1 R eer binu Israa'iilow, bal maqla eraygan Rabbigu idinkaga hadlay. Waxaan kaga hadlay dadkii aan dalka Masar ka soo bixiyey oo dhan, anigoo leh,
اسْمَعُوا الرِّسالَةَ الَّتِي تَكَلَّمَ اللهُ بِها ضِدَّكُمْ يا بَني إسْرائِيلَ، ضِدَّ كُلِّ القَبائِلِ الَّتِي أخرَجَها مِنْ أرْضِ مِصرَ:
2 I dinka oo keliya ayaan idinka iqiin qolooyinka dhulka deggan oo dhan, haddaba xumaatooyinkiinnii oo dhan ayaan idiin ciqaabi doonaa.
«اخْتَرْتُكُمْ أنْتُمْ مِنْ بَينِ جَميعِ أُمَمِ الأرْضِ. لِهَذا سَأُعاقِبُكُمْ عَلَى كُلِّ آثامِكُمْ.» سَبَبُ عِقابِ إسْرائِيل
3 L aba qof miyey wada socdaan haddaanay heshiis ahayn?
هَلْ يَسِيرُ اثْنانِ معاً دُونَ أنْ يَتَواعَدا؟
4 A ar miyuu duudda ka ciyaa, hadduusan raq haysan? Aaran libaax miyuu bohoshiisa ka qayliyaa, hadduusan waxba soo qaadan?
هَلْ يُزْأرُ أسَدٌ فِي الغابَةِ لَوْ لَمْ تَكُنْ لَدَيهِ فَرِيسَةٌ؟ أوْ هَلْ يَصْرُخُ شِبلُ الأسَدِ مِنْ بَيتِهِ لَوْ لَمْ يَصْطَدْ شَيئاً؟
5 S himbiru miyey dabin dhulka ku kor yaal ku dhici kartaa, haddaan siriq loo dhigin? Dabin miyuu dhulka ka boodda isagoo aan innaba wax qabsan?
هَلْ يَسقُطُ طَّيرُ فِي مِصْيَدَةٍ عَلَى الأرْضِ لَوْ لَمْ يُنْصَبْ لَهُ فَخٌّ؟ أوْ هَلْ تُطبِقُ المِصيَدَةُ وَلَيسَ فِيها صَيدٌ؟
6 H addiise magaalo buun laga dhex afuufo, miyaan dadku cabsan? Miyaa belaayo magaalo ku dhacdaa, haddaan Rabbigu saas ku samayn?
هَلْ يُضْرَبُ بِالبُوقِ فِي مَدِينَةٍ وَلا يَخافُ النّاسُ؟ أوْ تَقَعُ كارِثَةٌ فِي مَدِينَةٍ وَاللهُ لَمْ يَصنَعْها؟
7 S ida xaqiiqada ah Sayidka Rabbiga ahu waxba ma samayn doono, inuu qarsoodiga u muujiyo addoommadiisa nebiyada ah mooyaane.
كَذَلِكَ الرَّبَّ الإلَهَ لا يَفعَلُ شَيئاً دُونَ أنْ يُعلِنَ خُطَّتَهُ لِخُدّامِهِ الأنبِياءِ.
8 A arkii waa ciyey, haddaba bal yaan cabsanayn? Sayidka Rabbiga ahu waa hadlay, haddaba bal yaa wax sii sheegi waayaya?
زَمْجِرَ الأسَدُ، فَمَن لا يَخافُ؟ تكَلَّمُ الرَّبُّ الإلَهُ ، فَمَن يَمَنعُ نَفسَهُ عَنِ التَنَبُّؤِ؟
9 W arkan ka dhex naadiya daaraha waaweyn ee Ashdood ku yaal iyo daaraha waaweyn ee dalka Masar ku dhex yaalba, oo waxaad tidhaahdaan, War waxaad ku soo shirtaan buuraha Samaariya korkooda, oo bal eega buuqa weyn oo halkaas ku jira, iyo dulmiga ku dhex jira.
أخبِرُوا بِهَذا النّاسَ السّاكِنِينَ فِي القُصُورِ فِي أشدُودَ، وَالسّاكِنِينَ فِي القُصُورِ فِي أرْضِ مِصرَ. قُولُوا: «اجتَمِعُوا مَعاً عَلَى جِبالِ السّامِرَةِ، وَانظُرُوا ما فيها مِنْ تَشوِيشٍ وَهَيَجانٍ وَظُلْمٍ.
10 W aayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa daarahooda waaweyn ku soo urursadaa wixii xoog iyo tuugnimo lagu soo dhacay ma ay gartaan si ay wax qumman u sameeyaan.
إنَّهُمْ لا يَعرِفُونَ عَمَلَ الصَّلاحِ، وَيُخَزِّنُونَ فِي قُصُورِهِمْ ما اسْتَولَوْا عَلَيهِ بِالظُّلمِ وَالسَّرِقَةِ،» يَقُولُ الله.
11 H addaba Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cadow baa dalka hareerayn doona, oo isna xooggiinna wuu idinka qaadi doonaa, oo daarihiinna waaweynna waa la wada dhici doonaa.
لِذَلِكَ، هَذا هُوَ ما يَقُولُهُ الرَّبُّ الإلَهُ: «سَيُحاصِرُ عَدُوٌّ أرْضَكُمْ. سَيُدَمِّرُ حُصُونَكُمْ، وَيَنْهَبُ قُصُورَكُمْ.»
12 R abbigu wuxuu leeyahay, Sida adhijirku afka libaaxa uga badbaadiyo laba lugood, amase dheg go'eed, saasoo kalaa loo badbaadin doonaa dadka Israa'iil ee Samaariya deggan oo ku fadhiya sariirta rukunkeeda iyo gogosha barkimaheeda xariirta ah.
هَذا هُوَ ما يَقُولُهُ اللهُ: «كَما يُنقِذُ راعٍ ساقَينِ أوْ قِطعَةَ أُذُنٍ مِنْ فَمِ الأسَدِ، هَكَذا سَيُنقَذُ بَنُو إسْرائِيلَ السّاكِنُونَ في السّامِرَةِ، سَتُنقَذُ زاوِيَةٌ مِنْ مِقْعَدٍ، أوْ قِطعَةٌ مِنْ ساقِ سَرِيرٍ!»
13 S ayidka Rabbiga ah oo ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Maqla oo ku markhaati fura reerka Yacquub.
هَذا هُوَ ما يَقُولُهُ الرَّبُّ الإلَهُ القَدِيرُ: «استَمِعُوا وَاشهَدُوا عَلَى عائِلَةِ يَعقُوبَ.
14 M aalinta aan dadka Israa'iil xadgudubyadooda u ciqaabi doono ayaan weliba meelaha allabariga ee Beytel baabbi'in doonaa, oo meelaha allabariga geesahooda ka taagan waa la wada jari doonaa, oo dhulkay ku soo dhici doonaan.
فِي اليَومِ الَّذِي سَأُعاقِبُ فِيهِ إسْرائِيلَ عَلَى خَطاياهُ، سَأُعاقِبُ مَذابِحَ بَيتِ إيلَ. فَسَتُقطَعُ زَوايا المَذبَحِ وَتَسقُطُ إلَى الأرْضِ.
15 O o Rabbigu wuxuu leeyahay, Waan dumin doonaa guryaha gabowga iyo guryaha kulaylkaba, oo guryaha foolmaroodiga ahuna way wada baabbi'i doonaan, oo daaraha waaweynuna way wada dhammaan doonaan.
سَأُدَمِّرُ بُيُوتَ الشِّتاءِ وَبُيُوتَ الصَّيفِ. سَتَسْقُطُ البُيُوتُ المُزَيَّنَةُ بِالعاجِ. وَسَتُدَمَّرُ بُيُوتٌ كَثِيرَةٌ.» هَذِهِ هِيَ رِسالَةُ اللهِ.