Bilowgii 17 ~ ﺗﻜﻮﻳﻦ 17

picture

1 O o markuu Aabraam jiray sagaal iyo sagaashan sannadood ayaa Rabbigu u muuqday, oo wuxuu ku yidhi, Waxaan ahay Ilaaha Qaadirka ah; hortayda ku soco, oo mid eed la' ahow.

وَلَمّا بَلَغَ أبْرامُ التّاسِعَةَ وَالتِّسْعِينَ مِنْ عُمْرِهِ، ظَهَرَ لَهُ اللهُ. وَقالَ لَهُ: «أنا اللهُ الجَبّارُ. أطِعْنِي وَعِشْ حَياةً خالِيَةً مِنْ كُلِّ شائِبَةٍ.

2 O o axdigaygaan kula dhigan doonaa, oo anigu aad baan kuu tarmin doonaa.

فَإنْ فَعَلْتَ هَذا، سَأقْطَعُ عَهْداً بَينِي وَبَينَكَ. وَسَأُعطِيكَ نَسلاً كَثِيراً جِدّاً.»

3 M arkaasuu Aabraam wejiga u dhacay; oo Ilaah baa la hadlay isagoo ku leh,

فَسَجَدَ أبْرامُ. فَقالَ لَهُ اللهُ:

4 B al eeg, axdigaygii waa kula jiraaye, oo adigu quruumo badan baad aabbe u noqon doontaa.

«أمّا أنا، فَهَذا هُوَ عَهْدِي مَعَكَ: سَتَكُونُ أصلَ شُعُوبٍ كَثِيرَةٍ.

5 M agacaagana mar dambe lama odhan doono Aabraam, laakiinse magacaagu wuxuu noqon doonaa Ibraahim; waayo, waxaan kaa dhigay quruumo badan aabbahood.

وَلَنْ يَكُونَ اسْمُكَ فِيما بَعْدُ أبْرامَ، بَلْ إبْراهِيمَ. فَقَدْ جَعَلْتُكَ أباً لِشُعُوبٍ كَثِيرَةٍ.

6 A ad baanan kuu badin doonaa, oo quruumo baan kaa samayn doonaa, boqorrona way kaa soo bixi doonaan.

سَأُكَثِّرُ نَسلَكَ، حَتِّى إنِّي سَأجْعَلُ شُعُوباً كَثِيرَةً تَخرُجُ مِنْكَ. وَسَيَخرُجُ مِنْكَ مُلُوكٌ.

7 O o axdigayga waxaan ku adkayn doonaa dhexdeenna iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan, waana axdi weligiis waara, kaas oo ah inaan adiga Ilaah kuu noqdo iyo farcankaaga kaa dambeeya.

وَسَأقْطَعُ عَهْداً أبَدِيّاً بَينِي وَبَينَكَ وَبَينَ نَسلِكَ مِنْ بَعْدِكَ عَلَى مَدَى الأجْيالِ. فَأنا أتَعَهَّدُ بِأنْ أكُونَ إلَهاً لَكَ وَلِنَسلِكَ مِنْ بَعْدِكَ.

8 O o waxaan ku siin doonaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, dhulkii aad sodcaalka ku ahayd, kaas oo ah dalka Kancaan oo dhan inuu idiin ahaado hanti aad weligiin lahaataan; aniguna waxaan ahaan doonaa Ilaahood.

وَسَأُعْطِيكَ وَنَسلَكَ مِنْ بَعْدِكَ الأرْضَ الَّتِي تَتَغَرَّبُ فِيها الآنَ، أرْضَ كَنْعانَ كُلَّها. سَأُعْطِيها لَكَ وَلَهُمْ مَقْتَنَىً أبَدِيّاً. وَسَأكُونُ لَهُمْ إلَهاً.»

9 O o Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Adiguna waa inaad axdigayga xajisaa, adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba, tan iyo qarniyadooda oo dhan.

ثُمَّ قالَ اللهُ لإبْراهِيمَ: «أمّا أنْتَ فاحفَظْ عَهْدِي، أنْتَ وَكُلُّ نَسلِكَ عَلَى مَدَى الأجْيالِ.

10 K anu waa axdigayga aad xajin doontaan, oo inoo dhexeeya aniga iyo adiga iyo farcankaaga kaa dambeeyaba; mid kasta oo lab oo idinku jira waa in la gudaa.

وَهَذا هُوَ عَهْدِي الَّذِي يَنْبَغِي أنْ تَحفَظُوهُ. هَذا هُوَ العَهْدُ بَينِي وَبَينَكَ وَبَينَ نَسلِكَ مِنْ بَعْدِكَ: عَلَى كُلِّ ذَكَرٍ بَينَكُمْ أنْ يُختَنَ.

11 O o waxaad iska gudi doontaan buuryadiinna; waxayna calaamo u noqon doontaa axdiga ina dhex yaal aniga iyo idinka.

اختِنُوا لَحْمَ غُرلَتِكُمْ. هَذِهِ هِيَ العَلامَةُ الَّتِي تَقْبَلُونَها لِلعَهْدِ بَينِي وَبَينَكُمْ.

12 K ii siddeed maalmood jira oo idinku dhex jira waa in la gudaa, mid kasta oo lab tan iyo qarniyadiinna oo dhan, ha ahaado kii gurigaaga ku dhasha ama kii lacag lagaga soo iibsado shisheeyaha oo aan farcankaaga ahayn.

عَلَى كُلِّ ذَكَرٍ ابْنِ ثَمانِيَةِ أيّامٍ أنْ يُخْتَتَنَ عَلَى مَدَى أجْيالِكُمْ. كَما يَنْبَغِي أنْ يُخْتَتَنَ الخَدَمُ الَّذِينَ يُولَدُونَ فِي بَيتِكَ. كَذَلِكَ لِيُخْتَتَنْ كُلُّ مَنِ اشْتَرَيتُمُوهُ بِالمالِ عَبْداً مِنْ أيِّ أجْنَبِيٍّ، حَتَّى وَإنْ لَمْ يَكُنْ مِنْ نَسلِكَ.

13 K ii gurigaaga ku dhasha, iyo kii lacagtaada lagu iibsadoba, waa in la gudaa: axdigayguna wuxuu jidhkiinna ku noqon doonaa axdi weligiis waara.

فَلْيُخْتَتَنْ حَتَّى العَبْدُ المَولُودُ فِي بَيتِكَ أوِ العَبْدُ الَّذِي اشْتَرَيتَهُ بِمالِكَ. وَهَكَذا يَحْمِلُ جَسَدُكَ عَلامَةَ عَهْدِيَ الأبَدِيِّ.

14 O o buuryoqabka lab oo aan buuryadiisa laga gooynin, midkaasu waa ka go'i doonaa dadkiisa; waayo, axdigaygii buu jebiyey.

أمّا الَّذِي يَرْفُضُ أنْ يَخْتِنَ غُرلَتَهُ، فَسَيُقْطَعُ مِنْ شَعبِهِ. فَهَذا قَدْ كَسَرَ عَهْدِي.» إسْحاقُ: ابْنُ الوَعْد

15 O o Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Naagtaada Saarayna magaceeda waa inaadan ugu yeedhin Saaray, laakiinse magaceedu wuxuu ahaan doonaa Saarah.

وَقالَ اللهُ لإبْراهِيمَ: «وَأمّا زَوْجَتُكَ سارايُ، فَلَنْ تُدْعَى سارايُ فِيما بَعْدُ، إذْ سَيَكُونُ اسْمُها سارَةَ.

16 O o iyadaan barakayn doonaa, oo weliba wiil baan kaa siin doonaa; iyadaan barakayn doonaa, oo waxay noqon doontaa quruumo hooyadood; boqorrada dadyowguna iyaday ka iman doonaan.

وَأنا سَأُبارِكُها. وَسَأُعِطِيكَ ابْناً مِنْها. وَسَأُبارِكُها، وَسَتُصْبِحُ أُمّاً لِشُعُوبٍ كَثِيرَةٍ. وَسَيَخرُجُ مُلُوكٌ مِنْها.»

17 M arkaasuu Ibraahim wejiga u dhacay, oo qoslay, oo qalbigiisa wuxuu iska yidhi, Ma ilmaa u dhalan doona nin boqol jir ah? Oo Saarah oo sagaashan jir ihi miyey dhali doontaa?

فأنْكَبَّ إبْراهِيمُ عَلَى وَجْهِهِ، وَضَحِكَ، وَقالَ فِي نَفْسِهِ: «أيُولَدُ ابْنٌ لِرَجُلٍ فِي المِئَةِ مِنْ عُمْرِهِ؟ أمْ يُمْكِنُ لِسارَةَ ذاتِ التِّسْعِينَ سَنَةً أنْ تُنْجِبَ؟»

18 O o Ibraahim wuxuu Ilaah ku yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in Ismaaciil hortaada ku noolaado!

ثُمَّ قالَ إبْراهِيمُ للهِ: «أرْجُو أنْ تُنْعِمَ عَلَى إسْماعِيلَ بِرِضاكَ.»

19 O o Ilaah wuxuu yidhi, Maya, laakiin naagtaada Saarah wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Isxaaq; oo waxaan isaga ku adkayn doonaa axdigayga, kaas oo farcankiisa ka dambeeya u ahaan doona axdi weligiis waara.

فَقالَ اللهُ: «لا بَلْ سارَةُ سَتُنْجِبُ لَكَ وَلَداً، وَأنْتَ سَتُسَمِّيهِ إسْحاقَ. وَسَأحفَظُ عَهْدِي مَعَهُ وَمَعَ نَسلِهِ مِنْ بَعْدِهِ عَهْداً أبَدِيّاً.

20 X agga Ismaaciilna waan ku maqlay; oo bal eeg, isaga waan barakeeyey, waanan badin doonaa, oo aad baan u tarmin doonaa isaga; laba iyo toban amiir buu dhali doonaa, oo quruun weyn baan ka dhigi doonaa.

«أمّا دُعاؤكَ مِنْ أجلِ إسْماعِيلَ، فَقَدْ سَمِعْتُهُ. فَسَأُبارِكُهُ، وَسَأُعْطِيهِ أبْناءً كَثِيرِينَ. وَسَيَكُونُ أباً لاثْنَي عَشَرَ رَئِيساً. وَسَأجْعَلُهُ شَعباً عَظِيماً.

21 L aakiin axdigayga waxaan ku adkayn doonaa Isxaaq kan Saarah kuu dhali doonto sannadda soo socota xilligan oo kale.

أمّا عَهْدِي فَسَأقْطَعُهُ مَعَ إسْحاقَ الَّذِي سَتُنْجِبُهُ سارَةُ لَكَ فِي مِثلِ هَذا الوَقْتِ مِنَ السَّنَةِ القادِمَةِ.»

22 O o kolkuu hadalkii u dhammeeyey, Ilaah waa ka tegey Ibraahim.

وَبَعْدَ أنْ أنْهَى اللهُ كَلامَهُ مَعَ إبْراهِيمَ، اختَفَى عَنْ نَظَرِهِ.

23 M arkaasaa Ibraahim wuxuu kaxaystay wiilkiisii Ismaaciil, iyo intii gurigiisa ku dhalatay oo dhan, iyo kuwii lacagtiisa lagu iibsaday oo dhan, kulli intii labayd oo ka midka ahayd dadkii guriga Ibraahim joogay, oo isla maalintaas ayuu ka guday buuryadoodii sidii Ilaah ku yidhi isaga.

ثُمَّ أخَذَ إبْراهِيمُ ابْنَهُ إسْماعِيلَ وَكُلَّ العَبِيدِ المَولُودِينَ فِي بَيتِهِ وَالَّذِينَ اشْتَراهُمْ بِمالِهِ – أخَذَ كُلَّ ذَكَرٍ فِي بَيتِهِ، وَخَتَنَهُمْ جَميعاً فِي ذَلِكَ اليَوْمِ نَفْسِهِ، كَما أمَرَهُ اللهُ.

24 O o Ibraahim wuxuu jiray sagaal iyo sagaashan sannadood markii laga guday buuryadiisii.

وَكانَ إبْراهِيمُ فِي التّاسِعَةِ وَالتِّسْعِينَ مِنْ عُمْرِهِ عِندَما خُتِنَ فِي لَحْمِ غُرلَتِهِ.

25 W iilkiisii Ismaaciilna wuxuu jiray saddex iyo toban sannadood markii buuryadiisii laga guday.

وَكانَ ابْنُهُ إسْماعِيلُ فِي الثّالِثَةَ عَشْرَةَ مِنْ عُمْرِهِ عِندَما خُتِنَ فِي لَحمِ غُرلَتِهِ.

26 O o isla maalintaas baa la guday Ibraahim iyo wiilkiisii Ismaaciil.

فِي ذَلِكَ اليَوْمِ نَفْسِهِ خُتِنَ إبْراهِيمُ وَابْنُهُ إسْماعِيلُ.

27 O o raggii gurigiisa joogay oo dhan, kuwii gurigiisa ku dhashay, iyo kuwii lacagtiisii shisheeyaha lagaga iibsadayba waa lala guday isaga.

وَخُتِنَ مَعَهُ جَميعُ الذُّكُورِ الَّذِينَ فِي بَيتِهِ، سَواءٌ الَّذِينَ وُلِدُوا عَبِيداً فِي بَيتِهِ، أمِ الَّذِينَ اشْتَراهُمْ بِمالٍ مِنْ أجنَبِيٍّ.