Baxniintii 40 ~ ﺍﻟﺨﺮﻭﺝ 40

picture

1 M arkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo ku yidhi,

وَكَلَّمَ اللهُ مُوسَى فَقالَ:

2 B isha kowaad maalinteeda kowaad waa inaad taambuugga teendhada shirka qotomisaa.

«فِي اليَومِ الأوَّلِ مِنَ الشَّهرِ الأوَّلِ تُقيْمُ المَسْكَنِ المُقَدَّسَ.

3 O o waa inaad sanduuqa maragga gudaheeda gelisaa, oo sanduuqa waa inaad ilxidhka ku qarisaa.

ضَعْ فِيهِ صُندُوقَ لَوحَيِّ الشَّهادَةِ وَأخْفِهِ بِالسِّتارَةِ الدّاخِلِيَّةِ.

4 O o miiskana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo aad alaabta saaran hagaajisaa, oo laambaddana waa inaad gudaha soo gelisaa, oo laambadaheeda waa inaad shiddaa.

ثُمَّ أدْخِلْ المائِدَةَ وَرَتِّبْ خُبزَ حَضْرَةِ اللهِ عَلَيها، وَأحْضِرْ المَنارَةَ وَأشْعِلْ سُرُجَها.

5 O o meesha allabariga oo dahabka ah oo fooxa waxaad dhigtaa sanduuqa maragga hortiisa, oo iridda taambuuggana daaheeda sudh.

وَضَعْ مَذْبَحَ البَخُورِ الذَّهَبِيَّ أمامَ صُندُوقِ العَهْدِ، وَالسِّتارَةَ عَلَى مَدْخَلِ المَسْكَنِ.

6 O o meesha allabariga lagu gubona waxaad hor dhigtaa iridda taambuugga teendhada shirka.

«ضَعْ مَذْبَحَ الذَّبيحَةِ الصَّاعِدَةِ أمامَ مَدْخَلِ المَسْكَنِ، أي مَدْخَلِ خَيمَةِ الاجْتِماعِ.

7 O o berkedda weysadana waxaad dhigtaa teendhada shirka iyo meesha allabariga dhexdooda, waana inaad biyo ku shubtaa.

وَضَعْ حَوضَ الاغتِسالِ بَينَ خَيمَةِ الاجْتِماعِ وَالمَذبَحِ، مَملوءاً بِالماءِ.

8 O o waa inaad dayrka barxadda ku wareegsan qotomisaa, oo barxadda iriddeedana waxaad soo sudhaa daaha.

ضَعْ سَتائِرَ السّاحَةِ حَولَ الخَيمَةِ، ثُمَّ ضَعْ سِتارَةَ مَدْخَلِ السّاحَةِ.

9 O o markaas waxaad qaadataa saliidda lagu subkado, oo waxaad ku subagtaa taambuugga, iyo waxa gudihiisa ku jira oo dhan, oo waa inaad quduus ka dhigtaa isaga iyo alaabtiisa oo dhanba; oo kolkaasuu quduus noqon doonaa.

وَخَذْ زَيتَ المَسحَةِ، وَامْسَحْ بِهِ المَسْكَنَ وَكُلَّ ما فِيهِ وَكُلَّ أثاثِهِ لِيَكُونَ مُخَصَّصاً للهِ.

10 O o waxaad kaloo subagtaa meesha allabariga lagu gubo, iyo alaabteeda oo dhan, oo meesha allabariga quduus ka dhig, oo markaasay meesha allabarigu waxay noqon doontaa tan ugu wada quduusan.

وَامْسَحْ مَذبَحَ الذَّبائِحِ الصّاعِدَةِ وَكُلَّ أدَواتِهِ، وَكَرِّسِ المَذبَحَ، فَيَصيْرَ قُدسَ أقداسٍ.

11 O o waxaad kaloo subagtaa berkedda weysada iyo salkeeda, oo waa inaad quduus ka dhigtaa.

وَامْسَحْ حَوضَ الاغتِسالِ وَقاعِدَتَهُ وَتُقَدِّسَهُ.

12 O o Haaruun iyo wiilashiisa waxaad keentaa iridda teendhada shirka, oo waa inaad biyo ugu maydhaa iyaga.

«ثُمَّ اسْتَدْعِ هارُونَ وَأبناءَهُ إلَى مَدْخَلِ خَيمَةِ الاجْتِماعِ وَاغْسِلْهُمْ بِالماءِ.

13 O o Haaruun waa inaad u gelisaa dharkii quduuska ahaa; oo waa inaad isaga u subagtaa oo quduus ka dhigtaa, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada.

ألْبِسْ هارُونَ ثِياباً مُقَدَّسَةً، وَامْسَحْهُ وَكَرِّسْهُ لِيَخدِمَنِي كَكاهِنٍ لِي.

14 O o wiilashiisana waa inaad keentaa oo jubbado u gelisaa,

أحْضِرْ كَذَلِكَ أبْناءَهُ وَألبِسْهُمُ الثِّيابَ المُخَصَّصَةَ لَهُمْ.

15 o o waa inaad iyana u subagtaa sidii aad aabbahood ugu subagtay oo kale, inay iiga adeegaan hawsha wadaadnimada, oo subkiddoodu waxay iyaga u noqon doontaa wadaadnimo iyaga u jiraysa weligood iyo tan iyo ka ab ka ab.

وَامْسَحْهُمْ كَما مَسَحتَ أباهُمْ لِيَخدِمُونِي كَكَهَنَةٍ لِي. فَسَتُؤَهِّلُهُمْ هَذِهِ المِسْحَةُ لِيَكونوا كَهَنَةً إلَى الأبَدِ فِي كُلِّ أجيالِهِمْ.»

16 S idaasuu Muuse yeelay, oo sidii Rabbigu ku amray oo dhan wuu wada sameeyey.

فَعَمِلَ مُوسَى بِحَسَبِ ما أمَرَهُ اللهُ بِهِ.

17 O o sannaddii labaad, bisheedii kowaad, maalinteedii kowaad ayaa taambuuggii la qotomiyey.

وَفِي اليَومِ الأوَّلِ مِنَ الشَّهرِ الأوَّلِ فِي السَّنَةِ الثّانِيَةِ، أُقيمَ المَسْكَنُ المُقَدَّسُ.

18 O o Muuse wuxuu qotomiyey taambuuggii, saldhigyadiisiina wuu dhigay, oo wuxuu taagay looxyadiisii, ulahoodiina wuu ku gudbay, tiirarkiisiina wuu taagay.

أقامَ مُوسَى المَسْكَنَ وَوَضَعَ قَواعِدَهُ وَألواحَهُ وَعَوارِضَهُ وَأعمِدَتَهُ.

19 O o taambuuggii buu ku deday teendhada, oo teendhada dedkeediina wuu ka sii dul mariyey, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

وَنَشَرَ مُوسَى الخَيمَةَ فَوقَ المَسْكَنِ. ثُمَّ وَضَعَ فَوقَهُ غِطاءَ جُلُودِ الكِباشِ المَدبُوغَةِ وَغِطاءِ جُلُودِ التُّيُوسِ، كَما أمَرَ اللهُ مُوسَى.

20 M arkaasuu qaaday maraggii oo ku riday sanduuqii, oo ulihiina sanduuqii sudhay, daboolkiina wuxuu saaray sanduuqa dushiisii;

وَأخَذَ مُوسَى لَوحَيِّ الشَّهادَةِ وَوَضَعَهُما فِي الصُّندُوقِ. وَوَضَعَ العَصَوَينِ فِي حَلَقاتِ الصُّندُوقِ، وَوَضَعَ الغِطاءَ فَوقَ الصُّندُوقِ.

21 m arkaasuu sanduuqiina taambuuggii soo geliyey, oo haddana sudhay ilxidhkii daaha, oo wuxuu ku qariyey sanduuqii maragga, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

وَأحضَرَ مُوسَى الصُّندُوقَ إلَى المَسْكَنِ، وَوَضَعَ السِّتارَةَ الدّاخِلِيَّةَ، وَأخْفَى صُندُوقَ لَوحَيِّ الشَّهادَةِ، كَما أمَرَ اللهُ مُوسَى.

22 O o miiskiina wuxuu geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay ilxidhka dibaddiisa oo ah taambuugga dhankiisa woqooyi.

وَوَضَعَ مُوسَى المائِدَةَ فِي خَيمَةِ الاجْتِماعِ عَلَى الجِهَةِ الشَّمالِيَّةِ مِنَ المَسْكَنِ، خارِجَ السِّتارَةِ الدّاخِلِيَّةِ.

23 O o intuu Rabbiga hor dhigay ayuu kibistii hagaajiyey, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

وَرَتَّبَ عَلَيها الخُبزَ فِي حَضرَةِ اللهِ ، كَما أمَرَ اللهُ مُوسَى.

24 O o laambaddiina wuxuu geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay meel miiska ku toosan, oo ah taambuugga dhankiisa koonfureed.

وَوَضَعَ مُوسَى المَنارَةَ فِي خَيمَةِ الاجْتِماعِ عَلَى الجِهَةِ الجَنُوبِيَّةِ مِنَ المَسْكَنِ مُقابِلَ المائِدَةِ.

25 M arkaasuu laambadihii Rabbiga hortiisa ku shiday, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

وَوَضَعَ السُّرُجَ فِي حَضرَةِ اللهِ ، كَما أمَرَ اللهُ مُوسَى.

26 O o meeshii allabariga oo dahabka ahaydna wuu soo geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay ilxidhka hortiisa,

وَوَضَعَ المَذبَحَ الذَّهَبِيَّ فِي خَيمَةِ الاجْتِماعِ أمامَ السِّتارَةِ الدّاخِلِيَّةِ.

27 o o markaasuu ku shiday foox uunsi udgoon ah, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

وَأحرَقَ بَخُوراً طَيِّباً، كَما أمَرَ اللهُ مُوسَى.

28 O o taambuugga iriddiisiina wuxuu sudhay daahii.

وَوَضَعَ السِّتارَةَ عَلَى مَدخَلِ المَسْكَنِ.

29 O o meeshii allabariga lagu gubi jirayna wuxuu ag dhigay iridda taambuugga ee teendhada shirka, oo wuxuu dusheeda ku bixiyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaankii hadhuudhka ahaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

وَوَضَعَ مَذبَحَ الذَّبائِحِ الصّاعِدَةِ عِندَ مَدخَلِ مَسْكَنِ خَيمَةِ الاجْتِماعِ، وَقَدَّمَ عَلَيهِ الذَّبائِحَ الصّاعِدَةَ وَتَقدِماتِ الحُبُوبِ، كَما أمَرَ اللهُ مُوسَى.

30 O o berkeddii weysadana wuxuu dhigay teendhadii shirka iyo meeshii allabariga dhexdooda, oo wuxuu ku shubay biyo in lagu maydho.

وَوَضَعَ مُوسَى الحَوضَ بَينَ خَيمَةِ الاجْتِماعِ وَالمَذبَحِ، وَوَضَعَ فِيهِ ماءً لِلاغْتِسالِ.

31 O o Muuse iyo Haaruun iyo wiilashiisiiba gacmaha iyo cagaha ayay ku maydheen;

وَكانَ مُوسَى وَهارُونُ وَأبناؤُهُ يَغسِلُونَ أيدِيَهِمْ وَأرجُلَهُمْ فِيهِ.

32 o o markay teendhada shirka galeen iyo markay meesha allabariga u soo dhowaadeenba way ku maydheen, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

فَحِينَ كانُوا يَأْتُونَ إلَى خَيمَةِ الاجْتِماعِ وَيَقتَرِبُونَ إلَى المَذبَحِ، كانُوا يَغتَسِلُونَ كَما أمَرَ اللهُ مُوسَى.

33 M arkaasuu qotomiyey dayrkii barxadda taambuuggii iyo meeshii allabariga ku wareegsanaa, oo barxadda iriddeediina wuxuu sudhay daahii. Sidaasuu Muuse shuqulkii u dhammeeyey. Ammaantii Rabbiga

وَوَضَعَ مُوسَى سَتائِرَ السّاحَةِ حَولَ المَسْكَنِ وَالمَذبَحِ. وَوَضَعَ سِتارَةَ مَدْخَلِ السّاحَةِ. وَبِهَذا أكمَلَ مُوسَى كُلَّ العَمَلِ. مَجدُ الله

34 M arkaasaa daruurtii teendhadii shirka qarisay, ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxsantay.

وَغَطَّتِ السَّحابَةُ خَيمَةَ الاجْتِماعِ، وَمَلأ مَجدُ اللهِ المَسْكَنَ.

35 O o Muusena inuu teendhadii shirka galo wuu kari waayay, maxaa yeelay, daruurtii baa dul joogtay, oo ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxday.

وَلَمْ يَستَطِعْ مُوسَى الدُّخُولَ إلَى خَيمَةِ الاجْتِماعِ لِأنَّ مَجدَ اللهِ مَلأ المَسْكَنَ.

36 O o markii daruurtii taambuuggii kor ahayd laga qaaday ayaa reer binu Israa'iil hore u sii wadeen sodcaalladoodii oo dhan,

وَفِي كُلِّ رِحلاتِ بَني إسْرائِيلَ، حِينَ كانَتِ السَّحابَةُ تَرتَفِعُ عَنِ المَسْكَنِ كانَ بَنو إسْرائِيلَ يَرتَحِلُونَ.

37 l aakiinse haddii aan daruurtii kor loo qaadin, ma ay socon jirin ilaa maalinta kor loo qaado.

فَإنْ لَمْ تَرتَفِعِ السَّحابَةُ، لَمْ يَكُونُوا يَرتَحِلُونَ إلَى أنْ تَرتَفِعَ.

38 W aayo, daruurtii Rabbigu maalintii taambuuggay dul joogi jirtay, habeenkiina waxaa daruurtii ku jiri jiray dab, reer binu Israa'iil oo dhammuna waxyaalahaas ayay arki jireen sodcaalladoodii oo dhan.

لِأنَّ سَحابَةَ اللهِ كانَتْ فَوقَ المَسْكَنِ فِي النَّهارِ. وَكانَتِ النّارُ فِي السَّحابَةِ طَوالَ اللَّيلِ أمامَ عُيونِ جَمِيعِ بَيتِ إسْرائِيلَ فِي كُلِّ رِحلاتِهِمْ.