Wacdiyahii 4 ~ ﺍﻟﺠﺎﻣﻌﺔ 4

picture

1 M arkaasaan mar kale soo fiirsaday waxyaalaha dulmiga ah ee qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, oo waxaan fiiriyey kuwa la dulmay ilmadoodii, oo mid u qalbi qabowjiyana ma ay lahayn. Kuwii iyaga dulmayay dhankooda xoog baa jiray, laakiinse iyagu qalbiqabowjiye ma ay lahayn.

وَتَأمَّلْتُ مَرَّةً أُخْرَى ما يَحدُثُ فِي هَذِهِ الدُّنْيا مِنْ ظُلْمٍ. رَأيتُ دُمُوعَ المَظلُومِينَ، وَلَيْسَ مَنْ يُعَزِّيهِمْ. وَرَأيتُ القُساةَ أصحابَ النُّفُوذِ يُذِيقُونَهُمُ العَذابَ، وَلَيسَ مَنْ يُعَزِّيهِمْ.

2 S idaas daraaddeed waxaan ammaanay kuwii dhintay in ka sii badan kuwa haatan jooga ee weli nool.

فَوَجَدْتُ أنَّ الأمْواتَ أفضَلُ حالاً مِنَ الأحياءِ.

3 O o weliba waxaa labadoodaba ka wanaagsan kan aan weli dhalan oo aan arag shuqulka sharka ah oo qorraxda hoosteeda lagu sameeyo.

وَأفضَلُ مِنْ هَذا وَذاكَ، الَّذِينَ يَمُوتُونَ عِنْدَ وِلادَتِهِمْ، لِأنَّهُمْ لا يَشهَدُونَ الشُّرُورَ الَّتِي يَعمَلُها النّاسُ فِي هَذِهِ الدُّنْيا. لِماذا العَمَلُ الشّاق؟

4 O o haddana waxaan arkay in hawl oo dhan iyo shuqul kasta oo lagu guulaystoba uu nin deriskiisu ugu hinaaso. Oo taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

ثُمَّ رأيْتُ أنَّ النّاسَ مَدفُوعُونَ إلَى العَمَلِ وَالرَّغبَةِ فِي النَّجاحِ بِسَبَبِ غَيرَتِهِمْ مِنَ الآخَرِينَ. وَهَذا أيضاً زائِلٌ وَكَمُطارَدَةِ الرِّيحِ.

5 N acasku gacmihiisuu isku duudduubaa, oo wuxuu cunaa hilibkiisa.

يَظَلُّ الأحْمَقُ مَكتُوفَ اليَدَينِ، ثُمَّ يَبدأ بِأكلِ لَحْمِ جِسمِهِ!

6 S acab muggiis oo xasilloonaan lagu helo ayaa ka wanaagsan laba sacab oo hawl iyo dabagalka dabaysha lagu helo.

حِفنَةٌ واحِدَةٌ أفضَلُ مِنْ حِفنَتَينِ مَعَ مَشَقَّةٍ شَدِيدَةٍ وَمَعَ مُطارَدَةِ الرِّيحَ.

7 O o haddana waxaan qorraxda hoosteeda ku fiirsaday wax aan waxba tarayn.

ثُمَّ عُدْتُ فَرَأيتُ شَيئاً زائلاً فِي هَذِهِ الدُّنْيا:

8 W axaa jira mid keligiis ah oo uusan mid labaadna wehelin, oo aan wiil iyo walaal toona lahayn. Hawshiisa oo dhammu dhammaad ma leh, oo indhihiisuna taajirnimo kama dhergaan. Oo wuxuu isku yidhaahdaa, Bal yaan u hawshoonayaa, yaanse naftayda waxyaalo wanwanaagsan ugu diidayaa? Taasuna waa wax aan waxba tarayn, waana dhib aad u xun.

رَجُلاً وَحيداً بلا رَفيقٍ وَلا ابْنٍ وَلا أخٍ. لَكِنَّهُ لا يَتَوَقَّفُ عَنِ العَمَلِ. لا يَشْبَعُ مِنَ المالِ، وَلا يَقُولُ لِنَفْسِهِ لِمَنْ أتعَبُ وَأحرِمُ نَفسِي مِنَ التَّمَتُّعِ بِالحَياةِ؟ هَذا أيضاً شَقاءٌ وَزائِلٌ. الأصدِقاءُ وَالعائِلَةُ مَصدَرُ قُوَّة

9 L aba waa ka wanaagsan yihiin mid qudha, maxaa yeelay, abaalgud wanaagsan bay hawshooda ka helaan.

اثْنانِ يَعْمَلانِ مَعاً أفضَلُ مِنْ واحِدٍ، إذْ يَحصُلانِ عَلَى ثَمَرٍ أكبَرَ.

10 W aayo, hadday dhacaan, mid ba wadaygiis sare u qaadi doona, laakiinse waxaa iska hoogay kii markuu dhaco keligiis ah, oo aan lahayn mid kale oo sare u qaada.

وَإنْ ضَعُفَ أحَدُهُما، يَسنِدُهُ الآخَرُ. لَكِنْ ما أسوَأ حالَ مَنْ يَكُونُ وَحدَهُ وَيَسْقُطُ! إذْ لَيسَ هُناكَ مَنْ يُعِينُهُ.

11 O o haddana haddii laba wada seexdaan way iskululeeyaan, laakiinse sidee baa mid keligiis ahu u kululaan karaa?

إنْ نامَ اثْنانِ مَعاً، فَأحَدُهُما يُدَفِئُ الآخَرَ. أمّا الَّذِي يَنامُ وَحدَهُ، فَمِنْ أينَ يَأْتِيهِ الدِّفءُ؟

12 O o hadduu nin ka adkaado mid keligiis ah kolley laba way hor joogsan doonaan. Xadhig saddex qaybood laysugu soohay dhaqso uma kala go'o. Dallacaaddu Micne Ma Leh

قَدْ يَقوَى عَدُوٌّ عَلَى واحِدٍ بِمُفرَدِهِ، لَكِنَّهُ لا يَقوَى عَلَى اثْنَينِ مَعاً. وَالحَبلُ المَثلُوثُ لا يَنقَطِعُ بِسُهُولَةٍ. النّاسُ وَالسِّياسَةُ وَالشَّعْبِيَّة

13 B oqor nacas ah oo gaboobay oo aan innaba mar dambe talo qaadan waxaa ka wanaagsan barbaar miskiin ah oo xigmad leh.

قائِدٌ شابٌّ فَقِيرٌ لَكِنْ حَكِيمٌ خَيرٌ مِنْ مَلِكٍ شَيخٍ لَكِنْ أحْمَقَ لا يُعطِي آذاناً صاغِيَةً لِلتَّحذِيراتِ.

14 W aayo, xabsi buu uga soo baxay inuu boqor noqdo, oo boqortooyadiisuu ku dhex dhashay isagoo miskiin ah.

رُبَّما وُلِدَ ذَلِكَ الشّابُّ فَقِيراً فِي المَملَكَةِ، وَرُبَّما خَرَجَ مِنَ السِّجنِ لِيَتَوَلَّى قِيادَةَ البَلَدِ.

15 W axaan arkay inta nool ee qorraxda hoosteeda socota oo dhan iyagoo la jooga barbaarka meeshiisa istaagi doona.

لَكِنِّي رَأيْتُ جَمِيعَ البَشَرَ فِي هَذِهِ الدُّنْيا، يَتبَعُونَ ذَلِكَ القائِدَ الشّابَّ، وَسَيصِيرُ المَلِكَ الجَدِيدَ.

16 D adka uu isagu u taliyey oo dhammu dhammaad ma lahayn, laakiinse kuwa isaga ka daba iman doonaa kuma rayrayn doonaan isaga. Hubaal taasuna waa wax aan waxtar lahayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

وَسَتَتبَعُهُ أعدادٌ لا تُحصَى مِنَ النّاسِ. لَكِنْ فِيما بَعْدُ، لَنْ يَعُودَ هَؤُلاءِ النّاسُ يُحِبُّونَهُ. فَهَذا أيضاً زائِلٌ وَكَمُطارَدَةِ الرِّيحِ.