Yacquub 2 ~ ﻳﻌﻘﻮﺏ 2

picture

1 W alaalahayow, iimaanka Rabbigeenna Ciise Masiix kan ammaanta leh eexasho ha ku haysanina.

أيُّها الإخوَةُ، أنتُمْ تُؤمِنونَ بِرَبِّنا يَسُوعَ المَسِيحِ، فَلا يَجوزُ لَكُمْ أنْ تُمَيِّزوا بَينَ النّاسِ.

2 H addii nin kaatun dahab ah iyo dhar quruxsan qabaa shirkiinna soo galo, oo haddana haddii nin kale oo miskiin ah oo dhar uskag leh qabaa soo galo,

فَلنَفتَرِضْ أنَّ رَجُلَينِ دَخَلا إلَى مَكانِ اجتِماعِكُمْ: أحَدُهُما يَلبِسُ ثِياباً ثَمِينَةً وَفِي يَدِهِ خاتَمٌ مِنْ ذَهَبٍ، وَالآخَرُ فَقِيرٌ يَلبِسُ ثِياباً قَذِرَةً بالِيَةً.

3 o o aad fiirisaan ka dharka quruxdasan qaba oo aad ku tidhaahdaan, Adigu kaalay oo halkan wanaagsan fadhiiso, oo aad ku tidhaahdaan ka miskiinka ah, Adigu xaggaas istaag ama halkan cagahayga ag fadhiiso,

وَلْنَقُلْ إنَّكُمْ أظهَرتُمُ اهتِماماً خاصّاً بِالَّذِي يَلبِسُ ثِياباً ثَمِينَةً، فَقُلتُمْ لَهُ: «تَفَضَّلِ اجلِسْ هُنا فِي أفضَلِ مَكانٍ.» بَينَما قُلْتُمْ لِلفَقَيرِ: «قِفْ هُناكَ!» أوِ «اجلِسْ عَلَى الأرْضِ عِندَ أقدامِنا!»

4 m iyeydnaan kala qaybsamin oo miyeydnaan noqonin kuwa fikirrada sharka leh wax ku xukuma?

ألا تَضَعُونَ بِذَلِكَ حَواجِزَ فِيما بَينَكُمْ، وَتُصبِحُونَ قُضاةً ذَوي أفكارٍ شِرِّيرَةٍ؟

5 I dhegaysta, walaalahayga aan jeclahayow. Miyaan Ilaah u dooran kuwa ah masaakiinta xagga dunida inay ahaadaan kuwa hodan ku ah rumaysadka oo dhaxla boqortooyaduu u ballanqaaday kuwa isaga jecel?

اسْمَعُوا يا إخْوَتِي الأحِبّاءُ، ألَمْ يَختَرِ اللهُ الفُقَراءَ فِي نَظَرِ النّاسِ، لِيَكُونُوا أغنِياءَ فِي الإيمانِ، وَوَرَثَةً لِلمَلَكُوتِ الَّذِي وَعَدَ اللهُ بِهِ الَّذِينَ يُحِبُّونَهُ؟

6 L aakiin idinku waad maamuus jebiseen miskiinkii. Taajiriintu miyaanay idin dulmin oo miyaanay idiin jiidin maxkamadda?

أمّا أنتُمْ فَقَدْ أهَنتُمُ الفَقِيرَ! لَكِنْ ألَيسَ الأغنِياءُ هُمُ الَّذِينَ يَضطَهِدونَكُمْ وَيَسُوقُونَكُمْ إلَى المَحاكِمِ؟

7 M iyaanay caayin magaca wanaagsan oo laydiinku yeedhay?

ألَيسُوا هُمِ الَّذِينَ يُهِينُونَ الاسْمَ الجَمِيلَ الَّذِي تُنسَبُونَ إلَيْهِ؟

8 H addaba haddaad oofisaan sharciga boqornimada siduu Qorniinku leeyahay, Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada, si wanaagsan baad yeeshaan.

أنتُمْ تَعمَلُونَ الصَّوابَ إنْ كُنتُمْ تُطِيعُونَ الوَصِيَّةَ المُلُوكِيَّةَ الوارِدَةَ فِي الكَلِمَةِ المَكتُوبَةِ: «تُحِبُّ صاحِبَكَ كَما تُحِبُّ نَفسَكَ.»

9 L aakiin haddaad dadka u kala eexataan waad dembaabtaan, oo sharcigu wuu idinku caddeeyey inaad tihiin kuwa xadgudbay.

أمّا إذا مَيَّزتُمْ بَينَ النّاسِ، فَأنتُمْ تَكسِرُونَ شَرِيعَةَ اللهِ.

10 K u alla kii sharciga oo dhan xajiya oo qaynuun keliya ku gafa, kulli wuu ku eedaysan yahay.

أقُولُ هَذا لِأنَّ مَنْ يُطَبِّقُ الشَّرِيعَةَ كُلَّها، وَلَكِنَّهُ يَكسِرُ وَصِيَّةً واحِدَةً، يَكُونُ مُذنِباً بِكَسرِ الوَصايا كُلِّها!

11 W aayo, kii yidhi, Ha sinaysan; wuxuu kaloo yidhi, Cidna ha dilin. Haddaanad sinaysanin laakiin aad dad disho, waxaad noqotay ku sharciga ku xadgudbay.

فَالَّذِي قالَ: «لا تَزْنِ.» قالَ أيضاً: «لا تَقتُلْ.» فَإنْ كُنتَ لا تَزْني، لَكِنَّكَ تَقتُلُ، فَقَدْ كَسَرتَ الشَّرِيعَةَ.

12 S idii kuwo sharciga xorriyadda lagu xukumi doono, u hadla oo u yeela.

فَتَكَلَّمُوا وَاعْمَلُوا كَأُناسٍ سَيُحاكَمُونَ بِحَسَبِ الشَّرِيعَةِ بِحُرِّيَّةٍ.

13 X ukunku naxariis uma leh kii aan dadka u naxariisan; naxariistu way ka faantaa xukunka. Rumaysadka Iyo Shuqullada

لِأنَّ دَينُونَةَ اللهِ سَتَكُونُ بِلا رَحمَةٍ تُجاهَ عَدِيمِي الرَّحمَةِ، أمّا الرَّحمَةَ، فَإنَّها تَنتَصِرُ عَلَى الدَّينُونَةِ! الإيمانُ وَالأعمال

14 M axay tartaa, walaalahayow, haddii nin yidhaahdo, Rumaysad baan leeyahay, laakiin aanu shuqullo lahayn? Rumaysadku ma badbaadin karaa isaga?

ما الفائِدَةُ يا إخْوَتِي، إنْ قالَ أحَدٌ إنَّهُ يُؤمِنُ، لَكِنْ لَيسَ لَهُ أعمالٌ؟ فَذَلِكَ الإيمانُ لا يَستَطِيعُ أنْ يُخَلِّصَهُ.

15 W alaal wiil ah ama walaal gabadh ah hadday arradan yihiin oo cuntadii maalinta u baahan yihiin,

فَلَوِ احتاجَ أحَدُ الإخوَةِ أوِ الأخَواتِ إلَى ثِيابٍ أوْ طَعامٍ،

16 o o midkiin ku yidhaahdo iyaga, Nabad gala, diirsada oo dherga, oo weliba aydnaan siin waxa jidhku u baahan yahay, maxay tartaa?

فَقالَ أحَدُكُمْ لَهُما: «يُبارِكُكُما اللهُ. استَدفِئا وَكُلا حَتَّى الشَّبَعِ!» لَكِنَّكُمْ لَمْ تُعطُوهُما ما يَحتاجُ إلَيهِ الجَسَدُ مِنْ ثِيابٍ وَطَعامٍ، فَما الفائِدَةُ؟

17 H addaba sidaas oo kale rumaysadku haddaanu shuqullo lahayn keli ahaantiisu waa meyd.

هَكَذا الإيمانُ أيضاً: إنْ لَمْ تُرافِقْهُ أعمالٌ، فَهُوَ إيمانٌ مَيِّتٌ.

18 L aakiin waxaa la odhan doonaa, Adigu waxaad leedahay rumaysad, anna waxaan leeyahay shuqullo. I tus rumaysadkaaga aan shuqullada lahayn, anna rumaysadkayga shuqulladaydaan kugu tusi doonaa.

وَقَدْ يَقُولُ أحَدُهُمْ: «هُناكَ مَنْ لَهُ إيمانٌ، وَهُناكَ مَنْ لَهُ أعمالٌ!» فَأقولُ إنَّكَ لا تَسْتَطيعُ أنْ تُظْهِرَ إيمانَكَ مِنْ دُونِ أعمالٍ، أمّا أنا فَأُظْهِرُ إيمانِي مِنْ خِلالِ أعمالِي.

19 W aad rumaysan tahay in Ilaah yahay mid keliya. Taas waad ku wanaagsan tahay. Xataa jinniyaduna sidaas way rumaysan yihiin, wayna gariiraan.

أتُؤمِنُ أنَّ اللهَ واحِدٌ؟ هَذا حَسَنٌ! لَكِنْ حَتَّى الأرواحُ الشِّرِّيْرَةُ تُؤمِنُ بِذَلِكَ وَتَرتَعِشُ خَوفاً.

20 D oqonow, ma doonaysaa inaad garatid in rumaysadka aan shuqullada lahaynu aanu waxba tarin?

أيُّها الجاهِلُ، أتُرِيدُ دَلِيلاً عَلَى أنَّ الإيمانَ مِنْ دُونِ أعمالٍ بِلا فائِدَةٍ؟

21 M iyaan awowgeen Ibraahim shuqullo lagu caddaynin inuu xaq yahay goortuu wiilkiisii Isxaaq meeshii allabariga ku bixiyey?

ألَمْ يُعتَبَرْ أبُونا إبراهِيمُ بارّاً فِي نَظَرِ اللهِ بِأعمالِهِ، وَذَلِكَ عِندَما قَدَّمَ ابنَهُ اسحَقَ عَلَى المَذبَحِ؟

22 W aad garanaysaa in rumaysadku shuqulladiisii la shaqeeyey, oo rumaysadku kaamil ku noqday shuqullada.

فَأنتَ تَرَى أنَّ الإيمانَ كانَ يَعمَلُ مَعَ أعمالِ إبراهِيمَ، وَأنَّ إيمانَهُ قَدِ اكْتَمَلَ بِأعمالِهِ.

23 W axaa rumoobay Qorniinka leh, Ibraahimna Ilaah buu rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo, oo waxaa loogu yeedhay saaxiibkii Ilaah.

وَهَكَذا تَمَّ المَكتُوبُ: «آمَنَ إبْراهِيمُ بِاللهِ، فاعتَبَرَهُ اللهُ بارّاً بِسَبَبِ إيمانِهِ.» لِذَلِكَ دُعِيَ «خَلِيلَ اللهِ.»

24 W axaad garanaysaan in nin shuqullo lagu caddeeyo inuu xaq yahay oo aan lagu caddayn rumaysadka oo keliya.

فَالإنسانُ، كَما تَرَى، يُعتَبَرُ بارّاً أمامَ اللهِ بِالأعمالِ لا بِالإيمانِ وَحدَهُ.

25 S idaas oo kale miyaan dhilladii Raxab ahayd shuqullo lagu caddayn inay xaq tahay kolkay soo dhowaysay basaasyadii oo ay jid kale u dirtay?

وَكَذَلِكَ راحابُ السّاقِطَةُ. ألَمْ يَعتَبِرْها اللهُ بارَّةً عِندَما رَحَّبَتْ بِالجاسُوسَيْنِ، وَساعَدَتْهُما عَلَى الهَرَبِ مِنْ طَرِيقٍ آخَرَ؟

26 S ida jidhkii aan ruux lahaynu meyd u yahay, sidaas oo kaluu rumaysadkii aan shuqullo lahaynuna meyd u yahay.

فَكَما يَكُونُ الجَسَدُ بِلا رُوحٍ جَسَداً مَيِّتاً، كَذَلِكَ الإيمانُ بِلا أعمالٍ هُوَ إيمانٌ مَيِّتٌ.