Markos 7 ~ ﻣﺮﻗﺲ 7

picture

1 K olkaasaa waxaa u soo urureen Farrisiintii iyo qaar culimmo ah oo Yeruusaalem ka yimid.

وَاجتَمَعَ حَولَهُ بَعضُ الفِرِّيسِيِّينَ وَمُعَلِّمِي الشَّرِيعَةِ الَّذِينَ جاءُوا مِنَ القُدسِ.

2 G oortaasay arkeen xertiisii qaarkooda oo kibis ku cunaya gacmo nijaasaysan, waxa weeye gacmo aan dhaqnayn.

فَرَأَوْا بَعضَ تَلامِيذِهِ يَأكُلُونَ بِأيدٍ نَجِسَةٍ، أي غَيرِ مَغسُولَةٍ.

3 W aayo, Farrisiinta iyo Yuhuudda oo dhammu waxba ma cunaan haddayan gacmahooda aad u dhaqin, si ay u xajiyaan xeerkii waayeellada.

فَقَدْ كانَ الفِرِّيسِيُّونَ وَجَمِيعُ اليَهُودِ لا يَأكُلُونَ حَتَّى يَغسِلُوا أيدِيَهُمْ وَفْقاً لِلتَّقاليدِ.

4 O o goortay suuqa ka yimaadaan waxba ma cunaan, inay maydhaan maahee. Waxyaalo badan oo kale ayaa jira oo ay heleen inay xajiyaan sida dhaqidda koobab, iyo dheriyo, iyo weelal naxaas ah, iyo miisas.

وَإذا عادُوا مِنَ السُّوقِ، لَمْ يَكُونواَ يَأكُلُونَ شَيئاً حَتَّى يَغسِلُوهُ جَيِّداً. وَلَهُمْ عاداتٌ أُخْرَى يَتبَعُونَها مِثلَ غَسلِ الكُؤُوسِ وَالأبارِيقِ وَالأوعِيَةِ النُّحاسِيَّةِ وَالصُّحُونِ.

5 M arkaasaa Farrisiintii iyo culimmadii weyddiiyeen oo waxay ku yidhaahdeen, Xertaadii maxay ugu socon waayeen xeerkii waayeellada, waxayse wax ku cunaan gacmo nijaasaysan?

فَسَألَهُ الفِرِّيسِيُّونَ وَمُعَلِّمُوا الشَّرِيعَةِ: «لِماذا لا يَقتَدِي تَلامِيذُكَ بَتَقالِيدِ القُدَماءِ؟ لِماذا يَأكُلُونَ بِأيدٍ نَجِسَةٍ؟»

6 M arkaasuu wuxuu ku yidhi, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay, labawejiilayaalow, siday u qoran tahay, Dadkanu bushimahooda ayay igu maamuusaan, Laakiin qalbigoodu waa iga fog yahay.

فَأجابَهُمْ: «صَدَقَ إشَعْياءُ حِينَ تَنَبَّأ عَنكُمْ أنتُمُ المُنافِقُينَ، فَقالَ: ‹هَذا الشَّعبُ يُمَجِّدُنِي بِشَفَتَيهِ، وَأمّا قَلْبُهُ فَبَعِيدٌ عَنِّي.

7 S i aan micne lahayn ayay ii caabudaan, Iyagoo dadka wax ku baraya amarrada dadka.

عِبادَتُهُمْ بِلا فائِدَةٍ، لِأنَّهُمْ يُعَلِّمُونَ تَعالِيماً هِيَ لَيسَتْ سِوَى وَصايا بَشَرِيَّةٍ.›

8 I dinku qaynuunkii Ilaah waad ka tagtaan, oo waxaad xajisaan xeerka dadka, sida dhaqidda dheriyada iyo koobabka, oo wax kale oo badan oo kuwaas la mid ah ayaad samaysaan.

لَقَدْ أهمَلْتُمْ وَصايا اللهِ، وَتَتبَعُونَ الآنَ تَقالِيدَ البَشَر!»

9 M arkaasuu ku yidhi, Qaynuunkii Ilaah aad baad u diiddaan inaad xeerkiinna xajisaan.

ثُمَّ قالَ لَهُمْ: «أنتُمْ تُجِيدُونَ رَفْضَ وَصايا اللهِ لِتُحافِظُوا عَلَى تَقالِيدِكُمْ!

10 W aayo, Muuse wuxuu yidhi, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus; oo kan aabbihii iyo hooyadii caayaa, dhimasho ha ku dhammaado.

فَقَدْ قالَ مُوسَى: ‹أكرِمْ أباكَ وَأُمَّكَ،› وَقالَ: ‹مَنْ يَشْتُمُ أباهُ أوْ أُمَّهُ يُقتَلُ.›

11 L aakiin waxaad leedihiin, Haddii nin aabbihii iyo hooyadii ku yidhaahdo, Wixii aan idiin tari lahaa oo dhan waa Qurbaan, waxa weeye, Waa sadaqad aan Ilaah siiyey;

لَكِنَّكُمْ تَسْمَحونَ بِأنْ يَقولَ شَخْصٌ لأبيهِ أوْ لِأُمِّهِ: ‹لا أستَطِيعُ مُساعَدَتَكُما، لِأنَّ كُلَّ ما أمتَلِكُهُ هُوَ قُربانٌ لِلرَّبِّ!›

12 i dinku uma daysaan mar dambe inuu aabbihii iyo hooyadii wax u sameeyo.

فَتُشَجِّعونَهُ عَلَى عَدَمِ مُساعَدَةِ أبِيهِ وَأُمِّهِ.

13 E reygii Ilaah ayaad ku buriseen xeerkiinna aad bixiseen, oo wax badan oo kuwan oo kale ah ayaad samaysaan.

وَتَتَجاهَلُونَ كَلِمَةَ اللهِ لِأجلِ تَقاليدِكُمُ الَّتِي تَتَّبِعُونَها. وَتَفعَلُونَ أُمَوراً كَثِيرَةً مِثلَ هَذَهِ.»

14 M arkaasuu dadkii badnaa haddana u yeedhay oo ku yidhi, I maqla kulligiin oo garta.

وَدَعا يَسُوعُ الجُمُوعَ إلَيهِ ثانِيَةً وَقالَ لَهُمْ: «اسْتَمِعُوا إلَيَّ جَمِيعُكُمْ وَافهَمُوا.

15 M a jiraan wax dibadda jooga oo intay ninka galaan nijaasayn karaa, laakiin waxa isaga ka soo baxa kuwaasaa waxa ninka nijaaseeya.

ما يَدخُلُ مَعِدَةَ الإنسانِ مِنَ الخارِجِ لا يَقْدِرُ أنْ يُنَجِسَّ الإنْسانَ، أمّا ما يَأتِي مِنْ داخِلِ الإنسانِ فَهُوَ ما يُنَجِّسُهُ.

16 H addii nin dhego wax lagu maqlo leeyahay ha maqlo.

مَنْ لَهُ أُذُنانِ، فَلْيَسمَعْ.»

17 M arkuu dadka ka tegey oo guri galay ayaa xertiisii masaalladii wax ka weyddiisay.

وَلَمّا تَرَكَ النّاسَ وَدَخَلَ إلَى البَيتِ، سَألَهُ تَلامِيذُهُ عَنْ مَعنَى هَذا التَشبيهِ.

18 W uxuu iyaga ku yidhi, Idinkuna ma sidaasaad garashola'aan u tihiin? Miyaydnaan garanaynin in waxa dibadda joogaa oo dadka galaa ayan nijaasayn karin?

فَقالَ لَهُمْ: «أأنتُمْ أيضاً لَمْ تَفهَمُوا؟ ألَمْ تَفهَمُوا إنَّهُ لا شَيءَ يَدخُلُ الإنسانَ مِنَ الخارِجِ يَقْدِرُ أنْ يُنَجِّسَهُ؟

19 W aayo, qalbigiisa ma galaan, laakiin calooshiisay galaan, oo waxay ku dhacaan meesha lagu saxaroodo. Sidaasuu cuntada oo dhan ku nadiifiyey.

لِأنَّهُ لا يَدخُلُ إلَى قَلبِهِ، بَلْ إلَى مَعِدَتِهِ، ثُمَّ يَخْرُجُ خارِجاً.» فَبَيَّنَ يَسُوعُ بِهَذا الكَلامِ أنَّ جَمِيعَ الأطعِمَةِ طاهِرَةٌ.

20 W uxuuna ku yidhi, Waxa ninka ka soo baxa, kuwaas weeye waxa ninka nijaaseeyaa.

ثُمَّ قالَ: «إنَّ ما يَخرُجُ مِنْ داخِلِ الإنسانِ هُوَ ما يُنَجِّسُهُ.

21 W aayo, waxan weeye waxa qalbiga dadka gudihiisa ka soo baxa fikirrada shar leh, iyo galmada xaaraanta ah, iyo tuuganimada, iyo dilidda,

لِأنَّهُ مِنَ الدّاخِلِ، مِنْ قَلْبِ الإنسانِ، تَأتِي الأفكارُ الشِّرِّيرَةُ، وَالفِسْقُ، وَالسَّرِقَةُ، وَالقَتلُ،

22 i yo damacnimada, iyo sharka, iyo khiyaanada, iyo camal xumaanta, iyo il xun, iyo cayda, iyo kibirka, iyo nacasnimada.

وَالزِّنَى، وَالجَشَعُ، وَالخُبْثُ، وَالخِداعُ، وَالعَهارَةُ، وَالحَسَدُ، وَالإهانَةُ، وَالكِبْرِياءُ، وَالحَماقَةُ.

23 W axyaalahan shar leh oo dhammu gudahay ka soo baxaan oo ninka nijaaseeyaan. Bogsiintii Gabadha Aan Yuhuudda Ahayn

هَذِهِ الأفعالُ الشِّرِّيرَةُ جَمِيعُها تَأتِي مِنْ داخِلِ الإنسانِ، وَهِيَ ما يُنَجِّسُهُ.» يَسُوعُ يُساعِدُ امْرأةً غَريبَةً

24 M eeshaas ayuu ka kacay oo wuxuu tegey soohdimaha Turos iyo Siidoon. Markaasuu guri galay. Ma uu doonaynin in la ogaado, laakiin wuu qarsoomi kari waayay.

ثُمَّ غادَرَ يَسُوعُ تِلْكَ المِنطَقَةَ، وَاتَّجَهَ إلَى المَناطِقِ المُحِيطَةِ بِصُورَ. وَهُناكَ دَخَلَ بَيتاً، وَلَمْ يَكُنْ يُرِيدُ لِأحَدٍ أنْ يَعرِفَ أنَّهُ هُناكَ. لَكِنَّهُ لَمْ يَستَطِعْ أنْ يُخْفي نَفْسَهُ،

25 K olkaasaa naag gabadheedu jinni wasakh leh qabtay ayaa warkiisa maqashay, oo intay timid ayay lugihiisa isku tuurtay.

إذْ إنَّ امْرأةً لَدَيها ابْنَةٌ فِيها رُوحٌ نَجِسٌ، سَمِعَتْ بِوُصُولِهِ، فَجاءَتْ عَلَىْ الفَورِ وَارْتَمَتْ عِندَ قَدَمَيهِ.

26 N aagtii waxay ahayd Gariig, qolo ahaanna Surofoynike. Oo waxay ka bariday inuu jinniga gabadheeda ka saaro.

لَمْ تَكُن المَرْاَةُ يَهودِيَّةً، بَلْ فينِيقِيَّةً مِنْ سُورِيّا. وَتَوَسَّلَتْ إلَيهِ لِيُخرِجَ الرُّوحَ الشِّرِّيرَ مِنَ ابْنَتِها.

27 K olkaasuu ku yidhi, Kolka hore carruurtu ha dheergaan, waayo, ma wanaagsana in carruurta kibistooda la qaado oo eeyaha loo tuuro.

فَقالَ لَها يَسُوعُ: «مِنَ الأولَى أنْ يَشبَعَ أبْناءُ البَيتِ أوَّلاً. فَلَيسَ جَيِّداً أنْ نَأخُذَ طَعامَهُم وَنُلقِيَهُ لِلكِلابِ.»

28 L aakiin way u jawaabtay oo ku tidhi, Waa run, Sayidow, laakiin weliba eeyaha miiska hoostiisa ku jiraa waxay cunaan jajabka carruurta ka dhaca.

فَأجابَتْهُ: «صَحِيحٌ يا سَيِّدِي، وَلَكِنْ حَتَّى الكِلابُ الَّتيْ تَحتَ المائِدَةِ، تَأكُلُ فُتاتَ الطَعامِ الَّذي يُسْقِطُهُ الأبْناءُ.»

29 K olkaasuu iyada ku yidhi, Hadalkaas aawadiis tag; jinnigii ayaa gabadhaada ka baxay.

فَقالَ لَها: «مِنْ أجلِ كَلامِكِ هَذا، اذهَبِي إلَى بَيتِكِ، لِأنَّ الرُّوحَ الشِّرِّيرَ قَدْ خَرَجَ مِنَ ابْنَتِكِ.»

30 G oortay gurigeeda timid waxay aragtay gabadhii oo sariirta jiifta oo jinnigii ka baxay. Nin Dhego Iyo Carrabla' Oo La Bogsiiyey

فَرَجِعَتْ إلَى بَيتِها، وَوَجَدَتِ ابْنَتَها مُستَلقِيَةً عَلَى السَّرِيرِ، وَقَدْ خَرَجَ مِنْها الرُّوحُ الشِّرِّيرُ. يَسُوعُ يَشفِي أصَمَّ أخْرَس

31 M ar kale ayuu soohdimaha Turos ka soo tegey oo Siidoon maray oo badda Galili yimid, soohdimaha Dekabolisna ayuu soo dhex maray.

ثُمَّ تَرَكَ يَسُوعُ مِنْطَقَةَ صُورَ، وَعَبَرَ صَيداءَ باتِّجاهِ بُحَيرَةِ الجَلِيلِ، مُرُوراً بِالمُدُنِ العَشْرِ.

32 M arkaasay waxay u keeneen mid dhego iyo carrab la', waxayna ka baryeen inuu gacantiisa saaro.

وَبَينَما هُوَ هُناكَ، أحضَرُوا إلَيهِ رَجُلاً أصَمَّ وَأخْرَسَ، وَتَوَسَّلُوا إلَيهِ أنْ يَضَعَ يَدَيهِ عَلَيهِ.

33 K olkaasuu dadkii badnaa dhinaca uga bixiyey, oo farihiisa ayuu dhegihiisa ka geliyey, wuuna tufay oo carrabkiisa taabtay.

أمّا يَسُوعُ فَأخَذَهُ جانِباً، بَعِيداً عَنِ الجَمْعِ، وَوَضَعَ أصابِعَهُ فِي أُذُنَيهِ ثُمَّ تَفَلَ وَلَمَسَ لِسانَهُ.

34 M arkaasuu cirka kor u eegay, wuuna taahay oo ku yidhi, Efata, waxa weeye, Furan.

وَنَظَرَ يَسُوعُ إلَى السَّماءِ وَتَنَهَّدَ بِعُمْقٍ وَقالَ: «إفْثا.» أيْ «انْفَتِحي.»

35 M arkiiba dhegihiisa waa furmeen oo carrabkiisii xidhnaa waa debcay, oo si bayaan ah ayuu u hadlay.

فَانفَتَحَتْ أُذُناهُ، وَانْحَلَّ لِسانُهُ، وَابْتَدَأ يَتَكَلَّمُ بِوُضُوحٍ.

36 W uuna ku amray inaanay ninna u sheegin; laakiin in alla intuu amray, ayay in ka badan sii naadiyeen.

وَأوصاهُمْ يَسُوعُ بِأنْ لا يُخبِرُوا أحَداً. لَكِنَّهُمْ كانُوا يُخْبِرونَ أكثَرَ كُلَّما أوصاهُمْ بِذَلِكَ أكثَرَ.

37 A ad iyo aad bay ula yaabsanaayeen, oo waxay yidhaahdeen, Wax walba si wanaagsan ayuu u sameeyey. Kuwa dhegaha la' wax buu maqashiiyaa, kuwa carrabka la'na wax buu ka hadliyaa.

وَانْدَهَشَ النّاسُ تَماماً وَقالُوا: «قَدْ فَعَلَ كُلَّ شَيءٍ بِشَكلٍ رائِعٍ، حَتَّى إنَّهُ جَعَلَ الصُّمَّ يَسمَعُونَ، وَالخُرْسَ يَتَكَلَّمُونَ.»