Tirintii 22 ~ ﺍﻟﻌﺪﺩ 22

picture

1 M arkaasaa reer binu Israa'iil guureen, oo waxay degeen bannaanka Moo'aab oo Webi Urdun ka shisheeya oo Yerixoo ka soo hor jeeda.

ثُمَّ أكمَلَ بَنو إسْرائِيلَ رِحلَتَهُمْ وَخَيَّمُوا فِي سُهُولِ مُوآبَ إلَى الشَّرقِ مِنْ نَهرِ الأُردُنِّ مُقابِلَ أرِيحا.

2 O o Baalaaq ina Sifoor wuxuu arkay kulli wixii ay reer binu Israa'iil ku sameeyeen reer Amor.

وَرَأى بالاقُ بْنُ صِفُّورَ كُلَّ ما عَمِلَهُ بَنُو إسْرائِيلَ بِالأمُورِيِّينَ.

3 O o reer Moo'aab dadka bay ka cabsadeen, maxaa yeelay, iyagu aad bay u badnaayeen, oo reer Moo'aab aad iyo aad bay u welweleen reer binu Israa'iil aawadood.

وَارتَعَبَ المُوآبِيُّونَ مِنْ بَني إسْرائِيلَ لأنَّهُمْ كانُوا كَثِيرِينَ. كانَ المُوآبِيُّونَ مُرتَعِبِينَ مِنْ بَني إسْرائِيلَ.

4 M arkaasaa reer Moo'aab waxay ku yidhaahdeen odayaashii reer Midyaan, Sida dibi u dhammaysto cawska berrinka ayaa dadkan faraha badanu waxa hareerahayaga ku wareegsan oo dhan u dhammaysanayaan. Oo wakhtigaas waxaa reer Moo'aab boqor u ahaa Baalaaq ina Sifoor.

وَقالَ مَلِكُ مُوآبَ لِشُيُوخِ مِديانَ: «سَيُدَمِّرُ هَذا الشَّعبُ العَظِيمُ كُلَّ شَيءٍ حَولَنا، كَما يَلتَهِمُ الثَّورُ عُشبَ الحَقلِ.» وَكانَ بالاقُ بْنُ صِفُّورَ مَلِكَ مُوآبَ فِي ذَلِكَ الوَقتِ.

5 O o wargeeyayaal buu u diray Balcaam ina Becoor oo joogay Fetoor oo Webiga ku ag taal oo ah dalkii dadkiisa si ay ugu yeedhaan oo wuxuu ku yidhi, Bal eeg, halkan waxaa jooga dad Masar ka yimid, oo dhulkii oo dhan way qarinayaan, oo waxay deggan yihiin hortayda.

فَأرسَلَ بالاقُ رُسُلاً إلَى بَلْعامَ بْنِ بَعُورَ فِي فَتُورَ الواقِعَةِ عَلَى نَهرِ الفُراتِ حَيْثُ كانَ يَعِيشُ شَعبُ بَلْعامَ، لِيَدعُوَهُ. فَقالَ لَهُ: «لَقَدْ خَرَجَ شَعبٌ مِنْ مِصرَ، وَقَدْ غَطُّوا الأرْضَ مِنْ كَثرَتِهِمْ، وَهُمْ مُخَيِّمُونَ بِجِوارِي.

6 H addaba waan ku baryayaaye kaalay oo dadkan ii habaar, waayo, way iga xoog badan yihiin, oo mindhaa waan ka adkaanayaa si aannu ugu layno, oo dalka uga erinno, waayo, waan ogahay in kii aad u ducaysaa wuu ducaysan yahay, kii aad habaartaana wuu habaaran yahay.

وَالآنَ، تَعالَ وَالعَنْ لِي هَذا الشَّعبَ لأنَّهُمْ أقوَى مِنِّي. فَرُبَّما أُصْبِحُ عِنْدها قادِراً عَلَى مُهاجَمَتِهِمْ وَطَردِهِمْ مِنَ الأرْضِ. أنا أعْرِفُ أنَّ الَّذِي تُبارِكُهُ يَكُونُ مُبارَكاً، وَالَّذِي تَلعَنُهُ يَكُونُ مَلعُوناً.»

7 M arkaasaa odayaashii reer Moo'aab iyo odayaashii reer Midyaan waxay gacantooda ku qaadeen abaalgudkii habaaridda, oo waxay u tageen Balcaam, oo isagay kula hadleen erayadii Baalaaq.

فَذَهَبَ شُيُوخُ مُوآبَ وَشُيُوخُ مِديانَ وَمَعَهُمْ أُجرَةُ بَلْعامَ مُقابِلَ عِرافَتِهِ. وَأتَوا إلَى بَلعامَ وَأخبَرُوهُ بِما قالَهُ بالاقُ.

8 O o isna wuxuu ku yidhi iyagii, Caawa halkan ku barya oo anna war dambaan idiinka keenayaa wixii Rabbigu igula hadlo. Markaasay amiirradii reer Moo'aab la hoydeen Balcaam.

فَقالَ بَلعامُ لَهُمُ: «امْكُثوا هُنا اللَّيلَةَ، وَأنا سَأُخبِرُكُمْ بِما سَيَقُولُهُ اللهُ لِي.» فَمَكَثَ رُؤَساءُ مُوآبَ عِندَ بَلعامَ.

9 M arkaasaa Ilaah Balcaam u yimid, oo wuxuu ku yidhi, War nimanka kula joogaa yay yihiin?

وَأتَى اللهُ إلَى بَلعامَ فِي حُلْمٍ وَقالَ لَهُ: «مَنْ هَؤُلاءِ الرِّجالُ الَّذِينَ عِندَكَ؟»

10 M arkaasaa Balcaam wuxuu Ilaah ku yidhi, Baalaaq ina Sifoor oo ah boqorkii reer Moo'aab ayaa ii soo diray oo yidhi,

فَقالَ بَلعامُ للهِ: «هَؤُلاءِ رِجالٌ أرسَلَهُمْ بالاقُ بْنُ صِفُّورَ، مَلِكُ مُوآبَ، إلَيَّ بِرِسالَةٍ يَقُولُ فِيها:

11 B al eeg, dadka Masar ka yimid waxay qarinayaan dhulka oo dhan, haddaba kaalay oo ii habaar, oo mindhaa waan karayaa inaan iyaga la diriro oo aan eryado.

‹خَرَجَ شَعبٌ مِنْ مِصرَ وَقَدْ غَطَّى الأرْضَ مِنْ كَثرَتِهِ. تَعالَ الآنَ وَالعَنْهُمْ لِي، وَبِهَذا أُصبِحُ قادِراً عَلَى مُحارَبَتِهِمْ وَطَردِهِمْ.›»

12 M arkaasaa Rabbigu wuxuu Balcaam ku yidhi, Waa inaanad iyaga raacin, oo waa inaanad dadka habaarin, waayo, iyagu waa barakaysan yihiin.

فَقالَ اللهُ لِبَلعامَ: «لا تَذهَبْ مَعَهُمْ، وَلا تَلعَنَ هَذا الشَّعبَ لأنَّهُ مُبارَكٌ.»

13 A roortii dambe ayaa Balcaam kacay, oo wuxuu amiirradii Baalaaq ku yidhi, Dalkiinnii taga, waayo, Rabbigu fasax buu ii diidaa inaan idin raaco.

فَقامَ بَلعامُ فِي الصَّباحِ وَقالَ لِلقادَةِ الَّذِينَ أرسَلَهُمْ بالاقُ: «ارجِعُوا إلَى أرْضِكُمْ لأنَّ اللهَ رَفَضَ أنْ يَسمَحَ لِيَ بِالذَّهابِ مَعَكُمْ.»

14 M arkaasaa amiirradii reer Moo'aab kaceen, oo Baalaaq u tageen, oo waxay ku yidhaahdeen, Balcaam waa diiday inuu na soo raaco.

فَقامَ قادَةُ مُوآبَ وَذَهَبُوا إلَى بالاقَ، وَقالُوا لَهُ: «رَفَضَ بَلعامُ أنْ يَأتِيَ مَعَنا.»

15 O o Baalaaq haddana wuxuu diray amiirro kale oo kuwii hore ka sii badan oo ka sii derejo weyn.

فَأرسَلَ بالاقُ مَرَّةً أُخْرَى قادَةً آخَرِينَ أكثَرَ عَدَداً وَأهَمِّيَّةً مِنْ مَجمُوعَةِ القادَةِ الأُولَى،

16 O o iyana Balcaam bay u tageen, oo waxay ku yidhaahdeen, Baalaaq ina Sifoor wuxuu kugu leeyahay, Waan ku baryayaaye inaad ii timaado yaanay waxba kaa hor joogsan.

وَذَهَبُوا إلَى بَلعامَ وَقالُوا لَهُ: «هَذا هُوَ ما يَقُولُهُ بالاقُ بْنُ صِفُّورَ: أرجُو أنْ لا يَمنَعَكَ مَانِعٌ مِنَ المَجِيءِ إلَيَّ.

17 W axaan ku siinayaa derejo sharaf ah, oo wax alla wixii aad igu tidhaahdona waan samaynayaa. Haddaba waan ku baryayaaye kaalay oo dadkan ii habaar.

لأنِّي سَأُكافِئُكَ كَثِيراً، وَسَأعْطيكَ كُلَّ ما تَطلُبُهُ. فَتَعالَ وَالْعَنْ لِي هَذا الشَّعبَ.»

18 M arkaasaa Balcaam jawaabay, oo wuxuu addoommadii Baalaaq ku yidhi, Haddii Baalaaq i siiyo gurigiisa oo lacag iyo dahab ka buuxo, anigu kama tallaabsan karo erayga Rabbiga Ilaahayga ah inaan sameeyo wax ka yar iyo wax ka badan toona.

فَأجابَ بَلعامُ قادَةَ بالاقَ: «حَتَّى لَو أعطانِي بالاقُ مِلءَ بَيتِهِ مِنَ الفِضَّةِ وَالذَّهَبِ، فَإنِّي لا أستَطِيعُ أنْ أعصِيَ أمرَ إلَهِي بِشَيءٍ كَبِيرٍ أوْ صَغِيرٍ.

19 H addaba waan idin baryayaaye, Bal caawa halkan isaga hoyda, bal aan soo ogaado waxa kaloo Rabbigu igula hadlee.

وَالآنَ، امْكُثوا هُنا اللَّيلَةَ كَما فَعَلَ الآخَرونَ لأعْرِفَ ماذا يُرِيدُ اللهُ أنْ يَقُولَ لِي.»

20 O o habeennimadii ayaa Ilaah Balcaam u yimid, oo wuxuu ku yidhi, Haddii nimanku u yimaadeen inay kuu yeedhaan, kac oo iyaga raac; laakiinse waxaad yeeshaa aan kugula hadlo oo keliya. Dameerkii Balcaam

وَفِي تِلكَ اللَّيلَةِ أتَى اللهُ إلَى بَلعامَ فِي حُلْمٍ وَقالَ لَهُ: «إنْ طَلَبَ هَؤُلاءِ الرِّجالُ مِنكَ الذَّهابَ مَعَهُمْ، قُمْ وَاذْهَبْ مَعَهُمْ، لَكِنِ افْعَلْ ما أطلُبُهُ مِنكَ فَقَطْ.» حِمارُ بَلعام

21 O o subaxdii dambe ayaa Balcaam kacay oo dameertiisii kooraystay, kolkaasuu raacay amiirradii reer Moo'aab.

فَقامَ بَلعامُ فِي الصَّباحِ وَسَرَجَ حِمارَهُ وَذَهَبَ مَعَ قادَةِ مُوآبَ.

22 O o Ilaah cadhadiisiina way kululaatay, maxaa yeelay, Balcaam baa tegey. Markaasaa malaa'igtii Rabbigu jidka istaagtay iyadoo cadow ku ah isaga. Haddaba isagu wuxuu iska fuushanaa dameertiisii, oo labadiisii addoonna way la socdeen.

فَغَضِبَ اللهُ لأنَّ بَلعامَ ذَهَبَ. فَأتَى مَلاكُ اللهِ وَوَقَفَ فِي الطَّرِيقِ لِيُوقِفَهُ، وَقَدْ كانَ بَلعامُ راكِباً عَلَى حِمارِهِ وَيُرافِقُهُ اثْنانِ مِنْ خُدّامِهِ.

23 M arkaasaa dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga oo jidka taagan oo seefteedii oo galka ka baxsan gacanta ku haysata. Kolkaasay dameertii jidka ka leexatay oo berrinka gashay. Oo Balcaamna dameertii wax buu ku dhuftay si uu jidka ugu soo celiyo.

وَحِينَ رَأى الحِمارُ مَلاكَ اللهِ واقِفاً فِي الطَّرِيقِ وَسَيفُهُ فِي يَدِهِ، انحَرَفَ الحِمارُ عَنِ الطَّرِيقِ وَذَهَبَ إلَى الحَقلِ، وَلِذا ضَرَبَ بَلعامُ الحِمارَ لِيُعِيدَهُ إلَى الطَّرِيقِ.

24 M arkaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay istaagtay surun beercanabyada ku dhex yaal oo dhankan deyr ka yahay, dhanka kalena deyr ka yahay.

ثُمَّ وَقَفَ مَلاكُ اللهِ فِي طَرِيقٍ ضَيِّقٍ بَينَ كَرْمَينِ، لِكُلٍّ مِنْهُما حائِطٌ.

25 O o haddana dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga, markaasay derbiga isku jiidday, oo Balcaam cagtiisii ayay derbigii kula qabatay, oo isna haddana wax buu ku dhuftay.

وَحِينَ رَأى الحِمارُ مَلاكَ اللهِ التَصَقَ بِالحائِطِ فَضَغَطَ قَدَمَ بَلعامَ، فَضَرَبَ بَلعامُ الحِمارَ ثانِيَةً.

26 M arkaasaa malaa'igtii Rabbigu hore u sii socotay oo waxay istaagtay meel cidhiidhi ah oo aan meel looga leexdo lahayn midig iyo bidix toona.

ثُمَّ عادَ مَلاكُ اللهِ وَوَقَفَ فِي مَكانٍ ضَيِّقٍ لا يُمكِنُ تَجاوزُهُ إلَى اليَمِينِ أوِ اليَسارِ.

27 O o haddana dameertii waxay aragtay malaa'igtii Rabbiga, markaasay iska jiifsatay Balcaam hoostiisa, Balcaamna wuu cadhooday, oo dameertii usha ku dhuftay.

وَحِينَ رَأى الحِمارُ مَلاكَ اللهِ ، بَرَكَ تَحتَ بَلعامَ. فَغَضِبَ بَلعامُ وَضَرَبَ الحِمارَ بِعَصاهُ.

28 M arkaasaa Rabbigu afka dameerta furay oo waxay Balcaam ku tidhi, War maxaan kugu sameeyey oo aad saddexdan jeer ii dishay?

حِينَئِذٍ، جَعَلَ اللهُ الحِمارَ يَتَكَلَّمَ، فَقالَ لِبَلعامَ: «ماذا عَمِلْتُ لَكَ لِتَضْرِبَنِي ثَلاثَ مَرّاتٍ؟»

29 M arkaasaa Balcaam dameertii ku yidhi, Maxaa yeelay, adigu waad igu majaajilootay. Oo weliba waxaan jeclaan lahaa in seefu gacantayda ku jirto, waayo, waan ku dili lahaa hadda.

فَقالَ بَلعامُ لِلحِمارِ: «قَدِ اسْتَهَنْتَ بِي. لَيْتَ فِي يَدِي سَيفٌ كَي أقتُلَكَ الآنَ.»

30 M arkaasaa dameertii Balcaam ku tidhi, War sow ma ahi dameertaadii aad cimrigaaga oo dhan fuuli jirtay ilaa maantadan? Oo miyaan hore sidan oo kale weligay kugu sameeyey? Oo isna wuxuu ku yidhi, Maya.

فَقالَ الحِمارُ لِبَلعامَ: «ألَسْتُ حِمارَكَ الَّذِي رَكِبْتَهُ طِيلَةَ حَياتِكَ إلَى هَذا اليَومِ؟ فَهَلْ عَمِلْتُ هَذا مَعكَ سابِقاً؟» فَقالَ بَلعامُ: «لا.»

31 K olkaasaa Rabbigu Balcaam indhaha u furay oo wuxuu arkay malaa'igtii Rabbiga oo jidka dhex taagan oo seefteedii oo galka ka baxsan gacanta ku haysata. Markaasuu madaxa foororiyey oo sujuuday.

فَفَتَحَ اللهُ عَينَيِّ بَلعامَ لِيَرَى مَلاكَ اللهِ الَّذِي كانَ واقِفاً فِي الطَّرِيقِ وَبِيَدِهِ سَيفٌ مَسلُولٌ. فَسَجَدَ بَلعامُ وَوَجهُهُ إلَى الأرْضِ.

32 K olkaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay isagii ku tidhi, War maxaad dameertaada u dishay saddexdan jeer? Bal eeg, anigu waxaan u soo baxay cadow ahaan, maxaa yeelay, jidkaagu hortayda waa ku qalloocan yahay.

فَقالَ مَلاكُ اللهِ: «لِماذا ضَرَبْتَ حِمارَكَ هَذِهِ المَرّاتِ الثَّلاثَ؟ لَقَدْ خَرَجْتُ لإيقافِكَ. رأيَتُ طَرِيقَكَ قَدِ انحَرَفَ.

33 O o dameertuna anay i aragtay oo saddexdan jeerba hortayday ka leexatay. Oo haddaanay iga leexan, hubaal waan ku dili lahaa, iyadase waan badbaadin lahaa.

رَآنِي الحِمارُ فَمالَ عَنِّي ثَلاثَ مَرّاتٍ. وَلَو لَمْ يَمِلْ، لَكُنْتُ قَتَلْتُكَ، وَاسْتَبْقَيتُ الحِمارَ.»

34 O o Balcaam wuxuu malaa'igtii Rabbiga ku yidhi, Waan dembaabay, waayo, ma aan ogayn inaad jidka taagan tahay adigoo iga gees ah. Haddaba haddii sidaasu ku xumayso, dib baan u noqonayaa.

فَقالَ بَلعامُ لِمَلاكِ اللهِ: «أخطَأْتُ بِعَدَمِ مَعرِفَتِي أنَّكَ كُنتَ تَقِفُ فِي الطَّرِيقِ لِتُوقِفَنِي. وَالآنَ، إنْ كانَتْ رِحلَتِي لا تُرضِيكَ فَإنِّي سَأرجِعُ إلَى بَيتِي.»

35 M arkaasaa malaa'igtii Rabbigu Balcaam ku tidhi, Orod oo nimanka raac; laakiinse hadalkii aan kula hadlo oo keliya waa inaad ku hadashaa. Sidaas daraaddeed Balcaam wuxuu raacay amiirradii Baalaaq soo diray.

فَقالَ مَلاكُ اللهِ لِبَلعامَ: «اذهَبْ مَعَ الرِّجالِ، لَكِنْ قُلْ ما أقُولُهُ لَكَ فَقَطْ.» فَذَهَبَ بَلعامُ مَعَ القادَةِ الَّذِينَ أرسَلَهُمْ بالاقُ. استِقبالُ بالاقَ لِبَلعام

36 O o Baalaaq markuu maqlay in Balcaam yimid ayuu u baxay inuu isaga ku qaabbilo magaaladii Moo'aab oo ku taal soohdinta Arnoon oo ah soohdinta darafkeeda.

وَحِينَ سَمِعَ بالاقُ بِقُدُومِ بَلعامَ، خَرَجَ لِلِقائِهِ عِندَ عِيرِ مُوآبَ الواقِعَةِ عَلَى نَهرِ أرنُونَ عِندَ أبعَدِ نُقطَةٍ عَلَى الحُدُودِ.

37 M arkaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, War sow degdeg dad kuuguma soo dirin inay kuu yeedhaan? Maxaad iigu iman weyday? Miyaanan awoodin inaan derejo weyn ku siiyo?

فَقالَ بالاقُ لِبَلعامَ: «ألَمْ أُرسِلْ لَكَ رِجالاً لأدعُوكَ لِلمَجِيءِ؟ فَلِماذا لَمْ تَأتِ إلَيَّ؟ هَلْ أنا غَيرُ قادِرٍ عَلَى إكْرامِكَ وَمُكافَئَتِكَ؟»

38 K olkaasaa Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, Haddaba waa i kan oo waan kuu imid. War anigu ma waxaan leeyahay awood aan wax kaga hadlo innaba ha ahaatee? Ereygii Ilaah afkayga geliyo ayaan ku hadli doonaa.

فَقالَ بَلعامُ لِبالاقَ: «ها قَدْ أتَيتُ إلَيكَ الآنَ، فَهَلْ أستَطِيعُ أنْ أعمَلَ شَيئاً؟ فَعَلَيَّ أنْ أقُولَ ما يَقُولُهُ اللهُ لِي.»

39 M arkaasaa Balcaam raacay Baalaaq, oo waxay yimaadeen Qiryad Xusood.

وَجاءَ بَلعامُ مَعَ بالاقَ إلَى قَريَةِ حُصُوتَ.

40 M arkaasaa Baalaaq allabari u bixiyey dibi iyo ido, oo wax buu u diray Balcaam iyo amiirradii isaga la joogay.

وَذَبَحَ بالاقُ بَقَراً وَغَنَماً وَأرسَلَها إلَى بَلعامَ وَالقادَةِ الَّذِينَ كانُوا مَعَهُ.

41 O o subaxdii dambe ayaa Baalaaq kaxaystay Balcaam, oo wuxuu keenay meelihii sare oo Bacal, oo halkaas wuxuu ka arkay dadka darafkii ugu shisheeya.

وَفِي الصَّباحِ أخَذَ بالاقُ بَلعامَ إلَى بامُوتَ بَعلَ. فَاسْتَطاعَ بَلعامُ مِنْ هُناكَ أنْ يَرَى جُزءاً مِنْ بَني إسْرائِيلَ.