Xaakinnada 15 ~ ﺍﻟﻘﻀﺎﺓ 15

picture

1 L aakiinse wakhti yar dabadeed ayuu Samsoon xilligii sarreenka la goosan jiray soo booqday naagtiisii, isagoo orgi yar wada. Markaasuu yidhi, Naagtayda waxaan ugu tegayaa qowladda. Laakiinse aabbeheed uma uu oggolaanin inuu u tago.

وَبَعْدَ فَتْرَةٍ، ذَهَبَ شَمْشُونُ فِي أيّامِ الحَصادِ لِزِيارَةِ زَوجَتِهِ، وَأخَذَ مَعَهُ جِدْياً. وَقالَ: «أُرِيدُ أنْ أدخُلَ إلَى غُرفَةِ زَوجَتِي.» لَكِنَّ وَالِدَها لَمْ يَسْمَحْ لَهُ بِالدُّخُولِ.

2 O o aabbeheedna wuxuu yidhi, Sida runta ah waxaan mooday inaad nacday iyada, sidaas daraaddeed waxaan siiyey saaxiibkaa. Walaasheeda ka yari sow kama qurux badna? Haddaba waan ku baryayaaye, meesheedii ka qaado iyada.

وَقالَ لَهُ: «حَسِبْتُكَ قَدْ تَخَلَّيتَ عَنْها، فَزَوَّجْتُها لِرَفِيقِكَ. ألَيسَتْ أُختُها الأصْغَرُ أجمَلَ مِنْها؟ فَتَزَوَّجْها.»

3 M arkaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Markan anigu eed kuma lahaan doono markaan belaayo ku sameeyo reer Falastiin.

فَقالَ لَهُ شَمْشُونُ: «لا لَوْمَ عَلَيَّ الآنَ إنْ آذَيتُ الفِلِسْطِيِّينَ.»

4 M arkaasuu Samsoon tegey, oo wuxuu soo qabsaday saddex boqol oo dawaco, oo intuu qoryo soo qaaday ayuu dabooyinka isugu xidhay, oo qoryihiina wuxuu ku dhex xidhay laba dabo oo kasta.

فَذَهَبَ شَمْشُونُ وَأمسَكَ بِثَلاثِ مِئَةِ ثَعلَبٍ. وَأخَذَ مَشاعِلَ وَرَبَطَ الثَّعالِبَ ذَنَباً بِذَنَبٍ، وَوَضَعَ مِشْعَلاً بَينَ كُلِّ ذَنَبَينِ مَربُوطَينِ.

5 O o markuu qoryihii dab ku dhejiyey dabadeed ayuu dawacooyinkii ku sii dhex daayay beerihii sarreenka ahaa oo reer Falastiin, markaasaa waxaa gubtay sarreenkii beeraha dhex tuulnaa iyo kii weli taagnaa, iyo weliba beerihii saytuunka ahaa.

ثُمَّ أشعَلَ النّارَ فِي المَشاعِلِ، وَأطلَقَ الثَّعالِبَ بَينَ زُرُوعِ الفِلِسْطِيِّينَ، فَأحرَقَ كُلَّ شَيءٍ: الحُبُوبَ المَخزُونَةَ، وَالحُبُوبَ المَزرُوعَةَ، وَالكُرُومَ وَبَيّاراتِ الزَّيتُونِ.

6 M arkaasay reer Falastiin yidhaahdeen, Yaa waxakan sameeyey? Kolkaasay yidhaahdeen, Waxaa sameeyey Samsoon oo ah wiilka uu kan reer Timnaad soddogga u yahay, maxaa yeelay, isagu wuxuu ka qaaday naagtiisii, oo wuxuu siiyey saaxiibkiis. Kolkaasay reer Falastiin yimaadeen oo iyadii iyo aabbeheedba dab bay ku gubeen.

فَقالَ الفِلِسْطِيُّونَ: «مَنْ فَعَلَ هَذا؟» فَقيلَ: «شَمْشُونُ، صِهْرُ التِّمْنِيِّ هُوَ الَّذِي فَعَلَ هَذا. لِأنَّ التِّمْنِيَّ أخَذَ زَوْجَةَ شَمْشُونَ وَأعطاها لِرَفِيقِهِ.» فَصَعِدَ الفِلِسْطِيُّونَ وَأحرَقُوها هَيَ وَأباها بِالنّارِ.

7 K olkaasuu Samsoon iyagii ku yidhi, Haddaad sidatan yeeshaan, hubaal waan idinka aargudan doonaa, oo dabadeedna waan joogsan doonaa.

فَقالَ لَهُمْ شَمْشُونُ: «قَدْ فَعلْتُمْ هَذا العَمَلَ الرَّدِيءَ بِي، وَلِذا فَإنِّي أُقْسِمُ إنَّنِي سَأنتَقِمُ مِنْكُمْ، وَبَعْدَ ذَلِكَ سَأسْتَريحُ.»

8 M arkaasuu aad iyo aad u laayay, dabadeedna intuu dhaadhacay ayuu degay dillaacii dhagaxa weyn oo Ceetaam.

فَهاجَمَهُمْ بِشَراسَةٍ وَقَتَلَ كَثِيرِينَ مِنْهُمْ. ثُمَّ نَزَلَ وَسَكَنَ فِي كَهْفٍ فِي صَخْرَةِ عِيطَمَ.

9 M arkaasay reer Falastiin intay tageen degeen dhulka Yahuudah, oo waxay ku dhex firdheen Lexii.

فَصَعِدَ الفِلِسْطِيُّونَ وَخَيَّمُوا فِي يَهُوذا، وَانْتَشَرُوا فِي لَحْيَ.

10 O o markaasay raggii reer Yahuudah ku yidhaahdeen, War maxaad noogu soo duusheen? Oo iyana waxay ku yidhaahdeen, Waxaannu u nimid inaannu Samsoon soo xidhno oo ku samayno wixii uu nagu sameeyey oo kale.

فَقالَ رِجالُ يَهُوذا لَهُمْ: «لِماذا جَئْتُمْ لِمُقاتَلَتِنا؟» فَقالَ الفِلِسْطِيُّونَ: «جِئْنا لِكَي نُقَيِّدَ شَمْشُونَ لِكَي نَفْعَلَ بِهِ كَما فَعَلَ بِنا.»

11 M arkaasaa dillaacii dhagaxa weyn oo Ceetaam waxaa ku dhaadhacay saddex kun oo nin oo reer Yahuudah ah, oo waxay Samsoon ku yidhaahdeen, War miyaanad ogayn inay reer Falastiin inoo taliyaan? Oo haddaba waa maxay waxakan aad nagu samaysay? Oo isna wuxuu ku yidhi, Wixii ay igu sameeyeen oo kale ayaan anna ku sameeyey iyaga.

فَنَزَلَ ثَلاثَةُ آلافِ رَجُلٍ مِنْ يَهُوذا إلَى صَخْرَةِ عِيطَمَ، وَقالُوا لِشَمْشُونَ: «ألا تَعرِفُ أنَّ الفِلِسْطِيِّينَ يَحكُمُونَنا؟ فَما هَذا الَّذِي فَعَلْتَهُ بِنا؟» فَقالَ لَهُمْ: «كَما فَعَلُوا بِي فَعَلْتُ بِهِمْ.»

12 M arkaasay isagii ku yidhaahdeen, Waxaannu u nimid inaannu ku xidhno, si aannu gacanta kuugu gelinno reer Falastiin. Kolkaasuu Samsoon ku yidhi iyagii, Ii dhaarta inaydnaan idinku i dilayn.

فَقالُوا لَهُ: «لَقَدْ نَزَلْنا لِكَي نُقَيِّدَكَ وَنُسَلِّمَكَ إلَى الفِلِسْطِيِّينَ.» فَقالَ لَهُمْ شَمْشُونُ: «احلِفُوا لِي أنَّكُمْ لَنْ تُصيبوني بِأذَى.»

13 O o intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Maya; laakiinse aad baannu kuu xidhaynaa oo gacantoodaannu ku gelinaynaa; laakiinse hubaal annagu ku dili mayno. Markaasay laba xadhig oo cusub ku soo xidheen, oo intay dhagaxii weynaa ka soo bixiyeen ayay kor u kexeeyeen.

فَقالُوا لَهُ: «لَنْ نُصيبَكَ بِأذَى، وَإنَّما سَنُقَيِّدُكَ وَنُسَلِّمُكَ إلَيْهِمْ، لَنْ نَقتُلَكَ.» فَقَيَّدُوهُ بِحَبلَينِ جَدِيدَينِ، وَأصعَدُوهُ مِنْ صَخْرَةِ عِيطَمَ.

14 O o markuu Lexii yimid ayay reer Falastiin qayliyeen intay ka hor yimaadeen. Markaasuu Ruuxii Rabbigu aad ugu soo degay isagii, oo xadhkihii gacmihiisa ku xidhnaa waxay noqdeen sidii geed linen ah oo dab lagu gubay, birihiina way ka dhaceen gacmihiisii.

وَجاءُوا إلَى لَحْيٍ. فَجاءَ الفِلِسْطِيُّونَ لِلِقائِهِ وَهُمْ يَهْتِفُونَ فَرَحاً. فَحَلَّ رُوحُ اللهِ عَلَى شَمْشُونَ بِقُوَّةٍ، فَصارَتِ الحِبالُ الَّتِي عَلَى ذِراعَيهِ كَخُيُوطِ الكِتّانِ المُحتَرِقِ، فَتَفَسَّخَتِ القُيُودُ عَلَى يَدَيهِ.

15 M arkaasuu helay daan dameer oo cusub, oo intuu gacantiisii fidiyey ayuu ku qaatay, oo wuxuu daankii ku laayay kun nin.

ثُمَّ وَجَدَ فَكَّ حِمارٍ طَرِيّاً، فَمَدَّ يَدَهُ وَأخَذَهُ، وَقَتَلَ بِهِ ألفَ رَجُلٍ.

16 O o Samsoonna wuxuu yidhi, Dameer daankiis ayaan taallo taallo ku dul dhigay, Oo dameer daankiis ayaan kun nin ku laayay.

ثُمَّ قالَ شَمْشُونُ: «بِفَكِّ حِمارٍ، صَنَعْتُ كَوْمَةَ رِجالٍ، بَلْ كَوْمَتَينِ. بِفَكِّ حِمارٍ قَتَلْتُ ألفَ رَجُلٍ.»

17 O o markuu hadalkii dhammeeyey ayuu daankii iska xooray, oo meeshaasna waxaa loo bixiyey Raamad Lexii.

وَلَمّا أنهَى كَلامَهُ، رَمَى بِالفَكِّ بَعِيداً. وَسُمِّيَ ذَلِكَ المَكانُ رَمَتَ لَحْيٍ.

18 O o markaasuu aad u oomay, oo Rabbiguu baryay, oo wuxuu yidhi, Adaa samatabbixintan weyn gacantayda siiyey, anoo addoonkaaga ah, de haddaba ma waxaan u dhimanayaa oon, oo ma waxaan gelayaa gacanta kuwa buuryoqabka ah?

وَعَطِشَ شَمْشُونُ، فَصَرَخَ إلَى اللهِ: «أنتَ نَصَرْتَ عَبْدَكَ هَذا الانتِصارَ العَظيمَ، فَهَلْ أمُوتُ الآنَ مِنَ العَطَشِ؟ وَأقَعُ فِي أيدِي الفِلِسْطِيِّينَ اللّامَختُونِينَ؟»

19 M arkaasaa Ilaah wuxuu kala dillaaciyey meeshii qodnayd oo Lexii ku tiil, oo waxaa ka soo baxay biyo, oo markuu cabbay ayaa naftiisii soo noqotay, wuuna noolaaday. Taas aawadeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Ceyn Haqooree, oo xataa maanta waxay ku taal Lexii.

فَشَقَّ اللهُ المُنْخَفَضَ الّذي فِي لَحْيٍ، فَخَرَجَ ماءٌ مِنَ الأرْضِ. فَشَرِبَ شَمْشُونُ، وَعادَتْ إلَيهِ قُوَّتُهُ وَانتَعَشَ. فَسُمِّيَ النَّبْعُ عَينَ هَقُّورِي. وَهِيَ فِي لَحْيٍ إلَى يَومِنا هَذا.

20 O o isna wakhtigii reer Falastiin wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay labaatan sannadood.

فَقَضَى شَمْشُونُ لِبَنِي إسْرائِيلَ فِي أيّامِ الفِلِسْطِيِّينَ عِشْرِينَ سَنَةً.