1 H addaba reer Falastiin waxay ciidammadoodii oo dhan ku soo ururiyeen Afeeq, oo reer binu Israa'iilna waxay soo ag degeen ishii ku tiil Yesreceel.
فِي تِلْكَ الأثناءِ، حَشَدَ الفِلِسْطِيُّونَ كُلَّ جُيُوشِهمْ فِي أفِيقَ. وَعَسكَرَ بَنُو إسْرائِيلَ عِندَ عَينِ حَرُودَ فِي يَزرَعِيلَ.
2 O o saraakiishii reer Falastiinna way soo gudbeen iyagoo ah boqol boqol iyo kun kun, oo Daa'uud iyo raggiisiina iyagoo Aakiish la socda ayay soo daba galeen.
وَكانَ حُكّامُ الفِلِسْطِيِّينَ يَتَقَدَّمُونَ في فِرَقٍ مِنْ مِئَةِ رَجُلٍ وَألفِ رَجُلٍ. وَأمّا داوُدُ وَرِجالُهُ فَكانُوا فِي الخَلفِ مَعَ أخِيشَ.
3 M arkaasaa amiirradii reer Falastiin waxay yidhaahdeen, Kuwan Cibraaniyada ahu maxay halkan ka samaynayaan? Aakiishna wuxuu amiirradii reer Falastiin ku yidhi, War kanu sow ma aha Daa'uud oo ahaa addoonkii boqorka reer binu Israa'iil ee Saa'uul ah, oo ila joogay maalmahan iyo sannadahanba, oo aanan innaba xumaan ka helin tan iyo maalintii uu ii yimid ilaa maantadan?
فَسَألَ ضُبّاطُ الفِلِسْطِيِّينَ: «ما الَّذِي يَفعَلُهُ هَؤُلاءِ العبرانِيُّونَ هُنا؟» فَقالَ أخِيشُ لِضُبّاطِ الفِلِسْطِيِّينَ: «هَذا هُوَ داوُدُ. كانَ أحَدَ ضُبّاطِ شاوُلَ، لَكِنَّهُ مَعِي مُنذُ مُدَّةٍ طَوِيلَةٍ. وَلَمْ أجِدْ فِيهِ عَيباً مُنذُ أنْ تَرَكَ شاوُلَ وَانضَمَّ إلَيَّ.»
4 L aakiinse amiirradii reer Falastiin aad bay ugu cadhoodeen, markaasay amiirradii reer Falastiin ku yidhaahdeen, War ninkan celi, si uu ugu noqdo meeshiisii aad u dooratay, oo yuusan dagaalka noo raacin, waaba intaasoo intaannu dagaalka ku jirno uu col noo noqdaa, waayo, ninkanu bal muxuu sayidkiisii kula heshiin karaa? Sow ma aha nimankan madaxyadooda?
لَكِنَّ ضُبّاطَ الفِلِسْطِيِّينَ غَضِبُوا مِنْ أخِيشَ. وَقالُوا لَهُ: «أعِدْهُ. ليَذهَبْ إلَى المَدِينَةِ الَّتِي أعْطَيتَهُ إيّاها. لا يُمكِنُهُ أنْ يُرافِقَنا إلَى المَعرَكَةِ. فَما دامَ داوُدُ هُنا، فَإنَّ بَينَنا عَدُوّاً فِي مُعَسكَرِنا. وَكَيفَ سَيُصالِحُ مَلِكَهُ؟ ألَيسَ بِقَتلِهِ رِجالَنا؟
5 K anu sow ma aha Daa'uud kii ay gabay isugu celceliyeen, iyagoo cayaaraya, oo leh, Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii, Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun?
ألَيْسَ داوُدُ هُوَ الَّذِي يَرْقُصُ لَهُ بَنُو إسْرائِيلَ وَيُغَنُّونَ: «شاوُلُ قَتَلَ الآلافَ. وَداوُدُ عَشَراتِ الآلافِ!»
6 M arkaasaa Aakiish Daa'uud u yeedhay, oo ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye, adigu waad qummanayd, oo markaynu ciidanka dhex soconnay siibixiddaada iyo soogeliddaaduba hortayda way ku wanaagsanaayeen, waayo, ilaa maalintii aad ii timid iyo maantadan la joogo innaba xumaan kuguma aanan arkin; habase yeeshee saraakiishu raalli kaama aha.
فَدَعَى أخِيشُ داوُدَ وَقالَ لَهُ: «أُقسِمُ بِاللهِ الحَيِّ، إنَّكَ مُخلِصٌ لِي. وَيَسُرُّنِي أنْ تَخدِمَ فِي جَيشِي. فَأنا لَمْ أجِدْ فِيكَ عَيباً مُنذُ أنْ جِئتَ إلَيَّ. وَلَكِنَّ حُكّامَ الفِلِسْطِيِّينَ لا يَثِقُونَ بِكَ.
7 S idaas daraaddeed iska noqo, oo nabad ku tag, yaadan saraakiisha reer Falastiin calool xumayne.
فاذهَبْ فِي سَلامٍ. وَلا تَعْمَلْ ما لا يُرْضِي حُكّامَ الفِلِسْطِيِّينَ.»
8 M arkaasaa Daa'uud wuxuu Aakiish ku yidhi, War maxaan sameeyey? Oo xumaanmaad igu aragtay anoo addoonkaaga ah intii aan kula joogay iyo ilaa maantadan, oo maxaa laygu diiday si aanan u tegin oo aanan ula diririn cadaawayaashaada, boqorow sayidkaygiiyow?
فَسَألَهُ داوُدُ: «ما الَّذِي فَعَلْتُهُ؟ هَلْ وَجَدْتَ فِيَّ عَيباً مُنذُ أنْ جِئتُ إلَيكَ؟ فَلِماذا تَرفُضُ أنْ تَدَعَنِي أُحارِبُ أعداءَكَ، يا سَيَّدِي المَلِكُ؟»
9 M arkaasaa Aakiish Daa'uud ugu jawaabay, Anigu waan ogahay inaad hortayda ku wanaagsan tahay, oo waxaad iila mid tahay malaa'ig Ilaah, habase yeeshee amiirradii reer Falastiin waxay yidhaahdeen, Isagu dagaalka noo raaci maayo.
فَأجابَ أخِيشُ: «أنا مُتَأكِّدٌ مِنْ أنَّكَ رَجُلٌ صالِحٌ، بَلْ إنِّي أراكَ كَمَلاكٍ مِنْ عِندِ اللهِ! لَكِنَّ ضُبّاطَ الفِلِسْطِيِّينَ مازالُوا يُصِرُّونَ وَيَقُولُونَ: ‹لا يُمكِنُ لِداوُدَ أنْ يَدخُلَ المَعرَكَةَ مَعَنا.›
10 H addaba aroor hore adiga iyo sayidkaaga addoommadiisii oo kula socdaaba kaca; oo aroortii markaad kacdaan oo waagu idiin baryo, taga.
لِهَذا أرِيدُكَ أنْ تَعُودَ أنتَ وَرِجالُكَ فِي الصَّباحِ الباكِرِ إلَى المَدِينَةِ الَّتِي أعطَيتُكَ إيّاها. لا تَهْتَمَّ لِما يَقُولُهُ ضُبّاطُ الفِلِسْطِيِّينَ عَنكَ. فَأنتَ رَجُلٌ صالِحٌ، لَكِنْ عَلَيكَ أنْ تَنْصرِفَ مَعَ ضَوْءِ الفَجْرِ.»
11 M arkaasaa Daa'uud iyo raggiisiiba aroor hore keceen, si ay subaxdii u tagaan, oo ay ugu noqdaan dalkii reer Falastiin. Oo kuwii reer Falastiinna kor bay ugu sii baxeen xagga Yesreceel.
فَقامَ داوُدُ وَرِجالُهُ فِي الصَّباحِ الباكِرِ وَرَجِعُوا إلَى أرْضِ الفِلِسْطِيِّينَ. أمّا الفِلِسْطِيُّونَ فَصَعدُوا إلَى يَزرَعِيلَ.