Hoosheeca 13 ~ ﻫﻮﺷﻊ 13

picture

1 M arkii reer Efrayim hadleen waxaa jiray gariir, oo dalka Israa'iil ayay isku dhex sarraysiiyeen, laakiinse markay Bacal ku gardarnaadeen ayay dhinteen.

«حِينَ تَكَلَّمَ أفْرايِمُ كانَ هُناكَ رُعبٌ. رَفَعَ نَفسَهُ فِي إسْرائِيلَ. لَكِنَّهُ عَمِلَ إثماً بِعِبادَتِهِ البَعلَ، فَماتَ.

2 O o haatan aad bay u sii dembaabaan, oo waxay lacagtooda ka samaysteen taswiiro la shubay kuwaasoo ah xataa sanamyo ay u samaysteen sida ay waxgarashadoodu tahay, oo dhammaantoodna waxaa weeye nin saanac ah sancadiis, oo waxay ka sheegaan, Dadka allabariga bixiya weylaha sanamyada ah ha dhunkadeen.

وَهُمِ الآنَ يَستَمِرُّونَ فِي الخَطِيَّةِ. يَصنَعُونَ لأنفُسِهِمْ صَنَماً. سَبَكُوا تَماثِيلَ بَكُلِّ مَهارَةٍ، وَقَد كانَ كُلُّ واحِدٍ مِنها عَمَلَ حِرَفِيِّينَ مَهَرَةٍ. يَتَكَلَّمُونَ إلَى تِلكَ التَّماثِيلِ. يُقَدِّمُونَ ذَبائِحَ لَها، وَيُقَبِّلُونَ تِلكَ العُجُولَ الذَّهَبِيَّةَ.

3 H addaba sidaas daraaddeed waxay noqon doonaan sida daruurta subaxnimo, iyo sida sayaxa aroor hore baabba'a, iyo sida buunshaha dabayshu ka kaxayso goobta hadhuudhka lagu tumo, iyo sida qiiqa sholadda ka baxa.

وَلِهَذا فَهُمْ كَالضَبابِ فِي الصَّباحِ وَالنَّدَى الَّذِي يَزُولُ سَرِيعاً فِي النَّهارِ. إنَّهُمْ كَالتِّبنِ الَّذِي يَتَطايَرُ مِنْ بَيدَرِ الدَّرسِ، وَكالدُخانِ الصّاعِدِ مِنَ المَدخَنَةِ.

4 L aakiinse anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar, oo waa inaydaan aqoonsan ilaah kale aniga mooyaane, oo badbaadiye kale ma jiro innaba aniga mooyaane.

«أنا إلَهُكَ مُنذُ كُنتَ فِي مِصرَ. لَمْ تَعبُدْ آلِهَةً أُخْرَى غَيرِي، وَلَمْ يَكُنْ لَكَ مُخَلِّصٌ آخَرُ سِوايَ.

5 A nigu waan idin iqiin markii aad dhex joogteen cidladii ahayd dalka abaarta badan.

عَرَفتُكَ فِي الصَّحراءِ وَفِي الأرْضِ الجّافَّةِ.

6 M arkii ay wax daaqeen ayay dhergeen, oo markay dhergeen dabadeed ayaa qalbigoodii kor u kacay, haddaba sidaas daraaddeed bay ii illoobeen.

حِينَ كُنتُ أُطعِمُهُمْ كانَ لَدَيهُمُ الكَثِيرَ لِيَأكُلُوهُ، لِذَلِكَ تَكَبَّرُوا وَنَسُونِي.

7 S idaas daraaddeed waxaan iyaga ku ahay sida libaax oo kale, oo sida shabeel ayaan jidka ku ag dhawri doonaa.

لِذَلِكَ سَأكُونُ لَهُمْ كَأسَدٍ، وَكَنَمِرٍ عَلَى طَرِيقِ أشُّورَ.

8 O o waxaan iyaga uga hor iman doonaa sida orso gabneheedii laga gablamiyey, oo waxaan jeexjeexi doonaa xuubkii wadnahooda, oo halkaasaan iyaga ku baabbi'in doonaa sidii gool libaax oo kale, oo waxaa iyaga dildillaacsan doona dugaagga.

سَأهجُمُ عَلَيهِمْ مِثلَ دُبَّةٍ هائِجَةٍ فَأشُقُّ صُدُورَهُمْ. سَألتَهِمُهُمْ كَما يَلتَهِمُ الأسَدُ، وَسَأُمَزِّقُهُمْ مِثلَ حَيوانٍ بَرِّيٍّ.

9 D adka Israa'iilow, baabbi'inna waxaa sabab u ah cadownimada aad ii qabtaan anoo caawiyihiinna ah.

«يا إسْرائِيلُ، سَأُدَمِّرُكَ، لأنَّكَ ضِدِّي، ضِدَّ مُعِينِكَ.

10 H addaba magaalooyinkiinna oo dhan ha idinku badbaadiyee meeh boqorkiinnii? Oo meeye xaakinnadiinnii aad ka tidhaahdeen, Na sii boqor iyo amiirro?

فَأينَ مَلِكُكَ؟ هَل سَيَأتِي بِالخَلاصِ إلَى كُلِّ مُدُنِكَ؟ وَأينَ قُضاتُكَ الَّذِينَ صَلَّيتَ إلَيَّ بِشَأنِهِمْ وَقُلتَ: ‹أعطِنِي مَلِكاً وَرُؤَساءَ؟›

11 A nigoo xanaaqsan ayaan boqor idin siiyey, oo haddana anigoo cadhaysan ayaan idinka qaaday.

أعطَيتُكَ مَلِكاً وَأنا غاضِبٌ، وَأخَذتُهُ حِينَ كُنتُ ساخِطاً.

12 X umaantii reer Efrayim waa xidhxidhan tahay, oo dembigoodiina meel baa lagu kaydiyey.

«جَرِيمَةُ أفْرايِمَ مَحفُوظَةٌ فِي صُرَّةٍ، وَخَطِيَّتُهُ مُخَبَأةٌ.

13 O o waxaa iyaga ku soo kor degi doonta murugtii naag foolanaysa. Iyagu waa sida wiil aan caqli lahayn, waayo, haatan waa wakhtigii uusan ku sii raagin meeshii carruurtu ka soo dhalan jireen.

آلامُ الوِلادَةِ المُنبِئَةُ باقتِرابِ وِلادَتِهِ أتَتْ. إنَّهُ وَلَدٌ غَيرُ حَكِيمٍ. فَحِينَ جاءَ وَقتُ وِلادَتِهِ لَمْ يَخرُجْ مِنْ بَطنِ أُمِّهِ.

14 A nigu waxaan iyaga ka soo furan doonaa xoogga She'oolka, oo waxaan ka soo badbaadin doonaa dhimashada. Dhimashoy, meeye belaayooyinkaagii? She'oolow, meeday baabbi'intaadii? Toobaddu indhahayga way ka qarsoonaan doontaa.

«سَأفتَدِيهِ مِنْ سَيطَرَةِ الهاوِيَةِ، سَأُخَلِّصُهُ مِنَ المَوتِ. أينَ هَلاكُكَ يا مَوتُ؟ أينَ خَرابُكِ يا هاوِيَةُ؟ لَستُ أرَى سَبَباً واحِداً للشَّفَقَةِ عَلَيهِ!

15 I n kastoo uu walaalihiis dhexdooda ku dhal badan yahay, waxaa iman doonta dabayl bari ka timid, taasoo ah neefta Rabbiga oo cidlada ka soo baxaysa, oo ishiisa biyood way engegi doontaa, oo durdurkiisuna wuu iska gudhi doonaa, oo waa laga wada dhici doonaa khasnadda alaabta qaaliga ahu ugu jirto.

مَعَ أنَّ أفْرايِمَ أكثَرُ مِنْ إخْوَتِهِ إثماراً، إلّا أنَّ رِيحَ اللهِ الشَّرقِيَّةَ سَتَأتِي عَلَيهِ مِنَ البِرِّيَّةِ. سَتَنْشَفُ بِئرُهُ، وَسَيَجِفُّ نَبعُهُ. وَسَتَسلِبُ الرِّيحُ كُلَّ ثَمِينٍ عِندَهُ.

16 R eer Samaariya gardarradooda way qaadi doonaan, waayo, way ku caasiyowdeen Ilaahoodii. Seef baa lagu layn doonaa, dhallaankoodana dhulkaa lagu tuuri doonaa, oo naagahooda uurka lehna waa la dooxi doonaa.

السّامِرَةُ مُذنِبَةٌ لأنَّها تَمَرَّدَت عَلَى إلَهِها. سَيَسقُطُونَ فِي الحَربِ، وَسَيُسحَقُ أطفالُهُمْ، وَسَتُشَقُّ نِساؤُهُمُ الحَوامِلُ.»