Ishacyaah 27 ~ ﺃﺷﻌﻴﺎء 27

picture

1 O o wakhtigaas ayaa Rabbigu seeftiisa adag ee weyn ee xoogga badan ku ciqaabi doonaa Lewiiyaataan oo ah maska dheereeya, iyo xataa Lewiiyaataan oo ah maska qalloocan, oo wuxuu dili doonaa bahalka baas ee badda ku jira.

فِي ذَلِكَ الوَقتِ، سَيُعاقِبُ اللهُ بِسَيفِهِ القاسِي العَظِيمِ الشَّدِيدِ لَوِياثانَ: الحَيَّةَ الهارِبَةَ، لَوِياثانَ الحَيَّةَ المُلتَوِيَةَ. وَسَيَقتُلُ التِّنِّينَ الَّذِي فِي البَحرِ.

2 O o wakhtigaas waxaa la odhan doonaa, Beerta canabka ee la jecel yahay darandoorri ugu heesa.

فِي ذَلِكَ الوَقتِ، سَيُغَنِّي النّاسُ عَنِ الكَرمَةِ الجَمِيلَةِ:

3 A niga Rabbiga ah ayaa ilaaliya, oo daqiiqad kastana waan waraabin doonaa. Si aan ciduna wax u yeelin ayaan habeen iyo maalinba dhawri doonaa.

أنا اللهَ حارِسُها الَّذِي أهتَمُّ بِها وَدائِماً أروِيها. أحرُسُها لَيلاً وَنَهاراً، لِئَلّا يُؤذِيَها أحَدٌ.

4 A niga cadho iguma jirto. Haddii yamaarugga iyo qodxantu ay dagaal igu soo kicin lahaayeen, intaan iyaga ku kaco ayaan dhammaantood wada gubi lahaa.

لَستُ غاضِباً عَلَيها. بَلْ إنْ بَنَى مُحارِبٌ حَولَها سُوراً مِنْ شَوكٍ، سَآتِيهِ مُحارِباً وَسَأُحْرِقُهُ.

5 H addii kalese xooggayga ha la qabsado, ha layla nabdo, ha layla nabdo.

فَإنْ لَجَأ أحَدٌ إلَيَّ لِكَي أحمِيَهُ، وَأرادَ أنْ يَصنَعَ مَعِي سَلاماً، فَسَأصنَعُ مَعَهُ سَلاماً.

6 O o wakhtiga soo socdana reer Yacquub xidid buu yeelan doonaa, dadka Israa'iilna waa magooli doonaa oo ubxin doonaa, oo dunida oo dhanna midhay ka buuxin doonaan.

سَيَمُدُّ يَعقُوبُ جُذُورَهُ فِي الأرْضِ، وَبَنو إسْرائِيلَ سَيُخرِجُونَ بَراعِمَ وَأزْهاراً. وَسَيَملأُونَ الأرْضَ ثَمَراً. تَحرِيرُ اللهِ لإسْرائِيل

7 M iyuu isaga wax ugu dhuftay siduu wax ugu dhuftay kuwii isaga wax ku dhuftay oo kale? Amase isaga ma la dilay sidii layntii kuwuu laayay oo kale?

لَمْ يُضرَبْ بَنُو إسْرائِيلَ كَما ضُرِبَ ضارِبُوهُمْ؟ وَلَمْ يُقتَلْ مِنهُمْ كَما قُتِلَ مِنْ قاتِلِيهِمْ؟

8 M arkaad eriday qiyaas baad ku edbisay. Intuu dalka ka masaafuriyey ayuu maalintii dabaysha bari duufaan adag ku eryay.

حَسَمَ اللهُ الأمرَ مَعَهُمْ بالطَّرْدِ وَالنَّفِي! سَيُخاطِبُهُمْ بِقَسوَةٍ كَالرِّيحِ الشَّرقِيَّةِ فِي حَرِّ النَّهارِ.

9 H addaba sidaas daraaddeed xumaanta reer Yacquub tanaa lagu kafaaraggudi doonaa, oo tanuna waa midhihii qaadidda dembigiisa oo dhan, markuu dhagaxyada meesha allabariga oo dhan ka wada dhigo sida dhagaxyada nuuradda ah oo la burburiyo oo kale, si aanay geedaha Asheeraah iyo sanamyada qorraxduna mar dambe u soo kicin.

هَكَذا سَيُكَفَّرُ عَنْ إثمَ يَعقُوبَ، وَتُرْفَعُ آثارُ خَطِيَّتِهِ: بِتَحْطِيمِ حِجارَةِ المَذبَحِ إلَى حَصَى، وَبِإزالَةِ أعمِدَةِ عِبادَةِ الأوثانِ وَمَذابِحِ البَخُورِ.

10 W aayo, magaaladii deyrka lahayd way cidlowday, waxayna tahay hoy laga kacay, oo waxaa looga tegey sida cidlada oo kale. Halkaas waxaa daaqi doona weylka, wuuna jiifsan doonaa, oo wuxuu dhammayn doonaa laamaheeda oo dhan.

وَسَتَكُونُ المَدِينَةُ المُحَصَّنَةُ فارِغَةً، وَمَسكَناً مَهجُوراً كَالصَّحراءِ. العُجُولُ سَتُسَرَّحُ هُناكَ وَتَربِضُ وَتَأكُلُ مِنْ غُصُونِها.

11 M arkii laamaheedu engegaan way wada jajabi doonaan, oo naagaa iman doona oo gubi doona, waayo, kuwanu waa dad aan innaba waxgarasho lahayn, oo sidaas daraaddeed kii iyaga uumay uma uu naxariisan doono, oo kii iyaga sameeyeyna raalli kama ahaan doono.

وَعِندَما تَجِفُّ غُصُونُها سَتَتَكَسَّرُ، وَتَستَخدِمُها النِّساءُ وَقُوداً لِلنّارِ. لأنَّ هَذا الشَّعبَ لا يَفهَمُ، فَلَنْ يَرحَمَهُمْ خالِقُهُمْ، وَلَنْ يَتَحَنَّنَ عَلَيهِمْ جابِلُهُمْ.

12 O o wakhtigaas Rabbigu hadhuudhkiisuu ku tuman doonaa tan iyo Webi Yufraad iyo ilaa durdurka Masar, oo reer binu Israa'iilow, midba mid baa laydiin soo wada ururin doonaa.

فِي ذَلِكَ الوَقتِ، سَيَجمَعُ اللهُ شَعبَهُ مِنْ نَهرِ الفُراتِ إلَى وادِي العَرِيشِ فِي مِصرَ. سَيَجمَعُكُمْ واحِداً واحِداً يا بَنِي إسْرائِيلَ.

13 O o wakhtigaas buun weyn baa la yeedhin doonaa, oo kuwii halligaadda u diyaarsanaa iyo kuwii dalka Masar loo masaafuriyey waxay ka iman doonaan dalka Ashuur, oo Rabbigay buurta Yeruusaalem ku caabudi doonaan.

فِي ذَلِكَ الوَقتِ، سَيُنفَخُ بِبُوقٍ عَظِيمٍ، وَسَيَأتِي التّائِهُونَ فِي أرْضِ أشُّورَ، وَأُولَئِكَ الَّذِينَ طُرِدُوا إلَى أرْضِ مِصرَ، وَسَيَسجُدُونَ فِي حَضْرَةِ اللهِ ، وَيَعْبُدُونَهُ عَلَى الجَبَلِ المُقَدَّسِ فِي مَدينَةِ القُدْسِ.