Falimaha Rasuullada 1 ~ ﺍﻋﻤﺎﻝ ﺍﻟﺮﺳﻞ 1

picture

1 T e'ofilosow, hadalkii hore waxaan ka qoray wax kasta oo Ciise bilaabay inuu sameeyo oo baro

كَتَبتُ إلَيكَ يا ثاوفِيلُسُ فِي كِتابِي الأوَّلِ عَنْ كُلِّ ما عَمِلَهُ يَسُوعُ وَعَلَّمَهُ.

2 i laa maalintii sare loo qaaday isaga oo ka dambaysay wakhtiguu Ruuxa Quduuskaa ku amray rasuulladii uu doortay.

وَذَلِكَ مِنَ البِدايَةِ حَتَّى الوَقتِ الَّذِي رُفِعَ فِيهِ إلَى السَّماءِ، بَعْدَ أنْ أعطَى مِنْ خِلالِ الرُّوحِ القُدُسِ تَعلِيماتٍ لِلرُّسُلِ الَّذِينَ اختارَهُمْ.

3 M arkuu xanuunsaday dabadeed, iyagii ayuu isagoo nool waxyaalo badan oo la hubo isugu muujiyey, oo muddo afartan maalmood ah ayuu iyagii u muuqday, oo kala hadlay waxyaalaha ku saabsan boqortooyada Ilaah.

وَكانَ يَسُوعُ قَد أظهَرَ نَفسَهُ لَهُمْ بَعدَ مَوتِهِ مُقنِعاً إيّاهُمْ بِبَراهِينَ كَثِيرَةٍ قاطِعَةٍ بِأنَّهُ كانَ حَيّاً. وَظَهَرَ لَهُمْ خِلالَ فَترَةٍ تَزِيدُ عَلَى أربَعِينَ يَوماً، وَتَحَدَّثَ إلَيْهِمْ عَنْ مَلَكُوتِ اللهِ.

4 O o intuu iyagii la shiray, ayuu wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi, Yeruusaalem ha ka tegina, laakiinse suga ballankii Aabbaha oo aad iga maqasheen,

وَذاتَ مَرَّةٍ، وَبَينَما كانَ يَأكُلُ مَعَهُمْ، أمَرَهُمْ وَقالَ: «لا تُغادِرُوا مَدينَةَ القُدسِ، لَكِنِ انتَظِرُوا ما وَعَدَ بِهِ الآبُ، وَهُوَ الوَعدُ الَّذِي كَلَّمتُكُمْ عَنهُ.

5 w aayo, runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo, laakiinse waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah maalmo aan badnayn dabadood. Ciise Kor Buu U Baxay

فَقَدْ عَمَّدَ يُوحَنّا النّاسَ في الماءِ، وَأمّا أنتُمْ فَسَتَتَعَمَّدُونَ فِي الرُّوحِ القُدُسِ بَعدَ أيّامٍ قَلِيلَةٍ.» يَسُوعُ يَرْتَفِعُ إلَى السَّماء

6 S idaas daraaddeed markay isu yimaadeen, ayay weyddiiyeen isaga oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbow, ma haddeer baad boqortooyada u soo celinaysaa Israa'iil?

وَبَعدَ أنِ اجتَمَعُوا، سَألُوهُ: «يا رَبُّ، هَلْ سَتُعِيدُ المُلكَ إلَى بَنيْ إسرائِيلَ الآنَ؟»

7 M arkaasuu iyaga ku yidhi, Dantiinna ma aha inaad ogaataan wakhtiyada iyo xilliyada uu Aabbuhu amarkiisa kaga dhigay.

فَقالَ لَهُمْ: «هَذِهِ المَعلُومَةُ عَنِ الأوقاتِ وَالتَّوارِيخِ لَيسَتْ مِنْ شَأْنِكُمْ، فَالآبُ قَدْ وَضَعَها ضِمْنَ سُلطانِهِ الخاصِّ.

8 L aakiinse waxaad heli doontaan xoog markii Ruuxa Quduuska ahi idinku soo dego; oo markhaatiyaal ayaad iiga noqon doontaan Yeruusaalem, iyo Yahuudiya oo dhan, iyo Samaariya, iyo meesha dunida ugu fog.

لَكِنَّكُمْ سَتَنالُونَ قُوَّةً عِندَما يَحِلُّ الرُّوحُ القُدُسُ عَلَيكُمْ. وَسَتَكُونُونَ شُهُوداً لِي فِي القُدسِ وَفِي كُلِّ اليَهُودِيَّةِ وَالسّامِرَةِ، وَإلَى أبعَدِ الأماكِنِ عَلَىْ الأرْضِ.»

9 O o kolkuu waxyaalahaas yidhi dabadeed, iyagoo eegaya, ayaa sare loo qaaday isagii, oo daruur baa indhahoodii ka qarisay.

وَبَعدَ أنْ أنهَى قَولَهُ هَذا، رُفِعَ إلَى السَّماءِ وَهُمْ يُراقِبُونَ. وَأخفَتهُ سَحابَةٌ عَنْ أنظارِهِمْ.

10 O o intuu sii socday, iyagoo samada aad u fiirinaya, ayaa waxaa isa soo ag taagay laba nin oo dhar cadcad qaba,

وَبَينَما كانُوا يُحَدِّقُونَ فِيهِ وَهُوَ يَصْعَدُ، وَقَفَ فَجأةً إلَى جانِبِهِمْ رَجُلانِ يَرتَدِيانِ ثِياباً بَيضاءَ.

11 o o waxay ku yidhaahdeen, Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa. Rasuul Laba Iyo Tobnaad Baa La Doortay

فَقالا: «أيُّها الرِّجالُ الجَلِيلِيُّونَ، لِماذا تَقِفُونَ هَكَذا ناظِرِينَ إلَى السَّماءِ؟ إنَّ يَسُوعَ هَذا الَّذِي رُفِعَ عَنكُمْ إلَى السَّماءِ، سَيَأتِي ثانِيَةً بِالطَّرِيقَةِ نَفسِها الَّتِي رَأيتُمُوهُ يَصْعَدُ بِها إلَى السَّماءِ.» اختِيارُ رَسُولٍ جَدِيد

12 M arkaasay Yeruusaalem ku noqdeen iyagoo ka yimid buurtii Saytuun la odhan jiray, oo u dhowayd Yeruusaalem, oo u jirtay maalin sabtiyeed socodkeed.

ثُمَّ عادُوا إلَى مَدينَةِ القُدسِ مِنَ التَّلَّةِ الَّتِي تُدعَى جَبَلَ الزَّيتُونِ، وَهيَ تَبعُدُ نَحْوَ مَسِيرَةِ سَبْتٍ عَنِ القُدسِ.

13 O o markay magaaladii galeen, waxay aadeen qolladdii sare, meeshay joogi jireen Butros iyo Yooxanaa iyo Yacquub iyo Andaros, iyo Filibos iyo Toomas, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon Qiiroleh, iyo Yuudas ina Yacquub.

وَعِندَما وَصَلُوا، ذَهَبُوا إلَى غُرفَةٍ فِي الطّابِقِ العُلوِيِّ حَيثُ كانُوا يُقِيمُونَ. وَهُمْ بُطرُسُ، يُوحَنّا، يَعقُوبُ، أندراوُسُ، فِيلِبُّسُ، تُوما، بَرثُولَماوُسُ، مَتَّى، يَعقُوبُ بْنُ حَلفَى، سِمعانُ الغَيُورُ ، وَيَهُوذا بْنُ يَعقُوبَ.

14 K uwaas oo dhammu, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay ku sii adkaysteen tukasho, iyaga iyo dumarka, iyo Maryan oo ahayd Ciise hooyadiis, iyo walaalihiis.

كانَ هَؤُلاءِ جَمِيعاً مُنشَغِلِينَ بِالصَّلاةِ مَعاً. وَكانَ مَعَهُمْ بَعضُ النِّساءِ وَمَريَمُ أُمُّ يَسُوعَ وَإخوَتُهُ.

15 O o wakhtigaas ayaa Butros walaalaha dhexdooda istaagay (oo waxaa wada jiray dad badan oo qiyaastoodu ahayd boqol iyo labaatan); markaasuu yidhi,

وَفِي تِلكَ الأيّامِ، وَقَفَ بُطرُسُ بَينَ الإخوَةِ وَكانُوا نَحْوَ مِئَةٍ وَعِشْرِينَ شَخصاً وَقالَ:

16 W alaalayaalow, waxaa waajib ahaa in Qorniinku noqdo, kaas oo Ruuxa Quduuska ahu waagii hore afka Daa'uud kaga hadlay waxa ku saabsan Yuudas oo ahaa kii waday kuwii qabtay Ciise.

«أيُّها الإخوَةُ، كانَ لابُدَّ أنْ يَتَحَقَّقَ قَولُ الكِتابِ الَّذِي قالَهُ الرُّوحُ القُدُسُ قَدِيماً عَلَى فَمِ داوُدَ عَنْ يَهُوذا. وَنَحنُ نَعرِفُ أنَّ يَهُوذا صارَ دَلِيلاً لِلَّذِينَ ألقَوْا القَبضَ عَلَى يَسُوعَ.

17 M axaa yeelay, isaga waa laynagu tirshay, oo shuqulkan ayuu qaybtiisii helay.

كانَ واحِداً مِنْ جَماعَتِنا، وَشَرِيكاً مَعَنا فِي هَذِهِ الخِدمَةِ.

18 H addaba ninkaasu meel ayuu ku iibsaday abaalgudka xaqdarradiis; oo intuu madax madax u dhacay ayuu dhexda ka kala dillaacay, oo mindhicirkiisii oo dhammuna waa ka soo daatay.

«وَقَدِ اشتَرَى حَقلاً بِالمالِ الَّذِي حَصَلَ عَلَيهِ مُقابِلَ عَمَلِهِ الآثِمِ، لَكِنَّهُ وَقَعَ عَلَى رَأسِهِ أَوَّلاً وَانشَقَّ مِنَ الوَسَطِ، فَخَرَجَتْ أمعاؤُهُ كُلُّها.

19 K olkaasaa kuwii Yeruusaalem joogay oo dhammu ay wada ogaadeen; sidaas daraaddeed meeshaas waxaa afkooda loogu bixiyey Akeldama, taas oo micneheedu yahay, meeshii dhiigga.

وَذاعَتْ هَذِهِ الحادِثَةُ بَينَ كُلِّ سُكّانِ القُدسِ، فَصارَ ذَلِكَ الحَقلُ يُدعَى فِي لُغَتِهِمْ ‹حَقلَ دَما› – وَيَعنِي ‹حَقلَ دَمْ.›»

20 W aayo, waxaa kitaabkii Sabuurrada lagu qoray, Gurigiisu cidla' ha noqdo, Ninnana yuusan meeshaas degin; iyo Wakiilnimadiisa mid kale ha qabto.

وَتابَعَ بُطرُسُ فَقالَ: «مَكتُوبٌ فِي كِتابِ المَزامِيرِ: ‹لِيُهجَرْ بَيتُهُ، فَلا يَسكُنُ فِيهِ أحَدٌ.› ومَكْتوبٌ أيضاً: ‹لْيُشغِلْ وَظِيفَتَهُ شَخصٌ آخَرٌ.›

21 H addaba nimankii inala socday wakhti kasta intuu Rabbi Ciise ina soo dhex galay, inagana dhex baxay,

لِذَلِكَ عَلَينا أنْ نَختارَ أحَدَ الرِّجالِ الَّذِينَ كانُوا مَعَنا طَوالَ مُدَّةِ بَقاءِ الرَّبِّ يَسُوعَ بَينَنا،

22 o o ka bilaabmay baabtiiskii Yooxanaa ilaa maalintii sare laynooga qaaday isaga, iyagii midkood waa inuu markhaati ina gala ahaado sarakiciddiisa.

أي مِنَ الوَقتِ الَّذِي عَمَّدَهُ فِيهِ يُوحَنّا المَعْمَدانُ، إلَى الوَقتِ الَّذِي رُفِعَ فِيهِ يَسُوعُ عَنّا. إذْ يَنبَغِي أنْ يَكُونَ هَذا الرَّجُلُ شاهِداً مَعَنا عَلَى قِيامَتِهِ.»

23 M arkaasay laba iska soo saareen, kuwaas oo ahaa Yuusuf oo la odhan jiray Barsabaas ee naanaystiisu ahayd Yuustos, iyo Matiyas.

فَرَشَّحُوا رَجُلَينِ: الأوَّلُ هُوَ يُوسُفُ الَّذِي كانَ يُدعَى بارْسابا، وَيُعْرَفُ أيضاً بِاسْمِ يُوسْتُسَ، وَالثّاني هُوَ مَتِيّاسُ.

24 K olkaasay tukadeen oo yidhaahdeen, Rabbow, adigoo garanaya qalbiga dadka oo dhan, na tus labadan kaad dooratay,

ثُمَّ صَلُّوا وَقالوا: «يا رَبُّ، أنتَ تَعرِفُ قُلُوبَ الجَمِيعِ، فَأرِنا أيّاً مِنْ هَذَينِ الاثنَينِ قَدِ اختَرتَ

25 i nuu galo meeshii shuqulkan iyo rasuulnimadan oo Yuudas ka dhacay inuu meeshiisa tago.

لِيَكُونَ خادِماً وَرَسُولاً مَعَنا فِي المَكانِ الَّذِي تَرَكَهُ يَهُوذا لِيَذهَبَ إلَى المَكانِ الَّذِي يَستَحِقُّ.»

26 M arkaasay u saami riteen; saamigiina wuxuu ku dhacay Matiyas; oo isagana waxaa lagu daray koob-iyo-tobankii rasuul.

ثُمَّ أجرُوا القُرعَةَ بَينَ الرَّجُلَينِ، فَوَقَعَتِ القُرعَةُ عَلَى مَتِيّاسَ، فَأُضِيفَ إلَى الأحَدَ عَشَرَ رَسُولاً.