1 M arkaasaa Yashuuca qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan ku soo ururshay Shekem, oo wuxuu u yeedhay waayeelladii reer binu Israa'iil, iyo madaxdoodii, iyo xaakinnadoodii, iyo saraakiishoodii, oo waxay kulligood ku soo urureen Ilaah hortiisa.
وَجَمَعَ يَشُوعُ كُلَّ قَبائِلِ إسْرائِيلَ فِي شَكِيمَ. وَاستَدْعَى كُلَّ الشُّيُوخِ وَالقادَةِ وَالقُضاةِ وَالمَسؤُولِينَ فِي إسْرائِيلَ، فَأَتَوْا وَوَقَفُوا فِي حَضْرَةِ اللهِ.
2 O o Yashuuca wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Awowayaashiin waxay waa hore degganaan jireen Webigii shishadiisa, oo waxaa ka mid ahaa Terax oo ahaa aabbihii Ibraahim iyo Naaxoor; waxayna u adeegi jireen ilaahyo kale.
فَقالَ يَشُوعُ لَهُمْ: «هَذا هُوَ ما يَقُولُهُ اللهُ ، إلَهُ إسْرائِيلَ: ‹فِي القَدِيمِ سَكَنَ آباؤكُمْ، بِمَنْ فِيهِم تارَحُ أبُو إبراهِيمَ وَناحُورَ، فِي الجِهَةِ الأُخرَى مِنْ نَهرِ الفُراتِ، وَعَبَدُوا آلِهَةً أُخْرَى.
3 M arkaasaan awowgiin Ibraahim ka soo kexeeyey Webiga shishadiisa, oo aan dhex mariyey dalka Kancaan oo dhan, oo farcankiisiina waan badiyey, oo waxaan siiyey Isxaaq.
ثُمَّ أخَذْتُ أباكُمْ إبراهِيمَ مِنَ الجِهَةِ الأُخرَى مِنْ نَهْرِ الفُراتِ وَقُدتُهُ فِي كُلِّ أرْضِ كَنْعانَ، وَأعطَيتُهُ نَسلاً كَثِيراً، وَأعْطَيتُهُ إسْحَاقَ.
4 I sxaaqna waxaan siiyey Yacquub iyo Ceesaw; Ceesawna waxaan Buur Seciir u siiyey inuu hantiyo, oo Yacquub iyo carruurtiisiina waxay ku dhaadhaceen xagga dalka Masar.
وَأعْطَيتُ لإسْحَاقَ وَلَدَيهِ يَعقُوبَ وَعِيسُوَ. وَأعطَيتُ عِيسُوَ مِنْطَقَةَ سَعِيرَ الجَبَلِيَّةَ لِيَمتَلِكَها. أمّا يَعقُوبُ وَأوَلادُهُ، فَنَزَلُوا إلَى مِصْرَ.
5 O o markaasaan soo diray Muuse iyo Haaruun, oo Masarna belaayaan ku riday, sidii wixii aan dhexdooda ku sameeyey; oo dabadeedna waan idinka soo saaray.
‹ثُمَّ أرسَلْتُ مُوسَى وَهارُونَ، وَجَلَبْتُ ضِيقاً عَظِيماً عَلَى مِصْرَ وَعَلَى شَعبِها بِما عَمِلْتُهُ هُناكَ. وَبَعدَ ذَلِكَ أخرَجْتُكُمْ.
6 O o awowayaashiin waxaan ka soo saaray Masar, oo markaasaad timaadeen badda; oo Masriyiintiina awowayaashiin ayay ku sii eryadeen gaadhifardood, iyo fardooley, ilaa ay yimaadeen Badda Cas.
وَحِينَ أخرَجْتُ آباءَكُمْ مِنْ مِصْرَ أتَيتُمْ إلَى البَحرِ، وَطارَدَ المِصرِيُّونَ آباءَكُمْ بِمَرْكَباتٍ وَفُرسانٍ إلَى البَحرِ الأحمَرِ.
7 O o markay Rabbiga u qayshadeen ayuu gudcur kala dhex dhigay idinka iyo Masriyiintii, oo badduu ku soo daayay oo ku daboolay; oo indhihiinnaad ku aragteen wixii aan ku sameeyey Masar; oo idinna maalmo badan ayaad cidlada degganaydeen.
وَحِينَ صَرَخُوا للهِ طَلَباً لِلعَونِ، وَضَعَ ظُلْمَةً بَينَكُمْ وَبَينَ المِصْرِيِّينَ، وَرَدَّ البَحرَ عَلَيهِمْ فَغَطّاهُمْ. قَدْ رَأتْ عُيُونُكُمْ ما عَمِلْتُهُ بمِصْرَ. ‹وَبَعْدَ أنْ عِشْتُمْ فِي البَرِّيَّةِ زَمَناً طَوِيلاً،
8 O o markaasaan idin keenay dalkii reer Amor, kuwaasoo degganaa Webi Urdun shishadiisa, oo iyana way idinla dirireen; kolkaasaan gacanta idiin geliyey, oo dalkoodiina waad hantideen, iyagiina hortiinna waan ka baabbi'iyey.
أحْضَرْتُكُمْ إلَى أرْضِ الأمِورِيِّينَ السّاكِنِينَ فِي الجِهَةِ الأُخرَى مِنْ نَهرِ الأُردُنِّ. وَحارَبُوكُمْ، وَأعطَيتُهُمْ لَكُمْ فامتَلَكْتُمْ أرْضَهُمِ وَأفنَيتُمُوهُمْ مِنْ أمامِكُمْ.
9 D abadeedna waxaa kacay boqorkii Moo'aab oo ahaa Baalaaq ina Sifoor, oo wuxuu la diriray reer binu Israa'iil, markaasuu u yeedhay oo idiinku soo diray inuu idin habaaro Balcaam ina Becoor.
‹ثُمَّ استَعَدَّ المَلِكُ بالاقُ بْنُ صِفُّورَ، مَلِكُ مُوآبَ لِيُحارِبَ إسْرائِيلَ، فَأرسَلَ وَدَعا بِلْعامَ بْنَ بَعُورَ لِيَلْعَنَكُمْ،
10 L aakiinse anigu Balcaam ma aanan dhegaysan; sidaas daraaddeed weliba wuu idiin sii duceeyey; oo sidaasaan gacantiisii idiinka samatabbixiyey.
لَكِنِّي لَمْ أشَأْ أنْ أستَمِعَ لِبَلْعامَ، وَلِذا بارَكْتُكُمْ، وَأنقَذْتُكُمْ مِنْ يَدِهِ.
11 O o idinku waxaad ka soo gudubteen Webi Urdun oo aad timaadeen Yerixoo, oo dadkii reer Yerixoo way idinla dagaallameen, kuwaasu waxay ahaayeen reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed, iyo reer Girgaash, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo anna dhammaantood gacantaan idiin geliyey.
‹وَحِينَ عَبَرْتُمْ نَهرَ الأُردُنِّ وَأتَيتُمْ إلَى أرِيحا، حارَبَكُمْ سُكّانُ أرِيحا، كَما عَمِلَ الأمُورِيُّونَ وَالفِرِزِّيُّونَ وَالكَنعانِيُّونَ وَالحِثِّيُّونَ وَالجِرجاشِيُّونَ وَالحِوِّيُّونَ وَاليَبُوسَيُّونَ، فَأخضَعتُهُمْ لَكُمْ.
12 O o waxaan idinka hor mariyey xoonkii hortiinna ka eryay iyagii oo ahaa xataa labadii boqor oo reer Amor, oo kuwaas kuma aadan eryin seeftaada iyo qaansadaada toona.
وَأرسَلْتُ الدَّبابِيرَ أمامَكُمْ فَطَرَدُوا مَلِكَيِّ الأمُورِيِّينَ مِنْ أمامِكُمْ. لَمْ تَطرُدُوهُمْ بِسُيُوفِكُمْ وَأقواسِكُمْ.
13 O o waxaan idin siiyey dal aydnaan u hawshoon, iyo magaalooyin aydnaan dhisan, oo waad iska dhex degtaan, oo waxaad ka cuntaan canab iyo saytuun aydnaan beeran.
‹أعطَيتُكُمْ أرْضاً لَمْ تَعمَلُوا فِيها، وَمُدُناً لَمْ تَبنُوها فَسَكَنْتُمْ فِيها. تَأكُلُونَ مِنْ كُرُومٍ وَأشجارِ زَيتُونٍ لِمْ تَزرَعُوها.›»
14 H addaba Rabbiga ka cabsada, oo daacad iyo run ugu adeega; oo iska fogeeya ilaahyadii awowayaashiin ugu adeegi jireen Webiga shishadiisa, iyo dalka Masar dhexdiisa, oo idinku waxaad u adeegtaan Rabbiga.
«وَالآنَ، اخشَوا يهوه وَهابُوهُ وَاخدِمُوهُ بِإخلاصٍ وَبِأمانَةٍ. تَخَلَّصُوا مِنَ الآلِهَةِ الَّتِي عَبَدَها آباؤكُمْ فِي الجِهَةِ الأُخرَى مِنْ نَهرِ الفُراتِ وَفِي مِصْرَ، وَاخدِمُوا يهوه.
15 O o hadday shar idinla tahay inaad Rabbiga u adeegtaan, haddaba maanta doorta kii aad u adeegi doontaan, ama ha noqoto ilaahyadii awowayaashiin ugu adeegi jireen Webiga shishadiisa, ama ilaahyada reer Amor, kuwaas oo aad dalkoodii deggan tihiin; laakiinse aniga iyo reerkayguba waxaannu u adeegi doonaa Rabbiga.
«وَإنْ كُنتُمْ لا تَرغَبُونَ فِي خِدمَةِ يهوه، فاختارُوا لِأنفُسِكُمُ اليَومَ إلهاً آخَرَ تَخدِمُونَهُ، سَواءٌ مِنَ الآلِهَةِ الَّتِي خَدَمَها آباؤكُمْ فِي الجِهَةِ الأُخرَى مِنْ نَهرِ الفُراتِ، أمْ مِنْ آلِهَةِ الأمُورِيِّينَ الَّذِينَ تَسكُنُونَ فِي أرْضِهِمْ. وَأمّا أنا وَبَيْتِي فَسَنَخدِمُ يهوه.»
16 K olkaasaa dadkii waxay ugu jawaabeen, Ilaah ha naga fogeeyo inaannu Rabbiga ka tagno oo aannu u adeegno ilaahyo kale;
فَأجابَ الشَّعبُ: «لَنْ نَترُكَ يهوه لِنَعبُدَ آلِهَةً أُخْرَى.
17 w aayo, Rabbiga Ilaaheenna ahu waa kii innaga iyo awowayaasheenba inaga soo saaray dalkii Masar oo ahaa gurigii addoonsiga, oo isagu waa kii calaamooyinkaas waaweyn ku sameeyey horteenna oo inagu dhawrayay jidkii aan soo marnay oo dhan, oo inaga samatabbixiyey dadkii aynu soo dhex soconnay oo dhan.
فَإلَهُنا يهوه هُوَ مَنْ أخرَجَنا وَأخرَجَ آباءَنا مِنْ أرْضِ مِصْرَ حَيثُ كُنّا عَبِيداً. وَقَدْ عَمِلَ عَجائِبَ عَظِيمَةً أمامَ عُيُونِنا، وَحَمانا فِي كُلِّ رِحلَتِنا وَوَسَطَ كُلِّ الشُّعُوبِ الَّتِي سِرْنا فِي أرْضِها.
18 O o Rabbigu wuxuu horteenna ka eryay dadkii oo dhan, iyo xataa reer Amor oo dalka degganaa; oo sidaas daraaddeed annaguna waxaannu u adeegi doonnaa Rabbiga, maxaa yeelay, isagu waa Ilaahayo.
وَقَدْ طَرَدَ يهوه مِنْ أمامِنا جَمِيعَ الشُّعُوبِ فِي هَذِهِ الأرْضِ، كَالأمُورِيِّينَ الَّذِينَ كانُوا يَسْكُنُونَ فِي الأرْضِ. لِذَلِكَ نَحْنُ أيضاً سَنَخدِمُ يهوه، لأَنَّهُ إلَهُنا.»
19 M arkaasaa Yashuuca wuxuu dadkii ku yidhi, Rabbiga uma aad adeegi kartaan; waayo, isagu waa Ilaah quduus ah; oo waa Ilaah masayr ah, oo isagu idinkama cafiyi doono xadgudubkiinna iyo dembiyadiinna toona.
فَقالَ يَشُوعُ لِلشَّعْبِ: «لا تَسْتَطِيعُونَ الآنَ أنْ تَخْدِمُوا يهوه لِأنَّهُ إلَهٌ قُدُّوسٌ. إنَّهُ إلَهٌ غَيُّورٌ، وَلَنْ يَغفِرَ لَكُمْ تَمَرُّدَكُمْ وَخَطاياكُمْ.
20 O o markuu wax wanaagsan idiin sameeyo dabadeed, haddaad Rabbiga ka tagtaan, oo aad u adeegtaan ilaahyo qalaad, de markaas wuu soo jeesan doonaa oo wax xun buu idinku samayn doonaa, oo wuu idin baabbi'in doonaa.
إنْ تَرَكْتُمُ يهوه وَخَدَمْتُمْ آلِهَةً غَرِيبَةً، فَإنَّهُ سَيَرجِعُ وَيَجلِبُ عَلَيكُمْ كَوارِثَ وَيُفنِيكُمْ، حَتَّى بَعْدَ أنْ أحْسَنَ إلَيْكُمْ.»
21 M arkaasaa dadkii waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Maya; laakiinse annagu Rabbiga waannu u adeegi doonnaa.
فَقالَ الشَّعبُ لِيَشُوعَ: «كَلّا! بَلْ سَنَخدِمُ يهوه.»
22 Y ashuucana wuxuu dadkii ku yidhi, Idinka qudhiinnaa isku marag furaya inaad doorateen Rabbiga oo aad isaga u adeegaysaan. Kolkaasay yidhaahdeen, Annagaa ka marag ah.
ثُمَّ قالَ يَشُوعُ لِلشَّعبِ: «أنتُمْ شُهُودٌ عَلَى أنفُسِكُمْ أنَّكُمُ اختَرْتُمُ يهوه لِتَخدِمُوهُ.» فَقالُوا: «نَحنُ شُهُودٌ.»
23 K olkaasuu yidhi, Haddaba iska fogeeya ilaahyada qalaad oo idinku dhex jira, oo qalbigiinna u jeediya Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
فَقالَ يَشُوعُ: «تَخَلَّصُوا إذاً مِنَ الآلِهَةِ الغَرِيبَةِ الَّتِي بَينَكُمْ. وَأمِيلُوا قُلُوبَكُمْ إلَى يهوه إلَهِ إسْرائِيلَ.»
24 M arkaasaa dadkii waxay Yashuuca ku yidhaahdeen, Annagu waxaannu u adeegi doonnaa Rabbiga Ilaahayaga ah, oo weliba codkiisaannu maqli doonnaa.
فَقالَ الشَّعبُ لِيَشُوعَ: «سَنَخدِمُ يهوه إلَهَنا وَنُطِيعُهُ.»
25 T aas daraaddeed maalintaas ayaa Yashuuca dadkii axdi la dhigtay, oo Shekem buu ugu dejiyey qaynuun iyo amar.
فَقَطَعَ يَشُوعُ عَهْداً مَعَ الشَّعبِ فِي ذَلِكَ اليَومِ، وَوَضَعَ لَهُمْ أحكاماً وَقَوانِينَ فِي شَكِيمَ.
26 M arkaasaa Yashuuca erayadan ku qoray kitaabkii sharcigii Ilaah; oo dhagax weyn buu qaaday, oo wuxuu hoos qotonshay geedkii ku ag yiil taambuugga quduuskaa oo Rabbiga.
وَكَتَبَ يَشُوعُ هَذا الكَلامَ فِي كِتابِ شَرِيعَةِ اللهِ. وَأخَذَ حَجَراً كَبِيراً وَوَضَعَهُ تَحْتَ شَجَرَةِ البَلُّوطِ الَّتِي عِنْدَ خَيْمَةِ يهوه المُقّدَّسَةِ.
27 Y ashuucana wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Bal ogaada, dhagaxanaa inagu marag furi doonee; waayo, wuxuu maqlay erayadii Rabbiga oo uu inagula hadlay oo dhan; sidaas daraaddeed wuxuu idinku noqon doonaa marag, si aydnaan Ilaahiinna u inkirin. Yashuuca Oo Lagu Aasay Dalkii La Ballanqaaday
وَقالَ يَشُوعُ لِكُلِّ الشَّعبِ: «سَيَكُونُ هَذا الحَجَرُ شاهِداً عَلَينا، كَأنَّهُ سَمِعَ كَلامَ يهوه الَّذِي تَكَلَّمَ بِهِ إلَينا. سَيَكُونُ شاهِداً عَلَيكُمْ كَي لا تَتَمَرَّدُوا عَلَى إلَهِكُمْ.»
28 M arkaasaa Yashuuca dadkii kala diray oo nin waluba wuxuu tegey dalkii dhaxalkiisa ahaa.
ثُمَّ صَرَفَ يَشُوعُ الشَّعبَ كُلَّ واحِدٍ إلَى أرْضِهِ وَمِيراثِهِ. مَوتُ يَشُوع
29 O o taas dabadeed addoonkii Rabbiga oo ahaa Yashuuca ina Nuun ayaa dhintay, isagoo jira boqol iyo toban sannadood.
وَبَعدَ هَذِهِ الأُمُورِ، ماتَ يَشُوعُ بْنُ نُونَ خادِمُ اللهِ ، وَلَهُ مِنَ العُمْرِ مِئِةٌ وَعَشْرُ سَنَواتٍ.
30 O o waxay ku aaseen dalkii uu dhaxalka u helay oo ahaa Timnad Serah oo ku tiil dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, oo xagga woqooyi ka xigta buurta Gacash.
وَدُفِنَ فِي أرْضِهِ فِي تِمْنَةَ سارَحَ فِي مِنْطَقَةِ أفْرايِمَ الجَبَلِيَّةِ إلَى الشِّمالِ مِنْ جَبَلِ جاعَشَ.
31 R eer binu Israa'iilna Rabbigay u adeegi jireen waagii Yashuuca oo dhan, iyo waagii odayaashii ka nolol dambeeyey Yashuuca oo dhan, kuwaas oo ogaa kulli shuqulkii Rabbigu u sameeyey reer binu Israa'iil.
وَخَدَمَ إسْرائِيلُ اللهَ وعبدوه طَوالَ حَياةِ يَشُوعَ وَالشُّيُوخِ الَّذِينَ بَقَوْا أحياءَ بَعدَهُ، الَّذِينَ عَرَفُوا وَاختَبَرُوا العَمَلَ الَّذِي عَمِلَهُ اللهُ لإسْرائِيلَ. عِظامُ يُوسُف
32 O o lafihii Yuusuf oo reer binu Israa'iil ka soo saareen Masar, waxay ku aaseen Shekem taasoo ah dhulkii yaraa oo Yacquub ka iibsaday reer Xamoor oo ahaa Shekem aabbihiis oo uu ka siistay boqol gogo' oo lacag ah; oo meeshaasu waxay dhaxal u noqotay reer Yuusuf.
وَدُفِنَتْ عِظامُ يُوسُفَ الَّتِي أحضَرَها بَنو إسْرائِيلَ مِنْ مِصْرَ فِي شَكِيمَ. فِي الأرْضِ الَّتِي اشتَراها يَعقُوبُ بِمِئَةِ قِطعَةٍ مِنَ الفِضّةِ مِنْ أبناءِ حَمُورَ أبِي شَكيمَ. فَصارَتْ هَذِهِ الأرْضُ مُلْكاً لِنَسلِ يَوسُفَ. مَوتُ ألعازار
33 O o Elecaasaar ina Haaruunna wuu dhintay, oo waxay isna ku aaseen buurtii wiilkiisa Fiinexaas oo isaga laga siiyey dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim.
وَماتَ ألِعازَارُ بْنُ هارُونَ. وَدُفِنَ فِي جِبْعَةَ مَدِينَةِ ابنِهِ فِينْحاسَ، الَّتِي أُعطِيَتْ لَهُ فِي مِنْطَقَةِ أفْرايِمَ الجَبَلِيَّةِ.