1 O o Balcaamna markuu arkay in Rabbigu ku farxay inuu reer binu Israa'iil barakeeyo, ma uu tegin sidii mararkii kale inuu sixir doondoono, laakiinse wuxuu wejigiisii u jeediyey xagga cidlada.
وَرَأى بَلْعامُ أنَّهُ أمرٌ يُرضِي اللهَ أنْ يُبارِكَ إسْرائِيلَ، وَلِذا لَمْ يَعْتَزِلْ كَما فَعَلَ سابِقاً، لَكِنَّهُ نَظَرَ إلَى الصَّحْراءِ.
2 M arkaasaa Balcaam indhaha kor u qaaday, oo wuxuu arkay reer binu Israa'iil oo qabiil qabiil u deggan, kolkaasaa waxaa isagii ku soo degay ruuxii Ilaah.
نَظَرَ بَلْعامُ فَرَأى بَني إسْرائِيلَ مُخَيِّماً بِحَسَبِ قَبائِلِهِ، فحَلَّ عَلَيهِ رُوحُ اللهِ،
3 M arkaasuu hadalkiisii watay oo wuxuu yidhi, Balcaam ina Becoor wuxuu leeyahay, Oo ninkii ishiisu daboolnaan jirtay wuxuu leeyahay,
وَتَكَلَّمَ بِهَذِهِ النُّبُوَّةِ: «هَذِهِ هِيَ رِسالَةُ بَلْعامَ بْنِ بَعُورَ، الرِّسالَةُ الَّتِي رَآها الرَّجُلُ المَفْتُوحُ العَينِينِ.
4 W uxuu leeyahay kii erayadii Ilaah maqla Oo tusniintii Ilaaha Qaadirka ah arka, Oo dhaca isagoo indhihiisu furan yihiin,
رِسالَةُ الَّذِي يَسمَعُ كَلامَ اللهِ القَدِيرِ، فَيَقَعَ أمامَهُ وَعَيناهُ مَفتُوحَتانِ.
5 T eendhooyinkiinnu wanaagsanaa, Reer Yacquubow, Oo taambuugyadiinnu qurxoonaa, Reer binu Israa'iilow!
«ما أجمَلَ خِيامَكَ يا شَعبَ يَعقُوبَ! ما أجمَلَ مَساكِنَكَ يا إسْرائِيلَ!
6 W axay u fidsan yihiin sidii dooxooyin, Iyo sidii beero webiga barbarkiisa ku yaal, Iyo sidii geedo dacar ah oo Rabbigu beeray, Iyo sidii geedo kedar ah oo biyo ku ag yaal.
إنَّ خِيامَكَ كَبَساتِينَ مُمتَدَّةٍ، وَكَحَدائِقَ بِجانِبِ نَهرٍ، وَكَأشجارِ طِيبٍ زَرَعَها اللهُ ، وَكَأرزٍ بِجانِبِ المِياهِ.
7 B aaldiyadooda waxaa ka daadan doona biyo, Oo farcankoodu wuxuu ku jiri doonaa biyo badan, Oo boqorkooduna wuu ka sarrayn doonaa Agag, Oo boqortooyadoodana waa la sarraysiin doonaa.
سَيَفِيضُ الماءُ مِنْ دِلائِهِمْ، وَسَيَكُونُ لِبُذُورِهِمْ ماءٌ غَزِيرٌ. سَيَكُونُ مُلْكُهُمْ أعظَمُ مِنْ مُلْكِ أجاجَ، وَسَتَكُونُ مَملَكَتُهُمْ عَظِيمَةً جِدّاً.
8 I laah baa iyaga Masar ka soo bixiyey, Oo iyagu waxay leeyihiin xoog gisiyeed oo kale, Oo waxay cuni doonaan quruumaha cadaawayaashooda ah, Oo lafahooda way jejebin doonaan, Oo waxay iyaga ka mudhbixin doonaan fallaadhahooda.
«أخرَجَهُمُ اللهُ مِنْ مِصرَ، وَهُوَ لَهُمْ كَقَرْنَي ثَورٍ بَرِّيٍّ. سَيَهزِمُونَ أعداءَهُمْ، وَسَيَسحَقُونَ عِظامَهُمْ، وَسَيَضرِبُونَهُمْ بِسِهامِهِمْ،
9 I yagu hoos bay isu gaabiyeen, oo sida aar bay u jiifsadeen, Iyo sida gool libaax; haddaba bal yaa kicin doona? Duco ha ku dhacdo ku alla kii idiin duceeya, Oo habaarna ha ku dhaco ku alla kii idin habaara.
إنَّهُمْ يَجثُمُونَ وَيَربِضُونَ كَأسَدٍ. إنَّهُمْ مِثلُ أسَدٍ! فَمَنْ سَيُنهِضُهُمْ؟ لا أحَدَ. كُلُّ مَنْ يَلعَنُهُمْ يَكُونُ مَلعُوناً.»
10 M arkaasaa Baalaaq aad ugu cadhooday Balcaam, oo gacmihiisuu isku dhuftay. Oo Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, Waxaan kuugu yeedhay inaad cadaawayaashayda ii habaartid, oo bal eeg, saddexdan jeer baad u wada ducaysay.
فَغَضِبَ بالاقُ جِدّاً مِنْ بَلعامَ، وَأخَذَ يُصَفِّقُ بِيَدَيهِ مِنْ شِدَّةِ الغَضَبِ. وَقالَ لِبَلْعامَ: «قَدْ دَعَوتُكَ لِتَلعَنَ أعدائِيَ، لَكِنَّكَ بارَكْتَهُمْ هَذِهِ المَرّاتِ الثَّلاثَ!
11 H addaba meeshaadii ku carar. Anigu waxaan damacsanaa inaan derejo weyn ku siiyo, laakiinse Rabbigu dib buu kaaga celiyey derejadii.
اذْهَبْ إلَى بَيتِكَ الآنَ! كُنتُ أُريدُ أنْ أكرِمَكَ وَأُكافِئَكَ، وَلَكِنَّ اللهَ مَنَعَ عَنكَ الإكرامَ وَالمُكافَأةَ.»
12 K olkaasaa Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, War kuwii farriin kaa waday miyaanan u sheegin oo aanan ku odhan,
فَقالَ بَلْعامُ لِبالاقَ: «ألَمْ أقُلْ لِرُسُلِكَ الَّذِينَ أرسَلْتَهُمْ إلَيَّ:
13 H addii Baalaaq i siiyo gurigiisa oo lacag iyo dahab ka buuxo, anigu kama tallaabsan karo erayga Rabbiga inaan maankayga ka sameeyo xumaan iyo samaan toona. Wixii Rabbigu ku hadlo, kaas uun baan ku hadli doonaa.
‹حَتَّى وَلَو أعطانِي بالاقُ مِلءَ بَيتِهِ مِنَ الفِضَّةِ وَالذَّهَبِ، فَإنِّي لا أستَطِيعُ عِصيانَ أمرِ اللهِ بِأنْ أعمَلَ أيَّ شَيءٍ صالِحٍ أوْ رَدِيءٍ مِنْ ذاتِيَ، لَكِنْ عَلَيَّ أنْ أقُولَ ما يَقُولُهُ اللهُ لِي؟›
14 H addaba waxaan u tegayaa dadkaygii, oo bal kaalay aan kuu sheego waxay dadkanu dadkaaga ku samayn doonaan maalmaha ugu dambaysta. Farriintii Afraad Ee Balcaam
وَالآنَ سَأرجِعُ إلَى شَعبِي، لَكِنْ تَعالَ أُخبِرُكَ بِما سَيَعمَلُهُ هَذا الشَّعبُ فِي المُستَقبَلِ.» كَلِمةُ بَلْعامَ الأخِيرَة
15 M arkaasuu hadalkiisii sii watay oo wuxuu yidhi, Balcaam ina Becoor wuxuu leeyahay, Oo ninkii ishiisu daboolnaan jirtay wuxuu leeyahay,
حِينَئِذٍ، تَكَلَّمَ بَلْعامُ وَقالَ: «هَذِهِ هِيَ رِسالَةُ بَلْعامَ بْنِ بَعُورَ، الرِّسالَةُ الَّتِي رَآها الرَّجُلُ المَفْتُوحُ العَينِينِ.
16 W uxuu leeyahay kii erayadii Ilaah maqla, Oo yaqaan aqoonta Kan ugu sarreeya, Oo tusniintii Ilaaha Qaadirka ah arka, Oo dhaca, isagoo indhihiisu furan yihiin,
رِسالَةُ الَّذِي يَسمَعُ كَلامَ اللهِ، وَيَستَقبِلُ المَعرِفَةَ مِنَ العَلِيِّ، الَّذِي يَرَى رُؤَىً مِنَ اللهِ القَدِيرِ، فَيَقَعُ أمامَهُ وَعَيناهُ مَفتُوحَتانِ.
17 I sagaan arkaa, haddase ma aha, Waan u jeedaa, mase dhowa, Reer Yacquub xiddig baa ka soo bixi doonta, Reer binu Israa'iil waxaa ka soo kici doonta ul boqortooyo, Oo waxay burburin doontaa rukummada Moo'aab, Oo waxay baabbi'in doontaa dadka Sheed oo dhan.
«أراهُ، لَكِنْ لَيسَ الآنَ، لَكِنْ فِي المُستَقبَلِ. أراهُ، لَكِنْ لَيسَ قَرِيباً، لَكِنْ فِي المُستَقبَلِ البَعِيدِ. سَيَخرُجُ مَلِكٌ كَنَجمٍ مِنْ وَسَطِ شَعبِ يَعقُوبَ. سَيَقُومُ حاكِمٌ مِنْ بَني إسْرائِيلَ. سَيَسحَقُ رُؤُوسَ شَعبِ مُوآبَ، وَيُحَطِّمُ جَماجِمَ الشِّيثيِّينَ.
18 O o dalka Edom wuxuu noqonayaa hantidooda, Oo Seciir oo isna cadowgooda ahaa hantidooduu noqonayaa. Oo reer binu Israa'iil way xoogaysan doonaan.
سَتُصبِحُ أرْضُ أدُومَ مُلْكاً لِبَني إسْرائِيلَ، وَسَيَمتَلِكُونَ سَعِيرَ، أرْضَ أعدائِهِمْ. بَينَما يَزدادُ إسْرائِيلُ قُوَّةً وَشَجاعَةً.
19 O o mid reer Yacquub ka soo farcamay ayaa xukun yeelan doona, Oo wuxuu baabbi'in doonaa kuwa magaalada ka hadha. Farriintii Ugu Dambaysay Ee Balcaam
«سَيَأتِي حاكِمٌ مِنْ يَعقُوبَ، وَيُتلِفُ كُلَّ ما بَقِيَ مِنْ تِلكَ المُدُنِ.»
20 M arkaasuu Camaaleq eegay, oo hadalkiisii sii watay oo yidhi, Camaaleq wuxuu ahaa kan quruumaha ugu horreeya, Laakiinse ugudambaysta wuu halligmi doonaa.
وَرَأى بَلْعامُ عَمالِيقَ، فَقالَ عَنهُمْ: «كانَ عَمالِيقُ مِنْ أهَمِّ الأُمَمِ، لَكِنَّ نِهايَتَهُ سَتَكُونُ دَماراً كامِلاً.»
21 O o haddana wuxuu eegay reer Qeyn, markaasuu hadalkiisii sii watay oo yidhi, Meeshaad deggan tihiin waa adag tahay, Oo buulkiinnana dhagaxaa laga dhisay.
وَرَأى القِينِيِّينَ، فَقالَ عَنهُمْ: «بَيتُكَ آمِنٌ، كَعُشٍّ مَوضُوعٍ عَلَى جَبَلٍ عالٍ.
22 H abase yeeshee waa laydin baabbi'in doonaa, reer Qeynow, Jeer ay reer Ashuur maxaabiis ahaan idiin kaxaystaan.
لَكِنَّ القِينِيِّينَ سَيَتَعَرَّضُونَ لِلهَلاكِ حِينَ يَسبِيهِمِ الأشُّورِيُّونَ.»
23 M arkaasuu hadalkiisii sii watay oo wuxuu yidhi, Hoogay, ee bal yaa sii noolaan doona markii Ilaah waxan sameeyo?
ثُمَّ تَكَلَّمَ بَلْعامُ فَقالَ: «مَنْ سَيَعيشُ عِنْدَما يَفْعَلُ اللهُ هَذا؟
24 L aakiinse doonniyo waxay ka iman doonaan xeebta Kitiim, Oo waxay dhibi doonaan Ashuur, oo waxay dhibi doonaan Ceeber, Oo isna wuu halligmi doonaa.
سَتَأْتِي سُفُنٌ مِنْ شاطِئٍ كِتِّيمَ، وَسَتَهزِمُ أشُّورَ وَعابِرَ. حَتَّى شَعبُ كِتِّيمَ أنفُسُهُمْ سَيَهلِكُونَ.»
25 M arkaasaa Balcaam kacay oo ku noqday meeshiisii; Baalaaqna wuu iska tegey.
ثُمَّ قامَ بَلْعامُ وَرَجِعَ إلَى بَيتِهِ، وَرَجِعَ بالاقُ أيضاً فِي طَرِيقِهِ.