1 M eel walba waxaa laga maqlay in dhexdiinna ay sino ku jirto, sinada caynkaas ahna xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ma qabaan, taasoo ah inuu midkiin naagtii aabbihii haysto.
وَأنا أسمَعُ أنَّ بَينَكُمْ زِنَىً يَفُوقُ ما هُوَ مَعرُوفٌ حَتَّى بَينَ غَيرِ المُؤمِنِينَ! أقْصِدُ بِهَذا ذَلِكَ الرَّجُلَ الَّذِي يُعاشِرُ زَوجَةَ أبِيهِ!
2 W eliba waad kibirsan tihiin, kamana aydnaan caloolxumaan, si kii waxaas sameeyey dhexdiinna looga saaro.
وَمَعَ هَذا فَأنتُمْ مُنتَفِخُونَ بِالكِبرِياءِ! أما كانَ يَجدُرُ بِكُمْ أنْ تَحزَنُوا بِسَبَبِ ذَلِكَ؟ كانَ عَلَيكُمْ أنْ تَطرُدُوا مَنْ يُقُومُ بِذَلِكَ مِنْ بَينِكُمْ.
3 W aayo, runtii, in kastoo jidhkaygu idinka maqan yahay, ruuxaygu waa idinla joogaa, oo sidii aniga oo jooga ayaan kii waxaas sameeyey ku xukumay
صَحِيحٌ أنِّي غائِبٌ عَنكُمْ فِي الجَسَدِ، لَكِنِّي حاضِرٌ بِالرُّوحِ. وَقَدْ أصدَرتُ بِالفِعلِ حُكماً عَلَى مَنْ قامَ بِهَذِهِ الفِعلَةِ، كَما لَوْ كُنتُ حاضِراً بَينَكُمْ.
4 m agaca Rabbigeenna Ciise. Markaad idinka iyo ruuxayguba isugu timaadaan xoogga Rabbigeenna Ciise,
فَحِينَ تَجتَمِعُونَ بِاسْمِ رَبِّنا يَسُوعَ المَسِيحِ، سَأكُونُ مَعَكُمْ بِرُوحِي، وَسَتَكُونُ قُوَّةُ رَبِّنا بَينَكُمْ أيضاً.
5 w aa inaad kaasoo kale Shayddaanka u dhiibtaan in jidhku baabba'o, ruuxuse badbaado maalinta Rabbiga.
عِندَئِذٍ سَلِّمُوا مِثلَ هَذا الرَّجُلِ للشَّيطانِ لِهَلاكِ طَبِيعَتِهِ الجَسَدِيَّةِ، لِكَي تَخلُصَ رُوحُهُ فِي يَومِ الرَّبِّ.
6 F aankiinnu ma wanaagsana. Miyeydnaan garanaynin in in yar oo khamiir ah ay cajiinka oo dhan khamiiriso?
لا يَجُوزُ لَكُمْ أنْ تَتَباهُوا. ألا تَعلَمُونَ أنَّ مِقداراً قَلِيلاً مِنَ الخَمِيرَةِ يَجعَلُ العَجِينَ كُلَّهُ يَخْتَمِرُ؟
7 K hamiirkii hore iska safeeya inaad noqotaan cajiin cusub sidii idinkoo aan khamiirsanayn. Waayo, Masiixa ah Kormariddeenna waa la sadqeeyey.
فَتَخَلَّصُوا مِنَ الخَمِيرَةِ القَدِيمَةِ لِكَي تَكُونُوا عَجِيناً جَدِيداً. فَأنتُمْ كَمُؤمِنِينَ بِالمَسِيحِ أرغِفَةَ خُبزٍ بِلا خَمِيرَةٍ، لِأنَّ المَسِيحَ هُوَ خَرُوفُ فِصحِنا الَّذِي ذُبِحَ مِنْ أجلِنا.
8 H addaba yeynan ku iidin khamiirkii hore ama khamiirka xumaanta iyo sharka, laakiin aan ku iidno kibista khamiirka la' ee daacadda iyo runta ah.
فَلْنُواصِلِ احْتِفالَنا، لَكِنْ لَيسَ بِالخَمِيرَةِ العَتِيقَةِ، خَمِيرَةِ الخَطِيَّةِ وَالشَّرِّ، بَلْ بِأرغِفَةٍ بِلا خَمِيرَةٍ، أرغِفَةِ الإخلاصِ وَالحَقِّ.
9 W axaan warqaddaydii idiinku soo qoray inaydnaan kuwa sinaysta raacin.
كَتَبتُ إلَيكُمْ فِي رِسالَتِي السّابِقَةِ ألّا تُخالِطُوا الزُّناةَ.
10 U lama jeedo kuwa sinaysta ee dunidan, iyo kuwa damaca badan iyo kuwa wax dulma, iyo kuwa sanamka caabuda, waayo, hadday sidaas tahay waxay noqon lahayd inaad dunida ka baxdaan.
لَمْ أكُنْ أقصِدُ بِذَلِكَ أنْ لا تُخالِطُوا أهلَ هَذا العالَمِ الزُّناةَ أوِ الفاسِقِينَ أوِ المُحتالِينَ أوْ عَبَدَةَ الأوثانِ، وَإلّا فَإنَّكُمْ سَتَضطَرُّونَ إلَى الخُرُوجِ مِنْ هَذا العالَمِ.
11 L aakiin hadda waxaan idiin soo qoray, Ha raacina qof walaal la yidhaahdo hadduu sinaysto, ama wax badan damco, ama sanam caabudo, ama wax caayo, ama sakhraamo, ama wax dulmo. Waa inaydnaan kaasoo kale xataa wax la cunin.
لَكِنِّي الآنَ أكتُبُ إلَيكُمْ أنْ لا تُخالِطُوا مَنْ يَزعُمُ أنَّهُ مُؤمِنٌ وَهُوَ زانٍ أوْ فاسِقٌ أوْ عابِدُ أوثانٍ أوْ مُفتَرٍ أوْ سِكِّيْرٌ أوْ مُحتالٌ. فَلا يَنبَغِي حَتَّى أنْ تَأكُلُوا مَعَ مِثلِ هَذا الإنسانِ!
12 W aayo, maxaa iigu jira inaan xukumo kuwa dibadda ah? Idinku miyeydnaan xukumin kuwa gudaha ku jira?
فَما شَأْنِي أنا لِأُطلِقُ حُكماً عَلَى الَّذِينَ لا يَنتَمُونَ إلَى الكَنِيسَةِ؟
13 K uwa dibadda ah Ilaah baa xukuma. Idinkuse kan sharka leh dhexdiinna ka saara.
فَاللهُ هُوَ الَّذِي سَيَحكُمُ عَلَيهِمْ. أمّا الكِتابُ فَيَقُولُ: «أخرِجُوا الشِّرِّيرَ مِنْ بَينِكُمْ.»