Baxniintii 39 ~ ﺍﻟﺨﺮﻭﺝ 39

picture

1 O o waxay buluuggii, iyo guduudkii, iyo casaankii ka sameeyeen dhar aad u wanaagsan in meesha quduuskaa lagaga adeego, oo waxay kaloo sameeyeen dharkii quduuska ahaa oo Haaruun, sidii Rabbigu Muuse ku amray. Eefodka

وَمِنَ الأقمِشَةِ الزَّرقاءِ وَالبَنَفسَجِيَّةِ وَالحَمراءِ صَنَعُوا ثِياباً مَنسُوجَةً لِلخِدمَةِ فِي المَكانِ المُقَدَّسِ، وَصَنَعُوا الثِّيابَ المُقَدَسَةَ الَّتِي لِهارُونَ كَما أمَرَ اللهُ مُوسَى. الثَّوبُ الكَهَنُوتِيّ

2 O o eefodkiina wuxuu ka sameeyey dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

وَصَنَعَ بَصَلْئِيلُ الثَّوبَ الكَهَنُوتِيَّ مِنْ ذَهَبٍ وَأقمِشَةٍ زَرقاءَ وَبَنَفسَجِيَّةٍ وَحَمراءَ وَكِتّانٍ مَبْرُومٍ.

3 O o waxay dahabkii u tumeen sidii caleemo khafiif ah oo kale, markaasay googooyeen oo silig ka dhigeen, in looga shaqeeyo buluuggii, iyo guduudkii, iyo casaankii, iyo maradii wanaagsanayd, oo la daabacay.

فَطَرَقُوا الذَّهَبَ وَجَعَلُوهُ صَفائِحَ ثُمَّ قَطَّعُوها إلَى خُيُوطٍ لِوَضعِها فِي الأقمِشَةِ الزَّرقاءِ وَالبَنَفسَجِيَّةِ وَالحَمراءِ وَالكِتّانِ بِتَصامِيمَ ماهِرَةٍ.

4 O o waxay u sameeyeen garbo is-haystay, oo waxay iska haysteen labada daraf.

وَصَنَعُوا لِلثُوبِ الكَهَنوتِيِّ كَتِفَينِ مُتَّصِلَينِ عِندَ نِهايَتِهِما.

5 O o dhex-xidhkii daabaca lahaa oo dusha kaga yiil in lagu xidho, isku waslad buu la ahaa eefodka, isku sina waa loo sameeyey, waxaana laga sameeyey dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

وَصَنَعُوا الحِزامَ مِنْ نَفْسِ المَوادِّ المُسْتَخْدَمَةِ لِلثُوبِ، أي مِنَ الذَّهَبِ وَأقمِشَةٍ زَرقاءَ وَبَنَفسَجِيَّةٍ وَحَمراءَ وَكِتّانٍ مَبْرُومٍ كَما أمَرَ اللهُ مُوسَى.

6 O o waxay diyaariyeen dhagaxyadii onika la odhan jiray, oo ku jira saldhigyo dahab ah, oo lagu xardhay xaradhkii shaabadda oo ah sida ay magacyadii reer binu Israa'iil ahaayeen.

ثُمَّ وَضَعُوا حَجَرَيِّ الجَزْعِ فِي إطارَينِ مِنْ ذَهَبٍ. وَكانَتْ أسْماءُ أبناءِ إسْرائِيلَ مَحفُورَةً عَلَى حَجَرَيِّ الجَزْعِ كَنَقشِ الخاتَمِ.

7 O o wuxuu ku dhejiyey eefodka garbihiisa, inay dhagaxyo xusuus ah u noqdaan reer binu Israa'iil, sidii Rabbigu Muuse ku amray. Laabgashiga

وَوَضَعَهُما عَلَى كَتِفَيِّ الثَّوبِ الكَهَنُوتِيِّ كَحَجَرَي تَذكارٍ لِبَنِي إسْرائِيلَ، كَما أمَرَ اللهُ مُوسَى. صُدرَةُ القَضاء

8 O o wuxuu sameeyey laabgashigii, oo la daabacay, oo u eg sida samaynta eefodka oo kale, oo ahayd dahab, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan.

وَصَنَعَ الصُّدرَةَ خَيَّاطٌ ماهِرٌ كَما صُنِعَ الثَّوبُ الكَهَنُوتِيُّ. صُنِعَتْ مِنْ ذَهَبٍ وَأنْسِجَةٍ زَرقاءَ وَبَنَفسَجِيَّةٍ وَحَمراءَ وَكِتّانٍ نَقِيٍّ.

9 W uxuu ahaa afargeesood, oo laabgashiga waxay u sameeyeen labanlaab, oo dhererkiisu wuxuu ahaa taako, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa taako isagoo labanlaaban.

وَقَدْ صُنِعَتْ مُرَبَّعَةً وَمَثنِيَّةً، طُولُها شِبرٌ وَعَرضُها شِبرٌ.

10 O o waxay ku dul dhejiyeen afar saf oo dhagaxyo ah; oo safka kowaad wuxuu ahaa sardiyos, iyo tobasiyos, iyo mid birqaya.

وَرُصِفَتْ بِأربَعَةِ صُفُوفٍ مِنَ الحِجارَةِ كَرِيمَةِ: فِي الصَّفِّ الأوَّلِ عَقِيقٌ أحمَرُ وَياقُوتٌ أصفَرُ وَزُمُرُّدُ،

11 S afka labaadna wuxuu ahaa sumurud, iyo safayr, iyo dheemman.

وَفِي الصَّفِّ الثّانِي فَيرُوزٌ وَياقُوتٌ أزرَقُ وَعَقِيقٌ أبْيَضُ،

12 S afka saddexaadna wuxuu ahaa yakintos, iyo agate, iyo ametustos.

وَفِي الصَّفِّ الثّالِثِ عَينُ الهِرِّ وَيَشْمُ وَجَمشَتُ،

13 S afka afraadna wuxuu ahaa berullos, iyo onika, iyo yasbid; oo waxaa lagu dhejiyey saldhigyo dahab ah oo meeshooda ku yaal.

وَفِي الصَّفِّ الرّابِعِ زَبَرْجَدٌ وَجَزْعٌ وَيَشْبٌ. وُضِعَتْ جَمِيعاً فِي أُطُرٍ مِنْ ذَهَبٍ.

14 O o dhagaxyaduna waxay tiro le'ekaayeen magacyadii reer binu Israa'iil, oo waxay ahaayeen laba iyo toban sidii magacyadoodii; oo laba iyo tobankii qabiil, mid kasta waxaa magiciisa loogu xardhay sidii xaradhkii shaabadda.

كانَ هُناكَ اثْنا عَشَرَ حَجَراً تُمَثِّلُ أسْماءَ أبناءِ إسْرائِيلَ. وَحُفِرَ عَلَى كُلِّ حَجَرٍ اسْمُ إحْدَى القَبائِلِ الاثنَتَي عَشْرَةَ، كَما يُحفَرُ الاسْمُ عَلَى الخاتَمِ.

15 O o laabgashiga waxay ku sameeyeen silsilado xadhko u eg, oo laga tidcay dahab saafi ah.

وَصَنَعُوا لِلصُّدرَةِ سَلاسِلَ مِنْ ذَهَبٍ نَقِيٍّ مَجْدُولٍ كَالحَبلِ.

16 O o waxay sameeyeen laba saldhig oo dahab ah, iyo laba siddo oo dahab ah, oo waxay labadii siddo sudheen laabgashiga labadiisa daraf.

وَصَنَعُوا إطارَينِ وَحَلَقَتَينِ مِنْ ذَهَبٍ، وَوَضَعُوا الحَلَقَتَينِ عَلَى طَرَفَيِّ الصُّدرَةِ.

17 O o labadii silsiladood oo dahabka ahayd oo tidcanaydna waxay ku xidheen labadii siddo oo ku yiil darfaha laabgashiga.

وَأدخَلُوا سِلسِلَتَيِّ الذَّهَبِ فِي الحَلَقَتَينِ اللَّتَينِ عَلَى طَرَفَيِّ الصُّدرَةِ مِنَ الخَارِجِ.

18 O o labadii silsiladood oo tidcanayd labadoodii madax oo kalena waxay ku xidheen labadii saldhig, oo waxay ku xidheen eefodka garbihiisa xaggooda hore.

وَوَصَلُوا الطَّرَفَينِ الآخَرَينِ لِلسِّلسِلَتَينِ بِالإطارَينِ. فَثَبَتا عَلَى كَتِفَيِّ الثَّوبِ الكَهَنُوتِيِّ مِنَ الأمامِ.

19 O o waxay sameeyeen laba siddo oo dahab ah, oo waxay soo sudheen laabgashiga labadiisa daraf oo gudaha ah oo eefodka xiga.

وَصَنَعُوا حَلَقَتَينِ أُخرَيينِ مِنَ الذَّهَبِ، وَوَضَعُوهُما عَلَى طَرَفَي الصُّدرَةِ الآخَرَينِ، أي عَلَى الجانِبِ الدّاخِلِيِّ المُلاصِقِ لِلثَّوبِ الكَهَنُوتِيِّ.

20 O o waxay kaloo sameeyeen laba siddo oo dahab ah, oo waxay soo sudheen eefodka garbihiisa xaggooda hoose, oo dhanka hore ku yaal, oo ku dhow meeshay iskaga xidhmaan, oo ka sarreeya suunka eefodka dhex-xidhkiisa daabaca ah.

وَصَنَعُوا حَلَقَتَينِ أُخْرَيينِ مِنَ الذَّهَبِ، وَوَضَعُوهُما أسْفَلَ الكَتِفَينِ فِي مُقَدِّمَةِ الثُّوبِ الكَهَنوتِيِّ، فَوقَ الحِزامِ.

21 O o laabgashigii waxay siddooyinkiisii ku xidheen siddooyinkii eefodka, waxayna kula xidheen shalash buluug ah, inuu ku dul xidhnaado dhex-xidhka daabaca ah oo eefodka, iyo inuusan laabgashigu ka debcin eefodka, sidii Rabbigu Muuse ku amray. Khamiiskii Wadaadka Sare

وَرَبَطُوا حَلَقاتِ الصُّدرَةِ بِحَلَقاتِ الثَّوبِ الكَهَنُوتِيِّ بِخَيطٍ أزرَقَ. وَهَكَذا بَقِيَتْ صُدْرَةُ القَضاءِ قَرِيبَةً مِنْ حِزامِ الثَّوبِ الكَهَنُوتِيِّ، مُلتَصِقَةً بِالثَّوبِ الكَهَنُوتِيِّ، كَما أمَرَ اللهُ مُوسَى. الجُبَّة

22 O o khamiiskii eefodkana wuxuu ahaa dhar samaysan, oo kulligiis buluug ah.

وَصَنَعَ جُبَّةَ الثَّوبِ الكَهَنُوتِيِّ كُلَّها مِنْ صُوفٍ أزرَقَ مَنْسُوجٍ.

23 O o daloolkii khamiiska ku yiil wuxuu ahaa sida daloolka dhar afkiisa rigrig ku wareegsan yahay, si uusan u dillaacin.

وَكانَتْ فُتْحَةُ الجُبَّةِ في وَسَطِها كَفُتْحَةِ الدِّرعِ. وَلِلفُتْحَةِ حافَّةٌ حَولَها كَي لا تَتَمَزَّقَ.

24 O o khamiiska darafkiisa hoose waxay ku sameeyeen rummaanno buluug, iyo guduud, iyo casaan ah, iyo maro wanaagsan.

وَصَنَعُوا أشكالَ رُمّاناتٍ مِنْ أقمِشَةٍ زَرقاءَ وَبَنَفسَجِيَّةٍ وَحَمراءَ وَكِتّانٍ أبْيَضَ وَوَضَعُوها عَلَى الأطرافِ السُّفلَى لِلجُبَّةِ.

25 O o waxay sameeyeen dawanno dahab saafi ah, oo dawannadii waxay kala dhex geliyeen rummaannadii ku yiil khamiiska darafkiisa ku wareegsan, oo u dhexeeya rummaannadii;

كَما صَنَعُوا أجراساً مِنْ ذَهَبٍ نَقِيٍّ وَوَضَعُوها عَلَى أطرافِ الجُبَّةِ وَسَطَ الرُّمّاناتِ.

26 o o dawan iyo rummaan, haddana dawan iyo rummaan, ayuu ku wareejiyey khamiiska dharafkiisa, in lagu adeego aawadeed, sidii Rabbigu Muuse ku amray. Dharkii Wadaaddada Kale

فَوَضَعُوا جَرَساً بَينَ كُلِّ رُمّانَتَينِ عَلَى امتِدادِ حافَّةِ الجُبَّةِ الَّتِي يَلبَسُها الكاهِنُ أثناءَ الخِدمَةِ، كَما أمَرَ اللهُ مُوسَى. ثِيابُ الكَهَنَةِ الأُخرَى

27 W axay Haaruun iyo wiilashiisii u sameeyeen jubbadihii marada wanaagsan ahaa oo si fiican loo sameeyey,

وَصَنَعُوا أثواباً مَنسُوجَةً مِنْ كِتّانٍ لِهارُونَ وَأبْنائِهِ.

28 o o waxay kaloo sameeyeen duubkii Haaruun oo marada wanaagsan ahaa, iyo wiilashiisii duubabkoodii wacanaa oo marada wanaagsan ahaa, iyo sirwaalladii marada wanaagsan ahaa,

وَصَنَعُوا العِمامَةَ مِنْ كِتّانٍ مَبْرُومٍ، وَأغْطِيَةَ الرّأسِ مِنْ كِتّانٍ مَبْرُومٍ، وَالمَلابِسَ الدَّاخِليَّةِ مِنْ كِتّانٍ مَبْرُومٍ،

29 i yo dhex-xidhkii ahaa marada wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo daabacnaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

وَالحِزامَ مِنْ كِتّانٍ مَبْرُومٍ مِنْ أنْسِجَةٍ زَرقاءَ وَبَنَفسَجِيَّةٍ وَحَمراءَ مُزَخرَفَةٍ، كَما أمَرَ اللهُ مُوسَى.

30 O o waxay kaloo sameeyeen taajkii quduuska ahaa ee ahaa wasladdii khafiifka oo dahabka saafiga ahayd, oo waxay dushiisii ku qoreen far u eg xaradhkii shaabadda oo leh, WAA U QUDUUS RABBIGA.

وَصَنَعُوا الشِّعارَ الَّذِي فِي مُقَدَّمَةِ الإكلِيلِ المُقَدَّسِ مِنْ ذَهَبٍ نَقِيٍّ. وَنَقَشُوا فَوقَهُ كَما يُنْقَشُ عَلَى الخاتَمِ: «مُخَصَّصٌ لِيهوه.»

31 O o waxay ku xidheen shalash buluug ah, in lagula dhejiyo duubka sare, sidii Rabbigu Muuse ku amray. Muuse Oo Kormeeray Taambuugga

وَرَبَطُوا بِها خَيطاً أزرَقَ لِوَضعِها عَلَى العِمامَةِ، كَما أمَرَ اللهُ مُوسَى. اكتِمالُ الخَيمَة

32 O o sidaasay hawshii taambuugga teendhadii shirka oo dhammu ku dhammaatay; oo reer binu Israa'iil way wada sameeyeen wixii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan, sidii bayna u sameeyeen.

وَاكتَمَلَ كُلُّ العَمَلِ فِي مَسْكَنِ خَيمَةِ الاجْتِماعِ، وَعَمِلَ بَنو إسْرائِيلَ بِحَسَبِ ما أمَرَ اللهُ مُوسَى بِهِ.

33 O o waxay Muuse u keeneen taambuuggii, oo ahaa teendhadii iyo alaabteedii oo dhan, qabsatooyinkeedii iyo looxyadeedii iyo ulaheedii gudbanaa, iyo tiirarkeedii, iyo saldhigyadeedii,

بَعْدَ ذَلِكَ اسْتَدْعَوا مُوسَى لِيَرَى المَسْكَنَ المُقَدَّسَ وَكُلَّ ما فِيهِ. فَرأى مُوسَى الخَيمَةَ مَعَ غِطائِها وَأدَواتِها وَمَشابِكِها وَألواحِها وَعَوارِضِها وَأعمِدَتِها وَقَواعِدِها،

34 i yo dedkii ahaa wananka hargahooda oo la caseeyey, iyo dedkii ahaa hargaha adhidibadeedka, iyo ilxidhkii daaha ahaa,

وَغِطاءِ جُلُودِ الكِباشِ المَدبُوغَةِ وَغِطاءِ جُلُودِ التُّيُوسِ، وَالسِّتارَةِ الدّاخِلِيَّةِ.

35 i yo sanduuqii maragga, iyo ulihiisii, iyo daboolkii,

وَرأى صُندُوقِ لَوحَيِّ الشَّهادَةِ وَعَصَوَيهِ وَغِطاءَ الصُّندُوقِ،

36 i yo miiskii, iyo alaabtiisii oo dhan, iyo kibistii tusniinta,

وَالمائِدَةَ وَكُلَّ أدَواتِها وَخُبزَ حَضْرَةِ اللهِ،

37 i yo laambaddii saafiga ahayd, iyo laambadaheedii, kuwaasoo ah laambadihii la diyaarin lahaa, iyo alaabtoodii oo dhan, iyo saliiddii lagu shidi lahaa,

وَمَنارَةَ الذَّهَبِ وَسُرُجَها، الَّتِي وُضِعَتْ فِي صَفٍّ واحِدٍ، وَأدَواتِها، وَزَيتَ الإنارَةِ.

38 i yo meeshii allabariga oo dahabka ahayd, iyo saliiddii lagu subkan lahaa, iyo fooxii udgoonaa, iyo daahii iridda teendhada,

وَرأى مَذبَحَ الذَّهَبِ وَزَيتَ المِسحَةِ وَالبَخُورَ الطَّيِّبَ وَسِتارَ مَدخَلِ الخَيمَةِ،

39 i yo meeshii allabariga oo naxaasta ahayd, iyo shabaggeedii naxaasta ahaa, iyo ulaheedii, iyo alaabteedii oo dhan, iyo berkeddii weysada, iyo salkeedii,

وَمَذبَحَ البُرونْزِ وَشَبَكَتِهِ البُرونْزِيَّةَ وَأدَواتِهِ، وَحَوضَ الاغتِسالِ وَقاعِدَتِهِ.

40 i yo barxadda daahyadeedii, iyo tiirarkeedii, iyo saldhigyadeedii, iyo daahii iridda barxadda, iyo xadhkihiisii, iyo musmaarradiisii, iyo alaabtii lagu qaban lahaa hawsha taambuugga oo dhan, teendhada shirka aawadeed,

وَرأى مُوسَى سَتائِرَ السّاحَةِ وَأعمِدَتِها وَقَواعِدَ أعْمِدَتِها وَسِتارَةَ مَدْخَلِ السّاحَةِ وَحِبالَها وَأوتادَها، وَكُلَّ الأدَواتِ المُستَخدَمَةِ لِلخِدمَةِ فِي المَسْكَنِ المُقَدَّسِ فِي خَيمَةِ الاجْتِماعِ.

41 i yo dharkii loo sameeyey in lagaga adeego meesha quduuska ah, iyo dharkii quduuska ahaa oo wadaadka Haaruun ah, iyo dharkii wiilashiisa, ee loogu sameeyey inay kaga adeegaan hawsha wadaadnimada.

وَرأى الثِّيابَ المَنسُوجَةَ لِلخِدمَةِ فِي المَكانِ المُقَدَّسِ، وَالثِّيابَ المُقَدَّسَةِ لِهارُونَ الكاهِنِ وَلأبْنائِهِ لِيَخدِمُوا كَكَهَنَةٍ.

42 O o kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan reer binu Israa'iil sidii bay hawshii u wada qabteen.

وَعَمِلَ بَنو إسْرائِيلَ العَمَلَ بِحَسَبِ كُلِّ ما أمَرَ اللهُ مُوسَى بِهِ.

43 M arkaasaa Muuse wuxuu arkay shuqulkii oo dhan, oo bal eeg way wada sameeyeen; sidii Rabbigu ku amray ayay u sameeyeen; markaasaa Muuse iyagii u duceeyey.

وَرَأى مُوسَى بِأنَّهُمْ أنجَزُوا كُلَّ العَمَلِ بِحَسَبِ أمْرِ اللهِ ، فَبارَكَهُمْ.