1 O o Boqor Sidqiyaah oo ahaa ina Yoosiyaah ayaa boqor ka noqday meeshii Konyaah ina Yehooyaaqiim, kaasoo ahaa kii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu isaga boqor uga dhigay dalkii Yahuudah.
وَمَلَكَ المَلِكُ صِدْقِيّا بْنُ يُوشِيّا مَكانَ كُنْياهُو بْنِ يَهُوياقِيمَ. وَهُوَ الَّذِي عَيَّنَهُ نَبُوخَذْناصَّرُ مَلِكاً فِي أرْضِ يَهُوذا.
2 L aakiinse isagii, iyo addoommadiisii, iyo dadkii dalka toona midkoodna ma maqlin erayadii Rabbiga ee uu isagu kaga hadlay Nebi Yeremyaah.
وَلَمْ يَستَمِعْ هُوَ وَخُدّامُهُ وَشَعبُ الأرْضِ لِكَلامِ اللهِ الَّذِي قالَهُ عَلَى فَمِ إرْمِيا النَّبِيِّ.
3 O o Boqor Sidqiyaah wuxuu Nebi Yeremyaah u soo diray Yehuukal ina Shelemyaah, iyo Sefanyaah ina wadaadka Macaseeyaah, oo wuxuu ku soo yidhi, Bal Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari.
وَأرسَلَ المَلِكُ صِدْقِيّا يَهُوخَلَ بْنَ شَلَمْيا وَصَفَنْيا بْنَ مَعَسِيّا الكاهِنِ إلَى إرْمِيا النَّبِيِّ بِهَذِهِ الرِّسالَةِ: «صَلِّ لأجلِنا إلَى إلَهِنا.»
4 O o markaas Nebi Yeremyaah dadka dhexdiisa ayuu gudaha u soo geli jiray oo dibadda uga bixi jiray, waayo, weli ma ay xabbisin.
وَكانَ إرْمِيا يَتَحَرَّكُ بِحُرِّيَّةٍ وَسطَ الشَّعبِ فِي ذَلِكَ الوَقتِ، إذْ لَمْ يَكُنْ قَدْ وُضِعَ فِي السِّجنِ بَعدُ.
5 O o ciidankii Fircoon ayaa Masar ka soo baxay, oo reer Kaldayiinkii Yeruusaalem ku hareeraysnaana markay warkoodii maqleen ayay Yeruusaalem ka kala tageen.
وَكانَ جَيشُ فِرعَوْنَ قَدْ خَرَجَ مِنْ مِصرَ، وَالبابِلِيُّونَ الَّذِينَ كانُوا يُحاصِرُونَ مَدينَةَ القُدْسِ قَدْ سَمِعُوا بِما عَمِلَهُ جَيْشُ فِرعَوْنَ، وَلِذا تَرَكُوا مَوقِعَهُمْ عِندَ مَدينَةِ القُدْسِ.
6 M arkaasaa eraygii Rabbigu Nebi Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi,
وَجاءَتْ كَلِمَةُ اللهِ إلَى إرْمِيا النَّبِيِّ فَقالَ:
7 R abbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Boqorka dalka Yahuudah oo ii soo kiin diray inuu wax i weyddiisto waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, ciidanka Fircoon oo u soo baxay inuu ku caawiyo, waxay ku noqon doonaan dalkoodii Masar.
«هَذا هُوَ ما يَقُولُهُ اللهُ ، إلَهُ إسْرائِيلَ: هَذا ما تَقُولانِهِ – يا يَهُوخَلُ وَصَفَنْيا – إلَى مَلِكِ يَهُوذا: ‹جَيشُ فِرعَوْنَ الَّذِي خَرَجَ لِيُساعِدَكَ سَيَعُودُ إلَى أرْضِهِ مِصرَ.
8 O o reer Kaldayiinna way soo noqon doonaan, oo magaaladan bay la diriri doonaan, wayna qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan.
وَالبابِلِيُّونَ سَيَرجِعُونَ وَيُحارِبُونَ هَذِهِ المَدِينَةَ. سَيَسْتَولُونَ عَلَيها وَيَحرِقُونَها بِالنّارِ.›
9 R abbigu wuxuu leeyahay, Idinku ha iskhiyaanaynina, oo ha isku odhanina, Hubaal reer Kaldayiin way naga tegayaan, maxaa yeelay, iyagu ma ay tegi doonaan.
هَذا هُوَ ما يَقُولُهُ اللهُ: ‹لا تَخدَعُوا أنفُسَكُمْ فَتَقُولُوا: سَيَرحَلُ البابِلِيُّونَ بِلا شَكٍّ، لأنَّهُمْ لَنْ يَرحَلُوا.
10 W aayo, in kastoo aad ciidanka reer Kaldayiin ee idinla diriraya wada baabbi'in lahaydeen, oo rag dhaawac ah mooyaane aan iyaga wax kale ka hadhin, haddana iyaga midkood kastaaba wuxuu ka soo kici lahaa teendhadiisa, oo dab bay magaaladan ku gubi lahaayeen.
وَحَتَّى لَو ضَرَبُوا كُلَّ جَيشِ البابِلِيِّينَ الَّذِينَ يُحارِبُونَكُمْ، فَلَمْ يَبقَ سِوَى رِجالٍ جَرحَى فِي خَيامِهِمْ، فَإنَّهُمْ سَيَقُومُونَ وَيُحرِقُونَ هَذِهِ المَدِينَةَ.›»
11 O o markii ciidankii reer Kaldayiin ay Yeruusaalem uga kala tageen cabsi ay ka qabaan ciidankii Fircoon aawadiis
وَعِندَما تَرَكَ جَيشُ البابِلِيِّينَ مَوقِعَهُ عِندَ مَدينَةِ القُدْسِ بِسَبَبِ اقتِرابِ جَيشِ فِرعَوْنَ،
12 a yaa Yeremyaah Yeruusaalem ka baxay oo wuxuu galay dalkii reer Benyaamiin si uu meeshaas qaybtiisa dadka uga dhex helo.
أرادَ إرْمِيا الخُرُوجَ مِنَ مَدينَةِ القُدْسِ إلَى أرْضِ بَنْيامِيْنَ، لِيَأخُذَ حِصَّتَهُ مِنَ الأرْضِ مَعَ باقِي الشَّعبِ هُناكَ.
13 O o markuu iriddii reer Benyaamiin joogay waxaa isna halkaas joogay sirkaal waardiyayaasha madax u ahaa, oo magiciisa la odhan jiray Yiriyaah ina Shelemyaah, oo ahaa ina Xananyaah, oo isna Yeremyaah buu qabtay oo wuxuu ku yidhi, Adigu waxaad u gelaysaa reer Kaldayiin.
وَعِندَما جاءَ إلَى بَوّابَةِ بَنْيامِيْنَ كانَ هُناكَ حارِسٌ يُدعَى يَرْئِيّا بْنَ شَلَمْيا بْنَ حَنَنِيّا. قَبَضَ هَذا عَلَى إرْمِيا النَّبِيِّ، فَقالَ: «أنتَ تُرِيدُ الانضِمامَ إلَى البابِلِيِّينَ!»
14 M arkaas Yeremyaah wuxuu ku yidhi, Taasu waa been, anigu reer Kaldayiin u geli maayo. Laakiinse isagu innaba ma uu dhegaysan, sidaas daraaddeed Yiriyaah wuxuu soo qabtay Yeremyaah, oo amiirradii u keenay.
فَقالَ إرْمِيا لِيَرْئِيّا: «هَذا كَذِبٌ، فَأنا لَنْ أنضَمَّ إلَى البابِلِيِّينَ.» وَلَكِنَّ يَرئِيّا لَمْ يَسمَعْ لَهُ. وَلِذا قَبَضَ يَرْئِيّا عَلَى إرْمِيا وَأحضَرَهُ إلَى الرُّؤَساءِ.
15 A miirradiina Yeremyaah bay u cadhoodeen, oo intay garaaceen ayay gurigii Yoonaataan oo karraanigii ahaa ku xabbiseen, waayo, kaasay xabsi ka dhigeen.
فَغَضِبَ الرُّؤَساءُ عَلَى إرْمِيا وَضَرَبُوهُ وَحَبَسُوهُ فِي بَيتِ يُوناثانَ الكاتِبِ، لأنَّهُمْ كانُوا قَدْ حَوَّلُوا بَيتَهُ إلَى سِجنٍ.
16 M arkii Yeremyaah uu gurigii godka ahaa galay iyo weliba qolalkii hoose, oo uu halkaas maalmo badan ku jiray,
وَلَمّا أتَى إرْمِيا إلَى الزَّنازِينِ، بَقِيَ هُناكَ أيّاماً كَثِيرَةً.
17 a yaa waxaa isagii u soo cid diray Boqor Sidqiyaah, oo soo bixiyey. Markaasaa boqorkii si qarsoodi ah gurigiisa gudihiisa wax ugu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Eray Rabbiga ka yimid miyuu jiraa? Kolkaasaa Yeremyaah ku yidhi, Waa jiraa. Oo wuxuu kaloo yidhi, Adigu waxaa laguu gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon.
وَأرسَلَ المَلِكُ صِدْقِيّا وَأحضَرَهُ إلَيهِ، وَاستَجوَبَهُ المَلِكُ فِي بَيتِ المَلِكِ سِرّاً، فَقالَ: «هَلْ هُناكَ كَلِمَةٌ مِنَ اللهِ ؟» فَأجابَ إرْمِيا: «نَعَمْ، هُناكَ كَلِمَةٌ: سَتُسَلَّمُ إلَى يَدِ مَلِكِ بابِلَ.»
18 O o weliba Yeremyaah wuxuu Boqor Sidqiyaah ku yidhi, Bal maxaan adiga, amase addoommadaada, amase dadkan u dhimay, oo aad ii xabbisteen?
ثُمَّ قالَ إرْمِيا لِلمَلِكِ صِدْقِيّا: «بِماذا أخطَأتُ إلَيكَ أوْ إلَى خُدّامِكَ أوْ إلَى هَذا الشَّعبِ حَتَّى وَضَعتُمُونِي فِي السِّجنِ؟
19 H addaba bal meeye nebiyadaadii wax idiin sii sheegay, oo idinku yidhi, Boqorka Baabuloon ku soo duuli maayo idinka iyo dalkanba?
وَأينَ أنبِياؤُكُمُ الَّذِينَ تَنَبَّأُوا لَكُمْ وَقالُوا: ‹لَنْ يَأتِيَ مَلِكُ بابِلَ عَلَيكُمْ وَعَلَى هَذِهِ الأرْضِ؟›
20 H addaba boqorow, sayidkaygiiyow, bal baryadayda maqal, oo waan ku baryayaaye baryootankayga xaggaaga ha laga aqbalo, oo gurigii karraaniga Yoonaataan ha igu celin, waaba intaasoo aan halkaas ku dhintaaye.
وَالآنَ يا سَيِّدِي المَلِكَ، تَكَرَّمْ وَاسمَعْ طَلَبِي. أرجُوكَ، لا تُعِدْنِي إلَى بَيتِ يُوناثانَ الكاتِبُ، فَإنِّي سَأمُوتُ هُناكَ.»
21 M arkaas Boqor Sidqiyaah wuxuu ku amray in Yeremyaah barxaddii waardiyayaasha lagu daayo, oo waxaa dharaar kasta jidka kibisdubayaasha laga siin jiray xabbad kibis ah, ilamaa kibistii magaaladu ay wada dhammaatay. Oo sidaasuu Yeremyaah barxaddii waardiyayaasha ugu sii hadhay.
فَأمَرَ المَلِكُ بِوَضعِ إرْمِيا فِي ساحَةِ السِّجنِ. وَأمَرَ بِأنْ يُعطَى رَغِيفَ خُبزٍ يَومِيّاً مِنْ شارِعِ الخَبّازِينَ، حَتَّى لَمْ يَتَبَقَّ خُبزٌ فِي المَدِينَةِ. وَمَكَثَ إرْمِيا فِي ساحَةِ السِّجنِ.