Bilowgii 39 ~ ﺗﻜﻮﻳﻦ 39

picture

1 Y uusufna waxaa la keenay Masar. Kuwii reer Ismaaciil oo isaga halkaas geeyeyna waxaa gacantoodii ka iibsaday nin Masri ahaa oo la odhan jiray Footiifar, oo Fircoon sirkaal u ahaa, oo madaxii waardiyayaasha ahaa.

أمّا يُوسُفُ فَأُخِذَ إلَى مِصْرَ. وَاشْتَراهُ مَسْؤُولٌ عِندَ فِرعَوْنِ مِصْرَ، رَئِيسٌ لِحَرَسِ القَصْرِ، وَهُوَ مِصْرِيٌّ. اشْتَراهُ مِنَ الإسْماعِيلِيِّينَ الَّذِينَ جَلَبُوهُ.

2 R abbiguna waa la jiray Yuusuf, wuxuuna ahaa nin liibaansan, wuxuuna joogi jiray gurigii sayidkiisii Masriga ahaa.

فَكانَ اللهُ مَعَ يُوسُفَ، فَكانَ رَجُلاً ناجِحاً. وَسَكَنَ فِي بَيتِ سَيِّدِهِ المِصْرِيِّ.

3 S ayidkiisiina wuu arkay in Rabbigu liibaaniyey wixii uu sameeyey oo dhan.

وَرَأى سَيِّدُهُ أنَّ اللهَ مَعَهُ. وَأنَّ اللهَ يُوَفِّقُ كُلَّ عَمَلِ يَدَيهِ.

4 I saguna raalli buu Yuusuf ka ahaa, Yuusufna waa u adeegi jiray, oo wuxuu isagii ka dhigay kan gurigiisa u sarreeya, wixii uu haystay oo dhanna gacantiisuu wada geliyey.

فَحَظِيَ يُوسُفُ بِرِضاهُ، وَخَدَمَهُ بِأمانَةٍ. فَجَعَلَهُ مُشْرِفاً عَلَى بيتِهِ، وَمَسؤولاً عَنْ جَمِيعِ شُؤونِهِ.

5 O o waxay noqotay in wakhtigii uu ka dhigay kan u sarreeya gurigiisa iyo wixii uu haystay oo dhan, uu Rabbigu gurigii kii Masriga ahaa u barakeeyey Yuusuf aawadiis, wixii uu guriga iyo beertaba ku haystay oo dhanna barakada Rabbigaa saarnayd.

وَبارَكَ اللهُ بَيتَ المِصْرِيِّ بِسَبَبِ يُوسُفَ مُنذُ الوَقْتِ الَّذِي أوكَلَهُ عَلَى بَيتِهِ وَكُلِّ ما عِندَهُ. وَظَهَرَتْ بَرَكَةُ اللهِ فِي كُلِّ أملاكِ فُوطِيفارَ، فِي البَيتِ وَفِي الحَقلٍ.

6 W ixii uu lahaa oo dhanna Yuusuf gacantiisuu kaga tegey. Waxbana kama ogayn wixii uu hayay, wixii uu cuni jiray mooyaane. Yuusufna aad buu u quruxsanaa, wuuna suurad wanaagsanaa.

فَتَرَكَ فُوطِيفارُ كُلَّ شَيءٍ تَحتَ رِعايَةِ يُوسُفَ. وَفِي وُجُودِ يُوسُفَ، لَمْ يَكُنْ فُوطِيفارُ يَهْتَمُّ بِأيِّ شَيءٍ، ما عَدا الطَّعامِ الَّذِي يَأكُلُهُ. يُوسُفُ يَرفضُ زوجةَ فُوطِيفار وَكانَ يُوسُفُ جَمِيلَ القَوامِ وَالوَجهِ.

7 O o waxay noqotay waxyaalahaas ka dib in naagtii sayidkiisu ay fiirisay Yuusuf, oo ay ku tidhi, Kaalay ila jiifso.

وَفِي وَقتٍ لاحِقٍ، بَدَأتْ زَوجَةُ سَيِّدِهِ تَشْتَهِيهِ. وَقالَتْ لَهُ: «تَعالَ وَعَاشِرْنِي!»

8 L aakiinse wuu diiday, oo wuxuu ku yidhi naagtii sayidkiisa, Bal eeg, sayidkaygu waxba kama oga waxa aan guriga ku hayo; wixiisii oo dhanna gacantayduu wada geliyey;

فَرَفَضَ. وَقالَ لِزَوجَةِ سَيِّدِهِ: «ها إنَّ سَيِّدِي فِي وُجُودِي غَيرُ قَلِقٍ عَلَى شَيءٍ فِي البَيتِ. وَقَدْ وَضَعَ بَينَ يَدَيَّ كُلَّ ما لَدَيهِ.

9 o o weliba gurigan mid aniga iga weynu ma joogo, oo isaguna waxba igalama hadhin adiga mooyaane, maxaa yeelay, adigu waxaad tahay naagtiisii, de haddaba sidee baan u samayn karaa xumaantan weyn, oo aan Ilaah ugu dembaabaa?

فَلا يُوجَدُ فِي هَذا البَيتِ مَنْ هُوَ أهَمُّ مِنِّي. وَلَمْ يَمنَعْ عَنِّي سَيِّدِي شَيئاً إلّا أنتِ لِأنَّكِ زَوجَتُهُ. فَكَيفَ أقتَرِفُ مِثلَ هَذا الإثْمِ العَظِيمِ وَأُخطِئُ إلَى اللهِ؟»

10 O o waxay noqotay, in kastoo ay maalinba maalinta ka dambaysa la hadlaysay Yuusuf, inuu maqli waayay inuu la jiifsado ama uu la joogo iyadii.

فَكانَتْ تُكَلِّمُهُ يَوماً بَعدَ يَوْمٍ، وَهُوَ يَرفُضُ أنْ يُعَاشِرَها أوْ يَكُونَ مَعَها.

11 O o waxay noqotay haddaa oo kale, inuu gurigii galay inuu shuqulkiisii qabsado, nimankii gurigana midna gudaha ma joogin.

وَذاتَ يَومٍ جاءَ يُوسُفُ إلَى البَيتِ لِيَقُومَ بِعَمَلِهِ. وَلَمْ يَكُنْ أحَدٌ مِنَ الخَدَمِ داخِلَ المَنزِلِ.

12 K olkaasay qabsatay dharkiisii, oo waxay ku tidhi, Ila jiifso. Isaguse dharkiisii gacanteeduu kaga tegey, wuuna cararay oo baxay.

فَأمسَكَتْهُ مِنْ ثَوْبِهِ وَقالَتْ: «تَعالَ وَعَاشِرْنِي!» فَتَرَكَ ثَوْبَهُ فِي يَدِها وَهَرَبَ خَارِجاً.

13 M arkay aragtay inuu dharkiisii gacanteeda kaga tegey, oo uu dibadda u cararay,

فَلَمّا رَأتْ أنَّهُ تَرَكَ ثَوْبَهُ فِي يَدِها وَهَرَبَ خارِجاً،

14 a yay u yeedhay raggii gurigeeda oo ay la hadashay, oo waxay ku tidhi, Bal eega, ninkaygu wuxuu inoo keenay nin Cibraani ah inuu inagu majaajiloodo. Wuxuu iigu soo galay inuu ila jiifsado aawadeed, markaasaan cod dheer ku qayliyey,

نادَتْ خَدَمَ بَيتِها وَقالَتْ لَهُمْ: «انظُرُوا! ها قَدْ وَضَعَ زَوجِي بَينَنا رَجُلاً عِبْرانِيّاً لِيُهِينَنا. جاءَ إلَيَّ وَحاوَلَ أنْ يُعاشِرَنِي، فَصَرَخْتُ.

15 o o markuu maqlay inaan codkaygii sare u qaaday oo aan qayliyey ayuu dharkiisii iiga tegey, wuuna cararay oo baxay.

فَلَمّا سَمِعَنِي أرفَعُ صَوْتِي وَأصْرُخُ، تَرَكَ ثَوبَهُ بِجانِبِي، وَهَرَبَ خارِجاً.»

16 D harkiisiina way is-ag dhigtay ilaa uu sayidkiisii guriga yimid.

وَاحتَفَظَتْ بِثَوْبِهِ بِجانِبِها إلَى أنْ جاءَ سَيِّدُهُ إلَى البَيتِ.

17 K olkaasay hadalkan kula hadashay isagii, oo waxay ku tidhi, Addoonkii Cibraaniga ahaa, oo aad inoo keentay, ayaa iigu soo galay inuu igu majaajiloodo,

ثُمَّ قَصَّتِ عَلَيهِ قِصَّتَها: «جاءَ إلَيَّ الخادِمُ العِبْرانِيُّ الَّذِي وَضَعْتَهُ بَينَنا لِكَي يُهِينَنِي.

18 o o markaan codkaygii sare u qaaday oo aan qayliyey ayuu dharkiisii iiga tegey, oo uu dibadda u cararay.

لَكِنِّي رَفَعْتُ صَوْتِي وَصَرَخْتُ. فَتَرَكَ ثَوْبَهُ بِجانِبِي وَهَرَبَ خارِجاً.»

19 M arkii sayidkiisii maqlay hadalkii naagtiisa, oo ay kula hadashay isaga, iyadoo leh, Addoonkaagii sidan buu igu sameeyey, ayuu cadhooday.

سَمِعَ سَيِّدُهُ رِوايَةَ زَوْجَتِهِ الَّتِي قالَتْ لَهُ: «هَذا هُوَ ما فَعَلَهُ خادِمُكَ بِي،» فَغَضِبَ غَضَباً شَدِيداً.

20 M arkaasaa Yuusuf sayidkiisii qabtay isagii, oo wuxuu geliyey xabsigii ahaa meeshii maxaabiista boqorku ku xidhnaayeen; oo isna halkaasuu ku jiray xabsigii gudihiisa.

وَألقَى القَبْضَ عَلَى يُوسُفَ وَوَضَعَهُ فِي السِّجْنِ، حَيثُ كانَ يُعتَقَلُ سُجَناءُ فِرعَوْنَ. فَبَقِيَ يُوسُفُ هُناكَ فِي السِّجْنِ. يُوسُفُ في السّجن

21 L aakiinse Yuusuf waxaa la jiray Rabbiga, wuuna u roonaaday, kii xabsiga hayayna raalli buu uga dhigay.

لَكِنَّ اللهَ كانَ مَعَ يُوسُفَ، وَأظهَرَ لَهُ لُطفاً. وَجَعَلَ يُوسُفَ يَحظَى بِرِضَى حارِسِ السِّجْنِ.

22 K ii xabsiga hayayna wuxuu Yuusuf gacanta u geliyey maxaabiistii xabsiga ku jirtay oo dhan; oo wax kastoo ay halkaas ku sameeyeenna, wuxuu ahaa kii sameeyey.

فَأوكَلَ حارِسُ السِّجْنِ يُوسُفَ عَلَى كُلِّ الرِّجالِ الآخَرِينَ المَوضُوعِينَ فِي السِّجْنِ. وَكانَ مُشْرِفاً عَلَى كُلِّ العَمَلِ الجارِي هُناكَ.

23 K ii xabsiga hayayna ma uu eegi jirin waxa isaga gacantiisa ku jira, maxaa yeelay, Rabbigaa la jiray isaga, wixii uu sameeyeyna Rabbigu waa liibaaniyey.

وَكانَ حارِسُ السِّجْنِ مُرْتاحَ البالِ مِنْ جِهَةِ أيِّ أمْرٍ تَحتَ مَسْؤُولِيَّةِ يُوسُفَ. لِأنَّ اللهَ كانَ مَعَهُ. وَكانَ اللهُ يُنْجِحُ كُلَّ ما يَعْمَلُهُ.