُ فِي أغصانِها، وَكُلُّ الكائِناتِ تَأكُلُ مِنها.
13 A noo sariirtayda jiifa waxaan ku arkay waxyaalihii lay tusay, mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degay.
«وَبَينَما كُنتُ أرَى هَذا فِي حُلمِي وَعَلَى فِراشِي، نَزَلَ مُراقِبٌ قِدِّيسٌ مِنَ السَّماءِ وَصَرَخَ:
14 M arkaasuu intuu aad u qayliyey yidhi, Geedka gooya, laamihiisana ka jara, caleemihiisana ka daadiya, midhihiisana kala firdhiyaa; xayawaanku hoostiisa ha ka fogaadeen, haadkuna laamihiisa.
‹اقطَعُوا الشَّجَرَةَ! قُصُّوا أغصانَها! انزَعُوا أوراقَها! انثُرُوا ثِمارَها! وَلتَهرِبِ الحَيواناتُ البَرِّيَّةُ مِنْ تَحتِها وَالطُّيُورُ مِنْ أغصانِها.
15 H abase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku dhex daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, oo qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka ku dhex jira doogga dhulka.
لَكِنِ اترُكُوا جِذْعَها وَجُذُورَها فِي الأرْضِ. أوْثِقُوا جِذْعَها بِحَدِيدٍ وَنُحاسٍ فِي وَسَطِ نَباتاتِ الغابَةِ. اترُكُوهُ لِيَبتَلَّ مِنْ نَدَى السَّماءِ بَينَ الحَيواناتِ فِي الأراضِي العُشبِيَّةِ.
16 Q albigiisuna kan dadka ha ka beddelmo, qalbiga xayawaankana isaga ha la siiyo; toddoba wakhtina ha gudbeen.
سَيَفقِدُ عَقلَهُ البَشَرِيَّ، وَيُفَكِّرُ كَالحَيواناتِ، إلَى أنْ تَمْضيَ عَلَيهِ سَبعَةُ مَواسِمَ.›
17 X ukunkii waxaa amray kuwa wax dhawra xaalkuna wuxuu ku jiraa hadalka kuwa quduuska ah, sababtu waa in waxa noolu ogaadaan in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo, oo uu madax uga dhigo kan dadka ugu hooseeya.
«هَذا الإعلانُ مَرسُومٌ أمَرَ بِهِ المُراقِبُونَ القِدِّيسُونَ لِكَي تَعرِفَ كُلُّ المَخلُوقاتِ أنَّ اللهَ العَلِيَّ يَحْكُمُ مَملَكَةَ البَشَرِ. وَهُوَ يُعطِيها لِمَن يَشاءُ، وَيُقِيمُ أوضَعَ النّاسِ عَلَيها.
18 A nigoo ah Boqor Nebukadnesar ayaan riyadan arkay, adna Beelteshaasarow, fasirkeeda caddee, waayo, nimanka xigmadda leh ee boqortooyadayda joogay oo dhammu way kari waayeen inay fasirkii ii caddeeyaan; laakiinse adigu waad kartaa, waayo, ruuxii ilaahyada quduuska ah ayaa kugu jira. Daanyeel Oo Riyadii Fasiray
«هَذا هُوَ الحُلمُ الَّذِي رَأيتُهُ، أنا المَلِكَ نَبُوخَذْناصَّرَ. وَالآنَ يا بَلْطْشاصَّرُ، فَسِّرْ لِيَ الحُلمَ، لأنَّهُ لا أحَدَ مِنَ الحُكَماءِ الآخَرِينَ يَستَطِيعُ تَفسِيرَهُ، أمّا أنتَ فَتَستَطِيعُ لأنَّ رُوحَ الآلِهَةِ القِدِّيسِينَ فِيكَ.»
19 M arkaasaa Daanyeel oo magiciisu ahaa Beelteshaasar, ayaa inta wakhti ah yaabbanaa, fikirradiisiina wuu la welwelay. Markaasaa boqorkii u jawaabay oo ku yidhi, Beelteshaasarow, ha ka welwelin riyada ama fasirkeeda. Beelteshaasarna waa jawaabay oo yidhi, Sayidkaygiiyow, riyadu ha u noqoto kuwa ku neceb, fasirkeeduna ha u noqdo cadaawayaashaada.
فَبَقِيَ دانِيالُ – وَيُدْعَى أيضاً بَلْطْشاصَّرَ – صامِتاً نَحوَ ساعَةٍ كامِلَةٍ وَهُوَ مُنزَعِجٌ مِنْ أفكارِهِ. فَقالَ لَهُ المَلِكُ: «يا بَلْطْشاصَّرُ، لا تَدَعِ الحُلمَ وَتَفسِيرَهُ يُزعِجانِكَ.» فَأجابَ بَلْطْشاصَّرُ: «يا سَيِّدِي، أتَمَنَّى لَوْ أنَّ هَذا الحُلمَ عَن أعدائِكَ!
20 G eedkii aad aragtay, oo koray, oo xoogga badnaa, oo dhererkiisu cirka gaadhay, ee dhulka oo dhan laga arkayay,
فَالشَّجَرَةُ الكَبِيرَةُ القَوِيَّةُ الَّتِي رَأيتَها، وَوَصَلَ ارتِفاعُها إلَى السَّماءِ، حَتَّى كانَتْ مَرئِيَّةً مِنْ أقاصِي الأرْضِ –
21 o o caleemihiisu qurxoonaayeen, midhihiisuna badnaayeen, oo cuntada wax walba ku filanu ku tiil; oo hoostiisa xayawaanka duurku hadhsanayeen, oo laamihiisa haadka cirku rugta ka dhigtay,
الشَّجَرَةُ ذاتَ الأوراقِ الجَّمِيلَةِ وَالثَّمَرِ الكَثِيرِ، وَفِي أغصانِها طَعامٌ لِلجَمِيعِ، وَقَد سَكَنَتِ الحَيواناتُ البَرِّيَّةُ تَحتَها وَعَشَّشَتِ الطُّيُورُ فِي أغْصانِها –
22 w aa adiga oo koray oo xoog badan yeeshay Boqorow, waayo, weynaantaadii way badatay oo cirka gaadhay dowladnimadaaduna meesha dhulka ugu shishaysa.
هِيَ أنتَ أيُّها المَلِكُ! فَقَد صِرتَ عَظِيماً وَقَوِيّاً، وَجَمَعتَ ثَروَةً عَظِيمَةً، وَوَصَلَتْ قُوَّتُكَ إلَى السَّماءِ وَسُلطانُكَ إلَى أقاصِي الأرْضِ.
23 O o waxaad aragtay mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degaya, isagoo leh, Geedka gooya, oo baabbi'iya; habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka duurka, jeeray toddoba wakhti gudbaan,
«أمّا المُراقِبُ القِدِّيسُ الَّذِي رَأيتَهُ يَنزِلُ مِنَ السَّماءِ، وَالَّذِي قالَ: ‹اقطَعُوا الشَّجَرَةَ وَأهلِكُوها تَماماً، لَكِنِ اتْرُكُوا جِذعَها وَجُذُورَها فِي الأرْضِ مُقَيَّدَةً بِقُيُودٍ مِنْ حَدِيدٍ وَنُحاسٍ وَسَطَ الحُقُولِ. فَهُناكَ سَتَبتَلُّ بِنَدَى السَّماءِ، وَتَبقَى بَينَ الحَيواناتِ البَرِّيَّةِ حَتَّى تَكتَمِلَ سَبعَةُ مَواسِمٍ.›
24 f asirkii waa kan, Boqorow, waana amarkii Ka ugu Sarreeya, oo kugu soo degay adoo sayidkayga ah boqorow.
«فَيا سَيِّدِي المَلِكِ، هَذا هُوَ تَفسِيرُ ما قالَهُ المُراقِبُ فِي الحُلمِ: هَذا هُوَ الحُكمُ الَّذِي أصدَرَهُ اللهُ العَلِيُّ عَلَى سَيِّدِي المَلِكِ:
25 D adka waa lagaa fogayn doonaa, oo waxaad la joogi doontaa xayawaanka duurka, oo sidii dibi ayaad doog u cuni doontaa, oo waxaa ku qoyn doona dharabka samada, toddoba wakhtina waa ku gudbi doonaan, jeeraad ogaato in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo.
سَيَطرُدُونَكَ مِنْ بَينِ النّاسِ، وَسَتَعِيشُ بَينَ الحَيواناتِ البَرِّيَّةِ وَسَتَأكُلُ العُشبَ كَالبَقَرِ، وَسَتَبتَلُّ بِنَدَى السَّماءِ. وَسَتَمُرُّ عَلَيكَ سَبْعَةُ مَواسِمٍ قَبلَ أنْ يَعُودَ إلَيكَ عَقلُكَ وَتَعرِفَ أنَّ اللهَ العَلِيَّ يَحكُمُ عَلَى مَملَكَةِ البَشَرِ. وَهُوَ يُعطِيها لِمَن يَشاءُ.
26 O o sida loo amray in la daayo jiridda iyo xididdada geedka, ayaa boqortooyadaadu hubaal ku noqon doontaa, markaad ogaato inay samooyinku wax u taliyaan.
«وَعِندَما قالَ المُراقِبُ القدِّيسُ: ‹اترُكُوا جِذْعَها وَجُذُورَها،› فَهَذا لِتَعلَمَ أنَّ مَملَكَتَكَ سَتَعُودُ إلَيكَ، عِنْدَما تُدْرِكَ أنَّ السِّيادَةَ هِيَ لِرَبِّ السَّماءِ.
27 H addaba Boqorow, taladayda aqbal, dembiyadaadana xaqnimo ku jebi, xumatooyinkaagana ku jebi naxariista aad masaakiinta u naxariisatid si ay xasilloonaantaadu u sii raagto. Riyadii Oo Rumowday
لِذَلِكَ أيُّها المَلِكُ اسْمَعْ نَصِيحَتِي. كَفِّرْ عَنْ خَطاياكَ بِالبِرِّ، وَعَنْ شَرِّكَ بِالإحسانِ لِلفُقَراءِ. فَحِينَئِذٍ، تَكُونُ لَكَ حَياةٌ طَوِيلَةٌ هادِئَةٌ.»
28 W axyaalahan oo dhammu waxay ku dheceen Boqor Nebukadnesar.
وَقَد حَدَثَت كُلُّ تِلكَ الأُمُورِ لِلمَلِكِ نَبُوخَذْناصَّرَ،
29 L aba iyo toban bilood dabadoodna wuxuu dhex socday gurigii boqornimada ee reer Baabuloon.
فَبَعدَ اثنَي عَشَرَ شَهراً كانَ المَلِكُ يَتَمَشَّى عَلَى سَطحِ قَصرِهِ،
30 M arkaasaa boqorkii hadlay oo yidhi, Sow tanu ma aha Baabuloontii weynayd, oo aan u dhisay meel boqornimadu rug u leedahay, oo aan ammaanta weynaantayda ugu dhisay xoogga itaalkayga?
حِينَ قالَ: «هَذِهِ هِيَ بابِلُ المَدِينَةُ العَظِيمَةُ الَّتِي بَنَيتُها بِقُوَّتِي لِتَصِيرَ عاصِمَةَ مَملَكَتِي وَلأُظْهِرَ مَجدِي!»
31 I ntii hadalkaasu weli boqorka afkiisii ku jiray ayaa cod samada ka dhawaaqay, oo yidhi, Boqor Nebukadnesarow, adaa lagula hadlayaa, boqortooyadii waa kaa tagtay.
وَبَينَما كانَ لايَزالُ يَتَكَلَّمُ بِهَذِهِ الكَلِماتِ، جاءَ صَوْتٌ مِنَ السَّماءِ يَقُولُ: «اسمَعْ ما سَيَحدُثُ لَكَ أيُّها المَلِكُ نَبُوخَذْناصَّرُ: سَتُنزَعُ مَملَكَتُكَ مِنكَ.
32 O o dadka waa lagaa eryi doonaa, oo waxaad la joogi doontaa xayawaanka duurka, oo waxaa lagaa dhigi doonaa inaad doog u cunto sidii dibi, toddoba wakhtina way ku gudbi doonaan, jeeraad ogaato in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo.
وَسَتُطرَدُ مِنْ بَينِ النّاسِ لِتَعِيشَ بَينَ الحَيواناتِ البَرِّيَّةِ، وَسَتَأكُلُ العُشبَ كَالبَقَرِ، وَسَتَمُرُّ عَلَيكَ سَبعَةُ مَواسِمٍ قَبلَ أنْ تَعُودَ إلَى عَقلِكَ وَتَعرِفَ أنَّ اللهَ العَلِيَّ يَحكُمُ عَلَى مَملَكَةِ البَشَرِ. وَهُوَ يُعطِيها لِمَن يَشاءُ.»
33 O o isla saacaddiiba waxyaalihii waa ku dheceen Nebukadnesar; kolkaasaa dadkii laga eryay, sidii dibina doog buu u cunay, jidhkiisiina waxaa qoyay dharabkii samada, ilaa ay timihiisii u bexeen sida baalal gorgor, ciddiyihiisiina sida ciddiyo haadeed.
وَفَورَ انتِهاءِ هَذِهِ الرِّسالَةِ، طُرِدَ نَبُوخَذْناصَّرُ مِنْ بَينِ النّاسِ، وَصارَ مَجنُوناً. وَبَدَأ يَأكُلُ العُشبَ كَالبَقَرِ، وَابتَلَّ جَسَدُهُ بِنَدَى السَّماءِ. طالَ شَعرُهُ وَتَلَبَّدَ حَتَّى صارَ مِثلَ رِيشِ النَّسرِ. وَطالَت أظافِرُهُ حَتَّى صارَت كَمَخالِبِ الطُّيُورِ.
34 O o markii wakhtigii dhammaaday ayaan anigoo ah Nebukadnesar indhaha kor u taagay, waxgarashadaydiina way ii soo noqotay, markaasaan ku mahadnaqay Ka ugu Sarreeya, waanan ammaanay oo ciseeyey kan weligiis nool; waayo, dowladnimadiisu waa dowladnimo aan weligeed dhammaanayn, boqortooyadiisuna waxay raagtaa fac ilaa fac;
وَتابَعَ نَبُوخَذْناصَّرُ كَلامَهُ بِقَولِهِ: «وَفِي نِهايَةِ الوَقتِ المُعَيَّنِ، رَفَعتُ أنا نَبُوخَذْناصَّرُ، عَينَيَّ نَحوَ السَّماءِ فَعادَ إلَيَّ عَقلِي. حِينَئِذٍ، بارَكتُ اللهَ العَلِيَّ، وَمَجَّدتُ الَّذِي يَحيا إلَى الأبَدِ وَالَّذِي يَملُكُ إلَى الأبَدِ، وَمُلكُهُ يَستَمِرُّ عَبرَ الأجيالِ.
35 o o kuwa dhulka deggan oo dhammu isaga lama simna, siduu doono ayuu ciidanka samada iyo dadka dhulka degganba ka yeelaa; mana jiro mid gacantiisa joojin karaa ama ku odhan karaa, Maxaad samaynaysaa?
«أمامَ قُوَّةِ اللهِ، كُلُّ البَشَرِ عَلَى الأرْضِ كَلا شَيءٍ! هُوَ يَعمَلُ ما يُرِيدُ بِجُندِ السَّماءِ أوْ بِسُكّانِ الأرْضِ! لا يُوجَدُ مَنْ يَستَطِيعُ مَنْعَهُ أوْ مَنْ يَسألُهُ ماذا تَعمَلُ؟
36 I sla markiiba waxgarashadaydii way ii soo noqotay; oo ammaanta boqortooyadayda aawadeed ayaa weynaantaydii iyo dhalaalkaygii iigu soo noqdeen; markaasay waaniyayaashaydii iyo saraakiishaydii i doondooneen, oo boqortooyadaydii baa la ii dhisay, oo derejo aad u weyn baa la iigu daray.
«فِي ذَلِكَ اليَومِ، أعادَ اللهُ إلَيَّ عَقلِي وَمَجدَ مَملَكَتِي وَكَرامَتِي. وَعادَت هَيئَتِي إلَى طَبِيعَتِها. وَعادَ المُستَشارُونَ وَالنُبَلاءُ يَطلُبُونَ نَصِيحَتِي مِنْ جَدِيدٍ. وَعُدْتُ إلَى مَركِزِي كَمَلِكٍ عَلَى مَملَكَتِي. وَحَصَلتُ عَلَى ثَروَةٍ أعظَمَ مِمّا كانَ لِي.
37 H aatan anigoo ah Nebukadnesar waxaan ammaanayaa oo sarraysiinayaa, oo cisaynayaa Boqorka samada, waayo, shuqulladiisa oo dhammu waa run, jidadkiisuna waa xaq; oo kuwa kibirka ku socdana isagaa kara inuu hoosaysiiyo.
أنا نَبُوخَذْناصَّرَ أُسَبِّحُ وَأحمَدُ وَأُكرِمُ مَلِكَ السَّماءِ الَّذِي كُلُّ أعمالِهِ حَقٌّ وَطُرُقُهُ مُستَقِيمَةٌ، وَهُوَ يَقدِرُ أنْ يُذِلَّ المُتَكَبِّرِينَ.»