Yeremyaah 12 ~ ﺃﺭﻣﻴﺎء 12

picture

1 R abbiyow, xaq baad tahay markaan kula muddaco, haddaba bal aan xukummadaada kaala hadlo. Sharrowyada jidkoodu bal muxuu u hagaagaa? Oo kuwa khiyaano kula macaamiloodo oo dhammuna bal maxay u nabdoon yihiin?

يا اللهُ ، سَتَكُونُ أنتَ عَلَى حَقٍّ دائِماً، لَوْ دَخَلْتُ فِي مُخاصَمَةٍ ضِدَّكَ. لَكِنِ اسْمَحْ لِي فَأعْرِضَ عَلَيكَ أسئِلَتِي: لِماذا يَزدَهِرُ طَرِيقُ الأشرارِ؟ لِماذا يَعِيشُ غَيرُ الصّادِقِينَ بِراحَةٍ؟

2 I yagaad beertay, oo weliba xidid bay yeesheen, way koraan, oo midhay dhalaan. Adigu afkooda waad ku dhow dahay, laakiinse qalbigooda waad ka fog tahay.

زَرَعْتَهُمْ فَصارَتْ لَهُمْ جُذُورٌ، ازدَهَرُوا وَحَمَلُوا ثَمَراً. يَتَكَلَّمُونَ عَنكَ بِشَكلٍ مُستَمِرٍّ، لَكِنَّهُمْ لَيسُوا صادِقِينَ.

3 L aakiinse, Rabbiyow, adigu waad i taqaan, waanad i aragtaa, oo qalbigaygana xaggaagaad u tijaabisaa. Iyaga u soo bixi sida ido la gowracayo, oo u diyaari maalinta gowracidda.

لَكِنْ يا اللهُ ، أنتَ تَعرِفُنِي أنتَ رَأيتَنِي، وَقَدِ اختَبَرتَ قَلبِي بِنَفسِكَ. اسحَبهُمْ كَغَنَمٍ لِلذَّبحِ، أفرِزْهُمْ لِيَومِ القَتلِ.

4 I laa goormuu dalku sii barooranayaa, oo uu waddanka oo dhan dooggiisu engegayaa? Xumaanta kuwa dhex deggan aawadeed ayaa xayawaankii iyo shimbirrihiiba wada baabbe'een, maxaa yeelay, dadku waxay yidhaahdeen, Isagu ugudambaystayada ma uu arki doono. Jawaabtii Ilaah

إلَى مَتَى سَتَبقَى الأرْضُ جافَّةً، وَعُشبُ كُلِّ الحُقُولِ ذابِلاً؟ بِسَبَبِ شَرِّ سُكّانِها. وَوُحُوشُ الأرْضِ وَالطُّيُورُ فَنِيَتْ. أعرِفُ أنَّهُمْ أشرارٌ لأنَّهُمْ يُقُولُونَ: «لَنْ يَرَى ما سَيَحدُثُ لَنا فِي المُستَقبَلِ.» جَوابُ اللهِ لإرْمِيا

5 H addaad rag lug ah la orodday oo ay ku daaliyeen, haddaba bal sidee baad fardo ula tartami kartaa? Oo haddii lagugu daaliyo dalkii nabadda ahaa oo aad isku hallaynaysay, haddaba bal maxaad ku dhex samayn doontaa kibirka Webi Urdun?

فَقالَ اللهُ: «إنْ تَسابَقْتَ مَعَ النّاسِ فَأنهَكُوكَ، فَكَيفَ سَتُنافِسُ الخَيلَ. وَإنْ كُنتَ تَسْقُطُ فِي الأرْضِ الآمِنَةِ، فَماذا سَتَفعَلُ فِي الغاباتِ المُحِيطَةِ بِنَهرِ الأُردُنِّ.

6 W aayo, xataa walaalaha iyo reerkii aabbahaaba khiyaano bay kugula macaamiloodeen, oo weliba aad bay kaaga soo daba qayliyeen. In kastoo ay erayo wanaagsan kugula hadlaan, ha rumaysan.

حَتَّى أقرِباؤُكَ كانُوا كاذِبِينَ مَعَكَ، وَهُمْ أنفُسُهُمْ صَرَخُوا عَلَيكَ. لا تَثِقْ بِهِمْ، حَتَّى وَإنْ قالُوا لَكَ كَلاماً جَميلاً. رَفضُ اللهِ لِشَعبِهِ يَهُوذا

7 A nigu gurigaygii waan ka tegey, oo dhaxalkaygiina waan iska xooray, oo tii ay naftaydu aad u jeclaydna waxaan gacanta u geliyey cadaawayaasheedii.

«تَرَكتُ بَيتِي، هَجَرتُ مِيراثِي. سَلَّمتُ حَبِيبَةَ قَلبِي لِيَدِ أعدائِها.

8 T an dhaxalkaygii ahayd waxay igu noqotay sidii libaax kaynta ku jira oo kale, codkeeday kor iigu qaadday, oo sidaas daraaddeed waan nebcaaday.

صارَ مِيراثِي لِي كَأسَدٍ فِي الغابَةِ. رَفَعْتْ عَلَيَّ صَوتَها، فَرَفَضْتُها.

9 T an dhaxalkaygii ahayd waxay igu tahay xaad birdhicyo leh oo kale, oo xaadka hareereheeda ku wareegsan oo dhammuna waa ku col iyada. Taga oo xayawaanka duurka oo dhan soo wada ururiya, oo soo wada kaxeeya ha cuneene.

هَلِ الضَّبعُ جائِعٌ لأرْضِي وَشَعبِي؟ أحاطَتْ بِهِمُ الطُّيُورُ الجارِحَةُ. تَعالَي أيَّتُها الحَيواناتُ البَرِّيَّةُ، تَعالَي وَكُلِي.

10 A dhijirro badan ayaa beertaydii canabka ahayd baabbi'iyey, qaybtaydii cagta bay kula tunteen, oo qaybtaydii wanaagsanaydna waxay ka dhigeen lamadegaan cidla ah.

رُعاةٌ كَثِيرُونَ خَرَّبُوا كَرمِي، داسُوا نَصِيبِيَ الغالِي، وَحَوَّلُوهُ إلَى صَحراءَ خَرِبَةٍ.

11 C idla bay ka dhigeen, oo iyadoo cidla ah ayay xaggayga u soo baroorataa. Dalkii oo dhan cidla waa laga dhigay, waayo, ninna dan kama galo.

حَوَّلُوها إلَى خَرابٍ يَنُوحُ لِي وَهُوَ خَرِبٌ. خَرِبَتْ كُلُّ الأرْضِ، لأنَّهُ لا أحَدَ يَهْتَمُّ.

12 M eelaha dhaadheer oo cidlada ku dhex yaal oo dhan waxaa ku soo kacay baabbi'iyayaashii, waayo, seefta Rabbiga ayaa wax ka baabbi'isa dalka darafkiisan iyo ilaa darafka kale inta ka dhex leh, oo binu-aadmiga oo dhan midnaba nabad ma leh.

لِذَلِكَ أتَى المُخَرِّبُونَ مِنَ الأماكِنِ القاحِلَةِ فِي الصَّحراءِ، لأنَّ سَيفَ اللهِ يَأكُلُ مِنْ أقصَى الأرْضِ إلَى أقصاها الآخَرِ. لا يُوجَدُ أمانٌ لأيِّ حَيٍّ فِيها.

13 I yagu waxay beerteen sarreen, laakiinse qodxan bay soo goosteen, aad bay u daaleen, laakiinse innaba ma ay faa'iidaan. Waxaad ku ceeboobi doontaan midhaha aad goosanaysaan, waana Rabbiga cadhadiisa kulul aawadeed.

زَرَعُوا قَمحاً، لَكِنَّهُمْ حَصَدُوا أشواكاً. عَمِلُوا بِقُوَّةٍ، وَلَكِنَّهُمْ لَمْ يَنجَحُوا. سَيَخجَلُونَ مِنْ مَحاصِيلِهِمْ، بِسَبَبِ غَضَبِ اللهِ عَلَيهِمْ.» وَعدُ اللهِ لِجِيرانِ إسْرائِيل

14 D erisyadayda sharka ah oo dhan oo taabta dhaxalkii aan dadkayga reer binu Israa'iil dhaxalsiiyey, Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dalka ka rujin doonaa, oo dadka Yahuudahna waan ka rujin doonaa dhexdooda.

هَذا هُوَ ما يَقُولُهُ اللهُ: «بِالنِّسبَةِ لِلسُّكّانِ الأشرارِ فِي الأراضِي المُجاوِرَةِ لِمِيراثِي الَّذِي أعطَيتُهُ لِشَعبِيَ إسْرائِيلَ: سَأنزَعُهُمْ مِنْ أرْضِهِمْ، وَسَأنزَعُ بَنِي يَهُوذا مِنْ وَسَطِهِمْ.

15 O o markaan iyaga rujiyo dabadeed waan soo noqon doonaa oo iyagaan u naxariisan doonaa, oo mar kalaan ku soo celin doonaa nin kasta dhaxalkiisii iyo dhulkiisii.

وَبَعدَ نَزعِي لَهُمْ، سَأرحَمُهُمْ ثانِيَةً. سَأُرجِعُ كُلَّ واحِدٍ مِنهُمْ إلَى مِيراثِهِ، وَإلَى أرْضِهِ.

16 O o hadday jidadka dadkayga aad u bartaan oo ay magacayga ku dhaartaan iyagoo leh, Rabbiga nool baannu ku dhaaranaynaa, xataa siday dadkayga u bareen inay Bacal ku dhaartaan, markaas iyagaa lagu dhisi doonaa dadkayga dhexdiisa.

وَإنْ تَعَلَّمُوا فِعلاً طُرُقَ شَعبِي، بِأًنْ يَحلِفُوا بِاسْمِي وَيَقُولوا: ‹نُقْسِمُ باللهِ الحَيِّ› حِينَئِذٍ، سَيُثمِرُونَ وَسَطَ شَعبِي.

17 L aakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadday i dhegaysan waayaan, quruuntaas waan wada rujin doonaa, oo waan baabbi'in doonaa.

وَلَكِنْ إنْ لَمْ يَفعَلُوا، فَإنِّي سَأنزِعُ تِلكَ الأُمَّةَ وَأُدَمِّرُها،» يَقُولُ اللهُ.