Laawiyiintii 11 ~ ﺍﻟﻼﻭﻳﻲ 11

picture

1 M arkaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun, oo wuxuu ku yidhi.

وَكَلَّمَ اللهُ مُوسَى وَهارُونَ فَقالَ:

2 R eer binu Israa'iil la hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Kuwanu waa waxyaalaha noolnool oo aad ka cunaysaan xayawaanka dhulka jooga oo dhan,

«بَيِّنا لِبَنِي إسْرائِيلَ ما هِيَ الحَيواناتُ الَّتِي يُمكِنُهُمْ أنْ يَأكُلُوها مِنْ الحَيواناتِ البَرِّيَّةِ.

3 W ax alla wixii xayawaan ah oo raafkoodu kala jeexan yahay, oo qanjaafilo leeyahay, oo calyanaqsiga raamsado waa inaad cuntaan.

يُسْمَحُ لَكُمْ أنْ تَأكُلُوا أيَّ حَيوانٍ لَهُ حافِرٌ مَشقُوقٌ وَيَجتَرُّ.

4 H abase yeeshee, kuwan oo ka mid ah kuwa calyanaqsiga raamsado oo raafka jeexan leh waa inaydaan cunin, kuwaasoo ah geela, maxaa yeelay, calyanaqsiga wuu raamsadaa, laakiinse raafkiisu ma kala jeexna, haddaba isagu waa idinka nijaas.

«لَكِنْ لا تَأكُلُوا الحَيواناتِ الَّتِي تَجتَرُّ وَلَيسَ لَها حافِرٌ مَشقُوقٌ. لا تَأكُلُوا الجَمَلَ، فَهُوَ يَجتَرُّ لَكِنْ لَيسَ لَهُ حافِرٌ مَشْقُوقٌ، فَهُوَ نَجِسٌ لَكُمْ.

5 O o waladana ha cunina, maxaa yeelay, iyadu calyanaqsiga way raamsataa, laakiinse raafkeedu ma kala jeexna, haddaba iyadu waa idinka nijaas.

لا تَأكُلُوا الغَرِيرَ فَهُوَ يَجتَرُّ لَكِنْ لَيسَ لَهُ حافِرٌ مَشْقُوقٌ، فَهُوَ نَجِسٌ لَكُمْ.

6 O o bakaylahana ha cunina, maxaa yeelay, isagu calyanaqsiga wuu raamsadaa, laakiinse raafkiisu ma kala jeexna, haddaba isagu waa idinka nijaas.

لا تَأكُلُوا الأرنَبَ، فَهُوَ يَجتَرُّ، لَكِنْ لَيسَ لَهُ حافِرٌ مَشْقُوقٌ، فَهُوَ نَجِسٌ لَكُمْ.

7 O o doofaarkana ha cunina, maxaa yeelay, isaga raafkiisu waa kala jeexan yahay, oo qanjaafiluu leeyahay, laakiinse calyanaqsiga ma raamsado, sidaas daraaddeed isagu waa idinka nijaas.

لا تَأكُلُوا الخِنزِيرَ، إذْ لَهُ حافِرٌ مَشقُوقٌ، لَكِنَّهُ لا يَجتَرُّ، فَهُوَ نَجِسٌ لَكُمْ.

8 H addaba kuwaas hilibkooda waa inaydaan cunin, oo baqtigoodana waa inaydaan taaban, maxaa yeelay, iyagu waa idinka nijaas.

لا تَأكُلُوا مِنْ لَحمِ هَذِهِ الحَيَواناتِ وَلا تَلمِسُوا جُثَثَها، فَهِيَ نَجِسَةٌ لَكُمْ. الحَيواناتُ البحريّة

9 W axa biyaha ku dhex jira oo dhan kuwan ka cuna: wax alla wixii baalal iyo qolfo leh oo ku dhex jira biyaha iyo badaha iyo webiyada cuna.

«وَمِنَ الحَيواناتِ البَحرِيَّةِ تَأكُلُونَ كُلَّ شَيءٍ يَعِيشُ فِي الماءِ – فِي البِحارِ أوِ الأنهارِ – وَلَهُ زَعانِفُ وَحَراشِفُ.

10 L aakiinse wax alla wixii aan baalal iyo qolfo lahayn oo ku dhex jira badaha iyo webiyada, iyo waxa biyaha ku dhex dhaqdhaqaaqa oo dhan, iyo kulli waxyaalaha noolnool oo biyaha ku dhex jira oo dhammu waa idinka karaahiyo.

أمّا ما يَعِيشُ فِي البِحارِ أوِ الأنهارِ وَلَيسَتْ لَهُ زَعانِفُ وَحَراشِفُ مِنْ كُلِّ الكائِناتِ الَّتِي تَزحَفُ فِي الماءِ أوِ الكائِناتِ المائِيَّةِ الأُخرَى، فَمُحَرَّمٌ عَلَيْكُمْ،

11 H addaba iyagu waa inay karaahiyo idinka ahaadaan; idinku waa inaydaan hilibkooda cunin, oo baqtigoodana waa inuu karaahiyo idinka ahaadaa.

وَسَيبقَى مُحَرَّماً. فَلا تَأكُلُوا لَحمَها وَلا تَلمِسُوا جُثَثَها كَي لا تَتَنَجَّسُوا.

12 W ax alla wixii biyaha ku dhex jira oo aan lahayn baalal iyo qolfo waa idinka karaahiyo.

كُلُّ كائِنٍ فِي الماءِ لَيسَتْ لَهُ زَعانِفُ وَحَراشِفُ يَكُونُ مُحَرَّماً. الطُّيُور

13 O o haaddana waxaa idinka karaahiyo ah kuwan, oo iyaga waa inaan la cunin, waayo, iyagu waa karaahiyo, waana baqalyada, iyo babawga, iyo saratoosiyaha,

«وَتَمقُتُونَ الطُّيُورَ التّالِيَةَ فَلا تَأكُلُوها لأنَّها نَجِسَةٌ: النَّسرَ وَالأنُوقَ وَالعُقابَ،

14 i yo xuunshada, iyo shimbirlaayaha, iyo faragooysta caynkeeda,

وَالحِدَأةَ وَكُلَّ أنواعِ الصُّقُورِ،

15 i yo cayn kasta oo tuke ah,

وَكُلَّ أنواعِ الغِربانِ،

16 i yo gorayada, iyo aboodiga, iyo shimbirbadeedda, iyo cayn kasta oo haadka adag,

وَالنَّعامَةَ وَالخُطّافَ وَالنَّورَسَ وَكُلَّ أنواعِ البازِ،

17 i yo guumaysta yar, iyo xeebajoogta iyo guumaysta weyn,

وَالبُومَ وَالغَوّاصَ وَالكُرْكِيَّ،

18 i yo guumaysgeesaleyda, iyo cantalyaaga, iyo gorgorka,

وَالبَجَعَ وَالقُوقَ وَالرَّخَمَ،

19 i yo xuurta, iyo haadbiyoodda iyo caynteeda, iyo ceelajoogjoogta, iyo fiidmeerta.

وَاللَّقلَقَ وَمالِكِ الحَزِينِ بِأنْواعِهِ وَالهُدهُدَ وَالخَفّاشَ. الحَشَرات

20 O o wax baalal leh oo gurguurta oo afarta addinba ku socda dhammaantood waa idinka karaahiyo.

«لا تَأكُلُوا كُلَّ حَشَرَةٍ لَها أجنِحَةٌ وَتَسِيرُ عَلَى أربَعِ.

21 L aakiinse wax baalal leh oo gurguurta oo afarta addinba ku socda dhammaantood waxaad ka cuni kartaan kuwa addimmada ku leh cagahooda ka kor, oo dhulka ku kor boodbooda,

وَلَكِنْ تَأكُلُونَ الحَشَراتِ الَّتِي لَها أجنِحَةٌ وَتَسِيرُ عَلَى أربَعِ فَقَطْ إنْ كانَ لِسِيقانِها مَفاصِلُ فَوقَ رِجلَيها لِتَقفِزَ بِهِما عَلَى الأرْضِ.

22 i yaga waxaad ka cuntaan kuwa caynkan ah oo ah ayaxa iyo caynkiisa, iyo kabajaanka iyo caynkiisa, iyo jiriqsiga iyo caynkiisa, iyo koronkorrada iyo caynkeeda.

فَتَأكُلُونَ كُلَّ أنواعِ الجَرادِ وَكُلَّ أنواعِ الدَّبا وَكُلَّ أنواعِ الحَرْجُوانِ وَكُلَّ أنواعِ الجَنادِبِ.

23 L aakiinse wax baalal leh oo gurguurta oo afarta cagood lahu, waa idinka karaahiyo.

«وَأمّا الحَشَراتُ الَّتِي لَها أجنِحَةٌ وَتَسِيرُ عَلَى أربَعِ، فامْتَنِعُوا عَنْها.

24 O o kuwaas idinku waad ku nijaasoobaysaan, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii,

هَذِهِ الكائِناتُ تُنَجِّسُكُمْ. فَكُلُّ مَنْ يَلمِسُ جُثَثَها يَكُونُ نَجِساً إلَى المَساءِ.

25 o o ku alla kii baqtigooda wax ka qaadaa waa inuu dharkiisa maydhaa, oo nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

وَكُلُّ مَنْ يَحمِلُ جُزءاً مِنْ جُثَثِها، فَلِيَغْسِلْ ثِيابَهُ. وَسَيَبقَى نَجِساً إلَى المَساءِ. المزيدُ عَنِ الحيوانات

26 X ayawaan kasta oo raafkiisu kala jeexan yahay, oo aan qanjaafilo lahayn ama aan calyanaqsiga raamsan waa idinka nijaas, oo ku alla kii iyaga taabtaana wuu nijaasoobayaa.

«كُلُّ حَيوانٍ لَهُ حافِرٌ غَيرُ مَشقُوقٍ، أوْ لا يَجتَرُّ، هُوَ نَجِسٌ لَكُمْ، وَكُلُّ مَنْ يَلمِسُهُ يَصِيرُ نَجِساً.

27 O o xayawaanka afarta addinba ku socda, wax alla wixii baabacooyinka ku socdaa waa idinka nijaas, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

كَذَلِكَ كُلُّ مَنْ يَمْشِي عَلَى خُفٍّ مِنَ الحَيواناتِ الَّتِي تَمْشِي عَلَى أربَعَ، فَهُوَ نَجِسٌ لَكُمْ، وَكُلُّ مَنْ يَلمِسُها يَصِيرُ نَجِساً إلَى المَساءِ.

28 O o kii baqtigooda qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa, waayo, iyagu waa idinka nijaas.

وَكُلُّ مَنْ يَحمِلُ جُثَثَها، لِيَغْسِلْ ثِيابَهُ. وَسَيَبقَى نَجِساً إلَى المَساءِ. إنَّها نَجِسَةٌ لَكُمْ. الحَيواناتُ الزّاحِفَة

29 O o waxa dhulka ku gurguurta oo dhan kuwanu waa kuwa idinka nijaas ah, waana fadhanfadhka, iyo jiirka, iyo amuurka iyo caynkiisa oo dhan,

«وَالحَيواناتُ الزّاحِفَةُ الَّتِي تَزحَفُ عَلَى الأرْضِ نَجِسَةٌ لَكُمْ: الخُلْدُ وَالفَأْرُ وَكُلُّ أنواعِ السَّحالِي الكَبيرَةُ،

30 i yo ilweynta iyo maansalugaleyda, iyo qorratada, iyo mulaca, iyo jirjirroolaha.

وَالحَرذُونُ وَالتِمْساحَ وَالعَضاءَةُ وَسِحلِيَّةُ الرَّملِ وَالحِرباءُ.

31 O o waxa gurguurta oo dhan kuwaasu waa kuwa idinka nijaas ah, oo ku alla kii taabtaa markay dhintaan nijaas buu ahaan doonaa tan iyo fiidkii.

هَذِهِ الحَيواناتُ الزّاحِفَةُ نَجِسَةٌ لَكُمْ، وَكُلُّ مَنْ يَلمِسُ جُثَثَها يَكُونُ نَجِساً إلَى المَساءِ. احكامٌ تَتَعلّق بالحيوانات النّجسة

32 O o wax alla wixii ay ku dhacaan markay dhintaan, nijaas bay ahaan doonaan, hadday yihiin weel qori ah, ama dhar, ama harag, ama joonyad, weelkaasu wax kasta ha ahaadee haddii wax loogu isticmaalo waa in biyo la dhex geliyaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa, oo markaas dabadeedna daahir buu ahaanayaa.

«إنْ وَقَعَ أيٌّ مِنَ الحَيواناتِ النَّجِسَةِ المَيِّتَةِ عَلَى شَيءٍ، فَإنَّهُ يَكُونُ نَجِساً. أيِّ وِعاءٍ خَشَبِيٍّ أوْ ثِيابٍ أوْ جِلْدٍ أوْ قُماشٍ مِنْ شَعرِ الماعِزِ أوْ أيَّةِ أداةٍ تُستَخدَمُ لِأيِّ غَرَضٍ تُوضَعُ فِي الماءِ، وَسَتَبقَى نَجِسَةً إلَى المَساءِ حَيثُ تُصبِحُ طاهِرَةً.

33 O o weelkii dhoobo ah oo mid iyaga ka mid ahu gudihiisa ku dhaco, wax alla wixii weelkaas gudihiisa ku jiraaba way nijaasoobi doonaan, oo weelkiina waa inaad jebisaan.

إنْ سَقَطَ أيٌّ مِنْها فِي وِعاءٍ خَزَفِيٍّ، فَإنَّ أيَّ شَيءٍ فِي الوِعاءِ يُصبِحُ نَجِساً. فاكْسِرِ الوِعاءَ.

34 O o waxa la cuno oo ku jira oo biyo gaadhaanba way nijaasoobi doonaan, oo weelka caynkaas ah waxa la cabbo oo ku jira oo dhammuna way nijaasoobi doonaan.

إنِ انْسَكَبَ ماءٌ مِنْ وِعاءٍ نَجِسٍ عَلَى أيِّ طَعامٍ طاهِرٍ فَإنَّهُ يَصِيرُ نَجِساً. وَكُلُّ شَرابٍ يُوضَعُ فِي وِعاءٍ نَجِسٍ، يَصِيرُ نَجِساً.

35 O o wax alla wixii wax baqtigooda ahu ku dhacaanba way nijaasoobi doonaan, hadday yihiin foorno ama sholad, waa in la burburiyaa, waayo, iyagu waa nijaas, waana inay nijaas idinka ahaadaan.

وَإنْ سَقَطَ أيُّ جُزءٍ مِنْ جُثَثِها عَلَى أيِّ شَيءٍ، فَإنَّهُ يَصِيرُ نَجِساً. فَإنْ وَقَعَ عَلَى تَنُّورٍ أوْ فُرنٍ، يَنبَغِي أنْ يُهدَمَ. كُلُّ هَذِهِ الأشْياءِ تَصيرُ نَجِسَةً، وَتَبقَى نَجِسَةً.

36 H abase yeeshee il amase god ay biyo badanu ku jiraan daahir bay ahaanayaan, laakiinse wixii baqtigooda taabtaa way nijaasoobayaan.

«وَأمّا النَّبعُ أوِ البِئْرُ اللَّذانِ يَجمَعانِ الماءَ فَيَبقَيانِ طاهِرَينِ، لَكِنْ كُلُّ شَخصٍ يَلمِسُ الجُثَثَ السَّاقِطَةَ فِي الماءِ يَصِيرُ نَجِساً.

37 O o wax baqtigooda ahu hadday ku dhacaan abuur la abuurayo, kaasu waa daahir.

وَإنْ وَقَعَ مِنْ جُثَثِها عَلَى بُذُورٍ لِلزِراعَةِ فَإنَّها تَبقَى طاهِرَةً.

38 L aakiinse abuurka haddii biyo lagu shubo oo wax baqtigooda ahu ay ku dhacaan markaas waa idinka nijaas.

لَكِنْ إنْ كانَ عَلَى البُذُورِ ماءٌ، وَسَقَطَ عَلَيها أيُّ جُزءٍ مِنْ جُثَثِها، فَإنَّ البُذُورَ تُصبِحُ نَجِسَةً.

39 O o xayawaanka aad cuni kartaan midkood hadduu dhinto, kii baqtigiisa taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

«وَإنْ ماتَ حَيوانٌ مِنَ الحَيواناتِ الَّتِي تَأكُلُونَها، فَمَنْ يَلمِسُ جُثَّتَهُ يَكُونُ نَجِساً إلَى المَساءِ.

40 O o neefkaas baqtigiisa qofkii cunaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii, oo kii neefka baqtigiisa qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

كُلُّ مَنْ يَأكُلُ مِنْ جُثَّتِهِ، فَليَغْسِلْ ثِيابَهُ. وَسَيَكُونُ نَجِساً إلَى المَساءِ. وَكَذَلِكَ كُلُّ مَنْ يَحمِلُهُ، فَليَغْسِلْ ثِيابَهُ. وَسَيَكُونُ نَجِساً إلَى المَساءِ.

41 O o wax kasta oo dhulka ku gurguurtaaba waa karaahiyo, oo waa inaan la cunin.

«كُلُّ كائِنٍ يَزحَفُ عَلَى الأرْضِ مَكْرُوهٌ فَلا تَأكُلُوهُ.

42 W ax alla wixii bogga ku socda, iyo wax alla wixii afar addin ku socda, amase wax alla wixii addimmo badan leh, kuwaas oo ah waxyaalaha dhulka ku gurguurta oo dhan, waa inaydaan cunin, waayo, iyagu waa karaahiyo.

لا تَأكُلُوا أيَّ كائِنٍ يَزحَفُ عَلَى الأرْضِ عَلَى بَطنِهِ أمْ عَلَى أربَعِ أمْ عَلَى أقدامٍ كَثِيرَةٍ، فَإنَّهُ مَكرُوهٌ.

43 I dinku waa inaydaan karaahiyo iskaga dhigin waxa dhulka ku gurguurta oo dhan, oo waa inaydaan iyaga isku nijaasayn si aydaan iyaga ugu nijaasoobin.

لا تُدَنِّسُوا أنفُسَكُمْ بِأيِّ حَيوانٍ زاحِفٍ. لا تُنَجِّسُوا أنفُسَكُمْ بِها فَتَصِيرُوا نَجِسِينَ.

44 W aayo, anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, haddaba isdaahiriya oo quduus ahaada, maxaa yeelay, anigu quduus baan ahay. Oo waa inaydaan isku nijaasayn cayn kasta oo ah waxa gurguurta oo dhulka ku kor dhaqdhaqaaqa.

لِأنِّي أنا إلَهُكُمْ. احفَظُوا أنفُسَكُمْ مُقَدَّسِينَ لِأنِّي أنا قُدُّوسٌ. فَلا تُنَجِّسُوا أنفُسَكُمْ بِالحَيواناتِ الزّاحِفَةِ.

45 W aayo, anigu waxaan ahay Rabbigii dalkii Masar idinka soo bixiyey inuu Ilaah idiin ahaado, haddaba sidaas daraaddeed waa inaad quduus ahaataan, waayo, anba quduus baan ahay.

لِأنِّي أنا اللهُ الَّذِي أخرَجَكُمْ مِنْ أرْضِ مِصْرَ لِأكُونَ إلَهَكُمْ. كُونُوا مُقَدَّسِينَ، لِأنِّي أنا قُدُّوسٌ.»

46 H addaba intaasu waa sharciga ku saabsan xayawaanka, iyo haadda, iyo wax kasta oo nool oo biyaha ku dhex dhaqdhaqaaqa, iyo wax kasta oo dhulka ku gurguurta;

هَذِهِ هِيَ الشَّرائِعُ المُتَعَلِّقَةُ بِالحَيواناتِ البَرِّيَة وَالطُّيُورِ وَالكائِناتِ البَحرِيَّةِ وَالحَيواناتُ الزّاحِفَةُ.

47 s i loo kala duwo waxa nijaasta ah iyo waxa daahirka ah, iyo waxa nool oo la cuni karo iyo waxa nool ee aan la cuni karin.

وَذَلِكَ لِكَي يُمَيِّزَ الشَّعْبُ بَينَ النَّجِسِ وَالطّاهِرِ مِنَ الحَيواناتِ، وَما يُمكِنُ أكلُهُ مِنْها وَما لا يُمكِنُ أكلُهُ.