1 M idkiin haddii uu xaal ku haysto kan kale, miyuu ku dhacaa inuu ku dacweeyo kuwa aan xaqa ahayn hortooda, oo aanu ku dacwayn quduusiinta hortooda?
حِينَ يَكُونُ بَينَ أحَدِكُمْ وَبَينَ أخِيهِ نِزاعٌ، كَيفَ يَجرُؤُ عَلَى مُقاضاتِهِ أمامَ غِيرِ المُؤمِنِينَ؟ لِماذا لا يَرفَعُ الأمرَ إلَى شَعبِ اللهِ المُقَدَّسِ؟
2 M ise waydnaan garanaynin in quduusiintu ay dunida xukumi doonaan? Oo haddaad dunida xukuntaan, ma waxaad tihiin kuwa aan istaahilin inay waxyaalaha yaryar xukumaan?
أمْ أنَّكُمْ لا تَعلَمُونَ أنَّ شَعبَ اللهِ المُقَدَّسَ سَيَحكُمُ عَلَى العالَمِ؟ وَما دُمتُمْ سَتَحكُمُونَ عَلَى العالَمِ، أفَلَستُمْ مُؤَهَّلِينَ لِلحُكمِ فِي مَسائِلَ بَسِيطَةٍ؟
3 M iyeydnaan ogayn inaynu malaa'igaha xukumi doonno? Intee ka badan baa waxyaalaha noloshan ku saabsan aynu xukumaynaa?
ألا تَعلَمُونَ أنَّنا سَنَحكُمُ عَلَى مَلائِكَةٍ؟ فَبِالأولَى إذاً أنْ نَحكُمَ فِي أُمُورِ هَذِهِ الحَياةِ!
4 H addaba haddii aad leedihiin axwaal ku saabsan waxyaalaha noloshan, kuwa aan waxba ka ahayn kiniisadda miyaad ka dhigaysaan inay xukumaan?
فَإنْ كانَتْ لَدَيكُمْ قَضايا يَومِيَّةٌ، لِماذا تَحتَكِمُونَ إلَى قُضاةٍ لَيْسوا مِنَ الكَنِيسَةِ؟
5 W axaan taas u leeyahay inaan idin ceebeeyo. Ma sidaas baa inaan dhexdiinna laga helaynin mid xigmad leh oo karaya inuu u gar qaybiyo walaalihiis,
أقُولُ هَذا لِتَخجِيلِكُمْ: ألا يُوجَدُ بَينَكُمْ حَكِيمٌ قادِرٌ عَلَى حَلِّ الخِلافاتِ بَينَ إخْوَتِهِ؟
6 l aakiin in walaal walaalkii dacweeyo oo uu weliba ku dacweeyo kuwa aan rumaysnayn hortooda?
لَكِنَّ الحالَ عِندَكُمْ هُوَ أنَّ الأخَ يُقاضِي أخاهُ أمامَ غَيرِ المُؤمِنِينَ!
7 H addaba waa idiin wada daran tahay in midkiinba midka kale dacweeyo. Maad iska daysaan, ha laydin xumeeyee? Maad iska daysaan, ha laydin dulmee?
فَالدَّعاوَى القَضائِيَّةُ بَينَكُمْ دَلِيلٌ عَلَى خَسارَتِكُمْ! لِماذا لا تَحتَمِلُونَ الإساءَةَ وَالسَّلبَ بَدَلاً مِنْ ذَلِكَ؟
8 L aakiin idinka qudhiinnu wax baad xumaysaan oo dulantaan, oo xataa walaalihiin.
بَلْ إنَّكُمْ أنتُمُ الَّذِينَ تُسِيئُونَ إلَى إخْوَتِكُمْ وَتَسلِبُونَهُمْ!
9 A ma miyeydnaan ogayn in kuwa xaqa darani ayan dhaxlayn boqortooyadii Ilaah? Yaan laydin khiyaanayn. Ama dhillayaasha, ama kuwa sanamka caabuda, ama kuwa sinaysta, ama khaanisiinta,
ألا تَعلَمُونَ أنَّ الأشرارَ لَنْ يَرِثُوا مَلَكُوتَ اللهِ؟ لا تَخدَعُوا أنفُسَكُمْ! فَلَنْ يَرِثَ مَلَكُوتَ اللهِ المُنحَلُّونَ جِنسِيّاً وَعَبَدَةُ الأوثانِ وَالزُّناةُ وَالشّاذُّونَ: مُخَنَّثينَ وَلوطِيِّينَ،
10 a ma tuugagga, ama kuwa wax badan damca, ama kuwa sakhraama, ama kuwa wax caaya, ama kuwa wax dulma, ma dhaxli doonaan boqortooyadii Ilaah.
وَلا السّارِقُونَ وَالفاسِقُونَ وَالسِّكِّيْرُونَ وَالمُفتَرُونَ وَالمُحتالُونَ.
11 Q aarkiin sidaas oo kale baad ahaan jirteen, laakiin waa laydinka maydhay, quduus baa laydinka dhigay, xaq baa laydinkaga dhigay magaca Rabbi Ciise Masiix iyo Ruuxa Ilaaheenna. Daahirla'aanta Iyo Nolosha Masiixigu Ma Wada Socdaan
وَهَكَذا كانَ بَعضٌ مِنكُمْ، لَكِنَّكُمْ تَغَسَّلْتُمْ وَتَقَدَّستُمْ وَتَبَرَّرْتُمْ بِاسْمِ رَبِّنا يَسُوعَ المَسِيحِ وَبِرُوحِ إلَهِنا. استَخدِمُوا أجسادَكُمْ لِمَجدِ الله
12 W ax waliba waa ii xalaal, laakiin wax waliba iima roona. Wax waliba waa ii xalaal, laakiin waxba ima addoonsan doonaan.
صَحِيحٌ أنَّنِي حُرٌّ فِي أنْ أفعَلَ أيَّ شَيءٍ، لَكِنْ لَيسَ كُلُّ شَيءٍ نافِعاً. وَصَحِيحٌ أنَّنِي حُرٌّ فِي أنْ أفعَلَ أيَّ شَيءٍ، لَكِنِّي لَنْ أسمَحَ لِشَيءٍ بِأنْ يَتَحَكَّمَ فِيَّ.
13 C untada waxaa loo sameeyey caloosha, calooshana cuntada, laakiin Ilaah baa baabbi'in doona tan iyo taaba. Jidhka looma samayn sinada ee waxaa loo sameeyey Rabbiga, Rabbiguna jidhkuu xannaaneeyaa.
صَحِيحٌ أنَّ الطَّعامَ مَوجُودٌ مِنْ أجلِ المَعِدَةِ، وَالمَعِدَةُ مِنْ أجلِ الطَّعامِ. لَكِنَّ اللهَ سَيَقضِي عَلَيهِما مَعاً. وَهُوَ لَمْ يَخلِقْ أجسادَنا للزِّنَىْ، بَلْ لِخِدمَةِ الرَّبِّ. وَالرَّبُّ هُوَ الَّذِي يَسُدُّ احتِياجاتِ أجسادِنا.
14 I laah waa sara kiciyey Rabbiga, innagana xooggiisa ayuu inagu sara kicin doonaa.
وَكَما أقامَ اللهُ جَسَدَ الرَّبِّ يَسُوعَ مِنَ المَوتِ، سَيُقِيمُ أجسادَنا نَحنُ أيضاً بِقُوَّتِهِ.
15 M iyaanaydin garanaynin jidhadhkiinnu inay yihiin xubnaha Masiixa? Haddaba miyaan qaadaa xubnaha Masiixa oo dhillo xubnaheed ka dhigaa? Yaanay noqon.
ألا تَعلَمُونَ أنَّ أجسادَكُمْ هِيَ أعضاءٌ فِي جَسَدِ المَسِيحِ؟ فَهَلْ آخُذُ أعْضاءَ جَسَدِ المَسيحِ، وَأجعَلُها تَرتَبِطُ بامرَأةٍ ساقِطَةٍ؟ بِالطَّبعِ لا!
16 M iyaanaydin ogayn inuu kii dhillo raacaa la jidh yahay? Waayo, Ilaah wuxuu leeyahay, Labadu waxay noqon doonaan isku jidh.
ألا تَعلَمُونَ أنَّ مَنْ يَتَّحِدُ بامرَأةٍ ساقِطَةٍ يَصِيرُ واحِداً مَعَها فِي الجَسَدِ؟ إذْ يَقُولُ الكِتابُ: «سَيَصِيرُ الاثنانِ جَسَداً واحِداً.»
17 L aakiin kii Rabbiga raacaa waa la ruux.
لَكِنْ مَنْ يَتَّحِدُ بِالرَّبِّ يَكُونُ واحِداً مَعَهُ فِي الرُّوحِ.
18 K a carara sinada. Dembi kaloo kasta oo nin falo, jidhka waa ka dibadda, laakiin kii dhillanimada falaa jidhkiisuu ku dembaabaa.
فَتَجَنَّبُوا الزِّنَىْ. فَكُلُّ خَطِيَّةٍ أُخْرَى يُمكِنُ أنْ يَرتَكِبَها المُؤمِنُ هِيَ خارِجُ جَسَدِهِ، أمّا الزّاني فَيُخطِئُ ضِدَّ جَسَدِهِ هُوَ.
19 A ma miyaanaydin ogayn jidhkiinnu inuu yahay macbudka Ruuxa Quduuska ah ee idinku jira ee aad Ilaah ka hesheen? Oo idinku isma lihidin,
أمْ أنَّكُمْ لا تَعلَمُونَ أنَّ أجسادَكُمْ هِيَ هَياكِلُ لِلرُّوحِ القُدُسِ السّاكِنِ فِيكُمْ، وَالَّذِي قَبِلتُمُوهُ مِنَ اللهِ. ألا تَعلَمُونَ أنَّكُمْ لا تَخُصُّونَ أنفُسَكُمْ؟
20 w aayo, qiimo weyn baa laydinku soo iibsaday. Sidaa aawadeed Ilaah jidhkiinna ku ammaana.
فَقَدِ اشتَراكُمُ اللهُ بِثَمَنٍ، فَمَجِّدُوا اللهَ باستِخدامِ أجسادِكُمْ.