1 M arkaasay saddexdaas nin iska daayeen inay Ayuub u jawaabaan, maxaa yeelay, isagu xaq buu isla ahaa.
وَهَكَذا تَوَقَّفَ الرِّجالُ الثَّلاثَةُ عَنِ الرَّدِّ عَلَيهِ فَقَدْ كانَ مُقتَنِعاً بِبَراءَتِهِ.
2 M arkaas waxaa cadhooday Eliihuu ina Barakeel oo ahaa reer Buus oo qoladiisu ahayd reer Raam, oo aad buu Ayuub ugu xanaaqay, maxaa yeelay, isagu xaq buu isu qaatay intuu Ilaah xaq u qaadan lahaa.
لَكِنَّ ألِيهُوَ بْنَ بَرَخْئِيلَ البُوزِيِّ مِنْ عَشِيرَةِ رامَ غَضِبَ كَثِيراً، وَاشتَعَلَ غَضَبُهُ عَلَى أيُّوبَ لأنَّهُ بَرَّأ نَفسَهُ، لا اللهَ.
3 O o weliba wuxuu aad ugu cadhooday saddexdiisii saaxiib, maxaa yeelay, iyagu jawaab ma ay helin, ee weliba Ayuub way xukumeen.
كَما غَضِبَ مِنْ أصدِقاءِ أيُّوبَ الثَّلاثَةِ، لأنَّهُمْ لَمْ يَجِدُوا رَدّاً عَلَى حُجَجِهِ، وَمَعَ ذَلِكَ اعْتَبَرُوهُ مُذْنِباً.
4 H addaba Eliihuu inuu Ayuub la hadlo ayuu sugayay, maxaa yeelay, iyagu isaga way ka waaweynaayeen.
لَكِنَّ أَلِيهُوَ أَجَّلَ الرَّدَّ عَلَى أيُّوبَ، لأنَّهُمْ كانُوا أكبَرَ مِنهُ سِنّاً.
5 O o Eliihuu markuu arkay inaan jawaab afka saddexdaas nin lagu arag ayuu aad u cadhooday.
وَلَمّا رَأى ألِيهُو أنَّ الرِّجالَ الثَّلاثَةَ لَمْ يَستَطِيعُوا الرَّدَّ عَلَى أيُّوبَ، غَضِبَ كَثِيراً.
6 O o Eliihuu ina Barakeel oo ahaa reer Buus ayaa jawaabay oo wuxuu yidhi, Anigu waxaan ahay nin dhallinyar, idinkuse odayaal baad tihiin, Sidaas daraaddeed ayaan dib isugu celiyey, oo aan ugu dhici waayay inaan ra'yigayga idiin caddeeyo.
فَقالَ أَلِيهُو بْنُ بَرَخْئِيلَ: «أنا صَغِيرُ السِّنِّ وَأنتُمْ شُيُوخٌ. لِهَذا تَرَدَّدْتُ وَخِفْتُ أنْ أُعلِنَ لَكُمْ عَنْ رَأيِي.
7 W axaan is-idhi, Waxaa roon kuwa da'da waaweynu inay hadlaan, Kuwa cimriga dheeruna inay xigmad na baraan.
قُلْتُ: ‹دَعِ الخِبرَةَ تَتَكَلَّمْ، وَدَعْ كَثْرَةَ السِّنِينِ تُعَلِّمُ الحِكْمَةَ.›
8 L aakiinse binu-aadmiga ruux baa ku jira, Oo Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa ayaa iyaga waxgarasho siisa.
غَيرَ إنَّ هُناكَ رُوحاً فِي الإنْسانِ، وَنَسَمَةُ القَدِيرِ تُعطِيهِ فَهْماً.
9 K uwa cimriga weynu ma aha kuwa xigmadda leh, Odayaashuna ma aha kuwa garsooridda garta.
الحِكْمَةُ لَيسَتْ مَقصُورَةً عَلَى الكِبارِ، وَلا هُمْ وَحدُهُمْ يُمَيِّزُونَ الحَقَّ.
10 S idaas daraaddeed waxaan idin leeyahay, Bal i dhegaysta; Aniguna ra'yigayga waan idiin caddaynayaa.
لِهَذا قُلْتُ: ‹اسْتَمِعْ إلَيَّ، فَسَأُصَرِّحُ أنا أيضاً بِما أعْرِفُهُ؟›
11 B al eega, erayadiinnii waan sugayay, Oo xigmaddiinniina waan dhegaysanayay, Intaad baadhbaadhayseen wixii aad odhan lahaydeen.
«انتَظَرْتُ وَأنتُمْ تَتَكَلَّمُونَ. أصْغَيْتُ إلَى مَنطِقِكُمْ، وَأنْتُمْ تَزِنُونَ كَلامَهُ.
12 S ida runta ah aad baan idiin dhegaysanayay, Oo bal eega, laydinkuma arag mid Ayuub rumaysiiyey, Amase mid erayadiisii uga jawaabay.
تَفَكَّرتُ جَيِّداً فِي ما قُلْتُمْ، وَلَيسَ بَينَكُمْ مَنْ أثبَتَ خَطَأ أيُّوبَ، وَلَمْ يَرُدَّ أحَدُكُمْ عَلَى كَلامِهِ.
13 I sjira inaydaan odhan, Annagu xigmad waannu helnay; Ilaah baa isaga ka adkaan kara, laakiinse dadi ma kari karo.
لِئَلّا تَقُولُوا: ‹كُنّا حُكَماءَ.› اللهُ هُوَ مَنْ سَيَغلِبُ أيُّوبَ لا إنسانٌ.
14 W aayo, isagu erayadiisii iguma uu soo jeedin, Oo anigu hadalladiinnii isaga ugu jawaabi maayo.
لَكِنَّ أيُّوبَ لَمْ يُوَجِّهْ كَلامَهُ إلَيَّ، وَأنا لَنْ أرُدَّ عَلَيهِ بِحُجَجِكُمْ.
15 I yagii way yaabsan yihiin, oo mar dambena ma ay jawaabaan; Oo wax ay ku yidhaahdaanna ma leh.
«لَقَدْ فَشِلُوا بِالرَّدِّ عَلَيكَ يا أيُّوبُ، فَبَدَأُوا يَكرِّرُونَ كَلامَهُمْ!
16 H addaba anigu miyaan u sii sugaa, hadalka ay waayeen daraaddiis, Iyo istaagiddooda daraaddeed, oo ay mar dambe jawaabi waayeen?
وَانتَظَرْتُ، لَكِنَّهُمْ لَمْ يَتَكَلَّمُوا، لأنَّهُمْ واقِفُونَ دُونَ أنْ يُجِيبُوا.
17 H addaba aniguna qaybtayda waan ka jawaabayaa, Oo ra'yigaygana waan caddaynayaa.
فَأنا أيضاً سَأُدلِي بِرَأيِي، وَسَأُصَرِّحُ أنا أيضاً بِما أعْرِفُهُ.
18 W aayo, waxaa iga buuxa erayo; Oo ruuxa gudahayga ku jira ayaa i qasba.
لأنَّ عِندِي الكَثِيرَ لِأقُولَهُ، وَالرُّوحُ الَّتِي فِيَّ تَدفَعُنِي إلَى الكَلامِ.
19 B al eega, calooshaydu waa sidii khamri sibraar ku jirta oo aan lahayn meelay ka neefsato, Xataa sidii sibraarro ku dhow inay qarxaan.
وَداخِلِي كَزُقاقِ خَمْرٍ جِلدِيَّةٍ مُغلَقَةٍ. كَأوعِيَةِ نَبِيذٍ تُوشِكُ أنْ تَنشَقَّ.
20 A nigu waan hadli doonaa, si aan u qalbi qabowsado; Oo bushimahayga waan kala qaadi doonaa, waanan jawaabi doonaa.
دَعُونِي أتَكَلَّمْ فَأُعَبِّرَ عَنِ الرُّوحِ الَّتِي فِي داخِلِي. دَعُونِي أفتَحْ شَفَتَيَّ لأُعطِي جَواباً.
21 W aan idin baryayaaye, yaanan ninna u eexan, Oo weliba ninna u bixin maayo magacyo faanid ah.
لَنْ أنحازَ إلَى أحَدٍ وَلَنْ أتَمَلَّقَ أحَداً،
22 W aayo, anigu ma aan aqaan si loo bixiyo magacyo faanid ah, Haddii kalese Kii i sameeyey ayaa haddiiba i qaadi lahaa.
لأنِّي لا أعرِفُ كَيفَ أتَمَلَّقُ، وَإلّا فَسَرْعانَ ما سَيَأخُذنِي خالِقِي.