Hoosheeca 7 ~ ﻫﻮﺷﻊ 7

picture

1 H addaba markii aan damco inaan dadka Israa'iil bogsiiyo ayaa waxaa la soo bandhigaa xumaantii reer Efrayim, iyo sharnimadii dadka Samaariya, waayo, waxay sameeyaan wax been ah, oo tuuggiina guduhuu galaa, guutada shuftada ahuna dibadday wax ka dhacaan.

«حِينَ أشفِي إسْرائِيلَ، سَيَنكَشِفُ إثمُ أفْرايِمَ، وَالشُّرُورُ الَّتِي عُمِلَت فِي السّامِرَةِ. لأنَّهُمْ خَدَعُوا النّاسَ. أتَى السّارِقُ، وَعِصابَةٌ تَسلِبُ فِي الشّارِعِ.

2 O o qalbiga kagama ay fikiraan inaan xumaantooda oo dhan xusuusto. Haatan waxaa iyagii dhinacyada ka hareereeyey falimahoodii, oo way i hor yaallaan.

لا يُفَكِّرُونَ بِالأمرِ مَلِيّاً، وَلَكِنِّي تَذَكَّرتُ كُلَّ شَرِّهِمْ. وَالآنَ عادَت أعمالُهُمْ لِتَمسِكَ بِهِمْ. وَأنا أراهُمْ بِوُضُوحٍ.

3 W axay boqorka kaga farxiyaan xumaantooda, oo amiirradana beentooda.

يُسعِدُونَ المَلِكَ بِشَرِّهِمْ، وَبِكَذِبِهِمْ يُفَرِّحُونَ الرُّؤَساءَ.

4 D hammaantood waa dhillayo, oo waa sida foorno uu kibisdubuhu kululeeya oo dabka ololintiisa joojiyaa uun markuu cajiinka cajiimayo ilaa uu cajiinku khamiiro.

كُلُّهُمْ زُناةٌ. إنَّهُمْ مِثلُ فُرنٍ مَحَمىً، لا يَحْتاجُ الخَبّازُ أن يَنشَغِلَ بِإحمائِهِ مُنْذُ العَجِينِ وَحَتَّى نُضُوجِ الخُبزِ.

5 M aalinta boqorkayaga amiirradu way isku bukaysiiyeen kulaylka khamriga, isagu wuxuu gacanta u taagay kuwo wax quudhsada.

سَبَّبُوا المَرَضَ للِمَلِكِ خِلالَ النَّهارِ، وَللِرُؤَساءِ مِنْ حَرارَةِ الخَمرِ. وَالمَلِكُ يَنْضَمُّ إلَى الَّذِينَ يَستَهزِئُونَ بِاللهِ.

6 W aayo, iyagu waxay qalbigoodii u diyaariyeen sidii foorno oo kale intii ay wax u gabbanayeen, oo kibisdubahoodiina wuu hurdaa habeenkii oo dhan, oo aroortiina qalbigu waa u qaxmayaa sida dab ololaya oo kale.

إنَّهُمْ يَشتَعِلُونَ كَنارٍ، قُلُوبُهُمْ تَشتَعِلُ فِيهِمْ. يَنامُ غَضَبُهُمْ طَوالَ اللَّيلِ، لَكِن فِي الصَّباحِ يَشتَعِلُ كَالنّارِ المُلتَهِبَةِ.

7 I yagu dhammaantood waxay u kulul yihiin sida foorno oo kale, oo waxay baabbi'iyaan xaakinnadooda, oo boqorradii oo dhammuna waxay yihiin kuwa dhacay, oo dhexdooda lagama arko innaba mid i barya.

كُلُّهُمْ حامُونَ كَالفُرنِ وَيُفسِدُونَ قُضاتَهُمْ. كُلُّ مُلُوكِهِمْ يَسقُطُونَ، وَلا أحَدَ مِنهُمْ يَدعُونَنِي. جَهلُ بَنِي إسْرائِيلَ لِدَمارِهِمِ الوَشِيك

8 R eer Efrayim dadyowguu isku dhex qasaa, reer Efrayim waa sida kibis aan la wada dubin.

«أفْرايِمُ مُختَلِطٌ بِالأُمَمِ. أفْرايِمُ كَعكَةٌ احْتَرَقَ أحَدُ جانِبَيها لأنَّها لَمْ تُقلَبْ فِي الفُرنِ.

9 S hisheeyayaal ayaa xooggiisa dhammeeyey, oo isna maba oga. Xataa cirraa ka soo baxday, oo isna maba oga.

يَأكُلُ الغُرَباءُ قُوَّتَهُ دُونَ أن يَعرِفَ. العَفَنُ مَرْشُوشٌ عَلِيهِ وَهُوَ لا يَعرِفُ.

10 W axaa dadka Israa'iil ku marag fura kibirkooda, laakiinse iyagu uma ay soo noqon Rabbiga Ilaahooda ah, mana ay doondoonin isaga in kastoo ay waxyaalahaa oo dhan sameeyeen.

سَيَشهَدُ كِبرِياءُ إسْرائِيلَ ضِدَّهُ، وَلَكِنَّهُمْ لَن يَرجِعُوا إلَى إلَهِهِمْ ، وَلَن يَطلُبُوهُ حَتَّى حِينَ يَعرِفُونَ كُلَّ هَذِهِ الأُمُورِ.

11 R eer Efrayim waa sida qoolley doqon ah oo aan waxgarasho lahayn, waayo, iyagu waxay u yeedhaan Masar oo waxay tagaan dalka Ashuur.

أفْرايِمُ مِثلُ حَمامَةٍ طائِشَةٍ لا تُفَكِّرُ. يَدعُونَ مِصرَ لأجلِ الحُصُولِ عَلَى العَونِ، وَيَذهَبُونَ إلَى أشُّورَ لأجلِ الحُصُولِ عَلَى المُساعَدَةِ.»

12 M arkay tagaan waxaan ku kor fidin doonaa shabaggayga, oo iyagaan u soo dejin doonaa sida haadda samada, oo sidii ururkoodu maqlay ayaan iyaga u edbin doonaa.

يَقُولُ اللهُ: «حَيثُما ذَهَبُوا سَأبسِطُ شَبَكَةً عَلَيهِمْ. سَوفَ أُوقِعُهُمْ بِالفَخِّ كَما يُوقَعُ بِالطُّيُورِ. سَأُعاقِبُهُمْ عَلَى كُلِّ المَرّاتِ الَّتِي استَعانُوا فِيها بِالأُمَمِ الأُخرَى بَدَلاً مِنِّي.

13 I yagaa iska hoogay, waayo, way iga ambadeen! Halaag ha ku dhaco, waayo, way igu xadgudbeen! In kastoo aan iyaga soo furan lahaa haddana been bay iga sheegeen.

فَليَستَعِدُّوا لِلمُعاناةِ، لأنَّهُمْ ضَلُّوا عَنِّي. سَيُعانُونَ مِنَ الضِّيقِ لأنَّهُمْ أخطَأُوا إلَيَّ. أنا أفدِيهُمْ، وَأمّا هُمْ فَيَتَكَلَّمُونَ بِالكَذِبِ عَنِّي.

14 O o qalbigooda igama ay baryin, laakiinse sariirahooday ku kor ooyaan. Waxay u soo wada shiraan hadhuudh iyo khamri aawadood, oo anigana way igu caasiyoobaan.

لا يَصرُخُونَ إلَيَ مِنْ كُلِّ قُلُوبِهِمْ. سَيَنُوحُونَ عَلَى أسِرَّتِهِمْ. يَذهَبُونَ إلَى البَعلِ لأجلِ قَمحِهِمْ وَنَبيذِهِمُ، وَلَكِنَّهُمْ يَبتَعِدُونَ عَنِّي.

15 I n kastoo aan wax baray oo aan gacmahooda xoogeeyey, ayay weliba shar ii fikiraan.

مَعَ أنِّي دَرَّبتُهُمْ، وَقَوَّيْتُ أيدِيهِمْ، إلّا أنَّهُمْ تَآمَرُوا بِالشَّرِّ عَلَيَّ.

16 W ay soo noqdaan, laakiinse uma ay soo noqdaan kan sarreeya. Iyagu waa sida qaanso khiyaano badan oo kale. Amiirradooduna seef bay ku le'an doonaan cadhada carrabkooda daraaddeed. Tanu waxay dalka Masar ku noqon doontaa wax iyaga lagu quudhsado.

التَفَتُوا إلَى عِبادَةِ ما لَيسَ إلَهاً. كانُوا مِثلَ القَوسِ المُنحَرِفِ. سَقَطَ رُؤَساءُهُمْ بِالسَّيفِ، بِسَبَبِ غَضَبِ الَّذِينَ استَهزَأوا بِهِمْ، حِينَ كانُوا فِي أرْضِ مِصرَ.