Sekaryaah 2 ~ ﺯﻛﺮﻳﺎ 2

picture

1 O o anna indhahaygii baan kor u qaaday, oo wax baan fiiriyey, oo waxaan arkay nin gacanta ku haysta xadhig qiyaaseed.

ثُمَّ رَفَعْتُ عَينَيَّ وَنَظَرْتُ فَرَأيتُ رَجُلاً يَحمِلُ خَيطَ قِياسٍ.

2 K olkaasaan idhi, War xaggee baad u socotaa? Oo isna wuxuu igu yidhi, Waxaan u socdaa inaan Yeruusaalem soo qiyaaso oo aan soo ogaado intuu ballaadhkeedu yahay, iyo intuu dhererkeedu yahayba.

فَسألْتُهُ: «إلَى أينَ أنتَ ذاهِبٌ؟» فَقالَ لِي: «أنا ذاهِبٌ لِأقِيسَ مَدينَةَ القُدْسِ، لِأعرِفَ كَمْ عَرضُها وَكَمْ طُولُها.»

3 O o bal eeg, malaggii ila hadlay ayaa baxay, oo malag kale ayaa u baxay inuu isaga ka hor tago.

ثُمَّ مضَى المَلاكُ الَّذِي كانَ يَتَكَلَّمُ مَعِي، وَخَرَجَ مَلاكٌ آخَرُ لِلِقائِهِ.

4 O o wuxuu ku yidhi isagii, Orod, oo la hadal ninkaas dhallinyarada ah, oo waxaad ku tidhaahdaa, Yeruusaalem waxaa loo degi doonaa sidii tuulooyin aan deyr lahayn, sababtuna waa dadka tirobadnaantiisa iyo xoolaha iyada dhex jooga daraaddood.

فَقالَ المَلاكُ الأوَّلُ لِلثّانِي: «اركُضْ وَقُلْ لِهَذا الشّابِّ: ‹سَتُسْكَنُ مَدينَةُ القُدْسِ لَكِنْ بِلا أسْوارٍ لأنَّهُ سَيَكُونُ فِيها أُناسٌ وَحَيواناتٌ كَثِيرَةٌ.›

5 W aayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan iyada u noqon doonaa deyr dab ah oo iyada ku wareegsan, oo waxaan iyada u noqon doonaa ammaanta dhexdeeda joogta.

يَقُولُ اللهُ: ‹وَسَأكُونُ أنا سُوراً مِنْ نارٍ حَولَها، وَسَأكُونُ مَجداً فِي وَسَطِها.›» دَعوَةُ اللهِ لِشَعبِه

6 R abbigu wuxuu leeyahay, Warroy dalka woqooyi ka carara, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin kala firdhiyey sida afarta dabaylood oo samada.

يَقُولُ اللهُ: «أسْرِعُوا! اهرُبُوا مِنْ أرْضِ الشَّمالِ. لأنِّي شَتَّتُّكُمْ كَالرِّيحِ فِي كُلِّ اتِّجاةٍ،» يَقُولُ اللهُ.

7 S iyoonay, tan dadka Baabuloon la joogtoy, baxso.

«يا أهَلَ صِهْيَوْنَ السّاكِنينَ فِي بابِلَ، اهرُبُوا مِنْها!»

8 W aayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaan dabadeed wuxuu ii soo diray quruumihii adiga ku dhacay, waayo, kii ku taabto wuxuu taabtaa ishiisa inankeeda.

أكرَمَنِي اللهُ القَدِيرُ، ثُمَّ أرسَلَنِي إلَى الأُمَمِ الَّتِي نَهَبَتْكُمْ وَقالَ عَنكُمْ: «مَنْ يُؤْذِيكُمْ يُؤْذِي عَيني!»

9 W aayo, bal eega, Gacantayda ayaan iyaga ku kor ruxruxi doonaa, oo iyana waxay booli u noqon doonaan kuwii iyaga u adeegi jiray, oo idinna waxaad ogaan doontaan in Rabbiga ciidammadu i soo diray.

وَقالَ: «سَأرفَعُ يَدَيَّ ضِدَّ تِلكَ الأُمَمِ، حَتَّى إنَّ عَبيدَهُمْ سَيَسلِبُونَهُمْ.» حِينَئِذٍ سَتَعرِفُونَ أنَّ اللهَ القَدِيرَ أرسَلَنِي.

10 M agaalada Siyoonay, gabay oo reyree, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waan imanayaa oo dhexdaadaan degganaan doonaa.

يَقُولُ اللهُ: «تَرَنَّمِي وَاحتَفِلِي أيَّتُها الابْنَةُ صِهْيَوْنُ، لِأنِّي سَآتِي لِأسْكُنَ فِيكِ،

11 O o wakhtigaas quruumo badan ayaa Rabbiga isugu darmi doona, oo dadkaygay noqon doonaan, oo dhexdaadaan degganaan doonaa, oo adna waxaad ogaan doontaa in Rabbiga ciidammadii ii soo kaa diray.

سَتَنضَمُّ أُمَمٌ كَثِيرَةٌ للهِ فِي ذَلِكَ الوَقتِ. فَسَيَصِيرُونَ شَعباً لِي، وَأنا سَأسكُنُ فِي وَسْطِكِ يا صِهْيَوْنَ.» حِينَئِذٍ سَتَعرِفِينَ أنَّ اللهَ القَدِيرَ أرسَلَنِي إلَيكِ.

12 O o Rabbiguna dadka dalka Yahuudah wuu dhaxli doonaa iyagoo qaybtiisa ku ah dalka quduuska ah, oo weliba Yeruusaalem buu dooran doonaa.

سَيتَّخِذُ اللهُ يَهُوذا مُلْكاً لَهُ فِي الأرْضِ المُقَدَّسَةِ، وَسَيَختارُ القُدْسَ ثانِيَةً، لِتَكُونَ مَكاناً مُقَدَّساً لَهُ.

13 B inu-aadmiga oo dhammow, Rabbiga hortiisa ku aamusa, waayo, isagu waa ka soo kacay hoygiisii quduuska ahaa.

اصْمُتُوا يا كُلَّ البَشَرِ فِي حَضْرَةِ اللهِ ، فَها هُوَ يَنهَضُ مِنْ مَكانِ سُكناهُ المُقَدَّسِ.