Tirintii 13 ~ ﺍﻟﻌﺪﺩ 13

picture

1 M arkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

وَقالَ اللهُ لِمُوسَى:

2 W ar waxaad dirtaa niman soo basaasa dalka reer Kancaan oo aan reer binu Israa'iil siinayo, oo qabiil walba waa inaad nin ka dirtaan, oo mid kastaaba ha ahaado amiir iyaga ku jira.

«أرسِلْ رِجالاً لِيَستَكشِفُوا أرْضَ كَنعانَ الَّتِي سَأُعطِيها لِبَني إسْرائِيلَ. أرسِلُوا رَجُلاً مِنْ كُلِّ عَشِيرَةٍ بِحَيثُ يَكُونُ مِنْ قادَةِ قَبِيلَتِهِ.»

3 M arkaasaa Muuse iyagii ka diray cidladii Faaraan sidii amarkii Rabbigu ahaa, oo kulligood waxay ahaayeen rag reer binu Israa'iil madax u ahaa.

فَأرسَلَهُمْ مُوسَى مِنْ بَرِّيَّةِ فارانَ بِحَسَبِ أمرِ اللهِ. وَكانَ هَؤُلاءِ الرِّجالُ مِنْ قادَةِ بَني إسْرائِيلَ.

4 O o magacyadoodiina kuwan bay ahaayeen: qabiilkii reer Ruubeen waxaa ka tegey Shammuuca ina Sakuur.

وَهَذِهِ هِيَ أسماؤُهُمْ: مِنْ قَبِيلَةِ رَأُوبَيْنَ شَمُّوعُ بْنُ زَكُّورَ.

5 O o qabiilkii reer Simecoonna Shaafaad ina Xori.

وَمِنْ قَبِيلَةِ شِمْعُونَ شافاطُ بْنُ حُورِي.

6 O o qabiilkii reer Yahuudahna Kaaleeb ina Yefunneh.

وَمِنْ قَبِيلَةِ يَهُوذا كالِبُ بْنُ يَفُنَّةَ.

7 O o qabiilkii reer Isaakaarna Yigaal ina Yuusuf.

وَمِنْ قَبِيلَةِ يسّاكِرَ يَجْآلُ بنُ يُوسُفَ.

8 O o qabiilka reer Efrayimna Hoosheeca ina Nuun.

وَمِنْ قَبِيلَةِ أفْرايِمَ هُوشَعُ بْنُ نُونَ.

9 O o qabiilkii reer Benyaamiinna Faltii ina Raafuu.

وَمِنْ قَبِيلَةِ بَنْيامِيْنَ فَلْطِي بْنُ رافُو.

10 O o qabiilkii reer Sebulunna Gaddii'eel ina Soodii.

وَمِنْ قَبِيلَةِ زَبُولُونَ جَدِّيئِيلُ بْنُ سُودِي.

11 O o qabiilkii reer Yuusuf oo ah reer Manasehna Gaddii ina Suusii.

وَمِنْ عَشِيرَةِ يُوسُفَ، أي قَبِيلَةِ مَنَسَّى جِدِّي بْنُ سُوسِي.

12 O o qabiilkii reer Daanna Cammii'eel ina Gemallii.

وَمِنْ قَبِيلَةِ دانَ عَمِّيئِيلُ بْنُ جَمَلِّي.

13 O o qabiilkii reer Aasheerna Setuur ina Miikaa'eel.

وَمِنْ قَبِيلَةِ أشِيرَ سَتُورُ بْنُ مِيخائِيلَ.

14 O o qabiilkii reer Naftaalina Naxbii ina Waafsii.

وَمِنْ قَبِيلَةِ نَفْتالِي نَحْبِي بْنُ وَفْسِي.

15 O o qabiilkii reer Gaadna Ge'uu'eel ina Maakii.

وَمِنْ قَبِيلَةِ جادَ جَأُوئِيلُ بْنُ ماكي.

16 I ntaasu waa magacyadii nimankii Muuse u diray inay dalka soo basaasaan. Markaasaa Muuse wuxuu Hoosheeca ina Nuun u bixiyey Yashuuca.

هَذِهِ هِيَ أسْماءُ الرِّجالِ الَّذِينَ أرسَلَهُمْ مُوسَى لِيَتَجَسَّسُوا الأرْضَ وَيَستَكشِفُوها. أمَّا هُوشَعُ بْنُ نُونَ فَدَعاهُ مُوسَى يَشُوعَ.

17 M arkaasaa Muuse iyagii u diray inay dalkii reer Kancaan soo basaasaan, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Jidkan koonfureed xaggiisa u kaca oo buuraha fuula.

وَحِينَ أرسَلَهُمْ مُوسَى لاستِكشافِ أرْضِ كَنعانَ، قالَ لَهُمْ: «اصْعَدُوا إلَى النَّقَبِ ثُمَّ إلَى مِنْطَقَةِ التِّلالِ.

18 O o waxaad soo fiirisaan dalku siduu yahay, iyo dadka degganu inay xoog badan yihiin iyo inay itaal yar yihiin, iyo inay tiro yar yihiin iyo inay tiro badan yihiin,

تَفَحَّصُوا طَبِيعَةَ الأرْضِ، وَالسّاكِنِينَ فِيها. أهُمْ أقوِياءُ أمْ ضُعَفاءُ، قَلِيلونَ أمْ كَثِيرُونَ؟

19 i yo dalka ay deggan yihiin siduu yahay inuu wanaagsan yahay iyo inuu xun yahay, iyo magaalooyinka ay deggan yihiin siday yihiin, inay xerooyin deggan yihiin iyo inay qalcado xoog badan ku jiraan,

تَفَحَّصُوا طَبِيعَةَ الأرْضِ الَّتِي يَعِيشُونَ فِيها، إنْ كانَتْ حَسَنَةً أمْ رَدِيئَةً، وَهَلْ هِيَ مُخَيَّماتٌ مَفتُوحَةٌ أمْ حُصُونٌ تُحِيطُها أسوارٌ.

20 i yo siduu dalku yahay inuu barwaaqaysan yahay iyo in kale, iyo inuu dhir leeyahay iyo in kale. Haddaba dhiirranaada oo dalka midhihiisa keena. Oo wakhtiguna wuxuu ahaa xilliga uu canabka hore bislaado.

وَافْحَصُوا الأرْضَ إنْ كانَتْ خَصِبَةً أمْ فَقِيرَةً. وَإنْ كانَ هُناكَ أشجارٌ أوْ لا. وَاحْرِصُوا أنْ تُحضِرُوا مِنْ ثَمَرِ الأرْضِ.» فَقَدْ كانَ ذَلِكَ الوَقتُ بِدايَةَ مَوسِمِ العِنَبِ.

21 H addaba iyagii way tageen oo waxay soo basaaseen dalkii tan iyo cidlada Sin iyo ilaa Rexob oo ku taal meesha Xamaad laga galo.

فَذَهَبُوا وَاستَكشَفُوا الأرْضَ مِنْ بَرِّيَّةِ صِينَ إلَى رَحُوبَ قُربَ مَدخَلِ حَماةَ.

22 O o waxay tageen xagga koonfureed, oo yimaadeen Xebroon; oo Axiiman iyo Sheeshay iyo Talmay oo reer Canaaq ahaa ayaa halkaas degganaa. (Oo Xebroon waxaa la dhisay goor toddoba sannadood ka horraysa intaan la dhisin Socan oo Masar ku taal.)

فَذَهَبُوا إلَى النَّقَبِ، وَأتَوْا إلَى حَبْرُونَ. وَكانَتْ قَبائِلُ أخِيمانَ وَشِيشايَ وَتَلْمايَ تَسكُنُ هُناكَ – وَهُمْ مِنْ نَسلِ عَناقَ. وَكانَتْ مَدِينَةُ حَبرُونَ قَدْ بُنِيَتْ قَبلَ مَدِينَةِ صُوعَنَ فِي مِصرَ بِسَبعِ سَنَواتٍ.

23 O o haddana waxay yimaadeen dooxadii Eshkol, oo halkaasay ka goosteen laan rucub canab ahu ku yaal, oo waxay ku qaadeen ul laba nin u dhexaysa, waxayna keeneen midho rummaan iyo berde ah.

ثُمَّ أتَوا إلَى وادِي أشكُولَ. وَمِنْ هُناكَ قَطَعُوا غُصناً فِيهِ عُنقُودُ عِنَبٍ واحِدٍ، حَمَلَهُ رَجُلانِ بِعَصاً فِيما بَينَهما! كَما حَمَلُوا مَعَهُمْ بَعضَ العِنَبِ وَالتِّينِ أيضاً.

24 O o meeshaas magaceeda waxaa la odhan jiray Eshkol, rucubkii canabka ahaa oo ay reer binu Israa'iil halkaas ka goosteen aawadiis.

وَدُعِيَ ذَلِكَ المُكانُ بِوادِي أشكُولَ بِسَبَبِ العُنقُودِ الَّذِي قَطَعَهُ بَنو إسْرائِيلَ مِنْ هُناكَ.

25 O o markay afartan maalmood dalkii soo basaaseen dabadeed ayay ka soo noqdeen. Warbixintii Basaasiinta

وَرَجِعَ الرِّجالُ مِنِ استِكشافِ الأرْضِ بَعدَ أربَعِينَ يَوماً.

26 M arkaasay tageen oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan ugu yimaadeen cidladii Faaraan iyo tan iyo Qaadeesh, oo iyagii iyo ururkii oo dhan war bay u keeneen, oo waxay soo tuseen midhihii dalka.

وَأتَوا إلَى مُوسَى وَهارُونَ وَكُلِّ بَني إسْرائِيلَ فِي بَرِّيَّةِ فارانَ فِي قادِشَ. وَقَدَّمُوا لَهُما وَلِكُلِّ الشَّعبِ تَقرِيراً عَمّا رَأُوهُ، وَأرُوهُمْ ثَمَرَ الأرْضِ.

27 O o Muuse bay u warrameen oo waxay ku yidhaahdeen, Annagu dalkii aad noo dirtay waan gaadhnay, oo hubaal wuxuu la barwaaqaysan yahay caano iyo malab, oo midhihiisiina waa kuwan.

فَقالُوا لِمُوسَى: «قَدْ ذَهَبْنا إلَى الأرْضِ الَّتِي أرسَلْتَنا إلَيها. هِيَ حَقّاً أرْضٌ تَفيِضُ لَبَناً وَعَسَلاً. وَهَذا ثَمَرُها.

28 H abase yeeshee dadka dalka degganu waa xoog badan yihiin, oo magaalooyinkuna deyrar bay leeyihiin, waana waaweyn yihiin, oo weliba waxaannu halkaas ku soo aragnay reer Canaaq.

لَكِنَّ الشَّعبَ الَّذِي يَعِيشُ فِي الأرْضِ قَوِيٌّ، وَمُدُنُهُمْ مُحَصَّنَةٌ وَضَخمَةٌ جِدّاً. كَما أنَّنا رَأينا مِنْ نَسلِ عَناقَ هُناكَ.

29 O o reer Camaaleq waxay deggan yihiin dalka xaggiisa koonfureed, oo reer Xeed iyo reer Yebuus iyo reer Amorna waxay deggan yihiin buuraha, oo reer Kancaanna waxay deggan yihiin badda agteeda iyo Webi Urdun dhinaciisa.

وَالعَمالِقَةُ يَسكُنُونَ أرْضَ النَّقَبِ، وَالحِثِّيُّونَ وَاليَبُوسِيُّونَ وَالأمُّورِيُّونَ يَسكُنُونَ فِي التِّلالِ. وَيَسكُنُ الكَنعانِيُّونَ قُربَ البَحرِ وَعَلَى طُولِ نَهرِ الأردُنِّ.»

30 M arkaasaa Kaaleeb dadkii ku aamusiiyey Muuse hortiisa, oo wuxuu ku yidhi, War haddiiba ina keena, aynu dalka qabsannee, waayo, innagu waynu karaynaa inaynu ka adkaanno.

حِينَئِذٍ، أسْكَتَ كالِبُ الشَّعبَ الَّذِيَ بِقُربِ مُوسَى، وَقالَ: «سَنَصعَدُ وَنَمتَلِكُ الأرْضَ، لأنَّنا قَادِرُونَ عَلَى أنْ نَغزُوَها وَنَمتَلِكَها.»

31 L aakiinse nimankii isaga raacay waxay yidhaahdeen, War innagu dadkaas kuma kici karno, waayo, way inaga xoog badan yihiin.

لَكِنَّ الرِّجالَ الَّذِينَ ذَهَبُوا مَعَهُ قالُوا: «لَسنا قادِرِينَ عَلَى أنْ نَهزِمَ ذَلِكَ الشَّعبَ لأنَّهُمْ أقوَى مِنّا.»

32 O o iyagu dalkii ay soo basaaseen ayay reer binu Israa'iil war xun uga keeneen, oo waxay yidhaahdeen, Dalka aannu dhex marnay oo soo basaasnay waa dal cuna dadka deggan, oo dadkii aannu ku aragnay oo dhammuna waa dad aad u dhaadheer.

وَهَكَذا ثَبَّطُوا بِكَلامِهِمْ هَذا عَزِيمَةَ بَني إسْرائِيلَ بِشأنِ الأرْضِ الَّتِي استَكشَفُوها. وَقالُوا: «الأرْضُ الَّتِي سافَرْنا عَبْرَها لاسْتِكشافِها هِيَ أرْضٌ تُدَمِّرُ الشَّعبَ الَّذِي يَعِيشُ فِيها. وَكُلُّ النّاسِ الَّذِينَ رَأيناهُمْ فِيها مِنَ العَمالِقَةِ!

33 O o waxaannu halkaas ku aragnay dad waaweyn oo xoog badan oo ah reer Canaaq oo ka yimid dadkii waaweynaa oo xoogga badnaa. Waxaannu isula yaraannay sida kabajaan oo kale, oo hortoodana sidaas oo kalaannu ku ahayn.

وَقَدْ رَأينا هُناكَ الجَبابِرَةَ – جاءَ نَسلُ عَناقَ مِنَ الجَبابِرَةِ – فَشَعَرْنا وَكَأنَّنا جَرادٌ أمامَهُمْ! وَهَكَذا كُنّا بِالفِعلِ فِي نَظَرِهِمْ!»