Luukos 5 ~ ﻟﻮﻗﺎ 5

picture

1 I ntii dadkii oo dhan isku soo cidhiidhiyeen inay ereygii Ilaah maqlaan, ayuu is-ag taagay badda Gennesared;

كانَ يَسُوعُ واقِفاً عِندَ بُحَيْرَةِ جَنِيْسارَتَ، وَالنّاسُ يَتَجَمهَرُونَ حَولَهُ وَيَستَمِعُونَ إلَى كَلِمَةِ اللهِ.

2 o o wuxuu arkay laba doonniyood oo badda ag taal; laakiin kalluumaystayaashii waa ka degeen, oo shabagyadoodii ayay maydhayeen.

فَرَأى قارِبَيْنِ عِندَ البَحرِ. وَكانَ الصَّيّادُونَ قَدْ خَرَجُوا مِنهُما وَراحُوا يَغسِلُونَ شِباكَهُمْ.

3 M arkaasuu fuulay doonniyihii middood oo Simoon lahaa, wuxuuna ka baryay inuu in yar dhulka ka durkiyo. Markaasuu fadhiistay oo dadkii wax ka dhex baray doonnidii.

فَدَخَلَ يَسُوعُ أحَدَ القارِبَيْنِ، وهُوَ لِرَجُلٍ اسْمُهُ سِمعانُ. فَطَلَبَ إليهِ أنْ يُبعِدَ القارِبَ قَلِيلاً عَنِ البَرِّ، ثُمَّ جَلَسَ وَعَلَّمَ الجُمهُورَ مِنَ القارِبِ.

4 G oortuu hadalkii dhammeeyey ayuu Simoon ku yidhi, Meesha biyaha u dheer gee, oo shabagyadiinna ku dejiya si aad kalluun u heshaan.

وَلَمّا أنهَى كَلامَهُ، قالَ لِسِمْعانَ: «أبحِرْ إلَى المِياهِ العَمِيْقَةِ، وَارْمِ شِباكَكَ لِلصَّيْدِ.»

5 S imoon baa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, xalay oo dhan ayaannu hawshoonnay, waxbana ma aannu qaban, laakiin hadalkaaga dartii shabagyada waan dejinayaa.

فَأجابَ سِمْعانُ: «يا مُعَلِّمُ، لَقَدْ أنهَكَنا العَمَلُ طَوالَ اللَّيلِ وَلَمْ نُمسِكْ شَيْئاً، لَكِنِّي سَأرمِي الشِّباكَ لِأنَّكَ تَقولُ ذَلِكَ.»

6 G oortay waxaas yeeleen waxay ku qabteen kalluun tiro badan, shabagyadooduna way kala dillaaci gaadheen.

وَلَمّا فَعَلَ، أمسَكُوا بِعَدَدٍ كَبِيْرٍ مِنَ الأسماكِ حَتَّى إنَّ شِباكَهُمْ بَدَأتْ تَتَمَزَّقُ.

7 M arkaasay u gacan haadiyeen wehelladoodii doonnida kale ku jiray inay yimaadaan oo caawiyaan. Wayna yimaadeen, oo waxay buuxiyeen labadii doonniyood, sidaa darteed ayay u dhowaadeen inay degaan.

فَأشارُوا إلَى شُرَكائِهِمْ فِي القارِبِ الآخَرِ لِكَيْ يَأْتُوا وَيُساعِدُوهُمْ. فَجاءُوا وَمَلأُوا القارِبَيْنِ حَتَّى أوشَكا عَلَى الغَرَقِ.

8 L aakiin Simoon Butros goortuu waxaas arkay, ayuu Ciise jilbihiisa isku tuuray, oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, waxaan ahay nin dembi leh, ee iga tag.

فَلَمّا رَأى سِمعانُ بُطرُسُ هَذا، ارتَمَى عِندَ رُكبَتَي يَسُوعَ وَقالَ: «ابْتَعِدْ عَنِّي يا رّبُّ، فَأنا رَجُلٌ خاطِئٌ!»

9 M axaa yeelay, isaga iyo kuwii la jirayba, waxay la yaabeen kalluunkii badnaa oo ay qabteen.

فَقَدْ ذُهِلَ وَكُلُّ الَّذِيْنَ مَعَهُ مِنْ كَثْرةِ السَّمَكِ الَّذِي حَصَلُوا عَلَيْهِ.

10 S idoo kalena waxaa la yaabay Yacquub iyo Yooxanaa oo wiilashii Sebedi ahaa, kuwii wehello Simoon la ahaa. Ciisena wuxuu Simoon ku yidhi, Ha baqin, hadda iyo hadhowba dad baad jillaabi doontaa.

وَذُهِلَ أيضاً يَعقُوبُ وَيُوحَنّا ابنا زَبَدِي شَرِيْكا سِمْعانَ. ثُمَّ قالَ يَسُوعُ لِسِمعانَ: «لا تَخَفْ. أنتَ مِنَ الآنِ فَصاعِداً صَيّادٌ لِلنّاسِ!»

11 M arkay doonniyahoodii dhulkii geeyeen, ayay wax walba ka tageen, markaasay raaceen isaga. Baraslihii La Bogsiiyey

فَجاءُوا بِالقارِبَيْنِ إلَى البَرِّ، وَتَرَكُوا كُلَّ شَيءٍ وَتَبِعُوهُ. يَسُوعُ يَشفِي أبرص

12 G oortuu magaalooyinka middood ku jiray, waxaa la arkay nin baras miidhan ah. Isaguna markuu Ciise arkay, wejigiisuu dhulka dhigay oo ka baryay isagoo leh, Sayidow, haddaad doonaysid waad i daahirin kartaa.

وَبَيْنَما كانَ يَسُوعُ فِي إحدَى المُدُنِ، كانَ هُناكَ رَجُلٌ يُغَطِّي جِسمَهُ البَرَصُ. فَعِندَما رَأى يَسُوعَ، ارتَمَى عَلَى وَجهِهِ وَتَوَسَّلَ إلَيْهِ قائلاً: «يا سَيِّدُ، أنتَ قادِرٌ أنْ تَجعَلَنِي طاهِراً، إنْ أرَدْتَ.»

13 O o intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Oo kolkiiba baraskii waa ka baxay.

فَمَدَّ يَسُوعُ يَدَهُ وَلَمَسَهُ وَقالَ: «نَعَمْ أُرِيْدُ، فَاطْهُرْ.» فَفِي الحالِ زالَ البَرَصُ عَنْهُ.

14 M arkaasuu ku amray, Ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga mar oo wadaadka istus. Waxaad daahirsanaantaada u bixisaa wixii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.

ثُمَّ أمَرَهُ يَسُوعُ ألّا يُخبِرَ أحَداً، بَلْ قالَ لَهُ:اذْهَبْ وَأرِ نَفسَكَ لِلكاهِنِ، وَقَدِّمْ تَقدِمَةً عَنْ تَطَهُّرِكَ كَما أمَرَ مُوسَى، فَيَعلَمَ النّاسُ أنَّكَ شُفِيْتَ.»

15 L aakiin weliba warkii isaga ku saabsanaa ayaa sii fiday; o dad aad u badan ayaa u yimid inay maqlaan, iyo in bukaankooda laga bogsiiyo.

لَكِنَّ أخبارَ يَسُوعَ كانَتْ تَزدادُ انتِشاراً. وَكانَتْ جَماهِيْرُ كَثِيْرَةٌ مِنَ النّاسِ تَأْتِي مَعاً لِتَسْمَعَهُ وَتُشْفَى مِنْ أمراضِها.

16 M arkaasuu, intuu ku noqday meelo cidla ah, ku tukaday. Curyaankii La Bogsiiyey

أمّا هُوَ فَكَثِيْراً ما كانَ يَذْهَبُ بَعِيداً عَنِ النّاسِ حَيْثُ يَخلُوَ إلَى نَفسِهِ وَيُصَلِّي. يَسُوعُ يَشفِي مَشلُولاً

17 M aalmahaas middood waxaa dhacay inuu wax barayay, oo halkaasna waxaa ag fadhiyey qaar Farrisiinta iyo macallimiintii sharciga ah oo ka yimid magaalo walba oo Galili iyo Yahuudiya iyo Yeruusaalem; xoogga Rabbiguna waa la jiray isaga si uu u bogsiiyo kuwa buka.

وَكانَ يَسُوعُ يُعَلِّمُ ذاتَ يَومٍ، وَبَينَ الجالِسينَ فِرِّيْسِيُّونَ وَمُعَلِّمُونَ لِلشَّرِيْعَةِ جاءُوا مِنْ كُلِّ بَلدَةٍ فِي الجَلِيلِ وَاليَهُودِيَّةِ وَمِنَ مَدينَةِ القُدْسِ. وَكانَتْ قُوَّةُ الرَّبِّ للِشِّفاءِ بَيْنَ يَدَيِّ يَسُوعَ.

18 M arkaasaa niman waxay sariir ku soo qaadeen nin curyaan ah, waxayna doonayeen inay gudaha geliyaan oo hortiisa dhigaan.

فَجاءَ بَعضُ الرِّجالِ يَحمِلُونَ رَجُلاً مَشلُولاً عَلَى فِراشٍ، وَحاوَلُوا أنْ يُدخِلُوهُ وَيَضَعُوهُ أمامَ يَسُوعَ.

19 M arkay heli waayeen meel ay ka geliyaan dadkii badnaa aawadiis, ayay guriga dushiisa fuuleen, oo saqafka ayay ka dusiyeen isaga iyo sariirtiisii, oo ay dhex dhigeen Ciise hortiisa.

لَكِنَّهُمْ لَمْ يَجِدُوا طَرِيْقَةً لإدخالِهِ بِسَبَبِ الازدِحامِ، فَصَعِدُوا إلَى سَطحِ البَيتِ، وَأنزَلُوهُ عَلَى فِراشِهِ مِنْ فُتْحَةٍ فِي السَّقفِ إلَى وَسَطِ النّاسِ وَأمامَ يَسُوعَ.

20 G oortuu rumaysadkoodii arkay ayuu ku yidhi, Nin yahow, dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin.

فَلَمّا رَأى يَسُوعُ إيمانَهُمْ قالَ: «يا رَجُلُ، خَطاياكَ مَغفُورَةٌ!»

21 M arkaasaa culimmadii iyo Farrisiintii waxay bilaabeen inay fikiraan iyagoo leh, Ayuu yahay kan caytamayaa? Ayaa dembiyo cafiyi kara Ilaah keliya maahee?

فَبَدَأ مُعَلِّمُو الشَّرِيْعَةِ وَالفِرِّيْسِيُّونَ يُفَكِّرُونَ وَيَقُولُونَ: «مَنْ هُوَ هَذا الَّذِي يُهِيْنُ اللهَ بِكَلامِهِ؟ فَمَنْ غَيْرُ اللهِ وَحدِهِ يَستَطِيْعُ أنْ يَغفِرَ الخَطايا؟»

22 L aakiin Ciise goortuu fikirradoodii gartay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad qalbiyadiinna uga fikiraysaan?

فَعَرَفَ يَسُوعُ أفكارَهُمْ، وَأجابَهُمْ فَقالَ: «لِماذا تُفَكِّرُونَ هَكَذا فِي قُلُوبِكُمْ؟

23 I yamaa hawl yar, in la yidhaahdo, Dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin, ama in la yidhaahdo, Kac oo soco?

أيُّ الأمرَيْنِ أسهَلُ: أنْ يُقالَ: ‹خَطاياكَ مَغفُورَةٌ› أمْ أنْ يُقالَ: ‹انهَضْ وَامشِ؟›

24 L aakiin si aad ku garataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay amar uu dembiyada ku cafiyo (ayuu ninkii curyaanka ahaa ku yidhi), Waxaan kugu leeyahay, Kac oo sariirtaada qaado oo gurigaaga tag.

لَكِنِّي سَأُرِيكُمْ أنَّ ابنَ الإنسانِ يَملِكُ سُلطاناً عَلَى الأرْضِ لِمَغفِرَةِ الخَطايا.» وَقالَ لِلرَّجُلِ المَشلُولِ: «أنا أقُولُ لَكَ، انهَضْ وَاحْمِلْ فِراشَكَ وَاذْهَبْ إلَى بَيتِكَ!»

25 K olkiiba hortood ayuu kacay, oo qaatay wixii uu ku jiifay, oo gurigiisa tegey, isagoo Ilaah ammaanaya.

فَوَقَفَ الرَّجُلُ فَوراً، وَحَمَلَ فِراشَهُ، وَذَهَبَ إلَى بَيتِهِ وَهُوَ يُمَجِّدُ اللهَ.

26 M arkaasay wada yaabeen oo Ilaah ammaaneen, aad bayna u baqeen, oo waxay yidhaahdeen, Maanta waxaannu aragnay waxyaalo yaab leh. U Yeedhidda Laawi

فَذُهِلَ الجَمِيعُ، وَأخَذوا يُمَجِّدُونَ اللهَ. وَامتَلأُوا رَهبَةً وَقالوا: «لَقَدْ رَأيْنا اليَومَ أُمُوراً مُذهِلَةً!» لاوِي (مَتَّى) يَتبَعُ يَسُوع

27 W axyaalahaas dabadood ayuu baxay, oo wuxuu arkay cashuurqaade Laawi la odhan jiray oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac.

وَبَعدَ هَذا خَرَجَ يَسُوعُ وَرَأى جامِعَ ضَرائِبَ اسْمُهُ لاوِي جالِساً عِندَ مَكانِ جَمعِ الضَّرائِبِ. فَقالَ لَهُ يَسُوعُ: «اتبَعنِي!»

28 M arkaasuu wax walba ka tegey, wuuna kacay oo raacay.

فَقامَ وَتَرَكَ كُلَّ شَيءٍ وَتَبِعَهُ.

29 L aawi wuxuu gurigiisa ugu sameeyey diyaafad weyn. Waxaana joogay qaar badan oo cashuurqaadayaal ah iyo qaar kale oo cunto ula fadhiya iyaga.

وَأقامَ لاوِي مَأْدُبَةً فِي بَيتِهِ لِيَسُوعَ. وَكانَ جَمعٌ كَبِيْرٌ مِنْ جامِعِي الضَّرائِبِ وَغَيرِهِمْ يَأْكُلُونَ مَعَهُمْ.

30 M arkaasaa Farrisiintii iyo culimmadoodii, intay xertiisii ka gunuunaceen, waxay ku yidhaahdeen, Maxaad cashuurqaadayaasha iyo dembilayaasha wax ula cuntaan oo ula cabtaan?

فَتَذَمَّرَ الفِرِّيْسِيُّونَ وَمُعَلِّمُو الشَّرِيعَةِ وَقالوا لِتَلامِيذِهِ: «لِماذا تَأْكُلُونَ وَتَشرَبُونَ مَعَ جامِعي الضَّرائِبِ وَالخُطاةِ؟»

31 C iise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Kuwa ladan dhakhtar uma baahna, laakiin kuwa buka ayaa u baahan.

فَأجابَهُمْ يَسُوعُ: «لا يَحتاجُ الأصِحّاءُ إلَى طَبِيبٍ، بَلِ المَرضَى.

32 A nigu uma aan imanin inaan kuwa xaqa ah u yeedho, laakiin inaan dembilayaashase toobadda ugu yeedho ayaan u imid. Wax Soonka Ku Saabsan

أنا لَمْ آتِ لِكَي أدعُوَ الصّالِحِينَ، لَكِنِّي جِئتُ لِأدعُوَ الخُطاةَ إلَى التَّوبَةِ.» سُؤالٌ حَولَ الصَّوم

33 W axay ku yidhaahdeen, Xerta Yooxanaa marar badan bay soomaan oo tukadaan, kuwa Farrisiintuna sidaas oo kale ayay yeelaan, laakiin kuwaagu wax bay cunaan oo cabbaan.

وَقالُوا لَهُ: «إنَّ تَلامِيذَ يُوحَنّا يَصُومُونَ كَثِيراً وَيُصَلُّونَ، وَكَذَلِكَ يَفعَلُ تَلامِيذُ الفِرِّيْسِيِّينَ، أمّا تَلامِيذُكَ فَيَأكُلُونَ وَيَشرَبُونَ دائِماً!»

34 C iise wuxuu ku yidhi, Ma ku dirqi karaysaan saaxiibbadii arooska inay soomaan kolkuu aroosku la joogo?

فَقالَ لَهُمْ يَسُوعُ: «أيُمكِنُكُمْ أنْ تُجبِرُوا ضُيُوفَ العَرِيسِ عَلَى الصَّومِ وَالعَرِيسُ مَعَهُمْ؟

35 L aakiin maalmaha ayaa iman doona; oo kolkii arooska laga qaadi doono, kolkaasay maalmahaas soomi doonaan.

لَكِنْ سَيَأتِي يَومٌ يُؤخَذُ فِيهِ العِرِيسُ مِنهُمْ، فَحينَئِذٍ سَيَصُومُونَ.»

36 W eliba wuxuu kula hadlay masaal isagoo leh, Ninna karriin kama jeexo dhar cusub inuu dhar duug ah ku tolo, haddii kale tan cusub ayuu jeexayaa, oo karriintii laga soo gooyay dharkii cusbaa la heshiin mayso kan duugga ah.

وَرَوَى لَهُمْ أيضاً مَثَلاً فَقالَ: «ما مِنْ أحَدٍ يَنتَزِعُ رُقعَةً مِنْ ثَوبٍ جَدِيدٍ لِيَرقَعَ بِها ثَوباً قَدِيماً، لِأنَّهُ سَيُتلِفُ الثَّوبَ الجَدِيدَ، وَلَنْ تُلائِمَ الرُّقعَةُ الثَّوبَ القَدِيمَ.

37 N inna khamri cusub kuma shubo qarbeddo duug ah, haddii kale khamrigii cusbaa ayaa qarbeddada kala dildillaacinaya, oo waa daadanayaa; qarbeddaduna waa hallaabayaan.

وَما مِنْ أحَدٍ يَضَعُ نَبيذاً جَدِيداً فِي أوعِيَةٍ جِلدِيَّةٍ قَدِيمَةٍ، لِأنَّ النَّبيذَ الجَدِيدَ سَيُمَزِّقُ الأوعِيَةَ الجِلدِيَّةَ، فَيُراقَ النَّبيذُ وَتَتلَفَ الأوعِيَةُ.

38 L aakiin khamri cusub waa in lagu shubaa qarbeddo cuscusub.

لَكِنْ يَنبَغِي أنْ يُوضَعَ النَّبيذُ الجَدِيدُ فِي أوعِيَةٍ جِلدِيَّةٍ جَدِيدَةٍ.

39 M a jiro nin, hadduu khamri duug ah cabbay, doonaya kan cusub, waayo, wuxuu leeyahay, Kan duugga ah ayaa wanaagsan.

وَما مِنْ أحَدٍ يَشرَبُ النَّبيذَ القَدِيمَ ثُمَّ يَرغَبُ فِي الجَدِيْدِ. لِأنَّهُ يَقُولُ: «القَدِيمُ أفضَلُ.»