1 H addana mar labaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Yoonis oo ku yidhi,
وَتَكَلَّمَ اللهُ ثانِيَةً إلَى يُونانَ وَقالَ:
2 K ac, oo waxaad tagtaa magaaladaas weyn oo Nineweh, oo waxaad iyada ku wacdidaa wacdiska aan kuu sheegayo,
«قُمْ وَاذْهَبْ فِي الحالِ إلَى المَدِينَةِ الكَبِيرَةِ نِينَوَى، وَبَلِّغْ أهلَها رِسالَتِي الَّتِي أُخبِرُكَ بِها.»
3 S idaas daraaddeed Yoonis wuu kacay oo wuxuu tegey Nineweh siduu eraygii Rabbigu ku amray. Haddaba Nineweh waxay ahayd magaalo aad iyo aad u weyn, oo waxay isu jirtay intii saddex maalmood loo socdo.
فَقامَ يُونانُ عَلَى الفَورِ وَذَهَبَ إلَى نِينَوَى، كَما قالَ اللهُ. وَكانَتْ نِينَوَى مَدِينَةً كَبِيرَةً وَتَحتاجُ مَسِيرَةَ ثَلاثَةَ أيّامٍ لِاجتِيازِها.
4 M arkaasaa Yoonis wuxuu bilaabay inuu magaaladii dhex galo in maalin socod ah, oo intuu qayliyey ayuu yidhi, Weli waxaa u hadhay afartan maalmood, dabadeedna Nineweh waa la afgembiyi doonaa.
فَدَخَلَ يُونانُ المَدِينَةَ، وَمَشَى مَسِيرَةَ يَومٍ واحِدٍ وَهُوَ يُعلِنُ وَيَقُولُ: «بَعدَ أربَعِينَ يَوماً، سَتُدَمَّرُ نِينَوَى.»
5 M arkaasaa dadkii Nineweh Ilaah rumaysteen, oo waxay ku dhawaaqeen in la soomo, oo kii ugu wada weynaa ilaa kii ugu yaraa inta ka dhex leh waxay wada xidheen dhar joonyad ah.
فَآمَنَ شَعبُ نِينَوَى بِاللهِ وَأعلَنُوا أنَّهُمْ سَيَصُومُونَ وَيَلبِسُونَ الخَيشَ. وَقَدْ فَعَلُوا ذَلِكَ كُلُّهُمْ، مِنْ كَبِيرِهِمْ إلَى صَغِيرِهِمْ.
6 O o warkiina wuxuu gaadhay boqorkii Nineweh, oo isna intuu carshigiisii ka kacay ayuu dharkiisii quruxdasanaa iska bixiyey, oo wuxuu huwaday dhar joonyad ah, dambasna wuu ku fadhiistay.
وَعِندَما وَصَلَ الخَبَرُ إلَى مَلِكِ نِينَوَى، قامَ عَنْ عَرشِهِ، وَخَلَعَ ثَوبَهُ وَلَبِسَ خَيشاً، وَجَلَسَ بَينَ الرَّمادِ.
7 O o wuxuu sameeyey naado, oo Nineweh gudaheeda ayaa lagu faafiyey amarkii boqorka iyo saraakiishiisa oo leh, Dad iyo duunyo, lo' iyo ido toona, yaan midna wax dhadhamin, oo yaanay wax cunin, biyona cabbin.
ثُمَّ أصدَرَ الأمرَ المَلَكِيَّ التّالِي فِي كُلِّ نِينَوَى: بِأمرٍ مِنَ المَلِكِ وَكِبارِ وُزَرائِهِ، لا يَأكُلْ إنسانٌ وَلا حَيَوانٌ طَعاماً، وَلا يَشرَبْ ماءً.
8 L aakiinse dad iyo duunyoba dhar joonyad ah ha la wada huwado, oo Ilaah xaggiisa aad ha loogu qayliyo; oo mid kastaaba ha ka leexdo jidkiisii xumaa iyo dulmiga gacmihiisa ku jira.
وَلِيَلبِسِ النّاسُ وَالبَهائِمُ خَيشاً، وَلِيُصَلُّوا إلَى اللهِ بِكُلِّ قُوَّتِهُمْ، وَلِيَكُفَّ كُلُّ واحِدٍ عَنْ مَسلَكِهِ الشِّرِّيرِ، وَعَنْ ظُلْمِهِ.
9 B al yaa og in Ilaah ka noqon doono oo cadhadiisa kulul ka jeesan doono iyo in kale, si aynaan u halligmin?
فَلَعَلَّ اللهَ يَعْدِلُ عَنْ حُكمِهِ، وَيَرجِعَ عَنْ غَضَبِهِ، فَلا نَهلِكَ.
10 O o markaasaa Ilaah wuxuu arkay shuqulkoodii iyo inay iyagu ka noqdeen jidkoodii xumaa, kolkaasaa Ilaah wuxuu ka noqday sharkii uu sheegay inuu iyaga ku samaynayo; oo taasna ma uu samayn.
فَرَأى اللهُ ما فَعَلُوهُ، وَأنَّهُمْ كَفُّوا عَنْ مَسالِكِهِمِ الشِرِّيرَةِ، فَعَدَلَ اللهُ عَنْ حُكمِهِ بِخُصُوصِ العِقابِ الَّذِي قالَ إنَّهُ سَيُوقِعُهُ بِهِمْ، وَلَمْ يُنَفِّذْهُ.