Baxniintii 14 ~ ﺍﻟﺨﺮﻭﺝ 14

picture

1 M arkaasaa Rabbigu la hadlay Muuse, oo wuxuu ku yidhi,

وَكَلَّمَ اللهُ مُوسَى فَقالَ:

2 L a hadal reer binu Israa'iil oo u sheeg inay dib u soo noqdaan oo ay degaan meel ka horraysa Fiihaahiirod, oo u dhaxaysa Migdol iyo badda, kana horraysa Bacal Sefoon. Horteeda oo meel badda agteeda ah waa inaad degtaan.

«قُلْ لِبَنِي إسْرائِيلَ أنْ يَعُودوا وَيُخَيِّمُوا أمامَ فَمِ الحِيرُوثِ، بَينَ مَجدَلَ وَالبَحرِ، أمامَ بَعلَ صَفُونَ. خَيِّمُوا أمامَهُ بِجانِبِ البَحرِ.

3 O o Fircoon wuxuu wax ka sheegi doonaa reer binu Israa'iil, oo odhan doonaa, Dhulkaa murgiyey, oo cidladaa xidhay iyagii.

فَيَقُولُ فِرعَوْنُ: ‹إنَّهُمْ تائِهُونَ فِي الأرْضِ، وَقَدْ حُبِسُوا فِي الصَّحراءِ.›

4 O o anna waxaan qallafin doonaa Fircoon qalbigiisa, oo isna wuu soo raacdaysan doonaa iyaga; markaasaan Fircoon iyo ciidankiisaba ciso ka heli doonaa; Masriyiintuna waxay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga. Oo iyana sidii bay yeeleen.

وَسَأُقَسِّي قَلْبَ فِرعَوْنَ فَيَتْبَعَهُمْ. وَسَأتَمَجَّدُ منْ خِلالِ فِرعَوْنَ وَقُوّاتِهِ، لِيَعرِفَ المِصرِيُّونَ أنِّي أنا الإلَهُ الحَقيقيُّ.» فَفَعَلَ بَنُو إسْرائِيلَ ذَلِكَ. مُطارَدَةُ فِرعَوْنَ لِبَنِي إسْرائِيل

5 O o waxaa loo sheegay boqorkii Masar inay dadkii carareen; markaasaa Fircoon iyo addoommadiisii qalbigoodii wuxuu u rogmaday xaggii dadka, oo waxay yidhaahdeen, Waxan aynu samaynay waa maxay, oo maxaynu reer binu Israa'iil uga sii daynay adeegiddii ay inoo adeegi jireen?

وَحِينَ عَلِمَ مَلِكُ مِصْرَ أنَّ بَنِي إسْرائِيلَ قَدْ هَرَبُوا، تَغَيَّرَ رَأيُهُ هُوَ وَخُدّامُهُ بِشَأْنِهِمْ، وَقالُوا: «ما الَّذِي عَمِلْناهُ بِإطلاقِ بَنِي إسْرائِيلَ مِنْ خِدمَتِنا؟»

6 M arkaasuu wuxuu diyaarsaday gaadhifaraskiisii, oo wuxuu watay dadkiisii;

فَجَهَّزَ فِرعَوْنُ عَرَبَتَهُ وَأخَذَ جَيشَهُ مَعَهُ.

7 O o wuxuu kaxaystay lix boqol oo gaadhifaras ah oo la doortay, iyo gaadhifardoodkii Masar oo dhan, iyo saraakiil u sarraysa kulligood.

أخَذَ فِرعَوْنُ سِتَّ مِئَةٍ مِنْ أفْضَلِ جُنُودِهِ، مَعَ جَمِيعِ عَرَباتِ الحَرْبِ. كُلُّ عَرَبَةٍ يَقودُها جُنْدِيٌ واحِدٌ.

8 M arkaasaa Rabbigu qallafiyey qalbigii boqorkii Masar oo Fircoon ahaa; kolkaasuu wuxuu raacdaystay reer binu Israa'iil; waayo, reer binu Israa'iil waxay ku bexeen gacan sarraysa.

خَرَجَ بَنُو إسْرائِيلَ وَأيدِيهُمْ مَرفُوعَةٌ بِانتِصارٍ. لَكِنَّ اللهَ قَسَّى قَلبَ فِرعَوْنَ مَلِكِ مِصرَ، فَلَحِقَ بِهِمْ.

9 M arkaasaa Masriyiintii iyagii raacdaysteen. Kulli Fircoon fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii oo dhan, iyo fardooleydiisii, iyo ciidankiisii ayaa raacdeeyey, oo waxay gaadheen iyagoo deggan meel badda u dhow, oo Fiihaahiirod dhinaceeda ah, kana horraysa Bacal Sefoon.

لَحِقَ المِصرِيُّونَ بِبَنِي إسْرائِيلَ. وَوَصَلُوا إلَيْهِمْ وَهُمْ مُخَيِّمُونَ بِجانِبِ البَحرِ. وَصَلَتْ جَمِيعُ خُيُولِ فِرعَوْنَ وَعَرَباتِهِ وَرُكّابِها، كُلُّ جَيشِهِ، إلَى حَيثُ كانَ بَنُو إسْرائِيلَ عِندَ فَمِ الحِيرُوثِ أمامَ بَعلِ صَفُونَ.

10 O o markii Fircoon soo dhowaaday, ayaa reer binu Israa'iil indhaha kor u taageen, oo waxay arkeen Masriyiintii oo soo daba socota; markaasay aad iyo aad u cabsadeen, oo reer binu Israa'iil ayaa Rabbiga u qayshaday.

وَحِينَ اقتَرَبَ فِرعَوْنُ، رَفَعَ بَنو إسْرائِيلَ عُيُونَهُمْ وَرَأَوْا المِصرِيِّينَ وَراءَهُمْ، فَخافَ بَنُو إسْرائِيلَ وَصَرَخُوا إلَى اللهِ.

11 O o waxay Muuse ku yidhaahdeen, War ma xabaalaan jirin Masar, oo sidaa aawadeed aad noogu soo kaxaysay cidlada inaannu ku dhimanno? Maxaad sidan noogu gashay oo aad Masar nooga soo saartay?

وَقالَ الشَّعبُ لِمُوسَى: «هَلْ أحضَرْتَنا إلَى هُنا لِنَمُوتَ فِي الصَّحراءِ، لِأنَّهُ لَمْ تَكُنْ هُناكَ قُبُورٌ فِي مِصرَ؟ لِماذا صَنَعتَ هَذا بِنا وَأخرَجْتَنا مِنْ مِصرَ؟

12 S ow erayganu ma aha kii aannu kugula hadalnay Masar dhexdeeda, annagoo ku leh, Iska kaaya daa, aannu Masriyiinta u addeegnee? Waayo, waxaa noo wanaagsanaan lahayd inaannu Masriyiinta u adeegno, intii aannu cidlada ku dhiman lahayn.

ألَيسَ هَذا ما قُلْناهُ لَكَ فِي مِصرَ: ‹دَعْنا وَشَأنَنا فَنَخْدِمَ المِصرِيِّينَ.› نُفَضِّلُ أنْ نَخدِمَ فِي مِصرَ عَلَى أنْ نَمُوتَ فِي الصَّحْراءِ!»

13 M arkaasaa Muuse wuxuu dadkii ku yidhi, War ha cabsanina, oo iska taagnaada, oo bal arka badbaadada uu Rabbigu maanta idiin samayn doono; waayo, Masriyiinta aad maanta aragteen, weligiin mar dambe ma arki doontaan.

فَقالَ مُوسَى لِلشَّعبِ: «لا تَخافُوا. قِفُوا وَانظُرُوا خَلاصَ اللهِ الَّذِي سَيَصْنَعُهُ لَكُمُ اليَومَ. قَدْ رَأيتُمُ المِصرِيِّينَ اليَومَ، لَكِنْ لَنْ تَرُوهُمْ ثانِيَةً.

14 O o Rabbigu aawadiin buu u diriri doonaa, oo idinku waa inaad iska aamusnaataan.

سَيُحارِبُ اللهُ عَنكُمْ، وَأنتُمْ صامِتُونَ.»

15 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, War maxaad iigu qaylinaysaa? Reer binu Israa'iil u sheeg inay hore u socdaan.

وَقالَ اللهُ لِمُوسَى: «لِماذا تَصرُخُ إلَيَّ؟ أخبِرْ بَني إسْرائِيلَ أنْ يَستَمِرُّوا فِي الارتِحالِ.

16 O o adigu ushaada kor u qaad, oo gacanta badda ku kor fidi, oo kala goo; oo reer binu Israa'iil waxay mari doonaan badda dhexdeeda oo ay ku socon doonaan dhul engegan.

ارفَعْ عَصاكَ الآنَ وَمُدَّ يَدَكَ عَلَى البَحرِ وَشُقَّهُ، لِيَتَمَكَّنَ بَنُو إسْرائِيلَ مِنَ السَّيرِ عَبْرَ البَحرِ إلَى أرْضٍ يابِسَةٍ.

17 O o bal ogow, anigu waxaan qallafin doonaa qalbiga Masriyiinta, oo iyagay daba geli doonaan; oo markaasaan ciso ka heli doonaa Fircoon, iyo ciidankiisa oo dhan, iyo gaadhifardoodkiisa, iyo fardooleydiisa.

سَأُقَسِّي قُلُوبَ المِصرِيِّينَ لِيَتبَعُوهُمْ. سَأتَمَجَّدُ بِفِرعَونَ وَبِكُلِّ جَيشِهِ وَبِعَرَباتِهِ وَبِفُرسانِهِ.

18 O o Masriyiintu markaasay garan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, kolkii aan sharaf ka helo Fircoon, iyo gaadhifardoodkiisa, iyo fardooleydiisa.

وَسَيَعرِفُ المِصرِيُّونَ أنِّي أنا اللهُ حِينَ أتَمَجَّدُ بِفِرعَونَ وَمَركِباتِهِ وَفُرسانِهِ.»

19 M arkaasaa malaa'igtii Ilaah oo hor socotay reer binu Israa'iil soo wareegtay oo daba martay iyagii, markaasaa tiirkii daruurta ahaa ka soo hor wareegay oo uu daba maray iyagii;

وَانتَقَلَ مَلاكُ اللهِ الَّذِي كانَ يَسِيرُ أمامَهُمُ وَسارَ خَلفَهُمْ. فانتَقَلَ عَمُودُ السَّحابِ مِنْ أمامِهِمْ وَوَقَفَ خَلفَهُمْ.

20 o o wuxuu kala dhex galay reer Masar iyo reer binu Israa'iil; oo waxaa jiray daruur iyo gudcur, laakiinse weliba habeennimadii wuu iftiimay; oo habeenkii oo dhan midna uma soo dhowaan ka kale.

فَوَقَفَ بَينَ مُخَيَّمِ المِصرِيِّينَ وَمُخَيَّمِ بَنِي إسْرائِيلَ. وَكانَ هُناكَ سَحابٌ وَظُلمَةٌ. وَقَدْ أضاءَ السَّحابُ اللَّيلَ. وَلَمْ يَقتَرِبْ أيٌّ مِنَ الفَرِيقَيْنِ إلَى الآخَرِ طِيلَةَ اللَّيلِ.

21 M arkaasaa Muuse gacantii baddii ku kor fidiyey, oo habeenkii oo dhan Rabbigu wuxuu baddii dib ugu celiyey dabayl xoog badan oo bari ka timid, oo wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, oo biyihiina way kala go'een.

وَمَدَّ مُوسَى يَدَهُ عَلَى البَحرِ، فَأزاحَ اللهُ البَحرَ إلَى الخَلفِ بِرِيحٍ شَرقِيَّةٍ قَوِيَّةٍ طَوالَ اللَّيلِ، وَحَوَّلَ البَحرَ إلَى أرْضٍ يابِسَةٍ، إذْ شَقَّ المِياهَ نِصْفينِ.

22 M arkaasaa reer binu Israa'iil baddii dhex mareen, oo waxay ku socdeen dhul engegan, oo biyihiina waxay iyagii u ahaayeen derbi xagga midigta iyo xagga bidixdaba.

فَسارَ بَنو إسْرائِيلَ فِي وَسَطِ البَحرِ عَلَى أرْضٍ يابِسَةٍ. وَصارَتِ المِياهُ جِداراً لَهُمْ عَنْ يَمِينِهِمْ وَعَنْ يَسارِهِمْ.

23 M arkaasaa Masriyiintiina soo eryadeen, oo intay soo daba galeen ayay waxay mareen badda dhexdeeda, oo waxayna ahaayeen Fircoon fardihiisii iyo gaadhifardoodkiisii, iyo fardooleydiisii oo dhan.

فَتَبِعَهُمُ المِصرِيِّونَ، وَتَبِعَتْهُمْ جَمِيعُ خُيُولِ فِرعَوْنَ وَعَرَباتِهِ وَفُرسانِهِ فِي وَسَطِ البَحرِ.

24 O o markii waagii beryay waxaa dhacday in Rabbigu ciidankii Masriyiinta ka dhex fiiriyey tiirkii dabka ahaa iyo kii daruurta ahaa, kolkaasuu kadeeday ciidankii Masriyiinta.

وَقُربَ الصُّبحِ، نَظَرَ اللهُ مِنْ خِلالِ النّارِ وَالسَّحابِ إلَى مُخَيَّمِ المِصرِيِّينَ، فَأفْزَعَهُمْ.

25 K olkaasuu giringirihii gaadhifardoodkooda xidhay, inay si dhib leh u kexeeyaan; markaasay Masriyiintii waxay yidhaahdeen, Reer binu Israa'iil hortooda aynu ka cararno; waayo, Rabbigu waa u dirirayaa iyaga oo uga hiilinayaa Masriyiinta.

وَعَطَّلَ عَجَلاتِ عَرَباتِ فِرعَوْنَ، فَساقُوها بِصُعُوبَةٍ. فَقالَ المِصرِيُّونَ: «لِنَهرُبْ مِنْ أمامِ إسْرائِيلَ، لِأنَّ اللهَ يُحارِبُ مِصرَ عَنهُمْ.»

26 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Badda gacanta ku kor fidi, inay biyuhu ku soo noqdaan Masriyiinta, iyo gaadhifardoodkooda, iyo fardooleydooda.

وَقالَ اللهُ لِمُوسَى: «مُدَّ يَدَكَ عَلَى البَحرِ لِتَعُودَ المِياهُ عَلَى المِصرِيِّينَ وَعَرَباتِهِمْ وَفُرسانِهِمْ.»

27 M arkaasaa Muuse gacantii badda ku kor fidiyey, oo markii waagii beryay ayaa baddii xooggeedii hore ku soo noqotay, markaasaa Masriyiintiina ka carareen; kolkaasaa Rabbigu wuxuu Masriyiintii ku tuuray badda dhexdeedii.

فَمَدَّ مُوسَى يَدَهُ عَلَى البَحرِ، فَعادَتِ المِياهُ كَما كانَتْ، بَينَما المِصرِيُّونَ يَهْرُبُونَ، فَغَطَّتْهُمُ المِياهُ. فأغْرَقَ اللهُ المِصرِيِّينَ فِي البَحرِ.

28 M arkaasaa biyihii isku soo noqdeen, oo waxay qariyeen gaadhifardoodkii, iyo fardooleydii, iyo xataa ciidankii Fircoon oo dhan oo badda dhexdeeda reer binu Israa'iil ku eryaday, oo xataa midna kama hadhin.

وَرَجِعَتِ المِيَاهُ وَأغرَقَتْ عَرَباتِ وَفُرسانَ جَيشِ فِرعَوْنَ الَّذِي تَبِعَهُمْ فِي البَحرِ. وَلَمْ يَنْجُ مِنهُمْ أحَدٌ.

29 L aakiinse reer binu Israa'iil waxay ku socdeen dhul engegan oo badda dhexdeeda ah, biyihiina waxay iyagii u ahaayeen derbi xagga midigta iyo xagga bidixdaba.

وَأمّا بَنو إسْرائِيلَ فَسارُوا عَلَى أرْضٍ جافَّةٍ فِي وَسَطِ البَحرِ، وَكانَتِ المِياهُ جِداراً لَهُمْ عَنْ يَمِينِهِمْ وَعَنْ يَسارِهِمْ.

30 O o sidaasaa Rabbigu reer binu Israa'iil uga badbaadiyey gacantii Masriyiinta; oo reer binu Israa'iilna waxay arkeen Masriyiintii oo dhimatay oo badda xeebteeda taal.

فِي ذَلِكَ اليَومِ خَلَّصَ اللهُ إسْرائِيلَ مِنْ يَدِ المِصرِيِّينَ. وَرَأى بَنُو إسْرائِيلَ المِصرِيِّينَ مَوتَى عَلَى شاطِئِ البَحرِ.

31 M arkaasaa reer binu Israa'iil waxay arkeen shuqulkii weynaa oo Rabbigu ku sameeyey Masriyiintii, kolkaasay dadkii Rabbiga ka cabsadeen, oo waxay rumaysteen Rabbiga iyo addoonkiisii Muuse.

رَأى بَنُو إسْرائِيلَ العَمَلَ العَظِيمَ الَّذِي عَمِلَهُ اللهُ ضِدَّ المِصرِيِّينَ، وَخافَ الشَّعبُ اللهَ ، وَوَضَعُوا ثِقَتَهُمْ بِهِ وَبِمُوسَى خادِمِهِ.