1 O o haddana markuu furay shaabaddii toddobaad, intii nus saac ah waxaa samada ka dhacday aamusnaan.
عِندَها كَسَرَ الحَمَلُ الخَتْمَ السّابِعَ، فَسادَ الصَّمتُ فِي السَّماءِ نِصفَ ساعَةٍ.
2 M arkaasaan waxaan arkay toddobadii malaa'igood oo Ilaah hortiisa taagan, oo waxaa la siiyey toddoba buun.
وَرَأيتُ المَلائِكَةَ السَّبعَةَ الواقِفِينَ أمامَ اللهِ، وَقَدْ حَمَلُوا سَبعَةَ أبواقٍ.
3 O o haddana waxaa timid malaa'ig kale, oo waxay is-ag taagtay meeshii allabariga, iyadoo haysata idan dahab ah, oo waxaa la siiyey foox badan si ay ugu darto baryadii quduusiinta oo dhan oo ay ugu shiddo meeshii allabariga oo dahabka ahayd oo carshiga hortiisa tiil.
ثُمَّ أتَى مَلاكٌ آخَرُ وَوَقَفَ عِندَ المَذبَحِ وَمَعَهُ مِبخَرَةٌ ذَهَبِيَّةٌ وَبَخُورٌ كَثِيرٌ، لِيُقَدِّمَهُ مَعَ صَلَواتِ شَعبِ اللهِ المُقَدَّسِينَ عَلَى المَذبَحِ الذَّهَبِيَّ أمامَ العَرشِ.
4 O o qiiqii fooxa oo ay baryadii quduusiintu la socoto ayaa wuxuu ka baxay gacantii malaa'igta oo wuxuu kor u aaday Ilaah hortiis.
فَتَصاعَدَ البَخُورُ أمامَ اللهِ مِنْ يَدِ المَلاكِ، تَصاعَدَ مَعَ صَلَواتِ شَعبِ اللهِ المُقَدَّسِينَ.
5 M arkaasaa malaa'igtii waxay qaadatay idankii, oo waxay ka buuxisay dabkii meesha allabariga, kolkaasay waxay ku tuurtay dhulka; markaasaa waxaa dhacay onkod, iyo codad, iyo hillaac, iyo dhulgariir.
ثُمَّ أخَذَ المَلاكُ المِبخَرَةَ، وَمَلأها بِنارٍ مِنَ المَذبَحِ، وَرَماها إلَى الأرْضِ، فَحَدَثَتْ رُعودٌ وَبُروقُ وَزُلزِلَتِ الأرْضُ! المَلائِكَةُ السَّبعَةُ يَنفُخُونَ فِي أبواقِهِم
6 M arkaasaa toddobadii malaa'igood oo toddobada buun haystay waxay isu diyaariyeen inay ka dhawaajiyaan.
أمّا المَلائِكَةُ السَّبعَةُ الَّذِينَ يَحمِلُونَ الأبواقَ السَّبعَةَ، فَاسْتَعَدُّوا لِكَي يَنفُخُوا فِي أبواقِهِمْ.
7 M alaa'igtii kowaad ayaa ka dhawaajisay, markaasaa waxaa soo dhacay roob dhagaxyaale iyo dab dhiig ku dhex qasan yahay, oo waxaa lagu tuuray dhulka; markaasaa dunida saddex meelood oo meeli gubatay, oo dhirtana saddex meelood oo meel baa gubatay, oo cawskii qoyanaa oo dhammuna waa gubtay.
فَنَفَخَ المَلاكُ الأوَّلُ فِي بُوقِهِ، فَظَهَرَ بَرَدٌ وَنارٌ مَمزُوجانِ بِالدَّمِ، وَأُلقِيا عَلَى الأرْضِ، فَحُرِقَ ثُلْثُ الأرْضِ وَثُلْثُ الأشجارِ وَكُلُّ العُشْبِ الأخضَرِ.
8 O o haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii labaad, markaasaa waxaa badda lagu tuuray wax le'eg buur weyn oo dab ka ololayo; markaasaa baddii saddex meelood oo meel baa dhiig noqotay;
وَنَفَخَ المَلاكُ الثّانِي فِي بُوقِهِ، فَأُلقِيَ شَيءٌ أشبَهُ بِجَبَلٍ كَبِيرٍ مُشتَعِلٍ فِي البَحرِ، فَتَحَوَّلَ ثُلْثُ البَحْرِ إلَى دَمٍ،
9 o o waxaa halkaas ku dhintay uunkii badda ku jiray oo nafta lahaa saddex meelood oo meel, oo doonniyihiina saddex meelood oo meel baa la baabbi'iyey.
وَماتَ ثُلْثُ الكائِناتِ الحَيَّةِ الَّتِي كانَتْ فِي البَحرِ، وَدُمِّرَ ثُلْثُ السُّفُنِ.
10 O o haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii saddexaad, markaasaa waxaa samada ka soo dhacday xiddig weyn oo sidii laambadeed u ololaysa, oo waxay ku dul dhacday webiyaasha saddex meelood oo meel, iyo ilihii biyaha ahaa;
وَنَفَخَ المَلاكُ الثّالِثُ فِي بُوقِهِ، فَسَقَطَ نَجمٌ كَبِيرٌ مُلْتَهِبٌ كَالمِشعَلِ مِنَ السَّماءِ عَلَى ثُلْثِ الأنهُرِ وَعَلَى مِياهِ اليَنابِيعِ.
11 o o xiddigta magaceedana waxaa la yidhaahdaa Qadhaadh; oo biyihiina saddex meelood oo meel baa qadhaadh noqotay; dad badanuna wuxuu ku dhintay biyihii, maxaa yeelay, qadhaadh baa laga dhigay.
وَكانَ اسْمُ ذَلِكَ النَّجمِ «الأفسَنْتِيْنَ» فَصارَ ثُلْثُ المِياهِ كُلُّها مُرَّةً كَالأفسَنْتينِ، وَكَثِيرُونَ ماتُوا لِأنَّهُمْ شَرِبُوا مِنْ تِلكَ المِياهِ لِأنَّها صارَتْ مُرَّةً.
12 O o haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii afraad, markaasaa waxaa wax lagu dhuftay qorraxda saddex meelood oo meel, iyo dayaxa saddex meelood oo meel, iyo xiddigaha saddex meelood oo meel, in saddex meelood oo meeli ay gudcur noqoto, iyo in maalinta saddex meelood oo meeli aanay iftiimin, habeenkuna uu noqdo sidaas oo kale. Saddexda Hoog
ثُمَّ نَفَخَ المَلاكُ الرّابِعُ فِي بُوقِهِ فَضُرِبَ ثُلْثُ الشَّمسِ وَثُلْثُ القَمَرِ وَثُلْثُ النُّجُومِ، فَفَقَدَتْ ثُلْثَ إشعاعِها. وَهَكَذا فَقَدَ النَّهارُ ثُلْثَ ضُوئِهِ، وَكَذَلِكَ اللَّيلُ.
13 H addana waxaan arkay oon maqlay gorgor dhex duulaya samada isagoo cod weyn ku leh, Waxaa hoogay oo hoogay oo hoogay kuwa dhulka deggan, sababtuna waa buunanka dhawaaqooda hadhay oo saddexda malaa'igood ay dhowaan ka dhawaajin doonaan.
ثُمَّ نَظَرْتُ وَسَمِعْتُ نَسراً يَطِيرُ عالِياً وَيَصرُخُ: «الوَيلُ الوَيلُ الوَيلُ لِسُكّانِ الأرْضِ، بِسَبَبِ أصواتِ أبواقِ المَلائِكَةِ الثَّلاثَةِ الباقينَ الَّذِينَ سَيَنفُخُونَ فِي أبواقِهِمْ!»